Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Odayaasha ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee magaalda buco lagu qatay waxa la gudboon in aay isku noqdaan, is-xisaabiyaan, koow iyo laba isu geyaayaan, dersaan oo eegaan xaqiiqada dhabta ah ee badka taala ee ku gedaaman doonistooda /diidmadooda iyo waxa runi tahay marka lga tago qiyaasta aadamuhu ku xisaabtamo marar badan ee ah hadii “aan talaabadaas qaado waxa suuragal ah in aay faa’iido iiga soo baxdo ee bal maan iskaga dayo”  

Mudane, cadiraxmaan, shaki kumo jiro in uu magac weyn ku leeyahay bulshada Somaliland dhexdeeda isaga oo ka mid ahaa halyaaydii snm ta ee soo halgamay. marka laga hadlayo snm tii iyo halgankii waxa cabdiraxmaan si gaara dad badani ugu sharaf hayaan goáankiisii ahaa in uu bahdii iyo beeshiisiiba ka dhaqaaqay hadh cad oo gacan siiyay xoogagii snm ta ee xaq udirirka ahaa. 

Arintaasi waxa aay u gooysay cabdiraxmaan in xiligii m/weyne cigaal abaal marin loo siiyay mansabyo kala duwan oo aay ugu dooroonayd kaalinta m/weyne ku xigeenka iyada oo ficlan aay jireen saaxiibdii oo iyaguba soo halgamay amaba la odhan karo halgankaba waay uga badsadeen kagana miisaan weynaa cadiraxmaan oo haba yaraatee aan waxa mansaba lagu sharfin.  

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid axmed maxamed siilaanyo oo in badan soo hugaaminayay ururkii snm ayaan ilaa imika dalka ka qaban mansab la mid ah ama u dhigma darajadan uu sida deg dega ah u gaadhay mujaahid cabdiraxmaan.

dhamaan saaxiibadii oo uu ku jiro axmed maxamed siilaanyo waxanay ku deddaaleen oo aay cigaal kula gorgortameen (shirkii boorame) in uu ka dhigo C/raxmaan m/wyne ku xigeenka daawladiisa markii uu jagadii helayna si qaayo leh aayaay ugu haneeyeen. 

Taariikkhdaa kooban ee mujaahid c/raxmaan marka lagu gudbo, xiligan xaadirka ah waxa mujaahidka waasiinaya in uu hantiyo jagadda uu rabo in uu ka helo xisbiga kulmiye dhexdiisa arimo dhawr ah oo aay ugu baaw dheertay beeshiisa oo aanay suuragal u ahayn waxa kasta oo uu C/raxmaan sameeyo in aay kala leexato taagaareeda aay u hayso daahir riyaale iyo xisbul xaakim udub. 

C/raxmaan iyo riyaale waax aay ka soo jeedaan isku beel waan isku jilib, arintaasina waxa aay dhalisay in xisbiga kulmiye madaxdiisa iyo qof kata oo aragti caafimaad qabta adeegsanayaa markiiba soo qaataan fikirka ah in aanay wax dhici kara ahayn in beel ku loolamaysa jagadda m/weyne nimada in aay mar labaad hantido ay gacan siiso siyaasi kale oo isla beesha ka dhashahay oo ku loolamaya mansabka m/wene ku xigeenka xisbi mucaarad ah aay gacan uurku jirta tahay in uu talada dalka hantiyi iyo in kale. 

Xisbiga kulmiye oo ah kan ay maanta umudda ka dhawrayso in uu beddelo xisbil xaakimka lala hodmay ee udub ayaanay isagana ka suura geli karin in uu manta ku waabo si haawl yaraan ah jagadda C/raxmaan caashaqay waayo xisbiga kulmiye iyo umdda Somaliland badideedu marabaan in riyaale dib ugu soo noqdo mansabka m/wynaha dalka taasna waxa lagu heli karaa iyada oo cidii tiro laxaad leh ee xibigu ku foosi karo helaysa laga siiyo xisbiga maanaasib wax ku ool ah. 

Arin kale oo C/raxmaan wax waa siinaysa ayaa ah iyada oo ilaa iyo bilowgii uu saaxda siyaasada soo galayba aay kala maan ahayaan oo aay aragtida siyaasada ku kala gedisanaayeen rag badan oo siyaasada somaliland ka dhex muuqda oo ka tirsan beesha samaroon ee cabdiraxmaan ka soo jeedo.

Siyaasiyiin badan oo gobolka aawdal u dhashay ayaan rabin marnaba in uu mansab sare ka qabto C/raxmaan dalka iyga oo u sibir saaraya saaxiibtimno aad u dhow ee uu la leeyahy rag badan oo aay soo wada halgameen oo ah saraakiishii snm kuwaas oo aay siyaasiyiinta reer awdal badiba u arkaan in aanay marnaba si lixiiba iyo niyad wanaag aanay ula wadiigi karin kana midoobi karin aragtida siyaasadeed ee dalka somalilnad iyaga oo dugdsanaya fikir khalad ah iyo dacaayad aay ka bixiyeen mujaahidiintaas m/weyne cigaal(Alla ha u naxriitee) daahir riyaale. 

ragaas siyaasiyiinta ah ee ka soo jeeda beesha C/raxmaan iyo daahir riyale waxa aay muddo dheer ka shaqaynayeen in aan shacabka samaroon gaar ahaan jilibkisa c/raxmaan aanu mujaahidku marnaba codkooda haansankarin oo laga meel mariyo.

Marka laga yimaado arimahaas waxa cabdiraxmaan dad badani ku canaantaan in aanu dhex gelin ugana shaqayn reerkiisa sidii looga bahanaa waxana taariikhda ka marag kacaysaa in mujaahuidku aanu maalina si muuqata uga hawleglin beesha dhexdeeda ee uu ku jray muddo dheer sityaasad wax qabada la’aan ah oo iska fadhi hargaisa ah oo xitaa mararka qaarkood la iswaydiin jiray meeyay C/raxmaan. 

marar badan ayaa bulshada reer kulmiye jaclaysatay in uu fagaarayaasha si aad u xoog badan uga canbaareeryo falalka khaladka ah ee aay ku kacday daawlada daahir riyaale, gaar ahaan waxa niyada laga doonay in uu mujaahidku garto oo uu si toosa u abaaro wasiiro beeshjiisa ka tirsan oo falal khaldan umada kula kacay.

Mujaahid ibraahim dhegaweyne oo haatan lagu tilmaamo awooda cabdiraxmaan dabada ka riixaysa (the driving force),waxa aay cabdiraxmaan ka midaysan yihiin arinta ah in ibraahin qudhiisuna uu faro madhan ka taaganayahay beeshiisii oo inteeda badani taageerto xisbiga udub.

waxa mujaahid ibraahim lagu sifeeyaa nin diridta ku fiican hubaal se siyaasada kuma soo bixin oo raafna ma riixin ilaa iyo intii uu hubka dhigay, waxa kale oo mujaahidka haysta nasiib darro isaga u gaar ah waayo waxa bilowgii hadheegay oo in uu aad uga dhex muuqdo beeshii -sa u diiday marxuumkii maxamed ibraahim cigaal manta waxa geed ku xidhay m/weyna ku xigeenka jsl axamed yaasiin. 

Waayanahan dambe waxa aay mijaahid ibraahim kaga ururatay in uu mucaaradku noqdo saaxiibadiisii aay dadkaba isu dhawaayeen.metalan xilgii shirweynihii kulmiye ee aakhirkii bishii 3aad ee sanadkan waxa uu mar keliya si lama filaan ah mujaahidku ugu dhawaaqay in uu isla taagayo mujahid muse biixi oo isagu xiligaas taageerayaal aad u faro badan haystay, arintaas oo loo arkayay keliya in uu mujahid ibraahim u samaynayay ku xumayn ku wajahan mujaahid muse biixi iyo rag iyo madax kale oo xisbiga ka tirsan. 

Wadaniyada ruux masuul ah ku abuuran waxa u calamada qaab gorgortankiisa iyo sida uu uga fogaado waxa uu dalka u qabtay ama u qaban doono in uu ku xidho shuruudna uga dhigo mansab uu helo.waxa haboon in aan is-xasuusino xikmada soomaliyeed ee odhaynaysa “maxay leeftaa mabay lulani”, taas oo si waadax u tilmaamaysa in marka la eego xaalka dadakeena iyo dalkeenu ku suganyihiin aanay maanta masuulnaba u banaanayn in mansan ku gorgotamo bal se waa inuu wixii uu umadda u qaban karo kaqtaa—aan degsano.  

Aniga oo aad u ixtiraamaya xushmo iyo sharafna aay iga mudanyihiin labada mujaahid ee aan qormadan kaga hadlay hadana waxa aan u qoray qoraalkan in aay ogaadaan ladaba mujaahid in taariikhdu tahay mid aan guurahayn, siyaasi walbana aay u meel taalo berina waxa loogu qaban doono wixii uu galay iyo kitaabkii sii hore ee  uu sii dhiitaystay. 

Waxa bulshawaeynta somaliland labadda mujaahid ka dhawrayaan in aad xisbiga kaabaan kuna dedaalaan sidii xisbigu u guulaysan laha waa hadii aanay arinttinu ahayn “gorayadii tidhi ciyaarta lug baan kula jirayaa, hadii nalaga badiyo waan kala baxayaa, haadaanu badinana lugta kale ayaan soo gel;inayaa”.

Mujaahidiints snm oo idil sharaf iyo xushmaan u ahayaa, si kasta oo aay u khaldamaan. 

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Abudhabi 

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.