Daahir Riyaale oo ka jawaabey wararkii sheegayey inuu ka degayo Burco, khilaafkii KULMIYE iyo wakhtiga Shirweynaha xisbigiisa UDUB

Hargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyaha Xukuumadda KMG ah ee Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in aanay qorshaha ugu jirin inuu ka dego magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer soo noqodkiisa, sida ay sheegeen warar  aan rasmi ahayn oo soo baxay intii mudane Riyaale uu joogey dalka Ingiriiska. Waxa kale oo uu markii u horreysey ka jawaabey Shirweynaha Xisbigiisa UDUB oo muddo dheer la sugayey iyo khilaafka xisbiga KULMIYE.

Mudane Riyaale oo galabta markii uu dalka ku soo laabtay weriyayaashu wax ka weydiiyeen arrimahaas, isaga oo ka jawaabaya, waxa ka jira wararka sheegaya in qorshihiisu ahaa inuu ka dego magaalada Burco, waxa uu yidhi, “Warkaasi waa kii aynu ku dari jirney ayaan u malaynayaa, ee taasi ma jirin markaan runta kuu sheego, laakiin Burco waa magaalooyinkii dalka, maalin aan ka degi doonaana way jirtaa haddii Illaahay yidhaahdo.”

Mudane Riyaale waxa la weydiiyey sida uu u arko khilaafkii dhowaan soo dhexgalay xisbiga ugu weyn ee KULMIYE, kaas oo ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga oo lagu doortay musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka. Waxana uu sheegay inuu ka xun yahay khilaafkaas, isla markaana uu u soo jeedinayo in xisbi waliba uu wixiisa hoos u dhammaysto.

“Anigu waxaan kula talin lahaa Xisbi waliba sharci ayuu leeyahaye inay waxooda hoos u dhamaystaan ayaan kula talin lahaa run ahaantii, inay is khilaafaana waan ka xumahay oo inay heshiiyaan ayaan jecelahay,” ayuu yidhi, mudane Riyaale.

Hase yeeshee, waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo wakhtiga xisbigiisa UDUB uu qabsanayo Shirweynihiisa 2aad, kaas oo mudda dhaafay laba sannadood, isla markaana aan la ogeyn wakhtiga la qabanayo, iyada oo hadda doorashadii Madaxtooyada ay ka hadhsan tahay muddo Lix bilood ah.

Mudane Riyaale, waraysi uu bixiyey markii iminka uu socdaalka ku joogey London, dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in isaga iyo Kuxigeenkiisuba ay mar kale u sharraxan yihiin hoggaaminta dalka, sidaa darteed, waxa la weydiiyey goorta uu qabanayo Shirweynaha 2aad ee xisbiga UDUB oo uu isagu guddoomiye u yahay. Waxana uu yidhi, “Waad ogaan doontaan markaan qabanayo”.

Mudane Riyaale, wuu diidey inuu tafaasiil intaa ka badan bixiyo, iyada oo ay dad badani u dhegtaagayaan qabashada Shirweynaha xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay jiraan siyaasiyiin miisaan leh oo doonaya inay xisbigaa gudihiisa kula tartamaan Daahir Riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, kuwaas oo qaarkood ay saxaafadda ku caddeeyeen inay u sharraxan yihiin jagada musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga UDUB.

Sida uu dhigayo Xeerka xisbigaasi, shirweynuhu waxa uu dooranayaa Golaha Dhexe ee xisbiga, kaas oo isaguna dooranaya musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, waxaana la rumaysan yahay in mudane Riyaale ay u taallo hawl culus oo la mid ah tii xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE uu la rafanayey sannad iyo badhkii u dambeeyey, taas oo hadda ka soo gebagebowdey xisbigaasi.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.