Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Gudidda Kulmiye Norway iyada oo ku hadlaasa afka dhamaan xubnaha iyo Tageerashaasha Kulmiye Norway waxa ay Hogaanka sare ee xisbiga, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, gudidda qabanqaabada shirka Burco iyo shir gudoonka shirkaba u soo jeedineyaan mahadnaq iyo bogaadin qaabka ay uga midho dhaliyeen dimoqraadiyada iyo habsi u socodka hawlaha xisbiga uga socdey Burco.
Waxaanu ku faraxsanahay natiijooyinka ka soo baxay shirkan, islamarkaasna waxaanu si buuxda ugu qanacsanahay uguna taageersanahay murashaxiinta loo caleemo saarey in ay ku tartamaan jagooyinka madaxweynaha iyo kuxigeenka ee Somaliland.
Waxaan ilaahay idiinka baryeynaa in ilaahey idiin fududeeyo hawshaas xambaarsan iftiinka ummadu mudadda dheer sugeysey, dhamman gudidda iyo taageereyaasha xisbiga ee halkan, waxa ay idiinla  garab taaganyihiin hawlaha aad kaga midho dhalineysaan isbedelka ummadu u oomantahay iyo in la helo dawlad aqoonsi u keeni karta ummadan.

 

Salaan ka timid
 
Sulub Warsame, Gudoomiya Laanta Norway
Ali M. Jama, Xoghaye
Prof Hussein Hassan, La taliye
Hassan M. Ali, Lacaghaye
Maryan M. Ali. Afhayeen.
 
Ahmed Cawad, Odayga Laanta Norway
Ahmed H. Nuur, Odayyaasha Laanta.
 
 
Emailka Kulmiye Norway : Kulmiyenorway@hotmail.com

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.