Wararka Wargeyska OGAAL, Axad: “Faransiiska inaynu wax kala iibsanaa waa daruuri laakiin maalin kaliya wax laguma kala iibsado”

Hargeysa (Ogaal) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa shalay galinkii dambe dalka ku soo laabtay, ka dib markii ay soo dhamaysteen safar ay ku soo mareen wadamo dhawr ah oo ka mid ah qaarada Yurub.
Madaxweyneha oo ay Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Ku-xigeenka, Golihiisa Wasiirada, Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo dadweyne kale, waxa uu ka waramay waxyaabaha u soo qabsoomay iyo rejada uu kala yimi meelihii uu soo maray. “Faransiiska waxaanu la kulanay lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Afrika oo muhiim ah oo aanay wadamada kale ee Yurub aanay lahayn, kaas oo ah nin awood gaara leh oo aanu kula kulanay Madaxtooyada Faransiiska lafteeda. Waxaanu iska waraysanay xaalada mandaqada iyo Faransiisku waxa uu inala qaban karo. Waxaan u arkay kulankayagaas runtii way ogolaayeen qolada Faransiisku in ay wax inala qabtaan. Waxa kale oo aanu la kulanay nin u qaabilsan Faransiiska Arrimaha Afrika iyo Indiyan Ooshinka, falanqayn badan ayaananu ka wada galay xaga budhcad-badeeda iyo Faransiisku muxuu inala qaban karaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Isla markaana waxa uu sheegay in Faransiisku uu balan qaaday in uu gacan ka gasanayo dhinaca kobcinta dhaqaalaha Somaliland. “Faransiisku waxa uu balan qaaday xaga dhaqaalaha maadaama uu Midawga Yurub Guddoomiye ka yahay sidii wax la inooga tari lahaa ee gacan la inooga siin lahaa, weliba waxyaabaha kale ee aanu Faransiiska ka wada hadalay waxa ka mid ahaa. Had iyo jeer Soomaaliya ayaa la inagu xidhiidhiyaa oo iyada oo wixii aynu lahayn iyada la wada siiyay hadana dambiyada Soomaaliya ayaa la inagu wada qoraa, oo la inama kala saaro marka uu caalamku taa xisaabinayo, taana hoos ayaanu ugala hadalay Faransiiska, waanu balan qaaday in uu labadeena gaar inoo kala qaadayo.”
Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu sheegay markii uu ka gudbay in uu Jarmalka caafimaad u joogay muddo laba maalmood ah, ka dibna uu u amba baxay Ingiriiska. “Ingiriiska hawl muhiim ah ayaan u tagay, waatan Baddii cakiran ee Budhcad badeedu ay ku badatay, dhibaatada ka jirtaana waxa weeyaan in Maraakiibtii la yidhaahdo Soomaaliya lama tagi karo IMO waanu la kulanay, waxaanu kala hadalnay in inaga iyo Koonfurta Soomaaliya laba la inoo kala arko, waxaanad moodaa in ay dadkani inta badan ku shaqeeyaan go’aano UN-ta ka soo baxa oo Soomaaliyana meel ay ku taalo aanay garanayn.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu ku dooday in tagista iyo kulamada ay la yeesheen ururada ka hawlgala marinada Badu ay fursad u tahay kala ogaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo intaa ku daray in ay la kulmeen dad u olloleeya qadiyada Somaliland. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in dalka Itoobiya oo uu Jimcihii yimi, isla markaana uu la kulmay Wasiiru-dawlaha arrimaha Afrika, kaas oo uu sheegay in ay iska xogwaraysteen xaaladaha Geeska, waxaanu xusay in uu si gaar ah mar ugu noqon doono Itoobiya.
Warbixintaa kooban ka dib Madaxweynaha waxay wariyayaashu waydiiyeen su’aalo la xidhiidha Safarkiisa iyo kuwa kale, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxa ay u dhaceen sedan:

S: Dagaalkan caalamiga ah ee argagixisada lagula jiro Somaliland kaalin wayn ayay ka qaadatay, oo taa shaki kuma jiro, waxaanay ku darsatay tii Budhcad badeeda oo qaar badan oo la qabtay waa la xukumay. Dunidu waxa weeye hoo oo I sii oo kaalmahaas dalalka ka hawl-gala wax bay taraan. Markaa, siyaasiyan, dhaqaale ahaan iyo difaac ahaan maxaa faa’iido ah ee Somaliland ka soo galay?
J: Horta aduunkan aan ku noolahay waxyaabo badan siyaabaha aynu u haysano uma jiraan, matalan hadaynu u haysano inaynu inagu wax badan oo badan oo fiican qabsanay, inaka ayaa qabsanay, taa waxba la inagu siin maayo. Laakiin, waa lagama maarmaan in aynu abuurno dano (interest) dadyawgaa inaga dhaxayn kara oo aynu wada qabsan karno. Waa ka mid hadaanu ka qayb-galo dagaalka Budhcad-badeedka oo aan qaybteena ka dagaalano, waxyaabaha danaha inoo abuuraya ayaanay ka mid yihiin.
Faransiiska oo kale runtii waxaan odhan karaa iyaga ayaa ugu geesisan oo la dagaalamayba, qolyaha kale way agjoog-joogaan baan odhan karaa. Qolyahaa waxa inooga iman doona Wufuud Faransiiska, haddii Illaahay yidhaahdo Mustaqbalka, wakhtiga imika ma sheegayo. Golaha Odayaasha ee Faransiiskana waanu la kulanay, waxyaabo badan ayaanu kala hadalnay, inay meelo badan inooga hadlaan oo ay gacan inaga siiyaan iyaguna waxa ay qaban karaan inala qabtaan. Markaa danaysigaasi waa waxyaabaha socda, marka laguu baahdo ayaa lagu ogaanayaa ee hadaan laguu baahan ciddi ku ogaanmayso.
S: Madaxweyne, socdaalo hore ayaad Maraykan, Yurub iyo Afrikaba ku tagtay, meesha cusub ee aad doorkan tagtay waxa ay ahayd Faransiiska. Markaa Faransiisku muxuu kaga duwanaa wadamadaa hore ee kulamadii aad la yeelatay Madaxda Faransiiska kaaga dhex muuqday?
J: Ta Faransiisku waxa ay kaga duwan tahay ayaan odhan karaa, horta Safaaraddii Faransiisku way inoo fureen, oo awal halkaa kumaynaan lahayn, si gaar ah ayaanay inoogu fureen. Weliba waxa laga yaabaa in Safaaradda halkaa aynu ka furnay in ay muuqaal ka duwan meelaha kale ee ay inooga furan yihiin. Laakiin wakhtigeeda ayaan u daynayaa oo in aan ka hordhaco diyaar uma ihi wakhtigan.
S: Waxa jira baryahan dambe warar soo noqnoqonaya oo sheegay in Shaqada Wasaaradda Arrimaha dibadu ay u badan tahay Wasiirka oo kaliya, oo Xafiisyada Wakiillada wadama oo kale shaqadoodi aanay sidii hore ahayn. Markaa Adigu miyaad la dhacsan tahay Shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibada, mid Xafiis Goboleed iyo mid Wasiirba?
J: Wallaahi, Wasiirku waa ku roonyahay ayaan aaminsanahay shaqadiisa, balaayo wayn oo ka jirtaana ma jirto.
S: Waxa la shaaciyay intii aad maqnayd in Madaxweynaha dalka Kiiniya marti-qaad kuu fidiyay. Markaa marti-qaadkaa ma tagaysaa, goorma ayaadse tagaysaa?
J: Marka uu si gaar ah iigu soo diray ayaan tagi doonaa haddii Illaahay yidhaahdo, horena waaban u tagay.
S: Madaxweyna, waxa jira Wakiillo wadama dibada, badiba dadka reer Somaliland ee qurba-jooga ah iyo qaar ka mid ah dadka halkan joogaa waxa ay dhaliilaan dhaq-dhaqaaqooda shaqo iyo doorka ay ka qaadanayaan Ictiraafka Somaliland, in badana xogogaal ayaa u tahay oo waad booqatay wadamadaasi. Shaqadooda sideed u aragtaa mase ka wada-hadasheen haday wax ka bedal u baahan tahay iyo haddii kaleba?
J: Horta qolada Wakiillada eedaynaysaa in ay iyagu wax la qabtaan ayay ahayd, iyaga ayaa dhulkaa degan, ninka meesha jooga dhaqaale badan anagu uma hayno ee tabaruc ayuu ku shaqeeyaa, intay dhaliilayaan in ay iyagu wax la qabtaan ayay ahayd. Qurba jooguna kala duwanaansheheena Xisbiyada ee halkan ayay ku dhex milmaan, Anigu fariinta kaliya ee maalin kasta oo aan tago u sheegaa waxa weeye qadiyada Somaliland mid u ahaada ayaan u sheegaa run ahaantii, waana waxa kaliya ee ay ku wada shaqayn karaan, oo haday ku wada shaqeeyaana ay wax badan qaban karaan. Qof meel kaligii jooga oo aan haysan adeeg badan, oo aan haysan dhaqaale badan bulshadeena halkaa (qurbaha) joogta ayaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan. Markaa waxaan qabaa haday qoladaasi (qurba-joogu) dhaliilayso dhaliisha iyaga ayaa inta badan yeelanaya.
S: Marka laga yimaado dhaqaalah, waxa ugu weyn ee ay Somaliland u baahan tahay waxa weeye Ictiraafka raadinta, Safaro badan ayaad Adiga iyo Xukuumadduba ku tagteen Yurub iyo Maraykanka, waxaanay dalalkaasi qadiyadeena u soo riixaan xaga Midawga Afrika. Markaa ma la odhan karaa siyaasadeenii dhinicii Afrika way ka gaabisay oo waxay ku soof daran habawday Yurub oo kaliya?
J: Horta marka u horeysa Afrikana maynu dayicin ee illaa Galbeedka (West) Afrika illaa Bariga (East) Afrika Aniga ayaaba socday oo Afrika laftigeeda albaabadeeda waanu garacaynaa. Hadaan imika dib kuugu noqdo Wasiirkeena Khaarajigu waxa laga yaabaa inuu dhawaan dal Afrika ah tago marka uu tago ayaanad ogaan doontaan oo imika kama waramayo, qaar Afrikaan ah oo qadiyadeena iibinaya inaanu Ingiriiska ku aragnay ayaa suuragal ah. Markaa inaga waxa la ina saaray in aynu albaab kasta garaacno, bahasha si sahlan lagu heli maayo, barigii hore ayaynu si hadyad ah oo sahlan u dhiibnay. Markaa hawl badan ayay inagu qaadanaysaa inaynu soo celino. Markaa albaab kasta oo Yuruba, oo Afrikaan ah iyo Maraykan inaynu garaacno waa waajib ina saaran.
S: Waxa la sheegay in Faransiisa oo aad tagtay, labadii hawl-gal ee uu ku soo furtay Maraakiibtii Budhcad-badeedu haysatay uu u isticmaalay Dekada Berbera. Markaa maxaynu faa’iido ka helay hawl-galadaa Dekadeena loo isticmaalay ee aad kala hadashay Faransiiska?
J: Faransiiska in aynu wax kala iibsano waa daruuri, laakiin maalin kaliya wax laguma kala iibsado. Haddaad maalin iyo laba adigu gacan gaysato way iska iman doontaa faa’iidadu. Markaa yaan la deg-degin ayan odhan lahaa.
S: Madaxweyne amba-baxaagii Saxaafaddu waxay tabisay in soo noqotkaaga aad ka soo degi doontid Magaaladda Burco, taasina dadka reer Burco ayay aad u soo jiidatay. Markaa taasi ma jirtay, goormaadse Burco tagaysaa?
J: Maya ee warkaasi waa kii aynu ku dari jirnay ayaan u malaynayaa, ee taasi ma jirin markaan runta kuu sheego, laakiin Burco waa magaalooyinkii dalka, maalin aan ka degi doonaana way jirtaa haddii Illaahay yidhaahdo.
S: Tababarro shaqaale oo tira badan ayay aduunweynuhu bixiyaan, oo weliba ay siiyaan wadamada soo koraya ee Afrika ay ka mid tahay. Somaliland maxaad beesha caalamka ugu bandhigi wayday in tababarro shaqaale la siiyo?
J: Horta wax badani way socdaan ee yaynaan ka hortagin. Somaliland waxaan idiin sheegayaa dedaalka aynu wadno shacab iyo xukuumadba ma dha-dhawin ayaan odhan karaa, wax badan oo soo socda iyo wadamo badan oo shalay aragtidoodii iska soo bedalaya ayaa jira, oo diyaar u ah Somaliland wixii shalay ay tarayeen wax ka badan in ay taraan. Safarada aan soo maray waan ku soo arkay, laakiin wuxu ilaa ay midha dhalaan in aanu ka sii warano diyaar uma nihin, illaa Afrika qadiyadii Somaliland iyo Soomaaliya sidii ay u arkayeen wax badan ayaa iska bedalayo, laakiin uma baahna inaynu mararka qaarkood wax badan ka sii hor degno.
S: Waxaad tahay Madaxweynihii Somaliland, balse waxa aad tahay hogaamiyihii Xisbiga UDUB, waxaana jira in Xisbigii Kulmiye ee loolanka adag idinkula jiray uu khilaaf soo kala dhexgalay. Markaa Adigu siyaasad ahaan side ayaad u aragtaa?
J: Anigu waxaan kula talin lahaa Xisbi waliba sharci ayuu leeyahaye inay waxooda hoos u dhamaystaan ayaan kula talin lahaa run ahaantii, inay is khilaafaana waan ka xumahay oo inay heshiiyaan ayaan jecelahay.
S: Waxaad sheegtay intii aad dalka ka maqnayd in Adiga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku-ba aad isa soo sharaxaysiin mar kale. Hadaba, shirweynihii UDUB goorma ayaa la qabanayaa?
J: Waad ogaan doontaan (Shirweynaha) markaan qabanayo.
Somalia: Maraykanka oo looga shakiyay inuu ku lug leeyahay afduubka maraakiibta

Nairobi (AP/Ogaal)- Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay Markab ay ku rarnaayeen 33 Taangi oo kuwa dagaalka ah, Madaafiic, Rasaas iyo Saanad kale oo Milatari oo budhcad-badeed Soomaaliyi afduub ku qabsadeen Khamiistii. Isla markaana Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Males Zenawi ayaa walaac ka muujiyay markabkaa hubka siday ee gacanta u galay budhcad-badeeda Soomaaliya.
Budhcad-badeedan Soomaalida ah ayaa ku dhawaaqay inay markabkaas oo la sheegay inuu u rarnaa Kenya fasaxayaan hadii ay helaan lacag dhan 35 Milyan oo Dollar oo madax-furasho ah. Dalalka ka hadlay arrintan oo aragtiyahoodu isku dhaw-dhaw yihiin ayaa ka digay tallaabo millatari oo reer galbeedku isku dayaan inay ka qaadaan haysashada markabkaas. Sida lagu faafiyay shabakadda wararka AP, Markab kuwa dagaalka ah oo Maraykanku leeyahay ayaa aad ugu dhawaaday markabka la afduubay ee Yukrayniga ah, isla markaana waxa la sheegay inuu markabkaasi hubinayay inaanay budhcadu ka dejiyaan wax hubka saaran ka mid ah iyo shaqaalaha saaran toona. Balse, shalay oo markabkaasi uu wax yar u jirsaday markabka afduuban lama sheegin wax taageero ah kamuu geysan isku-day lagu sii daayo, sidoo kalena wax xdhiidh ah lamuu yeelan markabka la afduubay shaqaalihii saarnaa iyo budcadda toona. Dhanka kale, iyadoo maraakiibta dagaalka ee Ruushka iyo Maraykanku gaaf-wareegayaan xeebaha Soomaaliya ayay budhcad-badeedu afduubeen shalay markab kale oo laga leeyahay dalka Giriiga. Kaas oo la sheegay inuu siday sunta kiimikada ah, balse lama kala caddayn suntaasi nooca ay tahay.
Dhawaaqyada caalamka & Budhcad-badeedda:
Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa welwel ka muujiyay qabsashada ay Koox Budhcad-Badeed ahi gacanta ku dhigeen Markabkan, isla markaana ku tilmaamay mid sii xoojinaysa qalalaasaha ka taagan Soomaaliya. Meles Zenawi oo ka hadlayay kulan uu shalay Magaalada New York ee dalka Maraykanka kula yeeshay Xoghayaha arrimaha Dibedda Maraykanka Mrs. Condoleeza Rice, ayaa qabsashada Budhcad-badeedku ay qabsadeen Markabka siday Saanadda Milatari ku tilmaamay mid xasilooni-darro ka abuuraysa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika. Waxaanu walaac ka muujiyey awoodda sida xawliga ah u kordhaysa ee Budhcad-Badeedka Soomaalida. “Waxaanu aad uga walaacsanahay xadka Budhcad-badeedda ee Baddaha dusheeda, waxaanay la xidhiidhaan xasilooni-darrada Somalia.” Ayuu yidhi Meles Zenawi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay u adeegsan karaan (Budhcad-Badeedku Markabka) inay xasilooni-darro kaga abuuraan Gobolka. Guud ahaan xaaladda Baduhuna waa arrin wayn oo dhammaanteen ina khusaysa.” Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in tallaabo laga qaado arrintan Budhcad-Badeedda Soomaalida, isla markaana ay jawaab ka sugayaan Beesha Caalamka. “Waxaanu aad iyo aad u rejaynaynaa in Beesha Caalamku ka jawaabi doonto.” Ayuu yidhi Meles Zenawi. Afhayeen u hadlay Dawladda Kenya oo lahayd Saanadda Milatari ee uu Markabkani siday Mr. Alfred Mutua ayaa sheegay in Markabkan oo lagu magacaabo Faina aanu wali ku xidhan meel Deked ah, hase ahaatee uu heehaabayo Badda. Isaga oo sheegay in Dawladda Kenya aanay ka war haynin Madax-furasho ay Budhcad-Badeedda Soomaalida ahi dalbadeen. “Kenya kama war qabto wax madax-furasho ah oo ay doonayaan.” Ayuu yidhi Mr, Alfred. Budhcad-Badeedda Soomaalida ayaa sheegay inay Diyaar u yihiin waan-waan ay Dawladda Kenya kala galaan sii daynta Markabkan, isla markaana ay soo bixiyaan Lacagta Madax-furashada ah ee ay doonayaan. Hase yeeshee, Afhayeenka Dawladda Kenya u hadlay ayaa arrintaa dedafeeyay, waxaanu sheegay in waan-waan ay la galaan Budhcad-Badeeddu ay tahay dembi. “Kenya wax wada-xaajood ah lama gali doonto Dembiilayaal Caalami ah oo ah Budhcad-Badeedda iyo Argagaxisada toona.” Ayuu yidhi Afhayeenku.
Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca dalka Ukraine Mr. Yuri Yekhanurov ayaa dhinacooda ka sheegay inay la socdaan halka uu ku sugan yahay Markabkani. “Waanu ognahay halka lagu hayo Markabkan” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca Ukraine. Halka uu Wasiirka arrimaha Dibedda dalkaasi uu sheegay in ay ku dedaalayaan xallinta arrintan. Waxaanu xusay in Dawladda Kenya ay arrintan kala xaajoonayso Somalia, Ukraine, Ruushka, Maraykanka iyo Ingiriiska, si ay tallaabo uga qaadaan sidii loo sii dayn lahaa Markabkan la afduubay ee laga leeyahay dalka Ukraine.
Nin ay khadka talefoonka kula xidhiidhay AP siday faafisay oo sheegtay inuu yahay afhayeenka kooxda Budhcad-badeedda ah ayaa sheegay inay doonayaan lacag madax-furasho ah. “Waxaanu ka doonaynaa dawladda Kenya inay nagala xaajooto lacag ilaa $35 milyan oo Doollar ah oo sii-daynta Markabka iyo xamuulka saaran ah iyada oo aan wax farogelin ahi imanin,” ayuu yidhi ninkaas magaciisa ku sheegay Cali-yare Cabdiqaadir. Waxaanu intaa raaciyay, “Hadii aanay sidaasi imanin, waxaanu samayn doonaa waxa aanu awoodno, waananu ka dejin doonaa markabka hubka yar-yar oo aanu qaadanayno.” Cali-yare Cabdiqaadir waxa uu uga digay cid kasta oo isku dayda inay arrintan tallaabo ka qaado inay masuul iyagu ka yihiin khasaaraha ka dhasha. “Cid kasta oo isku dayda inay tallaabo aan ahayn ta aanu doonayno qaadaa, iyagaa ka masuul ah waxa dhaca.” Ayuu yidhi Cali-yare Cabdiqaadir.
Websaayd ay leeyihiin ciidamada Ruushka ayaa lagu faafiyay in Markab dagaal oo Ruushku leeyahay, kuna sugan biyaha Soomaaliya uu rakaal kula xidhiidhay markabka Yukrayn, isla markaana nin loo aqoonsaday inuu yahay kaaliyaha kabtanka markabkaas Viktor Nikolsky uu sheegay in afduubayaashu ay ka doonayaan lacag madax-furasho ah. Waxaanu shaqaalaha markabkaa saaran ku sheegay inay yihiin 35 qof, kuwaas oo 21 ka mid ahi ay yihiin shaqaalihii markabka, dhamaantoodna lagu xereeyay hal maqsin oo kuwa hiidka ah. “Ma jiraan cid uu dhaawac soo gaadhay oo markabka saarani, balse kabtanka markabka ayaa u il-daran xanuunka wadne-xanuunka, xaaladiisuna may wanaagsanayn,” ayuu yidhi ninkaa loo aqoonsaday Nikolsky. Hase ahaatee, warku ma kala cadayn xilliga dhabta ah ee wada-sheekaysigaas lala yeeshay markabka afduubani uu dhacay. Masuuliyiinta reer Ukrain ayaa iyagu sheegay in shaqaalaha markabkaa saarani yihiin 21 ay 17 ka mid ahi u dhasheen Ukrain, saddexna ay u dhasheen Ruushka iyo mid u dhashay dalka Latvia.
Mr Nikolsky waxa uu sheegay sida la faafiyay in markabkaasi uu xalay ku sugnaa meel u dhaw magaalada Hobyo, isla markaana wuxuu xusay in laba markab oo kale oo uu ku tilmaamay inay ugu muuqdeen kuwo la soo afduubay ay u soo dhawyihiin. Hase yeeshee, warar madaxbanaan oo ka imanaya dadka degaankaas ku sugan ayaa sheegaya in markabkaasi ku sugan yahay inta u dhaxaysa degaanka Hobyo iyo Xara-dheere oo ku yaala ee badhtamaha Soomaaliya.

Wajaale: Waraabe gadooday oo Meherad ganacsi la wareegay!
“Meherada Waraabaha oo keliya ayaa ku jira oo Sonkorta Miisaya” Taliyaha Saldhiga Wajaale
Wajaale (Ogaal)- Waraabe cadhaysan ayaa shalay la wareegay Dukaan ganacsi oo ku yaala magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga Booliska ee Wajaale Axmed Cabdi Daahir oo xalay Ogaal la soo xidhiidhay, Dhurwaagani waxa uu meheradaa ganacsi qabsaday abaaro 9:00 subaxnimo ee shalay. Waxaanu intaa ku daray inay Boolis ahaan dusha ka ilaalinayaan,subaxnimada Axadda maanta ay doonayaan inay talaabo ka qaadaan. “Dushaanu ka ilaalinaynaa Dukaanka Waraabaha oo keliya ayaana ku jira oo Sonkorta Miisaya,” ayuu yidhi Taliyuhu isaga oo kaftamaya.
Sidoo kale Maxamed Goodaad oo ah mulkiilaha meheradaa uu Waraabuhu galay oo xalay Ogaal wax ka waydiiyay arrinta ayaa sheegay in Dhurwaaga oo ay eryanayeen dadweyne badan oo reer Wajaale ahi uu Dukaanka nafta kula soo eertay, isla markaana aanu wax khasaare ah u geysan. “Walaal arrintu waxay u dhacday, Waraabuhu wuxuu ahaa mid ay muddo dadweynaha reer Wajaale magaalada dhinaceeda bari kasoo eryanayeen meheradana waxa uu usoo galay nabadgelyo ahaan. Meherada markaa waxa joogay wiil aanu walalo nahay, dabadeedna wuxuu is yidhi bal eeg waxa lagu qaylinayo, kadibna markii uu wiilku meherada ka baxay ayay Waraabaha albaabka ku kulmeen,” ayuu yidhi mulkiilaha Dukaanka Waraabuhu galay, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Markiiba wuxuu si degdeg ah u galay Meherada, waananu kusoo qufulnay (xidhnay)sidiina wuu ugu jiraa. Markaa waxaanu doonaynaa in aanu caawa xilliyada dambe ka sii dayno meesha.”
Mar aanu sii waydiinay in Waraabuhu wax khasaare ah gaadhsiiyay Meherada iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Wax khasaare ah u muu geysan meherada, waxaanu iska fadhiyaa dhinaca dambe ee Dukaanka.”
Mr Goodaad waxa uu sheegay in sababta ay Waraabaha ugu xidheen Meheradu ay la xidhiidho si uu uga nabadgalo dadweynaha markaa hore eryanayeen. Waxaanu tilmaamay inay dhacdadii ugu horeysay nooceeda ee soo marta dadweynaha reer Togwajaale.

Khasaaraha Weeraro Madaafiic ah oo Gilgilay Muqdisho

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka) – Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa duqeyn ba’an u geestay suuqa Bakaaraha iyo xaafado ku dhow dhow ee magaalada Muqdisho, ka dib markii weerar madaafiic ah loo geystay Diyaarad Milateri oo uga soo degtay Garoonka Diyaradaha ee magaalada Muqdisho.
Abaaro 11-kii iyo qadar daqiiqado ah ayaa waxa ku bilaabmay Suuqaasi iyo deegaanka ka ag dhaw, sida wararku sheegayaan madaafiic xoogan oo ka imaanayey ciidamada Amisom, kuwaas oo ka dhacayey qoryaha taangiyada, hoobiyeyaal iyo noocyo kale oo madaafiic ah.
Madafiicdii ugu horeysay oo u muuqday in lagu soo liishaamay meelaha ugu mashquulka badan suuqa Bakaaraha oo waqtigaaas u ka socday dukaameysi balaadhan ayaa si is daba joog ah ugu dhacay qeybaha Daawada, bacadlaha, qeybta raashinka iyo Cabdala shideeye, halkaas oo ka hor inta aan madaafiicdu soo bilaaban tirada dadka owgeed ay adkeyd in la maro balse daqiiqado gudaheed isku bedeshay wadooyin haawanaaya.
Midka mid ah madaafiicdaas oo ku dhacay qeybta bacaadlaha ee suuqa ayaa qudha ka jaray ilaa 5 qof oo ka mid ah dadkii ka adeeganayey sida ay faafisay idaacada Shabelle.
Madfac kale oo isna ku habsaday qeybta Raashinka ee suuqa Bakaaraaha ayaa galaaftay 2 kamid ah dadkii halkaasi joogay sida uu ku waramaayo goobjooge halkaasi kusugnaa wakhtiga weerarka madaafiicda ahi dhacay.
In kasta oo ay jiraan Wariyayaal sheegay inay arkayeen Tangiyada ciidamada Amisom oo ku sugan isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho oo madaafiic ku garaacaya suuqa Bakaaraha, hadana afhayeenka Amisom Brigye bo-huko oo arrikan wax laga weydiiyay ayaa ku dooday in aanay Taangiyada Ciidamadooda ee sugan Sayidku wax madaafiic ah ku ridin Suuqaasi.
Ka hor intii aanay ciidamada Amisom duqeyn suuq Bakaaraha ayaa dhowr madfac lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo waqtigaas ay soo caga-dhigatay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Uganda, taasoo loo arrko in ay jawaab u ahayd madaafiicda lagu weeraray Suuqaas oo ay aaminsan-yihiin inuu gabaad u yahay kooxaha ka hor jeeda Dawlada Imbeghati.
Ciidamada Uganda ayaa mudo ka yar 10 maalmood oo ay duqeyn ka geysteen magaalada muqdisho waxaa ku geeriyooday dad ku dhow 70 qof halka inka badan 200 oo kalena ay kudhaawacmeen.

Gabiley: Tartankii Qur’aanka kariimka ah ee bisha ramadaan oo la soo gabagabeeyay

Gabiley (Ogaal) – Tartanka quraanka kariimka ah ayaa shalay loogu soo gabagabeeyay caasimada gobolka gabiley.
Xaflada balaadhan oo lagu gudoonsiinayay ardayda shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan ayaa lagu qabtay masaajidka wayn ee masjidu Nuur ee magaalada gabiley
Xafladaasi waxa ka soo qayb galay xafladaasi, Sh. Cabdilaahi Cabdi Cali (Sh.kaawi), Sheekh Maxamed Khaashac, Taliyaha qaybta ee gobolka Gabiley, xildhibaano ka mid ah golaha deegaanka Gabiley, Xubno ganacsato ah, macalimiinta iyo ardayda madaarista iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Sh. Cabdilaahi Cabdi Cali (Sh.Makaawi) oo aad ugu mahadnaqay gudida soo qabanqaabisay munaasibada qiimaha leh ee ay ardaydu ku tartamayeen, iyo shirkadaha ka caawiyay kharashka iyo abaal marinta ardaydaba.
Sh.Makaawi waxa uu aad ugu dheeraaday qiimaha iyo fadliga uu leeyahay quraanka kariimka ahi waxaanu tusaaleyaal badan kusoo qaatay mucjisooyinka quraanka ku soo arooray, waxaanu sheekhu bayaamiyay inuu quraanku afayeen u noqonayo maalinta qiyaamaha qofka ku camal fala, sidaa la ajligeed looga baahanyahay ardayda inay dadaalaan oo ka faa,iidaystaan fursada qaaliga ah ee ay haystaan .
Sheekh C/laahi waxaa uu sheegay in muhiimada tartankani tahay uun in la soo saaro arday hufan oo quraanka xafidsan korna uqaada diinta islaamka.
Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay taliyaha qaybta booliska ee gobolka Gabiley Mudane Saleebaan Muuse waxaana uu taliyuhu ka hadlay qiimaha ay dhalinyarnimadu leedahay iyo in la ilaaliyo musqabalka dhalinta da’dayar si ay hadhawto u noqdaan dad la munaafacaadsado.
Waxaa kale oo iyana halkaasi hadalo waano iyo talooyin dhiiri galin ah isugu jira halkaasi ka jeediyay Abiib Xasan Filfil iyo Jamaal Siciid oo ah Maclin masri ah oo wax ka dhiga dugsiga sare Timacade secondry school.
Waxaana halkaa lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin 62 arday oo 42 ka mid ahi ay yihiin rag 11-ka kalena ay yihiin Hablo, waxaana si gaar ah loo gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ku guulaysatay abaal marino iyo shahaadooyin gaar ah.
Waxaa ay kala ahaayeen 3-dii arday ee soddonka jis ugu sareeyay:
1-Cabdi-xakiim Xuseen Xasan, kaalinta koowaad
2- Maxamed Aw Daahir Duceeye, kaalinta labaad
3- Cadbilaahi Sh. Cabdi-raxman Cabdi kaalinta sedexaad

Mustafe future

Saylada Xoolaha Alaybaday oo dib u camirantay 21′sanadood ka dib,

Magaalada Allaybaday ayaa Todobaadyadan u danbeeyay ay ka muuqatay dhaqdhaaq Ganacsi oo xaga xoolaha ah oo ka duwan kii hore uga jiray.
Saylada Xoolaha ee Allaybaday waxay u muuqataa mid kusoo noqonaysa sideedii hore ka dib markii aanay wax ganacsi ah oo xoogani ka jirin laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1987kii dabayaaqadiisii wakhtigaasi oo ciidamadii taliskii Siyaad Bare iyo Xoogagii SNM ay ku dagaalami jireen Magaalada Allaybaday iyo agagaarkeeda wakhtigaasi oo uu istaagay dhaqdhaaqii Saylada Allaybaday oo wixii intaasi ka horeeyay oo ahayd sideetamaadkii ahaan jirtay Saylad Istaraajiya oo xoolaha looga kala keeni jiray Bari iyo Galbeedba guud ahaan geeska Afrika goobaha Soomaalidu ka degto, sida ay ii sheegeen Odayaal wakhtigaasi ka ahaan jiray Dilaaliin xaga xoolaha ah. balse wixii dagaaladii ka danbeeyay ay noqotay Saylada Xoolaha ee Allaybaday mid Haawanaysa oo aanu ganacsi fiicani oo kii hore uga jiri jiray la mid ahi uuna kasocon. Haatanse, labadii todobaad ee ugu danbeeyay waxa laga dareemay dhaqdhaaq diiran oo xaga Adhiga damaanka ah iyada oo Lo’dana Ogaysiisyo labixinaayo ah siddii loo keeni lahaa saylada,taasi oo mar aan Booqday shalay saylada Allaybaday aan arkaayay Adhi fara badan oo xayn xayn loo keenayo saylada, adhigaasi oo mar aan waydiiyay Dilaaliintii iibinaysay ay ii sheegeen in ay ku iibinayaan qiimihii ugu sareeyay ee ay Adhi ku iibiyaan abid. qiimahaasi oo ay iigu sheegeen in uu u dhaxeeyo 330.000 s/l shilings ah ilaa 480.000 s/l shilings ah qiimayaashaasi oo u dhigma $52 ilaa $75.5 dollarka maraykanka ah, waxa kale oo aan waydiiyay dilaaliintii su’aal ahayd qiimaha intaa leeg maxaa ugu wacan in uu gaadho naafka adhi ahi? Waxana ay iigu jawaabeen “laba arimood ayaa labadaba u sabab ah waa takoowaad eh wakhtigani waa xiligii ciidal fidridu soo galaysay, markaasi waligeedba adhigu waa qaaliyoobi jiray inkastoo aanu qiimahan gaadhi jirin, talabaad waxa wakhtigii hore saylada wax ka iibsan jiray shaqsiyaad kooban kuwaasi oo dadka xoolaha baqsi jiray balse wakhtigan waxa ku jira Ganacsato badan islamarkaana ah kuwa siisanaaya xoolaha qiimahaasi fiican iyada oo uu isku eri ka jiro saylada taasina waa waxa keenay in ay xooluhu gaadhaan heerkan” Sidaas ayay iigu warameen.
Hadaba iyada oo lagu guda jiro todobaadkii u danbeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadan ayaa aad arkaysaa kumanaan adhiya oo laga daabulaayo Magaalada Allaybaday adhigaasi oo ay daabulayaan gawaadhida waawayn nooca looyaqaano waaraado laba raaro ah iyo shaambooyo iyana laba raara, waxa iyana aan su’aal waydiiyay ganacsatada xoolaha iibsanaysay su’aashaasi oo ahayd Malaga yaabaa in aad sii wadaan wax ka iibsiga sayladan Allaybaday mise waxa uu wax iibkiinu ku koobnaan doonaa xiligan ciida? waxayna iigu jawaabeen waxa noo qorshaysan in aanu Sayladan wax ka iibsano balse waxa aanu ka walaacsanahay halka aanu daajin doono xoolahaasi, maadaama oo aanay xiligani jirin dhulkii qadawga xoolaha loo daaqgayn jiray siddii wakhtigii hore oo meel walba qof sheeganaayo
Hadaba iyada oo mar kasta ay lagama maarmaan tahay in dhulkii qadowga la odhan jiray ee dadku wada lahaayeen oo imika ah Beero dad sheeganaayo in la gadbo, hadana su’aasha mudan in la iswaydiiyaa waxa ay tahay Maamulka Degmada Allaybaday ma dhaqan galin doonaa Wareegtadii ay Wasaarada Arimaha guduhu soo saartay ee ay ku gadbaysay dhulkaa qadawga sannadkii hore 2007 ?

ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

Obama oo ku guulaystay dooddii wareega koowaad
Oxford, Mississippi (CNN/Ogaal)- Afti codayn ah oo laga qaaday dalka Maraykanka oo dhan dadkii daawanayay dooddii koowaad ee madaxweynenimo, ayaa lagu soo jeediyay inuu Musharrax Barack Obama kaga horeeyo ninka ay u tartamayaan jagada madaxweynenimo doorashooyinka guud ee dalkaas bisha Nov 2008.
Inkasta oo sida la sheegay Barack Obama uu saaxiibkii ka horeeyo, hadana waxa si balaadhan laysugu raacsan yahay in labada nin ee Obama iyo John McCain ay awoodi doonaan qabashada masuuliyada ay tartanka u galayaan ee madaxweynenimada Maraykanka hadii loo doorto. Fikir ururin uu sameeyay taleefishanka CNN ayaan ahayn mid cabiraad buuxda ka bixin karta aragtiyaha dadka Maraykanka ah oo dhan, maadaama dadkii dooddaas daawanayay oo keliya wax laga waydiiyay, isla markaana ay isugu jireen tageerayaasha Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadigaba. Ilaa 51% ayaa dadkii wax la waydiiyay aaminsan in Barack Obama uu kaga guulaystay dooddii Jimcihii Mr McCain, halka 38% ay sheegeen inuu John McCain kaga wanaagsanaa Obama. Ragga codaynta laga qaaday ayaa ugu dhawaan kala reebay labada musharrax, kuwaas oo 46% ay codkooda siiyeen McCain, halka 43% ay codkooda ka siiyeen Obama. Hase ahaatee, haeenka codkooda dhiibay ayaa meel sare gaadhsiiyay Mr Obama, kuwaasoo 59% ay ugu yeedheen Obama inuu yahay ninka doodaa ku guulaystay, halka 31% ay ka doorbideen inuu John McCain ka guulaystay. Ilaa 20% dadkii dooddaas la socday ayaa sheegay in labada musharraxba ay aad uga liiteen wixii laga filayay inay dooddaas ku soo bandhigaan. Sidoo kale, inka badan saddex-meelood laba meelood dadkii daawanayay dooda ayaa isku raacay inay labada ninba awoodaan hanashada jagada madaxweynenimo hadii loo doorto. Su’aashii laga waydiiyay amaanka qaranka Maraykanka ayaa u muuqatay inuu ka faa’iidaystay McCain oo helay 49%, halka Obama-na 45%, taasoo uu musharraxu ku fiicnaan lahaa inuu helo 4.5%. Arrinta dhaqaalaha Maraykanka oo haatan maraysa halkii ugu xumayd ayaa ahayd meel uu Obama aad uga weerarayay McCain, isla markaana dooddaas hadhaysay qaybteedii hore oo dhan. Dadkii daawanayay ayaana siiyay 21% dhibcood inuu su’aashaa ku helay, taasoo ka dhigtay inuu helo 58%, halka McCain ka helayo 37% qadiyadda dhaqaalaha. Sidoo kale, tiro taasoo kale ah ayaa ugu codaysay Obama inuu yahay ninka xilligan ku wanaagsanaan lahaa xaaladdaha qalalaase ee dhaqaalaha. Si kastoo ay ahaydba, warku wuxuu sheegay in dooddaasi aanay ahayn mid ka tarjumaysay kala horayn dhab ah oo labada musharrax si balaadhan loogu kala saari karayay. Hase ahaatee, “Tijaabada dhabta ahi waxay soo baxaysaa dhawr maalmood ka dib hadii markaa taageerada Obama ama McCain isbedesho, ka dib marka codayn laga qaado dhamaanba cod-bixiyeyaasha, balse maaha oo keliya dadkii daawanayay dooddaas,” sidaa waxa yidhi guddoomyaha xafiiska cod-qaadista Taleefishanka CNN Keating Holland.
Source: Xaunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.