GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

BOOLI WAXAA LEH NIKA XERADIISA SOO HOR GASHAY AMA GACANTA KU HORDHIGAY,,,,,
ANIGOO ISKA DAAYAY QORAALADA INTAN RABADAANTA  WAXAAN HADANA KA FURSAN WAAYAY IN  ARAGTIDAYDA KA DHIIBTO LABADADA NIN  EE KA SOO WADA JEEDA GOBALKA AWDAL EE U SHARAXNAA  KU XIGEENKA MADAXWAYNE KU XIGEENKA KULMIYE IN AY ISKU TANAASULAAAN AYAY AHAYD MARKAA GARTAA HADII AAN ARAGTIDAYDA KA DHIIBTO  SIDAN AYAY GARTU KU FIICNAYD ,
Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiinIWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.

Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto. Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin  (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.

Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi “Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye”, sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.

Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, “Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo”. Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay..
Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto, laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye “Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay”, ninkaasna waxa kiciya ama gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa, laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo Shakama-qabad. Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la dilay.

Gar-kala dareeris: Garta la yidhaahdo garta kala dareeriska ma aha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ua egtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan ayey u egtahay, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka tara ama wax ka qabtaa waa ragga ku sifoobay samatalisnimada.

[gar maahee waa daw]                        [walaalkaa haddii can dhuuftaadu                                                                           gaadho gacantaadu ha gaadho]
 
Garta kala dareerisku cidna way ku jiifsataa, cidna way u sed-burisaa, laakiin had iyo goor inta badan waxa loo garta caynkaas oo kale ah loo qaadaa laba qabiil inkasta oo laba qof-na loo qaadi karo, masalan cidda ama qabiilka wax geystay waxay leedahay ama lagula dhaqmaa wax la yidhaahdo Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad IWM. Marka arinta ama garta caynkaas oo kale ah lagu jiro waxa jirta xikmad Somalidu isticmaasho, taas oo ay tidhaahdo “Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday”. Laakiin waxa jirta xikmad kale oo tidhaahda “Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho”, taas oo macneheedu yahay ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka mari kartaa.

Cidda ama qolada wax tirsanaysa ama wax loo geystay iyadana dhinaceeda waxa loo jeedinayaa waxyaalo ay ka mid yihiin Naq, Cabatin, baanis IWM. Tusaale ahaan marka uu nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma laha ee waxa la kala qaataa ama la kala gurtaa magtii oo dhan oo ah boqolkii halaad, iyadoo jifidana mar la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar la kala qaato, hadii la doonana mar saddexaad wixii hadhaa magta ka ah la isa siiyo, laakiin kolayba meel nin ku dhintay ma hawl iyo taah yara, taas oo masalan hadii ay mar kale tiiyoo kale dhacdo ay qolada wax laga dilay odhanayso “maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin”.

Laakiin bal aynu eegno sida arinkoodu noqonayo laba qolo oo ay hidaayo hore ka dhexaysay, hadana mar kale sidaas oo kale loo dilay hebel oo aanu reerka laga dilay ku jirin nin ka qiimo badani ama hadii aynu si kale u nidhaahno ahaa nin aanay reer hebel uga dambayn, ka dibna la isu soo qalab iyo rag urursaday, iyadoo muusanow la iskula dhex-wareegayo oo la leeyahay “Boqole boqol baa lagu doonaa”, ka dibna tol kale oo labada reer ee dhiiladu ka taagantahay u simmani xaajada soo dhexgalo, iyadoo ay arintu meel-xun marayso oo ay ku dhowdahay inay faraha ka baxdo oo ay labadii col is-kulaalayaan, isla markaana ay hadimotalis iyo bagaan beloba meesha joogo oo Go’ ridayo, waxayna qolada soo dhexgashay tidhaahdaa “Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha”.

Waxa kale oo la yidhaahdaa “Reerku hadii aanu lahayn laba laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, mesalan ninkii oo boqol halaad ah hadii ay raggii dhexda ahaa ay xukumaan 150 Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo “Waa mag-dharaareed”, mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay..markaa cabdi raxmaan mid baan leeyahay yuuna sheekada ka dhigin maroodigii  wax doontay ee yidhi kii iigu rida waa mahadsanyahay kii iigu ridi waayana waan kaga ridan nika dhalinyartana  ee c/raxmaan saylicina taladiisa ilaahay ha waafajo waana mustaqbal cusub  ee bal adna adeer  MUUSE UUN HA NOQON GARTIINA SIDAN AYAY KUSOO GABA GABOOBASAA
.waxaan filayaa waa duuduub ku qaado  hadii aad fahmi waydaan  wax waad iga soo waydiin kartaan

ILAAHOW  AQOON LA,AAN HANUGU CADAABIN EEXNA HANOOGA TAGIN
HASSANKHADAR
SAN DIEGO USA

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.