Ma Dildilaacii Kulmiyaa Mise Guushii Kulmiye: Bal Maxaa Ka Dhacay Madasha Sideese Wax U Dhaceen Aan Is Weydiinee? Dahir A. Jama

Waxa lasoo sheegayay muran, khilaaf iyo shirkii golaha dhexe ee Kulmiye oo rag ka cadhoodeen. Waxan arkayay faalooyin iyo qoraalo iyo waraysiyo faalooyin la xidhiidha dhacdadaas iyoo raggaas shirkii ka baxay iyo qaar kaleba kasoo yeedhaya. Waxyaabaha iga yaabiyey ee maskaxda bina aadamku u baahan tahay inay fahanto oo aanan ku arag waraysiyadaas iyo faalooyinkaas waa yadoo lagu lafa gurayo waxii madasha ka dhacay iyo siday wax u dhaceen.

Horta la yaab ma laha oo marka hore dhacdadaas UDUB iyo waxa ay cagaha ku jiidato sidii ay rabaan ayay is yidhaahden uga faaideysta.  In kale oo fekerka maskaxdoodu u saamaxi waayayna tii ay ahaydna meel ayay la dul fadhiisteen. Haddaba bal waxaan rabaa inan in yar oo ku kooban waxa dhacay oo aan faalo lahayn aan halkan kusoo qaato, si aan u yaqiinsano ama u fahano dil dilaaca Kulmiye ee lagu hamiyayo inuu dhab yahay iyo in kale.

Waxa dhacday maalintii taarikhdu ahayd 24ka bisha ee shirka la furay in Cabdiraxman Aw Cali iyo koox uu wataa soo jeediyeen in dastuurka iyo xeerarka Kulmiye u yaala ee wax lag udoorto wax laga bedelo. Waxay soo jeediyen in halkii doorashadu ku dhici jirtay qaab cod hal dheeri ah in laga dhigo (absolute majority) yada oo laba round la galayo.  Cabdiraxman iyo kooxdiisu waxa soo jeedintooda ka danbaysay ka dib markii ay is tuseen hadii doorashadaa toos sidii hore loogu geli jiray lagu galo in aanay guulaysan karin . Sidaas darteed isaga oo ku rajo qaba in hadii laba round laga dhigo oo tusale ahaan Axmed Cadami roundka hore ku hadho in roundka labaad uu helayo codka Cadami, sidaasna uu kusoo bixi karo. Maalintaas taarikhdu ahayd 24ka bisha soo jeedintaas waa laysku diiday waxaana shir gudoonka shirka iyo hogaanka xisbigu ku dooday in sidii awalba laysu dooran jiray ku socoto arrintu.

Ma dhicin ee muran iyo khilaaf badan oo ka dhashay golahii shirka awaded ayaa shir gudoonku soo jeediyey in shirka la xidho oo arrinka dibada lagu soo lafa guro.  Gelinkii danbe ee maalintas ayaa waxa kulmay hogaanka sare ee xisbiga, afartii murashax ee madaxweyne ku xigenka iyo shir gudoonka. Waxa laysla qaadan waayay mawqif midaysan, waxaana lagu heshiiyey in subaxa ama maalinta danbe ee shirka dib loo furo golaha dhexe lasoo hor dhigo oo cod loo qaado soo jeedintii Cabdiraxman Aw Cali iyo kooxdiisa.

Hadaba maxaa dhacay?

Subaxii loo balansanaa in cod loo qaado soo jeedintii Cabdiraxman Aw Cali ayaa habeenki ka horeyey ay kooxdaasi is tuseen in haddii cod loo qaado anay ku guulaysanayn. Subaxii shirka iyo cod qaadista loo balansanaa ayay shirka ku wargeliyeen inanay kasoo xaadirayn. Shirkii marku furmay waxa loo diray ergo ka daba tagta oo ku qancisa inay shirka kasoo qayb galaan. Ergadii faro madhnaan ayay kaga soo noqdeen. Kadib waxaa la go’aansaday shirka in maalin kale aan la hakin, iyada oo hore laba cisho oo hore loo hakiyey muran iyo khilaaf isla arrimahas ka socday. Sidii ayaana codeyntu ku dhacday.

Haddaba arrimaha ama dhacdooyinka inta kor ku xusan waa xaqiiqadii dhacday oo aan faalo lahayn.  Bal imika iyo haatan aan isku dayo hadaba in yaroo faalo ah sababaha ay xanaaqa badan ka muujiyen marka aan ka gudubno xaqiiqoyinka aan kor kusoo xusay.

Waxa la sheegaya in guddomiyaha xisbiga Kulmiye Muj Silanyo uu taagerayashisa u sheegay in isagu shakhsiyan taagersan yahay murashaxa Cabdiraxman Saylici, kaasoo uu aaminsan yahay inuu cod ka keeni karo gobolka Awdal.  Cabdiraxman Aw Cali iyo Dhegaweyne iyo Cadami waxay ku doodayan in Silanyo sidaa yidhahdo ma ahayn.  Hadaba ninka doorashada u taagan ee la dooranaya waa Md Silanyo ee mar haddii uu isagu gacantiisa kusoo xulan kari waayay madaxweyne ku xigeenkisa sida Rayale ba sameeyay ama sida dimuqraadiga addunka ka dhacda (Maraykanka oo kale) ma khaladbaa in uu yidhaahdo aniga taladaydu waa taas.

Sawirkan ama khilaafkan waxaad moodaa mid u muuqda oo la leeyahay Guddomiye Silanyo adigu murashaxa iska ahow laakin in aad guulaysato iyo in kale iyo sidii lagu guulaysan lahaa anaga ayaa ka talinayna ee adigu talo kuma lihid, haddiiba aan doono aan ku ridno ama ku guulaysiinee.   Ma tahay taasi mid macquul ah?

Aakhirkii iyo gebagebadii qolyaha UDUB ee rajaynaya ama ku taamaya dil dilaaca Kulmiyena waxaan leeyahay, salaada iyo ducada badsada.  Hadalkii Axmed Cadami shalay kasoo yeedhay ee BBC ma ahayn mid munaasib ah.  Sidaas darteed Mujahid Cabdiraxman’na waxaa la gudboon, maadama uu dalkan hore uga soo ahaa Madaxweyne Ku Xigeen, masuul culusna yahay in uu xaaladda dejiyo, labada dhinacna caqliga dib u kaashadaan.

Dahir A Jama

London, UK

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.