Dhul-baa is-diiwaan-galintiisa Awdal iyo Gabiiley isku haystaana?

Dhul-baa is-diiwaan-galintiisa Awdal iyo Gabiiley isku haystaana?
 
Anaa Aabooy ku badhi, sawta hadana mar kale la ii hoosaa-ligiseeyay maaha!!!! Dhulkan labada gobol ee Awdal iyo Gabililey isku hayaan maxaa afratii ama shantii sano ee kasoo wareegay doorashadii hore loo xalin waayay, hadaan wax kale jirin ?.
 
Anaa Aabooy ku badhiyeey ma hadaa mar kale hadana dadkaygii deganaa Awdal iyo Gabiiley la iskugu dhiibayaa hub oo la isku dhidhinayaa, Aheey ah! Dadka degan labada gobol ayaa ishooda loo dhacay! Horta Akhristoow intaa yaree tirtirsiga iyo dhaliishaba ah ka dib bal hada ila eeg, dadka dega labada Gobol, waa Awdal iyo Gabiiley-e halka ay kaga jiraan bulsho-weynta reer Somaliland iyo weliba Muraayada ay u yihiin Dalka Somaliland intiisa kale.
 
Labada Gobol, waa Awdal iyo Gabiiley-e waxa ku nool oo ilaahay ka biqliyay oo laga helayaa  90 % ama ka badanba bulshoyinka kala duwan ee ku dhaqan dhul waynaha kale ee Somaliland oo dhan, bal ila eeg aan Galbeed ka bilownee, waa Ciise, Samaroon, Gurgure, Akisho, bulshooyinka laga tirada badan yahay ee kala duwan  (Tumaal, Gabooye iwm) Madigaan, Isaaq, Daarjire (daarood)  iyo qaar kale oo badan, oo dhamaantood isku milmay oo noqday dad ka duwan dadkeena kale ee reer Somaliland, waxa ka unkanmay isku qoofalkaa bulshooyinka ama beelahaa badan, hab nololeed ka duwan kii dadkeena kale ku nool yahay ama noolaan aan jiray,  waa ” habka Qodaalka ah-e”, waxa kale oo ka bilaabmay caadooyin iyo lahjado horleh oo hodan ah  oon dalka intiisa kale laga aqoon, waxa taasi kuugu filan Magaca sare ee sheekadan oo kali ah, bal dhadhanso erayadan ” Anaa Aabooy ku badhiyeey, Huuno ”. May jiraan meel kale oo laga yaqaan oon ahayn qodaalka iyo labadan gobol? ma malaynayo.
 
Dadka labada Gobol degaa waza ay is bedel aan hore loo arag ku sameeyeen dhaqankeenii guunka ahaa ee reer Guuraanimo, oo ay inta ay ka digo-rogteen kolba dhan u yaacii inoo horseedeen inaynu xasilino nolosha, oo aynu samaysano Raas iyo Rug ma guurto ah, halkii aan kolba roob iyo hilaac daba cararaynay ee degaanta ama nabaadka ka soo baxana guluf iyo colaad isku dhamaynayanay, waxay inoo tuseen labada gobol in si kale oo ka fudud sidaa oo ka nabad iyo barwaaqo badan la heli karo,  oonad ifkan si aad ugu noolaato ku khasbanayn inad wax disho ama ha lagu dilo! waa tii reer guuraaga iyo geela-e.
 
Laba sac oo la maalo,  Qindi ama qar la meeraro, Qoodi dhul ah oo la qoto, Sagaro yaroo uudka iyo caleenta beerta lagu soo daabulo oo aqalkuna ku dhex-yaal iyo balay ama ceel ama jidhaan laga cabo ayaa ay ka heleen oo ka sameeyeen, wax ka badan waxii ay heli jireen markii ay Geela boqolka halaada kolba meel ula guuri jireen, ama waxii Cawl-ku waayay, Xasuuso ” bur dareemo ah, balay ku ag-yaal, baadi doonyoo biciidkuba waa!” waa dhab inay sameeyaan oo suurta galiyeen taasi dadka labada Gobol degaa, waxa ay dadka labadan Gobol-i dabargooyeen in loo daaduumo gaajo darteed, sida aad kolay maqashay ma dhacdo ama waa ay yaraatayba macaluushii laga sheekayn jiray oo kolay intii dhulka la bartay qodistiisaba waxa loo helay taasi gaashaaan adagoo caabiya oo waa dalaga beeraha ka soo go’ a  ee Amad iyo Hadaar-ba leh.
 
Labadan gobol wax-soosaarkoodaa beeraha ah ee ay sameeyeen waxa uu u horseeday inay  kaalin muuqata oon laga maarmi karin ka galaan, koboca iyo saldhigashada iyo weliba dhiirigalinta dhaqaalaha qaraankeena Somaliland, heer tuulo, degmo, Gobol iyo Qaranba, iyaga oo weliba inoo hakiya ama joojiyay lacago badanoo dibada inooga bixi jiray, iska daa wax kaloo Jaad-ka Doolar-kii inagaga bixi jirtay ayay qayb wayn hakiyeen! isla deganaantaa iyo ma guuraan-nimadaa darteed waxa kale oo suurtagal u noqotay labadan Gobol inay xaga waxbarashada guud ee qarankana meel wayn bishlaan oo laga sameeyo dugsiyo badanoo soo saara dad waxbarasho qaneecaad badan laga helay soo qaatay..
 
Isku soo duuboo, Labadan Gobol waxay u yihiin dalkeena hormood iyo hirasho aan mahadinay oo mudan in la dhiirigaliyo oo lagaga daydo, waxase jira hadaba oo cawodaro ah, malaha, nimco kastaaba nusqaan lehe, saluug aan la qarin karin oo dhex hawaara bulshadan Galbeediga ah!! Saluugaasi oo ah, in kolba nin qarad lehi uu Xareedaa iyo Miidaa macaan ee ay samaysatay bulshadaa Galbeediga ahi , waa dadkan degan labadan gobole, ka dhooqeeyo! oo la iska ahorkeeno oo la isku diro, Labadan gobol dadka degani waxay aad ugu nugul yihiin dhulka oo ah halka ay kala soo baxaan nolol maalmoodkooda, waana bartaa  meesha uu kolba ninka MUNAAFAQA ah ee  qoriga dabka ah la wareegaa uu ka taabsiiyo, waana nasiib daro in maanta oo aynu leenahay qaran Somaliland ah, oon ahayn mid shisheeye hogaankiisa hayo oo uu inagu kala fogaynayo sidii kuwii ina soo maray ( ex-somaliya), aynu hadana kolba damqasho iyo xanuun hor leh dareeno oo dad isla inaga ahi waa reer Somaliland, ay doog iyo caabuq kicinayaan,  halkii ay ka dhayi lahaayeen Boogihii aan ka dhaxalay waxii la odhan jiray Somaliya ee isku keen dirtay, nabaro cusubna ka hor tagi lahaayeen.
 
Labada gobol dadka degaa aad bay ugu  xeel dheer yihiin sida dhulka loogu kala hagaago, oo Xadhig, Xusul iyo Taako ayay ku kala qaydaan Madayaasha beeraha,waxase meesha ku jira wax kale! hadaanay ku jirin wax kale maxaa marka doorasho  jirta uun loo soo nooleeyaa carqaladaha shuleed ee la irmaanaynayo isku haysigooda. Bulshada sharafta leh ee ku dhaqan Guud ahaan Somaliland waxan odhan lahaa nabada iyo kala danbaynta hala wayneeyo, labadan gobol ee Awdal iyo Gabiileyna waxan odhan lahaa, Huuno oo Huuno yaan dorashooyinkaa wax kale la inoo soo raacin, waynu naqaan tabta iyo xeelada dhulka lagu kala madeeyo, inagaa macalin ahee yaynaan kaalinteena gabin. I-iinyo iyo diidnay dagaal iyo colaad. Dhulka si qodaalnimo ha loogu kala baxo, oo yaanay Siyaasad kala jiidisi soo dhexgalin.
 
Intaa iyo nin meeshi la saraaba Huuno tahay taladii dheh.
 
 
Somaliland ha Jirto oo ha Joogto weligeed.
 
 
Cali Cumar Xasan

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.