Markabka Hubka Culus Sida ee Ku Afduuban Xeebta Somalia Waxa Iska leh Ganacsade Yuhuudiya.

Markabka Hubka Culus Sida ee Ku Afduuban Xeebta Somalia Waxa Iska leh Ganacsade Yuhuudiya.
 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan Magaalada Jeurasalam ee dalka Israel ayaa sheegaaya in Markabka MV Faina ee hubka sida ee kuna afduuban xeebaha ceel-Huur ee Gobolka Mudug (Somalia) uu iska leeyahay Ganacsade Yuhuudi ahi.
 
Markabka oo la saadaalinaayo in dhawaan sii daayo ayaa waxa la sheegay in ay leedahay Sherkadda la yidhaahdo Tomax Team Inc oo ka hawlgasha dalka Ukrain, Shaqaalaha saaran ee ka shaqaynaaya Markabka ayaa u dhashay dalka Ukrain & Latvia.
 
Xogtan la helay ee ku saabsan lahaanshaha Markabka iyo Shixnada saaran ayaa tilmaamaysa in Markabkaan oo manifestada uu wado ay ku qoran tahay “GOSS” macneeheeduna yahay (Government Of South Sudan), taa soo caddeynaysa in hubkaas ay iska leedahay Dawlad Goboleedka Konfurta Sudan, waxaana la sheegay in sirdoonka Yuhuudu ay qandaraas ku siiyeen Ganacsade Yuhuudi ah oo la yidhaahdo Vadim Alperin kaas oo ka iibsaday Markabka dalka Ruusha xiligii uu talada hayey Madaxweynihii Mr.Boris Yelsin, iyada oo Markabkii lagu diiwaan geliyay Belize Flag, Ganacsadahan ayaa waliba leh tiro Maraakiib oo ah nooca Guur-guura ee Dushooda lagu Khamaaro ee loo yaqano Casinos, kuwaas oo inta badan laga helo dalalka Khaliija. Tijaarta Carabta ee Khamaarkaa sida ba’an u cayaaraha ayaa Macmiil joogta ah u ah Maraakiibtaa.
 
Mr.Vadim Alperin ayaa saraakiisha sirdoonka Yuhuuda ugu yaqaanaan “Walaalka Mosaadka” (Mosaad is Isreal Intelligence), taa soo ka dhigan in uu xidhiidh dhaw oo wada-shqayn la leeyahay Sir-doonka Yuhuuda, waxa uu ka soo haajiray dalka Ruushka. waxa kale oo uu faraha kula-jiraa Meherado Ganacsi ah oo uu ku maldaho shaqooyinka uu u qabto Sir-doonka Israil, kuwaas oo kala ah gancsiga hilibka ee Kenya iyo Goobaha lagu Khamaaro (Casinos) oo ku yaal Masar, Urdun, Sacuudiga, taraba waxa la sheegay in uu 4 ilaa 5 jeer oo shixnado hub ah geeyay dekadda Mombasa.
 
Xukuumada Sudan ayaa hore ugu eedaysay Israil in ay hubeyneyso,isla markaana tababrayso Mucaaradka Koonfurta iyo kuwa Daarfuur ee dalka Sudan.
 
Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaaya in shixnad hub ah ay ku soo degeen magaca Dawlada Ethiopia isla markaana loo gudbiyey Konfurta Suudaan, iyada oo hubkaas la sii marsiiyo dalka Uganda oo bakhaaro iyo xeryo CiidaN ay ku leeyihiin Mucaaradka Sudan.
Wararka ayaa sheegaaya in Sirdoonka Sudan ay dhawaan su’aalo ka weydiiyeen xaaladda Markabka Danjiraha Kenye, waxa kale la oo soo wariyey in Madaxweyne Al-Bashiir, Ku-xigeenkiisa Ali Osman Taha iyo wasiirka arrimaha Debada aaanay ka qayb geli-doonin shirka IGAD ee 27-28 bishaan, waxa ay soo wakiisheen Wasiiro dawlaha dalkooda Mr.Ahmed bin Abdallah Al-Mohamoud.
 
By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.Sooldhuub@hotmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.