Wararka Wargeyska OGAAL: “Kulmiye fadhiisan maayo ciddii la

 

Hargeysa (Ogaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aan Xisbiga Kulmiye u fadhiisan doonin khilaaf iyo cid ka hadha toona, Islamarkaana uu gudanayo waajibaadkiisa Xisbinimo oo la gaadhay wakhtigii Kulmiye isu diyaarin lahaa, abaabulka doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan horaanta 2009-ka.

Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu ugu baaqay dhinaca ka biyo diiday go’aamadii ay soo saarteen Guddiga dhex-dhexaadinta ee loo xulay inay ka garnaqaan khilaafka Kulmiye ee ka dhashay natiijada Shirkii Golaha dhexe ee dhawaan Burco ku qabsoomay. Inay aqbalaan nuxurka Go’aamada. “Guddidani mudo badan ayay hawsha ku jirtay, waxay ka koobnayd sideed xubnood oo anagu aanu isla garanay oo aanu si wada jir ah u wada magacawnay oo qoloba badh keentay qolada kalena yeeleen, wakhtigaaba waanu isku raacsanayn, dabcan Guddi noocaas oo kale ah marka la saaro caqligu ina siinayo, dhex-dhexaadintii anaga oo doonayna oo marka horeba isku xisbi ah oo doonayna khilaafka yar ee ka yimi shirkii Burco in uu meesha ka baxo ayaanu isku raacnay iyo in ay Guddidaasi na wada dhex-dhexaadiso.” Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha Kulmiye  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo u waramay Idaacada Codka Maraykanka ee VOA laanta Af-soomaaliga waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Guddidaasi way isu kaaya keentay way na wada-hadashiisay, gooni gonina way noo aragtay aakhirkiina go’aamada aad aragteen ayay soo saartay, anagu go’aamadaa waanu aqbalay, sidoodiina waanu u qaadanay, sida waajibka ah ama uu xaqu yahay, walaalahayana waanu jeclayn inay iyaguna nala qaataan.”

 

Guddoomiyaha mar la waydiiyay aragtidiisa ku wajahan dooda dhinaca kale ee ku wajahan go’aamada Guddigu ku jiifsaday, oo u xagliyay dhinaca hogaanka waxa uu yidhi Axmed Siilaanyo. “Taasi macquul maaha ee canaan iyo tusaaleba way noo soo jeediyeen, marka hore yaynaan mid ka tagin, Burco waxa ka dhacay shirkii golaha dhexe, dabcan waxa taagnaa musharixiin, khaasatan weliba jagada Madaxweyne ku xigeenka oo ay dhawr xubnood u taagnaayeen. Runtu waxa weeye wakhtigii ay doorashaddu joogtay ayaa xubnaha Musharixiinta ah qaarkood iyo taageerayaashooda ay u muuqday fursada ama jaaniska ay leeyihiin in la doorto in uu yar yahay, markaa shirka ileen cidi kama saarine iyaga ayaa akhtiyaarkooda uga baxay, iyaga oo aan kalsooni isku qabin inay soo baxayaan (la doorto).”

Guddoomiyuhu isaga oo jawaabta su’aashaa sii wada waxa intaa ku ladhay oo uu yidhi, “Xaqiiqda kale ee meesha taalaa waxa weeye in uu shirku ku qabsoomay kooram ama wax ka badan, shirka sharciyadiisuna aanay mugdi ku jirin, meelo badan ayaa la isaga yimi ilaa dibada ayaa laga yimi oo shirku ma jiitami karayn ama dib looma dhigi karayn intii la doonaba. Waayo dadku dano iyo hawlo kala duwan ayay lahaayeen shirarka aduunka oo dhan ama mid xukuumiya ha ahaadaan ama mid kale ha ahaadaane wakhti xadidan ayaa loogu talagalaa oo lagu dhameeyaa, si dadku hawlohooda ay ugu kala dhaqaaqaan.” “Markaa shirka dib looma dhigi karayn iyada oo ummadii oo dhami wada joogto, oo inta badani ay lahayd shirka ajandihiisa ku dhakhsada. Cadaadis badan ayaa ku socday oo saarnaa shirgudoonka hogaaminayay shirka. Markaa shirku kooram ayuu ahaa, sharci ayuu u dhacay. Sidaa daraadeed wixii kale ee garawshiiyo ah ama qurxin shirka ah ahaa waa halkiisa, laakiin lagama tagi karo in uu shirku sifo sharci ah ku dhacay.” Ayuu jawaabtiisa sii raaciyay Guddoomiyaha iyo Musharaxa Jagada Madaxweynenimo ugu tartamaya Xisbiga Kulmiye.

Waxaa uu sheegay Axmed Siilaanyo in ay ulla muuqato hadii natiijada markii hore la aqbali waayay in go’aanadan dambe ee Gudiga la qaato. Sidoo kale, Axmed-siilaanyo waxa la waydiiyay cabashada la xidhiidha inaan shirka lagu doortay Murashaxiinta Madaxweyne iyo ku xigeen ee khilaafka dhaliyay Kooramkiisu dhamayn ee lagu daray dad kale oo aan Golaha dhexe ee Xisbiga ku jirin markii ay Kooxda Cabdiraxmaan ka dareertay, sida ay ku doodayaan dhinaca ka soo horjeeda waxaana uu yidhi. “Taasi macquul maaha, wax caqliga geli karana maaha loomana baahnayn, tirada ay leeyihiin waanu ku baxnay oo buunbuunin ah ee ay leeyihiin dhawr iyo konton baanu ahayn, dee shirkana dad laba boqol ka badan ayaa joogay, markaa xagee ayay dadka intoodii kale qabatay, mida kale xubnaha imaka ka hadlaya qaar kood shirkaba may joogin. Markaa arrimahaa imika doodi kama taagna.”

Mar Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye la sii waydiiyay sida ay arkaan in la qabto shir kale oo Golaha dhexe ah, sida ay ku doodayaan dhinaca uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax badhkood, si dib loogu doorto musharixiinta Xisbiga uga qayb-galaya doorashooyinka soo socda waxa uu yidhi. “Taa cid ku doodaysaa ma jirto, marka shirweyne la qabanayaa ma jiro oo waatii la qabtay murana kama joogo, kan golaha dhexena waa la qabtay oo muran-baa ka yimi murankiina waa la dhameeyay, markaa shirar dambe oo hadhay oo aan ahayn wax Xisbigu dhexdiisa dan u arko oo uu isugu yimaado oo uu maslaxad u arko mooyee shir la qabanayaa ma jiro, oo way soo dhamaadeen, wakhtigan imikana waxa loo duulayaa ee lagu socdaa, ee la qaban-qaabinayaa waa doorashooyinkii Qaranka, Xisbiguna halka uu u socdaa waa halkaa.”

Axmed Siilaanyo waxa uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyay khilaafkan hadheeyay Xisbigooda, saamaynta uu ku yeelan karo hawlaha Xisbiga, maadaama qoloba dhan taagan tahay oo aan waxba la isku afgaran wakhtigii doorashadana ay bilo yari ka hadheen. “Saamaynta, Xisbigu wuu balaadhan yahay, Xisbiyo kalena way jiraan had iyo jeer dad ka baxa oo Xisbiyada kale gala, qaar duda, qaar iman waaya, way iska dhacayaan oo way imanayaan, waananu ka xunahay in ay dhacayaan, laakiin hadana Xisbigu wuu soconayaa, hawshiisii wuu qabsanayaa, xilka kaga beegan ummada iyo doorashooyinkaba wuu qabsanayaa, Xisbigu fadhiisan maayo ee wuu soconayaa, waajibkiisana wuu gudanayaa, ciddii la socon karaysaana way la soconaysaa, ciddii ka hadhaysaana way ka hadhaysaa.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Siilaanyo.

Mar Guddoomiyaha Kulmiye la sii waydiiyay waxa kaliya ee ay wakhtigan u arkaan in xalka Xisbiga Kulmiye ku jirto, maadaama aan lagu wada qancin go’aanka Guddidii dhex-dhexaadintu soo saartay, waxa uu yidhi, “Arrintu xagayaga anaga way ka dhamaatay, go’aamadii Guddiga waanu aqbalay, hawlaha qaranka ee nala gudboonaydna waanu qabsanaynaa, walaalahayana waxaanu ka codsanaynaa in ay Xisbiga soo raacaan oo ay u hogaansamaan go’aamadii gudida oo aanu qabsano hawshii Xisbiga iyo qarankuba naga sugayay.”

Sidoo kale mar Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la waydiiyay, mar haddii ay dhamaatay muddadii gudidu ku dhex jirtay, go’aamadii ay soo saareena aan dhinacyadu ku wada qancin, in uu rajaynayo in labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyaa si gaar ah isu soo hor fadhiisan doonaan. Waxa uu sheegay in ay in badan isa soo hor fadhiisteen marar badan, isla markaana aan wax dhib ahi ku jirin haddii ay isa soo hor fadhiistaan.

 

 

Faransiika oo Xabsi daa’in ku xukumay Soomaali

Budhcad-badeed Markab hubaysan gacanta ku dhigay iyo Ruushka oo ciidamo u soo diray

 

Eyl (W.Wararka/Ogaal)- Budhcad-badeedda Soomaalida ah ee ka qowlaysta Xeebaha Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa Khamiistii gacanta ku dhigay Markab hub siday oo laga leeyahay dalka Ukrain.

Wakaalada wararka ee Interfax oo soo xiganaysa Wasiirka arrimaha dibadda Ukrain ayaa sheegtay in Markabkan oo kuwa xamuul ahi uu siday hubka Taangiyada loo yaqaano T-72, kuwaasoo gaadhaya ilaa 38 Taangi.

Wasiirka Arrimaha dibadda Ukrain wuxuu intaa ku daray in Markabkaas oo ay saarnaayeen 21 qof oo shaqaale ka ahaa uu ku wajahnaa dalka Kenya. Wasiirku wuxuu intaa ku daray, in Naakhudaha Markabka la afduubay uu sheegay in koox Budhcad-badeed Soomaali ah oo aad u hubaysan, isla markaana wata saddex doonyood oo kuwa dheereeya ahi ay gabal-dhicii Khamiista isku wareejiyeen Markabka. Sida uu sheegay Madaxa hay’adda Badmaaxiinta bariga Afrika Andrew Mwangura, 17 ka mid ah shaqaalaha saarnaa Markabkaasi waxay u dhasheen dalka Ukrain, halka 3 kalena u dhasheen Ruushka iyo qof kale oo u dhashay dalka Latvia, waxaana Markabkaas lagu magacaabaa Faini., kaasoo Maraakiibta Budhcad-badeedda Soomaalidu haysato ka dhigaya 13 kuwa xamuulka u badan.

Dhinaca kale, dawladda Ruushka ayaa markii ugu horeysay shalay sheegtay inay Maraakiib dagaal u diri doonto Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo ka qayb qaadan doona hawlgadal caalamiga ah ee la-dagaalanka Budhcad-baddeeda.

Dhinaca kalena, dawladda Faransiiska ayaa xabsi daa’in ku xukuntay lix ka mid ah Budhcad-badeed Soomaaliyeed oo ay ku qabqabatay hawlgalo ay ka fuliyeen Xeebaha Puntland, kadib markii ay afduubeen doon kuwa Raaxada ah oo Faransiisku leeyahay iyo laba qof oo saarnaa. Afduubadayaasha Soomaalida ah waxa xukuntay Maxkamadda Sare ee dalka Faransiiska, waxaana xukunkaas amaanay Madaxweyne Nicolas Sarozy. “Budhcad-badeedda lixda ahi waxay qirteen dhammaan dambiyadii ay galeen. Sidaa daraadeed, waxaanu ku xukunay xabsi daa’in,” sidaa waxa saxaafada Faransiiska u sheegay Baudoin Thouvenot iyo Patrick Gachon oo ah Garsoorayaashii qaadayay dacwadda Budhcad-badeedda.

 

 

Ceerigaabo: Kulanka Midaynta saddexda nidaam sharci ee ka jira dalka

Ceerigaabo (Ogaal)- Aqoon isweydaarsi ku saabsan midaynta saddexda nidaam ee Qaanuunka, Shareecada iyo xeer-dhaqameedka ayaa Khamiistii doraad ka furmay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Aqoon iswaydaarsigan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayna soo qabanqaabisay hay’adda wadaniga ah ee Horn Peace, isla markaana ay maalgelisay UNDP, waxa furintaankiisa ka qaybgalay 75 xubnood oo ka kala socday Garsoorka, Madax-dhaqameedyada iyo ururada bulshada. Furitaankii aqoon-iswaydaarsigan waxa hadal kooban ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Sanaag Axmed Iidle Saleeban wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay in intii suurtagal ah ay wada shaqeeyaan saddexda nidaam sharci ee ka jira Somaliland, isla markaana ay tani tahay mid loo baahnaa.

Waxa isaguna halkaas faahfaahin kooban oo ku saabsan nuxurka iyo ujeeddooyinka dhabta ee aqoon isweydaarsigan ka jeediyey Bashiir Cabdi Xariir oo ka socday hay’adda wadaniga ah ee Horn Peace.

 

Maal-qabeen Irish ah oo sheegay inuu u hawl-gelayo soo saarista Saliida Somaliland       

Dublin (The Irish Times)- Ganacsade u dhashay dalka Ireland oo ka mid ah maalqabeenada shirkaddaha salliida ee dedaalka ugu jira sidii Somaliland Liisanka caalamiga ah ee salliida ayaa la sheegay inuu xilligan u soo jeesanayo hawlaha Somaliland.

Wargeyska ka soo baxa caasimadda Ireland ee Dublin ee The Irish Times, ayaa maqaal uu faafiyay ku sheegay in ganacsadaha reer Ireland John McKeon uu dareenkiisa siinayo qodaalka salliidda Somaliland. Isla markaana McKeon oo ah mid ka mid ah mulkiilayaasha shirkadda Enex Energy Resources, taasoo mashruuc wada-jir ah oo arrintaa la xidhiidha kula jirta Xukuumadda Somaliland iyo sidii ay ku heli lahayd liisan ay u hesho khayraadkeeda koonfur/bari.

Wargeysku wuxuu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu toddobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dublin. Shirkadda Enex waxay ka diiwaan-gashan tahay dalka Ireland. Guddoomiyeheeda Len Tiahlo ayaa isaguna sheegay inay rajaynayaan inay bilaabaan sarfeeygii Somaliland marka la gaadho ciidda Kiristaanka, isla markaana waxay rajaynayaan inay qodaal ku sameeyaan laba ceel oo tijaabo ah. Guddoomiyuhu wuxuu ku tilmaamay khayraadka halkaa (labada ceel) ku jiraa inay yihiin heer ahaan “heerka caalamka,” taasoo macneheedu yahay in laga heli karo boqolaal kun oo milyan oo foosto oo salliid ah. Hase ahaatee, khayraadkaasi wuxuu sii ahaan doonaa mid aan la arkin. Isla markaana goobaha ay ceelashaasi ku yaalaan waa kuwo khatartooda leh, maadaama ay sheeganayaan Shirkad Kanadiyaan ahi.

Hase yeeshee, sheegashada shirkaddaas waxay xukuumadda Somaliland ku sheegtay mid been-abuur ah. Waa laga yaabaa inay tani tahay mid xaqiiq ah, laakiin hadii Mr Tiahlo uu ku saxsan yahay khayraadkan suuragalka noqon kara, waxa hubaal ah inay waajib ku tahay inuu ku dagaalamo soo saarida xuquuq-sharciyeedka lagu qodayo salliiddaas. Sidoo kalena, taasi waxay noqonaysaa mid aan waxba la wadaagayn argagixisada iyo budhcadda ka hawlgasha gobolka ama xaqiiqada ah in Somaliland aanay ahayn weli waddan Qaramada Midoobay laga aqoonsan yahay. McKeon laftiisuna kuma cusba inuu ganacsiga noocaas oo kale ah ka fuliyo Qaaradda Afrika.

 

Booliska Jarmalka oo Diyaarad kala degay Soomaali laga shakiyay  

 

Born (Ogaal/W.Wararka) -  Wiil Somali ah iyo mid Jarmal ah oo ku dhashay dalka Somalia ayaa lagu qabtay dalka Jarmalka, ka dib markii looga shakiyay sida Ciidamada ammaanku ay sheegeen hawlo argagixisanimo.

Booliiska Jarmalka ayaa xoog ku galay diyaarad ay leedahay shirkada  KLM oo isku dayaarinaysay inay ka duusho garoonka Cologne ee Magaalada Born, waxayna kala dageen labadan qof oo ay sheegeen inay mudo ku daba-jireen.

Saraal ka tirsan Booliiska deegaanka North Rhine-Westphalia ee dalka Jarmalka ayaa u sheegay saxaafada in labada qof ay kala ahaayeen 23-jir Somali ah iyo 24-Jarmal ah balse ku dhashay Somalia. “Howlgalku wuxuu u dhacay si nabad ah, waxaana gacanta lagu dhigay labadii qof ee laga shakisnaa” sidaa waxaa saxaafada u sheegtay afhayeen u hadlay booliiska Jarmalka oo lagu magacaabo Katharina Breuer.

Wargeys kasoo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray inuu kasoo xigtay saraakiil Booliiska Jarmalka ka tirsan in labada qof ay ku raadjoogeen, isla markaana ay heleen qoraalo ay ku sheegayaan inay doonayaan inay ku dhintaan Jihaad.

Afhayeen u hadlay shirkadaha diyaaradaha ee dalka Holland [KLM] ayaa sheegtay in diyaaradooda xooga lagaga rogay labada qof ee rakaabka ah, Islamakaana lagu qaatay diyaarad nooceedu ahaa Fokker 50 jet.

Sidoo kale afhayeen oo aan magaciisa la sheegin ayaa xusay in boorsooyinkii ay wateen labada qof ay booliisku la dageen, una fasaxeen diyaarada KLM inay duulimaadkeeda sii wadato.

Diyaaradii ayaa ka duushay garoonka Jarmalka xili ka dambeeya wakhtigii loogu talogalay safarkeeda, waxayna ka dagatay garoonka Amsterdam ee dalka Holland, iyadoo rakaabkii kale aanay waxba gaadhin.

Booliiska Jarmalka ay diiday inay baahiyaan magacyada labada qof ee loo haysto argagaxisonimada, waxayna wararka qaarkood sheegayeen inay kusoo wajahnaayeen Dalka Somalia.

 

Gabiley: Khilaaf hakad geliyay Wacyi-

gelinta Diiwaangelinta  oo laga heshiiyay

“Maamulka Gabilay ayaa Cuqaasha soo ururiyay, halkii ay talaabo ka qaadi lahaayeen dadka shaydaanul Insiga ah”

Guddoomiyaha mid ka mid ah Ururada wacyigelinta Gabilay

“Ururada ololaha wacyigelinta soo qaatay waxay ku talageleen inay kelidood isku koobaan”

Badhasaab ku-xigeenka Gabiley

Gabilay (Ogaal) – Khilaaf muddo laba maalmood ah hakad geliyay habsami u socodka hawsha wacyigelinta Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha doorashooyinka oo u dhexeeyay Cuqaasha degmada Gabiley iyo ururada wadaniga ah ee ku guulaystay fulinta hawlaha wacyigalineed ee degaankaas ayaa la soo afjaray, kadib markii dhinacyadaa ismaandhaafku u dhexeeyey iyo maamulka gobolku wadahadal ka yeesheen.

Guddoomiyaha Golaha deegaanka Gabiley Aadan Muxumed Badde oo weriye ka tirsan Ogaal shalay wax ka waydiiyay khilaafka u dhexeeya ururada wadaniga ah iyo Cuqaasha degaanka, ayaa sheegay inay gole degaan ahaan ka hawlagayaan arrintaas. ““Hawshu imika ayuun bay bilaw tahay, anaguna Gole deegaan ahaan si weyn ayaanu uga hawl-galaynaa, cuqaasha iyo ururadana anaga ayaa u dhaxayna, wax naga xumaanayaana ma jiro. Waxaanu ku rejo waynahay in arrimuhu ay is waafaqaan oo wax waliba sida ugu fiican u dhamaado,” ayuu yidhi Maayarka Gabiley. Wuxuuna intaa ku daray in gobol ahaan ay ku yar yihiin goobaha loogu talogalay Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha, isla markaana ay ka war sugayaan dalab cabasho ah oo arrintaa ku saabsan oo ay u gudbiyeen Komishanka doorashooyinka. Wuxuuna ugu baaqay dadka degaanku inay si weyn ugu soo baxaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Sidoo kale, Maayar-kuxigeenka degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo aanu dhinaceeda wax ka waydiinay muranka hakadka geliyay bilowga wacyigelinta Diiwaan-gelinta, ayaa ka dayrisay suurtagalnimada in guul laga gaadhi karo hawsha Diiwaangelinta oo loogu talogalay inay dalka ka bilaabanto 14 bisha October ee fooda inagu soo haysa. “Wallaahi aniga sida ii muuqata NGO-yada loogu talagalay in ay ka hawl-galaan Gobolka Gabilay ee hawsha wacyigelinta diiwaan-gelintu waa laba keliya oo aad ayay u kooban yihiin, marka loo eego baaxada Gobolka iyo dadkeeda oo aad u badan. Markaa waxaan qabaa in aanay Gabilay laba urur oo kaliyi wax ka qaban karin, waxaana aad u wanaagsanaan lahayd in ururada la kordhiyo, si ujeedada dhabta ah ee hawshan laga leeyahay u noqoto mid turxaan la’aan hirgasha.” Sidaa ayay tidhi Maayar xigeenku. Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Gabilay Cabdirisaaq Sheekh Aadan oo isna weriyuhu wax ka waydiyay khilaafka soo dhexgalay Cuqaasha degaanka iyo ururada fulinaya hawsha wacygelinta, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Sabtida maanta ay dib u bilaabanto wacyigelintu, kadib markii sida uu xusay ay isfaham ka gaadheen arrintaas.“Saddex maalmood ayaanu ku gudajirnay in wacyigelintii loo baxo. Cuqaashii iyo odayaashii Gobolka ayaanu isugu yeedhay oo aanu maanta oo Jimce ah (shalay) oo maalmihii la is fasaxayay ah aanu Cuqaasha iyo wax-garadka u soo ururinay inaanu fahansiino in hawsha wacyigelintu sidii loogu talagalay u dhamaato, waxaananu dhamaan isku waafaqnay in Sabtida hawsha wacyigelinta si fiican loo bilaabo. Qoladii Ururaduna hawshoodii way bilaabayaan oo wixii khilaaf jiray waanu dhamaynay.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaab ku-xigeenka Gabilay. Wuxuuna ku eedeeyay ururada loo igmaday inay degaanka Gabiley ka fuliyaan wacyigelintu ay qorsheysteen inay kelidood isku koobaan. Balse, waxa uu tilmaamay in Cuqaasha iyo maamul ahaan u sheegeen in aanay taas waxba ugu suurtagalayn. “Inyar oo aan badnayn ayaa la isku khilaafay oo qolada ururada masuuliyada wacyigelinta soo qaatay waxay ku talageleen in ay iyaguuni hawsha wadaan. Markaa anaguna masuuliyiin ahaan iyo cuqaal ahaanba waxaanu ku nidhi sidaa ma noqonayso oo cid ayaa dadka idiin dhaxaysa oo madax-dhaqmeedyo ayaa jira. Waxa jirta in ururadu wacyigelinta iyo cidda kala hawlgalaysa ay lacag ku soo qaateen oo Komishanku lacag ku soo siiyay, imikana wax khilaaf ahi ma jiro oo waanu dhamaysanay,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Daa’uud Khayre Kaahin oo ah Guddoomiyaha mid ka mid ah laba urur wadani oo ku guulaystay qandaraaska ololaha wacyigelinta diiwaan-gelinta degmada ayaa maamulka Gobolka Gabilay ku eedeeyay inay iyagu lug ku lahaayeen khilaafka hakadka geliyay wacyigelinta, ka dib markii ay culays ku saareen in Cuqaasha gobolku la hawlgalaan. Hasa yeeshee, Mr. Daa’uud waxa uu tilmaamay in hada ay khilaafkaa soo afjareen, isla markaana maanta ay mar labaad si rasmi ah u bilaabi doonaan hawshoodii wacyigelinta. “Dhaqaala xumadu wax badan oo dhibaato ah ayay keenaan, dacaayado ayay dadka qaarkood mariyeen dhulka oo ay leeyihiin ‘Malaayuun lacag ah ayay Komishanku bixiyeen oo la inagu soo qaatay, Komishankuna waxoogaa yar oo lacag ah oo shidaal loogu talagalay ayay bixiyeen. Markaa nooc kasta oo dadka ka mid ah Shaydaanul Insi ayaa ku dhex jira, nooc caynkaas ah ayaana boorabagaando aad ah sameeyay oo siyaabo qalad ah dadkii mudakarka ahaa wax ugu sheegay, sida Cuqaasha badhkood oo kale. Laakiin, markii dambe waxaanu isla gaadhnay in xaqiiqada loo dhaadhaco, ee arrinta aanu u socono gunteeda loo gaadhi lahaa, oo dadka wacyigelinta si dhab ah loo gaadhsiiyo, looguna dhiirigelin lahaa dadka si fiican inay ka qayb-qaataan diiwaan-gelinta,” ayuu yidhi Daauud Khayre. Wuxuuna intaa raaciyay oo uu yidhi; “Nasiib-daro Idaacad dalka wada gaadhaa ma jirto, waxaanay ahayd dadka shaydaanul Insiga ah ee rabshada doonaya in Maamulka Gobolku talaabo wanaagsan ka qaado, halka ay Cuqaasha nooga soo ururinayeen.”

 

Mr. Wadani

Waxa la yidhi Geelow soco oo markaad Ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa. Imika qoladii Bad-jiifka ahayd ee shicibka ay qafaashaan ku mamay maantay u socdeenoo, sidii Maskii la yidhi Qoratada hadduu qaniino oo uu tufana waa u indho-beel, hadduu liqana waa u dhimasho ayay halkiisii taagan yihiin, Caqli xumaa waa nimanka isku raray Markab hubaysan. Ka daranta meel ay kontonka Taangi ee saaran kula degaan oo Dekad ah ma hayaan, meel ay ku hayaana u la’oo waa la isugu habar-wacday. Markaa, waxaan ka baqayaa in xayntii Maraakiibta ahaa ee ay hore Jaadka ugu amaahdeen bahalkani ka galaafto.

 

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.