Wararka Wargeyska OGAAL, Axad: Wasiir Waran-cadde hawlaha aan wasaaradiisa khusayn maxaa dhex geliya?

 

Dhaqaallaha ka soo baxa Isticmaalka

hawada Somaliland khilaaf ka abuurmay

oo Guddi UN-ka ahi kaga garnaqayso Hargeysa

 

 

Hargeysa (Ogaal) – Wasiirka Duulista Hawada Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in Guddi ka garnaqaysa muran ka dhashay Dhaqaalaha ka soo baxa Gaadiidka isticmaala hawadda Somaliland oo dhexmaray Wasaaradiisa iyo Hayada ICOA iyo Urur lagu magacaabo Cacas oo uga masuul ahaa madaarada Dalka Somaliland, horena xukuumada Somaliland dalka uga saartay uu todobaadyadan fooda inagu soo haya dalka u iman doono, sidii uu labada dhinac ugu garnaqi lahaa. Loona xisaabtami lahaa.

Wasiirka duulistu oo xog-waraysi ay arrintan kala yeesheen shalay wariyayaal ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo TV-ga madaxa-banaan ee SSPCTV, waxa uu iftiimiyay in Ururka CACAS iyo ICOA dhinacooda ay ka iman doonaan masuuliyiin, Wadahadaladan arrintanina ka danbeeyeen dacwaddo ay u qoreen hayadaha UN-ka, “Sidaadad u ogaydeen qoladaas (ICOA/CACAS) waanagii is af-garan weynay markaa anaga ayaa la wareegnay hagitaankii ay hagi jireen Diyaaradaha muddo lix bilood ah ayaanu wadnay si wanaagsana waanu uga soo baxnay. Markaa ashkatooyin baanu qornay annaga oo doonayna in lacagtii ay qaadi jireen Somaliland qaybteedii hesho. Lacagtaas oo dhawr qolo marta sida UNDP, ICOA iyo qolooyin kale, markaa way noo soo jawaabeen waxaanay noo balan-qaadeen dhawaan haddii Illaahay yidhaahdo in Guddi qiimayn ah ay soo dirayaan iyo Odhad, iyagana markaa waa loo yeedhay, markaa waxaanu rajaynaynaa in halkan lagu wada-hadlo.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulistu. Waxana uu intaa ku daray oo uu sheegay in ay dhex-dhexaadintan ku jirto Hay’ada UNDP. “Waxa na dhex-dhexaadinaya. UNDP oo markii hore lacagta haysay.” Ayuu yidhi Wasiirku, su’aal laga sii weydiiyay qiimaha lacagta muranku ka dhashay ee ka soo baxda Hawada Somaliland  waxaa uu sheegay inay ka badantahay 4-milyan oo Doolar sanadkii.

Cali Warancade, waxa la weydiiyay faah-faahin inuu ka bixiyo dhaqaalahaasi sida uu uga maqan-yahay Somaliland iyo meesha uu maro waxaanu ku jawaabay “Lacagtaasi waa lacag illaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa socon jirtay oo UNDP u qaabilsanayd, laakiin intii dambe si khaldan ayaa loo is ticmaalay. markaa imika waxaanu rajaynaynaa in ay Somaliland qaybteeda hesho.” “Iyaga, UNDP iyo ICOA waxaanu filaynay in ay yimaadaan bishan aakhirkeedii, markaa dib ayay u yara dhaceen, waxaananu filaynaa in ay todobaad iyo laba mid-kood ku yimaadaan dalka.” Ayuu intaa ku daray Wasiir Waran-cadde.

Dhinaca kale, dadka ka soo degaya madaarada Somaliland gaar ahaan Hargeysa, waxa jiray cabashooyin ay ka muujin jireen dhinaca hawl-wadeenada badhkood. Sidaa daraadeed, su’aal wasiirka arrintaas laga weydiiyay waxa uu ku sheegay oo uu yidhi. “Arrintaasi waa arrinta iigu adag markii hore dadku meel ayuu mari jiray markaa niman soo dhaweeya oo lacagta yar iyo waxa ay sarifanayaan dhex carara ayaa jiray, waanu ka saarnay, welina dhinaca shaqaalaha cabashooyin way ka jiraan, wax aanu meesha ka saarnay iyo wax aanu imika wadnaba way leedahay, waananu rajaynaynaa in aanu ku guulaysano haddii illaahay yidhaahdo.”

 Sidoo kale waxa wax laga weydiiyay, hawl-gal wasaaradiisu wax kaga qabanaysay dhabaha diyaaradaha Madaarka Hargeysa. “Hawshii Ran-way-gu waxa ay maraysaa meel wanaagsan. Runtii waxay ahayd arrin aanu rabnay in aanu dadwaynaha iyo dawladaba ka qaybgalino, waxaananu imika haynaa daamurkii, waxaana naga dhiman waxoogaa yar oo xaal-xaal ah iyo inaanu 600-Mt doorkan ku kordhino dhabaha, waanad ogaydeen oo wadanka abaaro ayaa ka dhacay, markii hore ku talagalkayagu waxa uu ahaa in aanu dadka dibadaha wax weydiino, laakiin abaarihii dhacay ayaa baajiyay. Dhabaha diyaaradaha Hargeysa meelo ka mid ah waanu samaynay oo ay nagala taliyeen khuburo dalka Yemen u dhashay. Markaa wuu wanaagsan yahay, laakiin 600 ayaa noo dhiman si dhakhso ah in aanu u dhamayno ayaananu rajaynaynaa haddii Illaahay yidhaahdo.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Cali Waran-cadde waxa uu sheegay oo kale in wadda xaajood u socdo shirkad laga leeyahay Kiinaya, mar uu ka hadlayay dhinaca xidhiidhka shirkadaha diyaaradaha oo aan ilaa haatan Dal kale soo labayn shirkada diyaaradaha Itobiya. “Waxa imika arrinteedu socotaa Kiiniya Airways in ay timaado, oo diyaaradahan yar-yar ee UN-tu ay imika isticmaalaan inay meesha ka baxaan oo qolooyinka Nayroobi joogaa ay isticmaalaan Kiiniya Airways. Markaa, arrintaa dhawaan ayaanu filaynaa in ay soo dhamaato qolooyinkan UN-tana waanu ka wada-hadalay, waxaanay nagu xidheen in aanu samayno xayndaabkii Madaarka., kiina waxaanu ka wadahadalay UNDP-da oo in ay dhawaan samayso ayaanu ku heshiinay, waanay samaynayaan. Garoonka Berbera ayaa dayuurad Jad ahi dhawaan bilowday, Isagana waxaanu ku dedaalaynaa in ay habeen iyo maalin diyaaraduhu soo fadhiistaan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka duulistu.

Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cali Maxamed Waran-cade waa nin had iyo jeer ka dhex muuqda, wadda xaajood-yada xukuumadu la gasho qaybaha bulshada, marka ay yimaadaan khilaafaadyadu. Waxana ugu danbeysay khilaafkii ka dhashay Dhoofka Xoolaha oo uu wada-hadaladii dhex marayay xukuumada iyo Ganacsatada Kooto diidka ah ka qayb-qaatay, tSidaasi darteed, mar arrimahaa iyo sababta had iyo jeer uu u dhex-gallo arrimo ka baxsan wasaaradiisa la weydiiyay Cali Waran-cadde waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Kolay dee qofka Masuulka ahi in uu qaranka u shaqeeyo weeye, Wasiirna Wasaarad uma dhaarto ee dalka ayuu u dhaartaa. markaa mar hadaad dalkaaga u dhaarato hawshii aad is tidhaahdo wax baad ka qaban karaysaa in aad gashaa waa xil dhamaanteen ina saaran.”

 

 

Ganacsatada Kooto-diidka ah badhkood oo bilaabay inay xoolo ka iibiyaan Al-jaabiri

Berbera (Ogaal) – Todobaadkan waxa kor u kacay tirada xoolaha ka dhoofaysa, Dekada Magaalada Berbera oo habeenkii labaad uu ka goostay Markab-qaaday 9600 oo neef oo adhi ah iyo 500 oo Dibi. Islamarkaana qaar ka mid ah Ganacsatada kooto diidka ah ee ka soo horjeeday heshiis xukuumadu bilaha soo socda ugu xidhay dhoofka xoolaha Ganacsadaha Saleebaan Al-jabiri ayaa bilaabay inay ku wareejiyaan xoolaha.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Ogaal ee magaalada Berbera Yaasiin Jaamac, todobadaadkii ugu danbeeyay, ayaa si xidhiidh ah ama habeen dhaaf Maraakiibtu uga daad-guraynaysay Xoolaha, iyadoo Maraakiibta wakiillada ku leh magaalada Berbera loo ogolaaday inay qaadaan oo kal-tan u galaan rarka, halka wakhtiyadii hore Ganacsade Al-jabiri ay maraakiib gaar ahi uga qaadi jirtay Xoolaha.

Warku waxa uu intaa ku daray in Ganacsato door ah oo ka mid ahaa kuwa sida weyn Somaliland looga yaqaano ee ka soo horjeeday heshiiska Al-jabiri ay todobaadyadii ugu danbeeyay ka iibinayeen xoolaha ganacsade Al-Jabiri. Sidda Shirkada Indha-deero iyo Ganacsadayaasha ay ka mid yihiin, Yuusuf Cumar, Maxamed Dheere, Waranle iyo Siciid Daa’uud.

Qaar ka mid ah ganacsatada Xoolaha ayaa wariye Yaasiin u sheegay in waddo ilaa Carafada oo ku beegan dhamaadka wakhtiga shanta bilood ah ee uu ku egyahay heshiiska muranka dhaliyay ee gaarka loogu xidhay dhoofka Xoolaha Dekada Berbera Ganacsadaha Sucuudiyaanka ah, in xoolo gaadhaya Laba Milyan iyo Laba boqol oo kun oo neef oo Adhi ahi ka dhoofaan Dekada Berbera.

 

Wada-shaqayni ma ka dhaxaysaa D/hoose, Ururada Bulshada iyo Saxaafadda?

Akaademiga Nabadda iyo maamul-daadejinta

Hargeysa (Ogaal)- Aqoon-isweydaarsi ku saabsan wada-shaqayn dhex marta Dawladda Hoose, Ururada Bulshada iyo Saxaafadda oo ay soo qaban-qaabiyeen Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ayaa shalay ka furmay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka qayb galeen 26 Xubnood oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, Hoggaanka Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta, Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo Deegaanka Hargeysa, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Daakhiliga, kuwo ka socday Ururada Bulshada, xubno ka tirsan Ha’yadaha Warbaahinta iyo marti-sharaf kale.

Furitaankii Aqoon-isweydaarsigan waxa ka hadlay Isu-duwaha Mashaariicda Akaademiga Mr. Boobe Yuusuf Ducaale, oo ka waramay ujeedada aqoon-isweydaarsigan. “Aqoon-isweydaarsigani waxa uu gebogebo u yahay aqoon-isweydaarsiyo hore loogu soo qabtay Magaalooyinka Borama, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo. Kuwaas oo lagaga hadlayay wada-shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda hoose iyo daneeyayaasha D/Hoose (Saxaafadda, Ururada Bulshada  IWM)..Xashiishku waa dhibaato haysata Bulshada balse aan haysan  D/Hoose. Waxa jira biyo-la’aan iyo sidoo kale culays ka saran D/Hoose. Si wax looga qabto arrimahaa ayaa loo qabtay Aqoon-isweydaarsigan” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe).

Sucaad Ibraahim Cabdi oo ah Cilmi-baadhe ka tirsan Akaademiga oo iyana ka hadashay furitaankii aqoon-isweydaarsigan, ayaa ku tilmaantay ujeedada aqoon-isweydaarsiga mid la doonayo in lagu daboolo galdaloolooyinkii ka soo baxay Doorashadii Golayaasha Deegaanka. “Ujeedada aqoon-isweydaarsigani waa in la daboolo galdaloolooyinka soo baxay 5 sanno ka dib Doorashadii Golayaasha Deegaanka.” Ayay tidhi Sucaad.

Sidoo kale Maayarka Hargeysa Xuseeen Maxamuud Jiciir oo isna ka hadlay halkaa ayaa sheegay in ay iskaashi leeyihiin Dawlad hoose ahaan iyo Bulshadu, isla markaana uu u arko inay waxyaabo badan qabteen intii ay Gole Deegaan ahaan jireen. “Muddada 5-ta sanno iyo badhka ahayd ee aanu jirnay waxaanu isleenahay wax badan baad qabateen. Waxaanu degmo kasta ka hirgelinay Guddi horumarineed..Inkasta oo aanay dadku Cashuuro badan bixinin, haddana wada-shaqayn baanu leenahay.” Ayuu yidhi Maayar Jiciir.

Ka-qaybgalayaasha aqoon-isweydaarsiga ayaa dood ka yeeshay Mawduucyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Maamul-daadejinta iyo caqabadaha hortaagan sidii loo xallin lahaa, wada-shaqayn dhab ahi siday u dhex mari karto dhinaycada aynu soo sheegnay iyo qoddobo kale.

 

 

Rayaale oo la kulay Agaasimayayaasha guud iyo wada-xaajoodka dhaqaale ee wasiiradda

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Qasriga Madaxtooyada kula shiray Agaasimayayaasha Guud ee Wasaaradaha dalka. Iyaga oo sida la sheegay  hawlaha Wasaaradaha ay Agaasimayayaasha ka yihiin. Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynuhu, waxa uu u dhignaa sedan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxauu maanta qasriga Madaxtooyada kula kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland.  Madaxweynaha oo hadal kooban kulankaasi ka jeediyay, waxa uu sheegay in agaasimayaasha guud yihiin cida xilka ugu horeeyaa ka saaran yahay hawlqabadka iyo dardar gelinta xilka Wasaaraduhu ay u hayaan umadda, waxana uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in uu la yeesho agaasimayaasha guud kulamo kale, si uu uga dhagaysto waxyaabaha u qabsoomay wasaaradahoodaiyo waxyaabaha aan u qabsoomin , isla markaana sidii tallaabooyin wax kuool ah looga qaadi lahaa baahiyaha ay wasaaradahoodu qaban lahaayeen,intii awoodeenu ina siiso.  Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay agaasimayaasha guud in ay soodiyaariyaan oo ay hor keenaan kulmada soo socda ee uu la yeelan doonowixii horumar ah ee ay wasaaradahoogu ay ku tallaabsadeen iyo wixii dhibaatooyin ah ee hor yaala.  Agaasimayaasha guud qaar ka mid ah oo iyana halkaasi ka hadlay waxa ayugu mahad naqeen Madaxweynaha fursada uu siiyay wakhtigiisa qaaliga ah inuu la kulmo , kana dhagaysto wixii fikrad ah ee ay ka qabaan horumarintaiyo waxqabadka wasaaradahooga. “

Shirkan uu Madaxweynuhu la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, ayaa waxa uu ku soo beegmay waqti uu dhawaanahan Golaha Wasiirada Somaliland badankooda shir uga socday Xarunta Wasaaradda Beeraha. Iyaga oo kaga hadlaya arrimaha Maaliyadda iyo Cashuuraha. Shirarkan ayaa Bulshada badankeedu u muuqataa mid isweydiinaysa waxay daarran yihiin ee dhabta ah iyo sidoo kale xidhiidhka ay yeelan karaan.

  

  

QM oo ku baaqay in Somalia islaamku u gargaaro Ramadaanta & dilalka qarsoodiga ah oo sii kordhaya

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilalka qorshaysan iyo kuwa fursadaha ku yimaadaaba ay haatan sare u kacayaan, iyadoo dilalkaas qaarkood la sheegay inay la xidhiidhaan tallaabooyin aargoosi ah, isla markaana dadka ugu badan ee dilalkaas lagu fuliyaa ay yihiin kuwa caanka ah, ganacsadayaasha, aqoonyahanada, xirfadlayaasha iyo siyaasiyiinta.

Sida laga soo xigtay BBC-da dilalkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha weerarada qarsoodiga ah, waxa la sheegay in lagu fuliyay shan qof xaafadda Suuq-bacaad ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay wararku sheegayaan in saddex ka mid ahaa ay masuuliyiin sar-sare ka ahaayeen Shirkadda Wiif Company, siday warbaahinta u cadeeyeen dad goob-joogayaal u ahaana dablayda dilalkan gaysatay waxay xidhnaayeen dirayska ciidanka dawlada ku-meel-gaadhka Soomaaliya. Isla markaana waxa wararkaasi intaa ku darayaan in shalay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay dilal qarsoodiya lagu laayay dad ka badan toban qof magaalada Muqdisho. 

Dhinaca kale, sida lagu faafiyay shabakada wararka wakaalada AFP, Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dalalka Muslimku inay bisha Ramadan caawiyaan dadka ku tabaalaysan Soomaaliya oo la sheegay in dad ka badan 3 Milyan iyo 200-Kun ay la il-daran yihiin macaluul iyo maciishad-xumo. Ergayga arrimaha Gargaarka ee Somalia u qaabilsan Qaramada Midoobay Mr. Abdul Aziz Arrubkan ayaa ugu baaqay Dunida Muslimka ah inay Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha gargaarka ka taageeraan sidii Somalia loo caawin lahaa oo uu sheegay inay baahi iyo cunto-la’aan la liitaan dad tiradoodu badan tahay. “Ramadan waxa inaga xigta maalmo, waxaanu jecelnahay inaanu aragno dalalka Muslimka  oo Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha gargaarka ay ka taageeraan in la caawiyo Somalia.” Ayuu yidhi Mr. Abdul Aziz oo Saxaafadda ugu waramayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Gargaarka ee Somalia waxa kale oo uu u jeediyay Bulshada iyo Caalamka Islaamkaba inaanay hilmaamin oo aanay iloowin Malaayiiin qof oo ku nool Somalia, kuwaas oo baahidoodu taagan tahay adeegyadii aas-aasiga u ahaa nolosha dadka. “Waxaan ka codsanaynaa Beesha Caalamka iyo dalalka Muslim-kaba inaanay iloobin baahiyaha muhiimka u ah nolosha Malaayiin qof oo Somalia ku nool oo ay Cuntadu ka mid tahay.” Ayuu yidhi Mr. Abdul Aziz.

Sida lagu sheegay Warbixinno ka soo baxay Qaramada Midoobay baahiyaha Cuntada ee dadka ku tabaalaysan Somalia ayaa 77% kor u kacay ilaa bishii January ee sanadkan. Kuwaas oo dadka ugu badan ee ay saameeyeen cunto-yaraantani, isla markaana soo waajaheen nolosha adage e ay keentay cunto-yaridda iyo Sicir-bararku ayaa ah dadka baro-kacay ee daadkan Xeryaha Qaxootiga ee Somalia gudaheeda.

Caanaha Geela iyo xogo cusub oo daah-furaya macdanaha ku guugan

 By Lana Mahdi

AL-Cayn, UAE (Khaliij Times/Ogaal)- “Waxa laga yaabaa inaanay ahayn aqoon laga siman yahay, hase ahaatee, qabiilka Bedouin-ku waxay dhamaan caanaha geela si ay ugu adkaystaan inay isaga gudbaan kulaylaha saxaaraha,” sidaa waxa lagu bilaabay maqaal uu faafiyay Wargeyska Khaliij Times oo caanaha geela faa’iidooyinkooda lagaga hadlayo.

Wargeyska oo faafiyay qoraalkaas, isla markaana soo xiganayay warbixinta cilmi-baadhis lagu sameeyay caanaha geela ayaa ku bilaabay sidan: “Sarfey ay dhawaanahan qaadeen Khabiiro ka tirsan Jaamacadda UAE ayaa lagu cadeeyay in lixdii qof ee Imaaraati ah ee baadiyeyaasha ku nool uu mid ka mid ahi si joogto ah u isticmaalo caanaha geela. Isla markaana tirade dadka muwaadiniinta ah ee caanahaas isticmaalaa waxay aad sare ugu sii kacayeen ilaa tobankii sannadood ee la soo dhaafay.” Sidaa waxa yidhi Seedhara M.J. kaasoo ah guddoomiyaha xerooyinka wax-soo-saarka xoolaha ee Al-Cayn. Waxaanu hadalkiisa raaciyay, “Caanaha geelu waxay dhaqan ahaan ahaayeen kuwo lagu daweeyo macaanka, maadaama ay caanahaasi xambaarsan yihiin faytamiino caloosha u sahlaya inay wax kastaaba dhaafaan mashkilad la’aan.” Seedhara waxa kale oo uu sheegay in la ogaaday in caanaha darayga ah ee geela loo isticmaali karo Is-kiriim iyo Jokulaato ahaanba. “Caanaha geela dufankoodu wuu hooseeyaa, kaasoo noqon kara ilaa 2-2.5 boqolkiiba – waxaana intaa dheer inay 40% duxdoodu ka hoosayso marka la barbar dhigo caanaha Lo’da. Waxa kale oo ay leeyihiin oo ku badan Barotiinka loo yaqaano Antimicrobial, taasoo kordhisa awooda qofka, sidoo kalena caanaha geelu waxay xambaarsan yihiin macdano badan oo isku jira, waxaana aad uga buuxa Fiitamiin C-da,” sidaa waxa yidhi Seedhara isagoo xiganayay cilmi-baadhista lagu sameeyay caanahaas.

Waxa uu ninkaasi sheegay in tirade aadka u kordhaysa ee dadka caanaha doonaya aanay ku filayn xilligan geela beeraha uu masuulka ka yahay lagu xanaaneeyo, kuwaasoo tiradoodu gaadhaysay 350 geel ah, balse ay doonayaan inay gaadhsiiyaan ilaa 1000 neef dhawrka sannadood ee soo socda. Isla markaana Shirkadda AAFLDP ayaa isku deyaysa inay abaabulaan wacyigelin la xidhiidha faa’iidooyinka caanaha geela. Caanaha geelu waxay aad ugu wanaagsan yihiin dadka Elerjiga qaba iyo kuwa awood-darradu hayso; waxaanay qani ka yihiin macdanta Calcium-ka oo u fiican haweenka uurka leh, isla markaana waxay caanahani ka hortagaan xanuuno badan. Cilmi-baadhistan waxa kale oo lagu sheegay inay caanaha geelu xambaarsan yihiin macdanaha quruxda qofka iyo dhalaalkiisa la xidhiidha ee dabiiciga ah, kuwaasoo ka hortaga  finanka iyo xanuunada maqaarka, sidoo kalena waxay cabista caanaha geelu u wanaagsan yihiin Ilkaha, Timaha iyo Maqaarka. Muruqyada iyo hab-dhismeedkooda ayay caanahaasi la sheegay inay aad ugu fiican yihiin. Intaaba waxa ka horeeya in caanaha geelu u fiican yihiin Aysiidhada hab-wareega qashin-saarka.”

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.