Jawaabta musharraxiinta cadhootay iyo waanwaan u bilaabantay xisbiga

Burco (Somaliland.org) – Labadii musharrax-madaxweynekuxigeen ee ka cadhooday Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo taageerayaashooda oo ay ku jiraan ilaa 50meeyo ka tirsan Golaha Dhexe ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen galabta magaalada Burco waxay ku cambaareeyey shirka Golaha Dhexe ee ay ka baaqsadeen ka qaybgalkiisa maanta, waxayna magacaabeen Guddi 6 xubnood ah oo ay sheegeen inay ka tala bixinayaan xaaladda iyo tallaabooyinka ay qaadayaan, iyada oo dhinaca kalena ay socoto waanwaan la doonayo in dib loogu soo dabaalo arrinta.

Sida ay sheegayaan wararku koox odayaal ah oo iskood isugu xilqaamay inay dhexgalaan xaaladda ayaa galabta la kulmay labada musharraxa iyo taageerayaashooda, waxaana la sheegay in berrito loo ballamay kulan ay isugu imanayaan guddida ay doorteen kooxda labada musharrax iyo guddi la filayo inay ka imanayaan dhinaca xisbiga iyo hoggaankiisa, si ay uga wadahadlaan xaaladda.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Burco.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.