Wadahadalo fool-ka-fool ah oo u bilaabmay xisbiga KULMIYE iyo Musharraxiintii ka cadhootay shirkii Golaha Dhexe

Burco (Somaliland.org) – Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo labadii musharrax ee ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee lagu doortay Musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka ayaa shalay kulan isku soo horfadhiistay, waxaana u bilaabmay wadaxaajood ku saabsan khilaafkii ka dhashay qaabka doorashada musharraxiinta xisbiga.

Kulankan ayaa ka dambeeyey dhexdhexaadin ay arrinta ka galeen odayaal iyo salaaddiin reer Burco ah, kuwaas oo Salaasadii gelinkii dambeba kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaanka xisbiga iyo kooxda ay hoggaaminayaan Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X. Cali Cadami oo ka mid ahaa musharraxiintii u tartamayey musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE, balse, iyaga iyo taageerayaashooda oo  50 xubnood gaadhaya ay ka maqnaadeen shirkii Salaasadii dorraad Golaha Dhexe ku doortay musharraxiinta, isla markaana labada dhinacba ay ka aqbaleen dhexdhexaadinta, waxana loo ballamay kulan kale oo ay shalay  subax Odayaashu kula yeesheen labada dhinac Hotel Barwaaqo oo ku yaalla badhtamaha magaalada Burco si gaar gaar ah.

Kulanka kadib, ayaa la isla qaatay in labada dhinac oo ay ka socdeen guddiyo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo labadii musharrax, Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X. Cali Cadami iyo Odayaasha dhexdhexaadinaya ay ka wada qadeeyaan hotelka Barwaaqo, kadibna ay wada fadhiistaan, halkaana ay si fool-ka-fool ah ugaga wadahadlaan khilaafka u dhexeeya.

Fadhigaas oo ka dhacay Hotelka City Plaza, isla markaana socdey ilaa fiidkii xalay ilaa iyo hadda lama ogaan waxa uu ku dhammaaday. Hase yeeshee, wararkii ugu horreeyey ee la maqlay waxay tibaaxayaan in labada dhinac ay mabda ahaan isku raaceen in wixii khilaaf ah lagu dhammeeyo wadahadal iyo isqancin, balse, aanay arrintu dibadda xisbiga uga bixin. Waxaana loo ballamay kulan kale oo saaka oo Khamiis ah la isugu yimi.

Kulankan saaka oo ay labada dhinac isugu soo noqdeen, isla markaana la filayo in lagu soo gebagebeeyo khilaafka ilaa iyo hadda wax war ahi kama soo bixin.

Odayaasha dhexdhexaadinta galay ayaa waxa ka mid ah Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Cabdiraxmaan Qodax.

Hotelka Barwaaqo oo ku yaalla badhtamaha Magaalada ayaa dad badani ku soo urureen saaka markii kulamadu ka socdeen halkaas, waxayna dadku naawilayeen natiijada wadahadaladaas, iyada oo ay muujinayeen sida ay u danaynayeen inay maqlaan heshiis iyo is faham lagu soo afjaro khilaafka xisbiga.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Burco.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.