Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo markii u horreysey ku Hambalyeeyey waxa ay qabsatay Somaliland

Jabuuti (Somaliland.org) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii u horreysey ku hambalyeeyey Somaliland nabadda iyo dowladnimada ay haysato muddada 17ka sannadood ah ee Soomaaliyadii ay ka midka ahayd burburka iyo colaadaha ay ku sii hoobanayso.

Madaxweyne Geelle waxa uu ku soo qaaday Somaliland khudbad uu u jeediyey dadkiisa munaasibadda Ciiddul Fidriga maanta, taas oo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo wadahadalada dalkiisa ka socda ee lagu dhexdhexaadinayo Isbahaysiga la baxay Dib u xorraynta Soomaaliya iyo Dowladda Cabdillaahi Yuusuf madaxda ka yahay ee Baydhabo, waxana uu tusaale u soo qaatay nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland iyo sida ay ku gaadhey, isaga oo tirtirsiyaya ama guubaabinaya kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya.

“Raggaa agtooda ah ee Somaliland hambalyo, hambalyo iyo bogaadin bay muteen. 17kaa sannadood marka ay ka badbaadiyeen halaagga dadkooda. Laba shir oo keliya hadday intay qabsadeen ay dhammaysteen nabad iyo degganaansho ay ku noolaysiiyeen dadkoodii ixtiraam bay mudan yihiin,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Waxana uu sheegay in loo baahan yahay inay ku daydaan kuwa Soomaaliya oo ay is weydiiyaan sida ay ugu suuragashay inay midoobaan muxaafid iyo mucaarid, Guurti iyo odayaal, isla markaana khilaafkasta oo yimaadda wadahadal ay ku dhammaysanayaan iyadoo aan hub la isu qaadan.

Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu tilmaamo hoggaamiye si weyn u daneeya in mar kale dib loo mideeyo Soomaaliya oo Somaliland ku jirto, isla markaana ololaha uu ugu jiro gaadhitaanka ujeeddadaasi ay sababtay dhawr goor xurguf siyaasadeed oo dhexmartay Somaliland iyo Jabuuti, waa markii u horreysey ee laga maqlo ammaanta Somaliland.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.