Boorama: Sidee Looga Soo Dhaweeyey Musharaxnimada Mansabka Madaxweyne Ku-Xigeennimada Xisbiga Kulmiye Ee C/Raxmaan Saylci Sideese Looga Xumaaday?

Borama, August 27, 2008 (Haatuf) – Shalay waxay reer Boorama u ahayd maalin farxad iyo naxdin wada xambaarsan. Waxa kale oo ay ahayd shalay maalin kale oo xamaasado ku salaysan waddaninimo, qabyaalad, iyo dabaylo siyaasadeed oo cusubi hadheeyeen taas oo ka dhalatay dhawaaqii ka soo yeedhay shirweynaha xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Burco. Dhawaaqaasi oo ay reer Boorama u sugayeen siyaabo kala duwan ayaa la sheegayaa in aakhirataankii uu ku dhamaaday si aanay dadweynaha gobolkani ugu wada farxin ama uga wada nixin.
Waxay dadku maanta iyadoo roob da’ayo u kala horreynayeen meelaha ay yaallaan sameecadaha debedda laga dhegeysto ee Huteelada iyo dukaanada si ay u maqlaan waxa ay idaacadda tashwiishka badan leh, maadaama aanay FM ku lahayn Boorama ay BBCda ka sheegi doonto go’aanka shirweynahaasi muddada la sugayey waxa uu ku dhammaan doono..
Shirweynaha Kulmiye oo ajendishiisa hadheeyeen sidii loo kala reebi lahaa laba musharrax oo reer Boorama, oo xisbigaasi uga tartamaya mansabka madaxweyne ku-xigeenka, kuwaas oo kala ah Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax iyo Inj. Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici).
Inkastoo reer Boorama ay ogaayeen sida uu ku socdo shirkaasi, balse aanay ogeyn waxa ka soo bixi doona, ayaa aaakhirataankii idaacaddaasi u sheegtay in labadii musharrax ee halkaasi ku loolalamayey uu ku adkaaday Injineer Cabdiraxmaan Saylici, halka musharrax Cabdiraxmaan Aw Calina uu shirkaasi ka soo baxay. Warkaasi BBcda ka soo yeedhay ayaa markiiba dareen kala duwan ka dhaliyey Boorama, waxayna markii laga dareeray goobahaasi dadkii dhegaysanayey halkaasi kala tegeen dareenno kala duwan oo xambaarsan farxad iyo naxdin.
Inkastoo aanay ilaa imika cidna si cad u sheegin dareenkooda ku aaddan natiijada shirweynaha Burco, waxase si cad loo maqlayey durbaanka qarsoon ee ka soo yeedhayey kooxaha taageersanaa in C/Raxmaan Saylici noqdo musharrax mansabka madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, halka kooxaha taageersan in Muj. C/Raxmaan Aw Cali taageersanaa ay halkaasi kala tegeen cadho iyo guux fara badan oo ku salaysnaa arrimo kala duwan.
Si kastaba ha ahaatee go’aanka ka soo yeedhay Kulmiye ayaa noqon doono mid dalkan ka sameeya isbedel siyaasadeed oo dimuqraadi ah haddii laga gudbo dareenka ka dhashay magacaabista C/raxmaan Saylci loo magacaabay musharrax madaxweyne ku-xigeenka xisbigaasi mucaaradka ah, sababtoo ah waxa durba bilow ah, ama qaybo ka mid ah dadweynaha magaalada laga dareemayaa inuu jiro faraq siyaasadeed oo ah kii ugu xumaa ee weli soo kala dhex mara dadweynaha gobolkan Awdal oo shan sano ama lix sano ku dhawaad ka hor Daahir Rayaale si wadajir ah ugu doortay mansabka madaxweynaha Somaliland ee uu maanta ku fadhiyo inkastoo wakhtigii loo doortay dhammaaday 15kii May.
Reer Boorama, oo durba ay soo waajahayso jawi siyaasadeed oo hor ah isla markaana aan la saadaalin karin waxa ka soo bixi doona ayaa siyaalo kala duwan uga warramaya waxa dhaliyey markii ay maqleen in Mujaahid C/raxmaan Aw Cali lagaga guuleystay tartanka loollankaasi siyaasadeed, waxa markiiba bilowday faallooyin ku saabsan waxa dhaliyey guusha iyo guuldarada labadaa muisharrax kala kulmeen shirweynaha xisbigaasi Kulmiye.
Haddii aan ku horreynno taageerayaasha musharrax Cabdiraxmaan Saylci, waxay guusha la sheegeyo inuu mansabkaasi loo doortay ku hantay ay tahay:
1. Olole xoogle oo sannado ah oo uu kusoo jiray ilaa intii uu xisbigaasi ku biiray wakhtii doorashada golayaasha deegaanka 2002dii, waakhtigaasoo raxan ka mid m usharraxiintii xisbigaasi ee golaha degaanku ku guuleysteen inay kuraas ka helaan golaha degaanka Boorama.
2. Waa tan labaade waxay guushaasi ku sifeeyeen mid uu Cabdiraxmaan Saylici ku helay taageero gudaha iyo debeddaba leh oo uu ka helay tolkii, taageerayaashiisa, isla markaana uu naf iyo maalba ku bixiyey xisbigaasi
3. Waa tan saddexaade isagoo C/Raxmaan Saylci aanay weli iska hor imanin hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, isla markaana aanu cadow badan ku lahayn hoggaankaasi.
4. Waa tan afraade Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegeyaa inuu taageeradan ku helay daacadnimadiisa dhinaca mucaaradka, isagoo maamulka Rayaale intii uu ka jiray dalkan uu cadaadis xoog leh ku hayey danihiisa, sumcadiisa iyo taageerayaashiisaba.
5. Waxay sheegeyaan in taageerada Cabdiraxmaan Saylci lagu siiyey Burco ay ahayd iyadoo hoggaanka dalka iyo maamulka gobolkan Awdal uu gacanta ugu jiray beel keliya oo ka tirsan beelaha Awdal, ee ay ka soo wada jeedaan Madaxweyne Rayaale iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali, sidaa darteedna loo baahan yahay in siyaasadda gobolkan ay ku soo biiraan dad cusub oo dhallinyaro ah.
6. Iyadoo dadka qaar aaminsan yihiin in beesha uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan Aw Cali aanay taageero siyaasadeed ama codkooda siin doonin madaxweyne ku-xigeen, maadaama ay beeshaasi oo ah beesha J/yoonis, haysato mansabka Madaxweynaha.
Haddii aan u leexanno siyaalaha la sheegeyo inuu musharrax mansabka madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye uu ugu soo bixi waayey Muj Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa la sheegeyaa inay sabab u yihiin arrimahan soo socda.
1. Cabdiraxmaan Aw Cali oo hoggaanka sare ee xisbigaasi an xubin ka ahayn, balse musharrax uun ka ahaa
2. Muj.Cabdiraxmaan oo colaad siyaasadeed u dhaxaysay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi, sidaa darteedna ay olole xoogle u galeen inay Cabdiraxmaan Aw Cali ka fogeeyaan saaxadda siyaasadda.
3. Taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici, oo markii horeba sheegay in khaati ka joogaan maamulka beel keliya ahi ay gacanta ku hayso awoodda siyaasadeed ee gobolka Awdal sidaa darteedna loo baahan yahay isbeddel
4. Sifaha C/raxmaan Aw Cali loo dhaafiyey musharraxnimada ayaa iyaduna aha dareen ka dhashay Maamulkii marxuum Cigaal, taas oo uu Axmed Siillaanyo cabsi weyn ka qabay inay isaga iyo C/raxmaan Aw Cali isku qabsadaan maamulka dalka haddii ay guuleystaan.
5. Beelaha dhexe ee Somaliland siyaasiyiintooda oo ay weli ku jiraan qaar cadaawad badan u haya muj. Cabdiraxmaan Aw Cali
6. Dhinaca dhaqaalaha oo aanu Cabdiraxmaan Aw Cali qaadhaan siyaasadeed ka helin tolkii, debed iyo gudaba.
7. Arrimaha kale ee ay ka sheegeyaan go’aaminta shirweynaha xisbigaasi ku doortay C/raxmaan Saylci ayaa iyaduna ah baa la leeyahay laaluush la siiyey shirguddoonka shirkaasi, iyagoo dhinaca kalena ballanqaadyo u samaynayey C/raxmaan Aw Cali inay dhexdhexaad noqon doonaan.
8. Dadka qaarkood, gaar ahaan siyaasiyiinta beelaha dhexe oo aaminsan in C/raxmaan Aw Cali hoosta ka taageero madaxweyne Rayaale, isla markaana aanu dagaal siyaasadeed oo dhab ah la gelin Daahir Rayaale.
Guud ahaan arrimahaasi iyo kuwa kale oo lagu sababayn karo kala saarista labadaa musharrax ee reer Boorama ah, ayaa ay adag tahay in la saadaaliyo waxa ka soo bixi doona marka ay dhaqaaqaan arrimaha doorashooyinka soo socda maadaama weli mugdi badani saaran yahay, ama dadka qaarkii siyaalo kala duwan u sheegeyaan sifaha uu u dhacay shirweynaha xisbigaasi, waxayna noqon doontaa haddii xaaladdu sidaa sii ahaato in awooddii xisbigaasi kaga qaybgelayey doorashooyinka soo socdaa ay wiiqmi doonto haddii aan xal loo helin khilaafka siyaasadeed, kan beeleed iyo kan xisbi ee cirka isku shareeray taas oo keeni karta inay markii ugu horreysay taariikhda reer Awdal ku kala tegaan arrimaha siyaasadda, sidaa darteedna loo baahan yahay dedaal kale oo dhaafsiisan shirka Burco in laga galo haddii la doonayo inuu dalkani ka badbaado maamulka Rayaale, haddii kale cadaawadda Axmed Siilaanyo ka abuuray shirkaa Burco, waa mid jidka u sii xaadhi karta guulo siyaasadeed oo uu dalkan ku sii xukumo Hoggaamiyaha xisbiga UDUB, Daahir Rayaale, sida ay sheegeyaan dadka odayaasha ah ee maanta arrimahan ka faalloonayey..
http://haatuf.net/2008files/000180310.htm

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.