Wararka Wargeyska OGAAL: Muducigii Tol-waa, Madaacalaygii Siilaanyo, Mintidkii Salaadiinta iyo Midha-dhalka maanta

Burco (Ogaal) – Kulan gar-naqsiya oo ay shalay isku soo hor-fadhiisteen labada dhinac ee ku kala baxay gunaanadkii shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee magaalada Burco, ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday jewi degen. Isla markaana loo ballamay maanta laysu yimaado mar kale.

Kulankan oo ay gadh-wadeen ka ahaayeen ergo tobban xubnood ah oo isugu jira Salaadiin iyo aqoonyahano u badan qurbe-joog, kuwaasoo isu xilqaamay inay xal u raadiyaan khilaaf soo kala dhex-galay masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga Kulmiye, waxa laysku waydaarsaday oo dhinac kastaaba uu soo bandhigay cabashadiisa. Inkasta oo laga fogeeyay kulankaas saxaafadda, hadana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada dhinac ay uga qaybgaleen min toddoba xubnood. Kuwaasoo kala ah; Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Guddoomiye ku xigeenka Muuse Biixi Cabdi, Xil. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), Maxamed Cabdi Iskeerse, Dr Cabdi Aw Daahir, Maxamed Kaahin Axmed iyo Xuseen Axmed Caydiid oo isku dhinac ah; Iyo dhinaca kale oo uu horkacayay, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa), Axmed Xaaji Cali Cadami, Xil. Maxamed X Maxamuud Cumar Xaashi, Xil. Ibraahim Jaamac Rayte, Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegawayne), Dr Cumar Cilmi Dixood, Dayr Maxamed Cilmi.

Xogaha ka ag-dhawaa kulankaasi waxay tibaaxeen in labada musharrax ee u tartamayay jagada madaxweyne ku xigeenka uga qaybgalaya doorashada Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashooda qaadacay shirkii golaha dhexe ay ku doodeen in iyadoo ay kaga baxeen madashii shirka inka badan 60 xubnood oo golaha dhexe ka tirsan ay filayeen in shirka la hakiyo, isla markaana laga qanciyo tabashadooda iyo in musharrixiinta u tartamayay musharraxa xisbiga ee ku xigeenka loo garsooro oo guddoomiyuhu maadaama aan musharraxa madaxwenenimada lagula tartamayn ay ahayd inuu dhex u ahaado, balse halkii laga sii waday shirkaa oo ay ku warheleen uun go’aamo ka soo baxay, sidaa daraadeedna ay ugu dhawaaqeen inay abaabulayaan shir kale. Sidoo kale, waxay xogahaasi intaa ku dareen in dhinaca kale ee uu hor-kacayay Axmed Siillaanyo ay ku gar-naqsadeen inaanay filayn ka-bixitaankooda shirka, isla markaana ay u qaateen inay burburinayaan, iyadoo dhawr jeer oo hore shirka golaha dhexe la hakiyay si xal looga gaadho arrimaha lagu muransanaa, hase ahaatee, waxa warku intaa ku daray in hogaanka Kulmiye uu ka garaabay cabashada labada musharrax iyo taageerayaashoodu ku doonayeen in shirka loo joojiyo. Sidaa daraadeedna, waxa loo soo jeediyay xulufada Cabdiraxmaan Tolwaa iyo Caddami inaanay sii fogaan ee ay la yimaadaan tanaasulaad.

Ilo-wareedyada aanu soo xiganay waxay tibaaxeen in maanta 9:00 subaxnimo loo ballamay go’aan laga sugayo dhinaca labada musharrax iyo taageerayaashoodii shirka ka baxay, kaasoo lagu wado inay ku cadeeyaan tallaabada tan xigaysa ee ay qaadayaan waxay noqonayso. Wararka ka imanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in isla xalayba labada musharrax iyo taageerayaashooda golaha dhexe ee Kulmiye ay bilaabeen inay ka arrinsadaan waxay ka yeelayaan go’aanka maanta laga sugayo.

Salaadiinta hor-kacaysay ergeda dhexdhexaadinta waxa ka mid ahaa; Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Cabdiraxmaan Qoddax.

Khilaafkan labada dhinac ee Kulmiye ayaa ka dambeeyay, markii shirkii golaha dhexe ee xisiga uga socday magaalada Burco ay banaanka uga baxeen musharraxiinta kala ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa) iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo biyo-diiday tallaabooyin ay sheegeen inuu guddoomiyaha Kulmiye ugu xagliyay musharrax Cabdiraxmaan Saylici oo markii dambe loo wada doortay Msharraxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbigaas uga qaybgalaya doorashooyinka la filayo inay dalka Somaliland ka dhacaan horaanta sannadka soo socda.

Meles Zenawi oo sheegay in C/laahi Yuusuf

iyo Nuur-Cadde isku khilaafeen arrimo Qabiil

 

 “Joogitaanka Somalia kharashkeedu aad buu u sarreeyaa…laakiin waxaanu isku deyaynaa isu-dheeli-tirka baahiyaha gudaha iyo kuwa Somalia

“La-bixitaanka Ciidamadayadu ma dhaawaci doonto geeddi-socodka…intaanu awoodnose waanu ka digtoonaan”

Addis-Ababa (FT/Ogaal)- Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa ku tilmaamay khilaafkii ka dhaxeeyay Cabdilaahi Yuusuf iyo Ra’iisal-Wasaaraha Xukuumaddiisa Nuur-Cadde ee ay heshiiska ka gaadheen uu salka ku hayay arrimo Qabiil. Isaga oo sheegay in dhaqaalaha kaga baxaya Ciidamadooda ku sugan Somalia uu culays ku hayo Maamulkiisa, balse ay Ciidamadooda kala bixi doonaan Somalia marka la helo Ciidamo bedela oo ka socda Midowga Afrika.

Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi oo Waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Financial Times, ayaa sheegay in wali uu jiro khilaaf u dhaxeeya Cabdilaahi Yuusuf iyo Ra’iisal-Wasaare Nuur-Cadde. “Wali waxa jira faraq u dhaxeeya Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia. Waxaanu shaki ku jirin in uu wiiqayo wada-jirkii iyo dedaalkoodii ahaa kasbashada nabad iyo la-dagaallanka Argagixisada.” Ayuu yidhi Meles. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Hase ahaatee, saamayn toos ah ama dadban ku yeelan mayso wada-hadallada nabadda ee Jabuuti.”

Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi ayaa mar la waydiiyay aragtida uu ka qabo sababta keentay khilaafka soo kala dhex galay Cabdilaahi Yuusuf iyo Nuur-Cadde, ayaa waxa uu sheegay in ay saldhig u tahay muran Qabiil. “Kama warqabo sirta wada-hadalladoodii, laakiin waxa wax la-yaableh noqon doona haddii aanay meesha ka bixin khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Soomaalidu.” Ayuu yidhi Meles. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waana arrin Qabiil.”

Meles Zenawi waxa uu sheegay in bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee Somalia aanay caqabad iyo shuruud ku xidhan ahayn hadba taagta uu leeyahay Maamulka TFG ee Somalia oo haddii uu Cago adag isku taago iyo haddii kaleba kala baxayo Ciidamadiisa marka Somalia la geeyo Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo la wareegi kara nabad-ilaalinta Somalia. “Waanu qabanay ujeedadayadii oo ahayd in aanu Xukunka Somalia ka qaadno Kooxaha Jihaadiyiinta ah. Waxaanu kala bixi doonaa Ciidamadayada Somalia marka si buuxda loo geeyo 8,000 ee Askari ee Midowga Afrika ka socda ama Ciidan u dhigma oo hanan kara nabad-ilaainta Somalia. Laakiin, inta ka horraysa anaga ayaa Garaacayna Jalaska (sii joogayna) inta ay ka imanayaan Ciidamo nabad-ilaalineed oo xooggani ama ay Soomaalidu xallinayaan khilaafaadka ragaadiyay ee u dhaxeeya.” Ayuu yidhi Meles mar wax laga waydiiyay wakhtiga ay Ciidamada ka jooga Somalia kala baxayaan halkaa iyo haddii Maamulka TFG uu awood buuxda yeelan waayo inay sii taakulaynayaan iyo in kale. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “La-bixitaanka Ciidamadayadu ma dhaawaci doonto geeddi-socodka Somalia iyo awoodda Maamulka TFG. Waanu ka digtoonaan doonaa inta aanu awoodno.”

Meles Zenawi waxa uu sheegay in dakhliga ku baxa Ciidamada ka jooga Somalia uu culays ku yahay, marka ay is-kaashadaan baahiyaadka dalkiisa gudihiisa. “Sidoo kale waxa jira baahiyaad noo gaar ah oo ay ka mid yihiin baahi dhaqaale. Hawlgalkani (Joogitaanka Ciidamada ee Somalia) qiimihiisu waa mid aad u sarreeya. Waxaanu isku dayi doonaa inaanu xallino oo aan isu-dheeli tirno baahiyaha dalka (Itoobiya) gudihiisa iyo Cadaadiska baahiyaha Somalia.” Ayuu yidhi Meles.

Su’aal la waydiiyay Meles oo nuxurkeedu ahaa in ay isku mid yihiin Ciidamada Ciraaq ku sugan ee Maraykanka iyo kuwa Itoobiyaanka ee Somalia ku sugan, marka loo eego weerara lala beegsado, ayaa waxa uu kaga jawaabay, “Maya isku mid maha, farogelinta Itoobiya ee Somalia waxay si cad u ahayd is-difaac. Jihaadiyiinta qabsaday Koonfurta Somalia waxay si cad u caddaysteen inay ka soo horjeedaan Itoobiya. Waxaana na marti-qaadday oo noo yeedhay Dawladda ku-meel-gaadhka ah oo UN iyo waddamo kale aqoonsan yihiin, ujeedadayaduna maaha inaanu Somalia Jid ka leexino, una weecino Jid kale.” 

Su’aal kale oo la waydiiyay oo nuxurkeedu ahaa halka dhaqaalaha ku baxa Ciidamada Somalia ku sugan ay kaga jiraan dakhliga dawladdiisa, waxa uu ku jawaabay, “Dabcan waxa jira wax dhaqaalayahannadu ay ku magacaabaan Qiimaha fursadeed. Bajad-ka Dawladdu inkasta yaraani ku timi, haddana hadda wuu kobcay si wanaagsanna wuu u socdaa. Hal Dollar oo kasta oo aanu ku kharash garayno Somalia waxa lagu kharash garayn lahaa meelo kale baahiyaha dalka ah. Waa taa sababta aan u leeyahay ballan-qaadkayaga Somalia maaha mid xaddidan.”

Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya waxa kale oo wax laga waydiiyay nolosha dadka Itoobiyaanka ah, Abaaraha iyo sicir-barar soo food saaray. Waxaanu sheegay inay sabab u tahay tirada dadka Itoobiyaanka ah oo marba-marka ka dambaysa isa soo taraysa. “Macluumaadka ay ururiyeen Suxufiyiin ayaa muujisay in dadka Itoobiya hadda ku nool ay dhan yihiin 80-Milyan oo qof.” Ayuu yidhi Meles Zenawi.

 

Hargeysa: Xaflad kulmisay Wasiiro iyo Ururka Aqoonyahanka Somaliland

Hargeysa (Ogaal)- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland, ayaa shalay ka qaybgalay Xaflad ay qabteen Ururka Aqoonyahanka iyo khuburada farsamo ee Somaliland. Taas oo Ururka Aqoonyahanku ku soo bandhigeen Website Cusub oo uu Ururku yeelan doono.

Wasiirrada, Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed, Arrimaha Dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Hawlaha Guud SIciid Sulub Maxamed, Arrimaha Qoyska Marwo Faadumo Suudi iyo marti-sharaf kale oo ka kala socday Laamaha dawladda iyo Golayaasha Qaranka, ayaa shalay ka qaybgalay Munaasibadda bandhigga Website-ka cusub ee Ururka Aqoonyahanka Somaliland.

Wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) oo Xafladdaa ka hadlay sababaha keenay abuuritaanka Ururka Aqoonyahanka Somaliland. “Sababaha keenay abuuritaanka Ururkan ayaa waxa ka mid ah, iyaga oo Aqoonyahankeenii ay ku milmeen dadka kale iyo iyaga oo aan la adeegsan ama aan la habayn. Dadka oo yidhaahda, iyaga oo aqoonyahankeenii jooga ayaa dalalka deriska ah looga yeedhaa dadka fursadaha shaqo qabanaya…taas ayaa keentay in la abuuro aqoonyahanka iyo khuburada farsamo oo guddi loo doorto.” Ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu. Waxaanu Wasiirku uga mahadnaqay hawl-qabadka Ururkan Aqoonyahanka iyo Khuburada farsamo oo uu sheegay inay ku shaqeeyaan iyada oo aanay jirin wax Mushahar ah oo ay qaataan. Isaga oo kula dardaarmay Aqoonyahanka Somaliland inay aqoontu hagto oo ay dadka Suuqa kaga duwanaadaan. Isla markaana ka gaabsadaan waxyaabaha dadka ragaadiyay oo uu Wasiirku sheegay inay Qabyaaladda tahay.

Guddoomiyaha Ururka Aqoonyahanka iyo khuburada farsamo Maxamed Saalax X. Xasan ayaa sheegay inay sameeyeen Liiska Aqoonyahannada, isla markaana ay Khabiir walba u diiwaangeliyeen waxa uu aqoon u leeyahay. Isaga oo sheegay in faa’iidooyka Website-kani ay ka mid tahay, in Ha’yadaha Caalamiga ah ee u baahan qof aqoon leh ay si sahal ah uga heli karaan qofka ay u baahan yihiin iyo in Aqoonyahanka Somaliland ee dibedda ku sugani si fudud isu-diiwaangelin karaan, isla markaana ka mid noqon karaan Ururka. Website-ka loo sameeyay Ururka Aqoonyahanka Somaliland ayaa ah www.somalilandconsultancy.org

 

 

 

Waa sidee jawiga dhoofka Xoolaha dekada Berbera?

Berbera (Ogaal) – Dekada Magaalada Berbera ayaa xalay laga raray xoolo gaadhaya Toban kun oo neef oo Adhi ah iyo 288 oo Geel ah. Oo uu leeyahay Ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al Jabiri.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Ogaal ee Berbera Yaasiin, xoolahan waxa dekada Berbera ku wareejiyay ganacsato reer Somaliland oo u badan, Ganacsatadii hore ee xoolaha Berbera ka dhoofin jirtay ka hor intii aan dhoofka Adhiga gaarka loogu xidhay Al-Jabiri. Kuwaasoo lacagta ku qaatay ka hor intii aan xoolaha laga rarin dekada.

Hawl-wadeen ka tirsan masuuliyiinta dhoofka Xoolaha AL Jaabiri oo lagu magacaabo Faysal Cabdi Xasan ayaa sheegay in sadexda  habeen ee soo socda qorshuhu yahay inay diraan, islamarkaana Dekada Berbara ka dhoofiyaan xoolo tiradoodu gaadhayso 33-kun oo neef oo Adhi ah iyo kun iyo sagaal boqol oo neef oo isugu jira Geel iyo Lo.

Mudadii uu socday muranka ka dhashay Dhoofinta xoolaha ee gaarka loogu xidhay Ganacsade Al-jabiri ayaa la sheegay inay aad hoos ugu dheceen dhoofka Xooluhu, hase ahaatee, haatan waxay u muuqataa in kor u soo kacday tiradii laga dhoofinayay dekada Berbera.

 

Wariye Fawsi oo weli ku xidhan Burco

 

Burco (Ogaal) – Wariye Fowsi Saleebaan Aw Biindhe ayaa maalintii sadexaad xidhan, ka dib markii ciidamada Booliska magaalada Burco xabsiga u taxaabeen 25-kii bisha wakhti uu ku guda jiray tabinta warar uu ka diyaarinayay shir magaaladaasi uga socday Xisbiga Kulmiye.

Wariye Fowsi ayaa xadhigiisa xukuumadu u cuskatay, inuu warar u tabinayay TV-ga Universal oo wasiirka warfaafinta Somaliland sheegay inay hab ku meel-gaadh ah u hakiyeen hawlihii uu warbaahineed ee uu ka hayay gudaha Somaliland.

Xadhiga wariyahan, waxa canbaareeyay Shirgudoonka shirkii Xisbiga Kulmiye iyo Saxaafada madaxabanaan. Islamarkaana waxa mar kale loogu baaqayaa Xukuumada Madaxweyne Rayaale inay xoriyadiisa u celiso Wariyahaasi.

Maaha markii ugu horaysay ee xabsiga loo taxaabo wariye ka tirsan TV-ga Universal, hase ahaatee, Todobaad-yadii aynu soo dhaafnay ayaa wariye Maxamed Aw Aadan sidoo kale, Hargeysa loogu xidhay warar uu u gudbiyay TV-gaasi.

 

Go’aamo ka soo baxay shir ay yeesheen Beelaha Ciidagale

 

1-         Iyada oo beesha Ciidagale ka mid ahayd beelihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee samaystay hogaan dhaqameed, waxaa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah in is bedalka baaxada tirada dadka, horumarka, fikirka iyo hab-dawladeedka cusubi keeneen hab-nololeed kii hore ka gedisan, oo lagama maarmaan ka dhigaya abuurida hab wada-tashi oo la jaan-qaadi kara hab dhaqan-dhaqaaleedka maanta taagan oo mararka qaarkood curin kara dano gaar ahaaneed iyo kuwo guud ahaaneed oo is waydaarsanaaya.

2-         Waxa 24-25-kii bishan Augost 2008-da Huteel Ambaasadoor ka dhacay shirkii beelaha Ciidagale oo ay ka soo qayb-galeen 213 qof oo isugu jira hogaamiyo dhaqmeed, ganacsato, aqoonyahano, Culimo aw diin, qurba jog iyo Xubnaha Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Qaranka oo kala ahaa 150 Ergo oo rasmi ah oo ka kala yimi 10-ka Ardaa iyo 63 goob joogayaal ah.

3-         Hadaba, iyada oo aan hoos loo dhigayn meeqaanka iyo hab-dhaqankii soo jireenka ahaa, wuxuu shirweynuhu isku raacay xeer toboan qodob iyo lixdan farqadood ka kooban, ujeedadiisuna tahay abuurista iyo hagida Gole guud. Si loo suurageliyo tala-wadaag wax ku ool u ah oo danta guud ee beesha, beelaha la ologa ah, dalalka beeshu rasmi ahaan u degto iyo guud ahaan samo ku wada-noolaanshaha dadyawga aduunka.

4-         Hadaba, Shirku markuu si mug leh u falan qeeyay xaalada guud ee dalka ee dhinacyada nabadgalyada, daris-wanaaga, samo ku wada-noolaanshaha beelaha, is tixgelinta iyo horumarinta, waxa shir-gudoonka loo igmaday  soo gudbinta war-murtiyeedkan soo koobaya nuxurka shirka go’aamada heshiiska:-

1-         hirgelinta qadiyada Somaliland iyo adkaynta nabadgalyada

2-         xoojinta horumarinta.

3-         Kobcinta dimuquraadiyada dalka, dawlad wanaagsa iyo u diyaarg-garawga diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka.

4-         Dhawrista iyo ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal.

5-         Ka hortaga iyo xalinta khilaafaadka.

                Go’aamada beesha u gaarka ah.

6-         abuurista Gole guud oo wada-tashi ah si loo hrelo talooyin la lafa-guray oo wanaagsan iyo talo-wadaag ku jahaysan horumarinta dhinacyada kala duwan ee nolosha: ka hortaga iyo xalinta khilaafaadka iyo u feejignaanta samo ku wada-noolaanshaha ood wadaagta ah iyo guud ahaan aduunka.

7-         Xubnaha Golaha guud waxay noqonayaan xubno isu dheeli-tiran dhinacyada marka loo eego qaybaha bulshada, aqoonta iyo Ardaayada beesha.

8-          Qodob kasta oo xeerkan ku jira ama lagu soo daro oo ka horimanaya shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka waa waxba kama jiraan.

                 Xubnaha Shir-gudoonka

1-                Md. Siciid Cabdillaahi Ismaaciil (Guddoomiye),

2-                Eng. Ibraahin Aadan Cabdillaahi (Guddoomiye ku xigeenka 1-aad)

3-                Md. Kayse Haybe Maxamed (G. ku xigeenka 2-aad)

4-                Md. Axmed Maxamed Diirye (Xoghayaha 1-aad)

5-                Md. Axmed Maxamuud Xayd (Xoghayaha 2-aad).

 

Kulan dhexmaray ganacsatada xoolaha iyo rugta ganacsiga

 

Hargeysa (Ogaal)- Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Cabdilaahi diiriye ayaa sheegay in aanu jirin si-beddel ay ogyihiin oo lagu sameeyey guddoonka Guddiga ganacsatada xoolo dhoofka, isla markaana xusay in guddomiyaha guddiga xoola-dhoofka ee ruta ganacsigu ay aqoonsantayahay uu yahay Xaaji Aadan Maxamed Diiriye.

Hadalka xoghaya guud ee rugta ganacsiga Somaliland C/laahi Diiriye wuxuu ka dambeeyey markii qaybo badan oo ganacsatada xoolaha dhoofisa ahi ay ku urureen xarunta rugta ganacsiga Somaliland si wax uga ogaadaan xaqiiqada warar dhawaan soo duul-duulayey oo sheegayey in isbeddelka hoggaanka guddigaa lagu sameeyey, kuwaasoo uu xog-hayaha guud ee rugta ganacsigu sheegay inaanay waxba ka jirin. Xog-hayaha guud wuxuu u sheegay ganacsatada xoolaha in aanu dhicin sharciyan shirweyne ganacsatada xooluhu isugu yimaadeen. Sidaa aawadeedna aanu jirin wax isbeddel ahi, isla markana ay rugta ganacsigu u aqoonsan tahay guddoomiyaha guddiga ganacsatada xoolo-dhoofinta Aadan Maxamed Diiriye (Aadan Baradho)

Ganacsatada kulankaa ka qayb-gashay qaarkood ayaa sheegay in haatan ganacsatadu u diyaar-garoobayso diyaarinta xoolaha dhoofinta xajka loogu talo-galay.

 

Aqalka Kremlin Ruushka ayaa gantaalaha Moskva u diray gobolka Abkhazia

Maraykanka iyo Ruushka oo maraakiib-dagaal ku daadguraynaya Badda Madow

London (The Guardian/Ogaal)- Dooni ay leeyihiin ciidamada Maraykanka oo gargaar u siday Georgia ayaa lagu khasbay inay ka leexato jihadii ay ku socotay xalay saacadihii dambe, sida uu faafiyay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

Maraakiibta Maraykanka iyo Ruushanka ee dagaalka ayaa la sheegay inay iyagoo iska soo horjeeda, isla markaana kala taageeraya dhinacyada uu khilaafku ka dhexeeyo ee Georgia oo dhan ah iyo gobollada  Abkhazia iyo South Ossetia oo dhinac ahi ay labadooduba ka boosas qaateen Badda Madow iyadoo lagu guda jiro dagaal jaah-wareer badani ka taagan yahay. Warku wuxuu sheegay in ciidamada Ruushanka oo weli gacanta ku sii haya magaalo-dekedeeda dalka Georgia ee Poti iyo saldhigeeda ciidamada badda-ba ay u rarayaan ciidamadooda nabad-ilaalnta u jooga gobolka Abkhazia gantaalaha kuruuska ah ee loo yaqaano Moskva, isla markaana loo dirayo diyaarado hawlaha ciidamaddaas ka qaybqaata. Tallaabadanina waxay ka dambaysay markii maamulka Aqalka Kremlin-ku uu aqoonsaday madaxbananida gobolka goonida u go’ay ee Abkhazia Salaasadii la soo dhaafay. Doonyaha gargaarka sida ee ciidamada Maraykanka oo ay ahayd inay ku xidhaan dekedda Poti, ayaa iyadoo lagu guda jiray xaalad jaah-wareer ahayd waxa loo leexiyay dekedda koonfurta Georgia ku taala ee Batumi si ay halkaa u gaadhsiiso agabka gargaar ahaanta ay u siday. “Aynu rajayno inaynaan arkaynin wax khilaafaad toos ah oo layskaga horyimi,” sidaa waxa yidhi Dmitri Peskov oo ah afhayeenka Ra’iisal Wasaaraha Ruuhka Vladimir Putin iyadoo xukuumada Moscow loo arko inay si toos ah ula-dhigayso siyaasadda Maraykanka ee ay diyaaraddaha iyo maraakiibta ugu isticmaalayaan gargaarka bani’aadaminimo. Isagoo afhayeenkaasi hadalkiisa sii watana wuxuu intaa raaciyay, “Go’aanka lagu keenayo taageerada gargaarka ah iyadoo loo isticmaalayo maraakiibta dagaalka NAATO, ayaa ah wax ay adag tahay in la sharraxaa.” “Maaha dhaqdhaqaaq guud ahaanba caadiya,” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Peskov. Waxaanu intaa ku daray in ciidamada badda ee Ruushku ay arrintaa ka fiirsanayaan oo ay qaadayaan tallaabooyin ka-hortag lagaga hawlgelayo guud ahaanba badda Madow, maadaama khilaafaadka uu sababay aqoonsiga ay Ruushanku siiyeen madaxanaanida gobollada Abkhazia iyo South Ossetia natiijadiisu noqotay eedaymo adag oo kaga imanaya dhinaca dalalka Yurub, kuwaasoo badiba u cago-jiidaya ilaalinta xidhiidhadii ay la lahaayeen Ruushka.

Inkasta oo dalalka Yurub eedaymo fara badani uga imanayaan Ruushka, hadana dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo labaduba ka soo horjeeday qorshihii bishii April ee sannadkan ay Maraykanka iyo Ingiriisku ku doonayeen in dalka Georgia ku biiro xulufada NAATO, ayaa haatana ka cago-jiidaya in dalka Ruushka loo ciqaabo khilaafaadka ka taagan gobolka Kookaska, isla markaana aad u raadinayay inay arrinta ku soo dabaalaan xal siyaasadeed ka hor intii aanu Ruushanku ku dhawaaqin aqoonsiga labada jamhuuriadood. Hase yeeshee, halka ay Yurubiyaanku ka istaagayaan arrintan waxa lagaga arrinsan doonaa kulan guud oo ay dalalka Yurub Isniinta soo socota isugu imanayaan magaalada Brussels. Dhanka kale, Ruushka ayaa ku dhawaaqay in xayiraad kasta oo la saaro ganacsiga Ruushka iyo Yurub uu noqon doono mid cawaaqibkeeda ay ka badsan doonaan dalalka reer galbeedku.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.