Xusuusqorka Muhaajirka:Ha La I dhoofsho Ama Waan Tahriibi!

Akhristayasha sharafta badan ee Lughayanews iyo dadkayga meelkasta oo ay joogan waxan hawada idiin soo marinaya salaanta ugu qaalisan aduunka ee ah asalaamu calaykum. mahad waxa iska leh ilaahay ii ogolaaday inaan ka waramo waayo badan oo i soo maray  iguna reebay xasuus badan amaan iyo hanblayana waxa iska leh bahda iyo shaqaalaha Lughayanews oo u hagarbaxay inay noqdaan hoy lagu nasto.

Intaa ka dib saaxibalyaal maahmaah Soomaliyeed baa ahayd Ragu ba’ooda ayuu ka sheekeyaan Dumarkuna badhaadhahooda. wali ma ku fikirtay waayo badan oo ku soo maray inaad ka waranto una sheegto dad badan oo aan arag ama maqal magacaygu waa Mustafe Carab Amare waxan ahay 25jir  wiil Somalilander ah kana soo jeeda gobolka Awdal. intaan noola waligay habeena kuma fikirin inaan tarhriibo ama nolol xun galo . laakiin xaaladaha kala duwan iyo wakhtiga ayaa waxwalba  badaya waxan ka mid ahaa ardayda jaamacada Camuud kuna firijiray inaan dalkayga wax u qabto dadkaygana ka dhexmuuqdo waxan suncad iyo magac weyn ku lahaa degaanka aan ka soo jeedo. waxanan inta badan ku taami jiray horumarka iyo hawlaha dhalinyarnimada waxan aasaasay ururo badan waxanan ka qaybqaatay barnaamijyo badan oo lagu dhiirigalinayo bulshada.

Akhriste nolosha macaankeeda waxa garan kara qof waayey sida nabadgalyo, caafimaad,waxbarsho iyo wax la mida. waxan maalin maalmaha ka mid ah goostay inaan tahriibo taasi oo yaab iyo amakaag ku noqotay qoyskayga iyo asxaabtayda. qoyska aan ka soo jeedo ayaa ahaa kuwo ila jecel inaan waxbarto ka dibna aan dalkayga wax u qabto laakiin fikirka aan qabo iyo xanuunka i helay ee buufiska ayaa ah mid aan goostay inaan baxo oo aan yurub aado taasi oo aanay jirin ehel iyo walaal  igu talo ama dhaqaalesiiya safarkayga. bilnasiib waxan qaatay hanti yar oo aan lahayn waxan isla week gudahood ku diyaarsaday inaan hawlahayga dhamaysto laba talo mid baa i hor timid inaan aado South Africa iyo inaan aado Europe. laakin talo waxay ku soo ururtay inaan yurub aado waxanan safarkayga ka bilaabay magaalada Bererbera.

Waxay ii ahayd maalin xasuus badan waayo  markaan yaraa waxan aad ugu hamiyi jiray inaan mar uun diyaarad raaco waan maalintii iigu hioraysay ee aan lugahayga gasho diyaarad u socota magaalada dubia waxayna ahayd 08\03\2006 maalin Arbaca ah diyaarada African Airways. waxan transit ku soo maray magaalada dubai oo ah center ay iskaga gudbaan diyaarado badan. dubia waxan ku maqli jiray sheeko lakiin maalinka waxan ku arkay live waa meel runtii aad iyo aad ii cajabisay waliba ma hayo intaan soo socday madaar la mida ama la dhigma saacado badan ayaan joogay hoolka loo yaqaan transit hallka waxan niyeystay inaan dubia anoo sharci wata mar uun ku soo laabto maalin ka dib waxan imid dalka Suuriya waxana halkaa igu soo dhaweeyey asxaab badan Suuriya.

Xaqiiqdii waxan joogay saacado yar oo u badnaa habeen isla markaa kamaan qaadan fikir badan waayo gaalka aan u socdo ayaa waxa uu ahaa inan yurub ku tago wax ka yar 15cisho waliba marka waxa aad loo amaani jiray dalka Norway.

Akhriste aniga oo ku labisan dharkii aan Berbera kaga baxay ayaan goostay inaan baxo laakiin qabowgii iyo socodkii badna ee buuraha dhaadheer ee u dhaxeeya Suuriya iyo Turkiga ayaa i xasuusiyey inaan durba soo galay nolol rafaad iyo silic badan aniga iyo shan wiil oo ila safar ahaa ilaa Berbera ayaa soo gaadhnay dalka Turkiga anaga oo aan maalmo badan cunto cunin roob aad iyo aad u badana uu nagu da’ay kaas oo badalay muuqayagii. waxan soo soo gaadhnay dalka Turkiga wali waxaad tahay qof ku jira dhuumasho waayo hadii lagugu qabto xuduuda  Suuriya iyo Turkiga waxaad dib ugu laaban kartaa Berbera laakijin mar hadaad soo gaadho maagalada Istanbul waxada tahay xor ah.

Istantul maaha sida magaalooyinka qaar lagu waydiinayo sharci ama lagu gaysanayo dhibkale akhiriste markaan yaraa waxan dugsiga ku dhigtay caasimado badan waxana ka mid ahayd caasimada Turkiga oo ahayd istanbuul laakiin kamaan war qabin in laga badalay caasimada oo hada ay noqotay Ankara waxan ku war helay markaan imid Turkiga.

Turkiga waxan joogay mudo ah bil waxanan kala kulmay waayo aragnimo badan waa meel runtii aad iyo aad u qabow waxyaalihii aan kala kulmay waxa ka mid ahayd lacagta Turkiga oo magaceedu ahaa million hadana millionkaasi oo ay ka qiimo badan tahay lacago badan,dadka Turkiga oo ahaa dadka intaan noola ugu sigaarka cabka badan akhriste ila qosolo markaan joogay Borama waxan aad iyo aad u jeclaa baastada waxnan jeclaa habeen iyo maalinba inaan baasto cuno laakiin markan Turkiga joogay ayaa noqotay maalinwalba inaan baaso cuno taas oo iga badashay jaceylkan jeclaa baastada waayo dadka guryaha ku nool oo badan iyo karinta baastada oo fudud ayaa guri kasta lagu cunaa baasto.

Mudo ka dib ayaan soo baxay waxana uu ahaa safar runtii murugo badan kaas oo aan ugu soo baxaynay dalka Greece waxa lagu saaraya gaadhi loogu talo galay 10qof ayaa la saaraya 100qof waxaad lugaynaysaa saacado badan oo qabow iyo mugdi ah waxan ku wada niman mukhalasiin  ah oo Kurdi oo asal ahaan ka soo jeeda turki waxan xasuusta dumar badan oo looga tagay banaan cidlo ah oo socon kari waayey waxan xasuusta rag badan oo daadshay sahaydii iyo dharkii ay wateen tamarlaan awgeed Turkiga iyo dalka Giriiga waxa  ku yaala webi kaas oo ah xuduudka kala badha labada wadan waxana lagaga gudbaa laashah bac ah ama doonyo lakiin jaaniska ugu badan ayaa ah hadaad webigaa dhaafto inaad rajadaadu fiican tahay bilnasiib waan dhaafnay anaga oo faraxsan oo rajaynayna inaan caawaba fuulno gaadhi nooca xamuulka qaada oo na gayn lahaa caasimada dalka giriiga ayaa nalagu qabtay dhinaca giriiga waxana naloo qaaday xabsi ku yaala malaago la yidhaa iskandarboli waa xabsigii iigu horeeyey ee aan galo intaan noola maalmo yar ka dib waxa naloo soo ceshay xaga Turkiga halkaana waxa nagu qabtay askarta Turkiga waxa naloo qaaday xabsi ku yaala xuduududa Turkiga ka wadan ahan waxa xaga jeelka fiican dalka giriiga lakiin anaga oo is leh waxaad joogtaan wadan islaam ah oo maqlayna eedaan ayaa nalagu bilaabay dil iyo baadhasho waxana nalaga qaatay waxan sahay wadanay saacadihii iyo mobiledi waxan naloo qaaday xabsi caan ka ahaadalkaasi Turkiga oo loo yaqaan shaaroon.

Illaa mudo 15cisho ah ayaa halkaa ku jirnay waxana layga waayey war inaan noolay iyo inaan dhintay. maalmo ka dib ayaa nala siidaayey waxanan dib ugu soo laabtay istanbuul oo ah aaga tahriibta waxanan isla markiiba goostay inan safar kale aado laakiin markaan imid guri nalaga qaadayey ayaa hadana halkii anaga oo sugayna gaadhigi na qaadi laha waxa noogu timid askartii waxa nalagu dhahay lacag bixiya oo is furta ama waxan idin qaadanaynaa xabsi bil nasiib waxa naloo qaaday xabsi ku yaala gudaha istanbuul halka waxan kuxidhnaa 7cisho ciilkii iyo muraaro dilaaci ayaa rag badan goosteen inay hada noqdaan lakiin aniga way igu adkaatay inaan soo laabto maadama ay iga baxday kharash badan wali waxa ii muuqda yurub mar saddexaad ayaan safar kale ku soo laabtay anagaoo ah 70qof ooa an Soomali ku nahay 16 qof ayaa nalagu qabtay gudaha dalka Giriiga.

Akhriste waa maalin aan islaha waxa aad ilowday xanuun badan oo yaala xuduuda Turkiga iyo Giriiga dad badan oo Turkiga joogana ay lahaayeen Mustafe wuu galay ama waa guulaystay 10 saacadood markaan soconay ee ay noo hadhay 7saacdood ayaa nala qabtay waa maalin aan islahaa maanta waxa kugu danbaysa nolol waayo dirawalkii gaadhiga ayaa joojin waayey waxa nalagu eryanayaa baabuur badan waxa naloo tumayaa hoonka istaag, istaag lakiin waa diiday waxana isku dayey inuu   baxdsado gaadhiga aan saaranahay waxa naguxidha quful kamana baxsan karno waxa nalagu bilaabay xabad waxana laga toogtay gaadhiga aan saarnayn taayirka danbe waa is taagay laakiin waxa aan ka dhacnay meel wadada ka baxsan gaadhigu waxa uu  gudaha  ku lahaa laba raraar waxana jabay qaybta sare isla halkaa waxa ku dhaawacmay dad badan Aniga waan dawakhay waxana layga soo qaaday gudaha Aniga oo mayd ah waxa nala geeyey Hospital waxana naloogu yeedhay dhamaan saxaafada magaaladii aan joognay waxan xasuustay dardaarankii hooyaday  lahayd meesha ha marin ha tagin waa halis waxanan dib u qoomameeyey inaan qalad ka galay wadankaygii aan nimcada badan ku haystay  akhriste waan rajaynaya in nala cafiyo laakiin waxa ka danbeeyey in nala geeyo meel ay iyagu yidhaahdan kaam laakiin ahaa jeel kor iyo hoosba ka xidhan waxanan halka ku soo qaatay waayo aragnimo badan.

Waxa in badan igaga daadagi wayday nolosha aan ku jirayo 3bilood waxa war iyo wax aan ku suganahay iga waayey reerkaygii waxana diyaar u noqon gaadhay in lay axmo oo layga quusto waxan soo baxay 3bilood ka dib Aniga oo dhego xidhan oo aan aduunkaba war ka hayn waxan hada u sii socdaa caasimada Greece oo ah meel aan aad u jeclaa in badana ku fikiri jiray inaan mar uu gaadho Athens. waxay igala qaalisnayd  waxkasta waxanay ii ahayd ayaan odhan karaa U.S.A waxay hada athens ii jirtaa ilaa 17saacadood waayo waxan jooga xuduuda. waa meesha ay iiga bilaaban doonto qosol iyo rafaad kale.

Tareenka athens i gaynaya waxa lagu raaca lacag ah 35euro oo u dhiganta ila 50$ laakiin ka soomali ahaan qaar baan haysan Anigu lacag waxan wataa ilaa 200$ laakiin waxan joogna saacado la xidhay meelkasta waxana nagu adkaatay in naloo sarifo lacagtan  doolarka ah yaab iyo amakaag baa nagu dhacay luuqada giriiga ma naqaan  waxan helnay nin Turkey  ah oo maglaada degan waxana uu naga caawiyey sidaan u heli lahayn lacag tareenka ku raacno xalka hada noogu dhow muxuu yahay?.

Xalkii noogu dhawaa ayaa noqday in masaajid ku yaala magaalada koonfurta giriiga ah aan ka dawarsano oo ka kacno oo aan waydiisano in tareenka Athens aadaya nalaga bixiyo waana naloo ururiyey waa sidee dareenkaagu sxb adoo masaajid ka dawarsanaya Boramana ahaa nin madax ah hada waxan u soo soconaa caasimadii Giriiga ee athens waana qaybta sheekadan igu dhacday ugu macaan ee la soco.

Waa Qalinkii:-
Mustafe Carab Amare
Athens Greece mobile: 00306996678344
mustafekhadar@live.com

Xigasho: Lughayanews

This entry was posted in Other. Bookmark the permalink.

Comments are closed.