Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ku baaqay in xisbigu ka wadashaqeeyo soo celinta labada musharrax iyo taageerayaashooda cadhooday: Khudbadihii musharaxiinta la doortay

Burco (Somaliland.org) – Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad uu ka jeediyey xidhitaankii Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga uga socdey hotelka Plaza ee magaalada Burco, kadib markii loo doortay musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga waxa uu ugu baaqay xisbiga isku duubni iyo inay wadajir uga shaqeeyaan sidii loo raadin lahaa, loo raalligelin lahaa, dibna loogu soo celin lahaa musharraxiinta iyo xubnaha xisbiga ee ka maqnaaday shirka maanta, iyaga oo ka cadhooday doorashada.

Guddoomiyaha iyo ninka loo doortay musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga, Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) ayaa labaduba khudbad mahadnaq ah u jeediyey shirka Golaha Dhexe, kadib doorashada.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo ugu horeyn halkaa ka hadlay markii loo doortay inuu xisbiga uga tartamo jagada M/weynaha doorashada madaxtooyada ayaa ugu horey u Mahad-naqay xubnaha golaha dhexe iyo shirgudoonka golaha,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:

“Waxaan marka hore hambalyo aad iyo aad u balaadhan halkan uga jeedinayaa xisbiga Kulmiye golahiisa dhexe iyo shirgudoonkiisaba. Shirkan golaha dhexe wuxuu ahaa shir ummaddu sugaysay, shir xisbigu sugayay, shir dalka oo dhan iyo dunidaba laga xiiseynayay oo looga fadhiyay waxa ka soo baxa iyo natiijadiisaba. Shirkan golaha dhexe dad badan oo aan jeclayn horumarka Somaliland ama dad badan oo u arkayay in shirkaa waxa ka soo baxa uu saamayta uu cid walba ku yeelanayo ayaa wadnaha farta kaga hayey, qaar badanina rajadoodey qabeen oo Illaahay uga baryayeen in shirkaasi guuleysto iyo xisbigaasi, qaar badanina way ka naxayeen. Maanta waxaan leeyahay waxa aad iyo aad u farxay oo aad mabsuud  uga ah intii wanaagga la jeclayd xisbiga, taageerayaashiisa dhabta ah iyo xubnihiisa iyo intii dalka danaynaysey oo dhan baa ku farxay baan leeyahay shirka halkan ka dhacay.

Waynu malayn karnaa, waa wax iska dabiici ah oo jira oo shir kasta oo la isugu yimaaddo in dad walaalo ah oo damac siyaasadeed ay ku tartami karaan waa loogu talagalay, waa aasaaska siyaasadda, waana taynu doonayno inaynu dalka ku hagno, waana dimuqraadiyadda aynu doonayno inaynu ku tallaabsano xisbi ahaan iyo qaran ahaanba. Haddaynu doonayno inaynu dimuqraadiyad ku tallaabsano oo aynu ku hoggaamino waxa waajib inagu ah inay gudaheenna ka muuqato.”

Axmed Siilaanyo waxa uu intaas ku daray in shirkan Golaha Dhexe iyo Shirweynihii ka horreeyey ee lagu qabtay Hargeysa labadaba ay ka muuqatey dimuqraadiyad. Isaga oo sharraxaya macnaha dimuqraadiyaddana waxa uu yidhi,

“Dimuqraadiyaddana macnaheedu waxa weeye inuu qofku cabiro dareenkiisa, inuu qof waliba la soo baxo hungurigiisa iyo damaciisa, waana mid uu xaq u leeyahay, laakiin, in loo wada dhammaado, laguna hoggaansamo jidka loo jeexay ee dimuqraadiyadda, oo maxay ah? Qofkii doonaya inuu isa soo sharraxo oo damaciisa soo dhigo halkaa, laakiin, u hoggaansamo wixii soo baxa. Ta maanta dhacday waa tii”.

Waxana uu intaa ku daray oo uu ka warramay sida uu u arko musharaxixiinta iyo xubnaha ka maqnaaday shirka.

“Waxa jira xubno ka mida xisbiga oo damacsanaa ama jeclaa inay isu taagaan hoggaaminta siyaasadda xisbiga iyo ta qarankaba. Dadkaa waxna ma soo bixin, waxna way soo baxeen. Kolley maadaama aan anigu soo baxay waxaan jecelahay inaan idhaahdo walaalahayga aan soo bixin aad baan uga xumahay in damaciinii sidii aad jecelaydeen aanay u dhicin,” ayuu yidhi Guddoomiye Siilaanyo.

Waxana uu raaciyey, “Inteenna yar cadhootay ama wax yar tirsatayna ay raalli noqdaan. Kulligeenna waxaynu ka wada shaqaynaynaa oo maanta wixii ka dambeeya aynu ku shaqaynaynaa inaynu raadino, doonno, soo celino walaalaheennii aan sidii ay doonayeen wax ugu dhicin. Waynu isa saamaxaynaa, kale ayaynu gacanta is qabsanaynaa, waynu wada hawlgelaynaa, meel baynu u wada jeesanaynaa, dadkeenna iyo dalkeenna ayaynu daacadnimo ugu shaqaynaynaa, waxaynu ku hoggaaminaynaa sharciga iyo dastuurka, waxaynu ku hoggaaminaynaa wixii ummadda danteeda ah. Insha allaahu Illaahayna wuu inagu guuleyn doonaa caam ahaanteen, kulligeenna waxaan Illaahay ka baryaynaa inaynu meel u wada jeesano, dalkeenana kuwii Illaahay ku anfaco, hoggaamintiisana hanta inaga dhigo”.  

Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo waxa uu ammaan iyo bogaadin gaar ah u jeediyey Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo ka mid ahaa musharraxiintii Madaxweynekuxigeenka, balse, isagu doorashada ka hor ka tanaasuley, isla markaana taageeray Cabdiraxmaan Saylici. Waxana uu sheegay in Prof. Ismaaciil iyo taageerayaashiisu ay hore u caddeeyeen inay taageerayaan wixii ka soo baxa shirka, tiina uu ka dhabeeyey.

“Rag kale oo badan baan jecelahay oo maanta halkan inagaga maqan inay sida Ismaaciil oo kale yeelaan oo ay inala wadaagaan isu hambalyaynta aynu isu hambalyaynayno,” ayuu yidhi.

Musharraxa Madaxweynekuxigeenka ee Xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Saylici ayaa isaguna khudbad uu halkaa ka jeediyey waxa uu u mahadnaqay dhammaan xubnaha xisbiga KULMIYE iyo gaar ahaan, xubnaha Golaha Dhexe oo uu uga mahadnaqay xilka ay u doorteen ee musharraxnimada.

Isaga oo isu sharraxayana waxa uu yidhi, “Walaalayaal, waxaan ahay ninka aad musharraxa Madaxweynekuxigeenka u doorateen. Waxaan ahay nin dalka iyo dadka gurmad u ah oo raba inuu ka mid noqdo dadka raba dhibaatooyinka maanta jira inay wax ka beddelaan”.

“Waad ogtihiin dhibaatadii dalkan iyo dadkan uu u geystey maamulkii kelitaliska ahaa waxaa lagaga saaray qori, raggii taariikhdaa ku suntanaana maanta badankoodii halkan bay inala joogaan, intii dhimatayna alle ha u naxariisto,” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay inuu isaguna doonayo inuu isku sunto “Halganka Dimuqraadiyadda” isaga oo sheegay in halgankii dalkan lagu xorreeyey aanu gaadhin halkii la rabey.

Mudane Saylici waxa uu ballanqaaday inuu markasta u hoggaansamayo danta KULMIYE, danta Qaranka iyo shuruucda iyo talooyinka xisbiga iyo dadkiisa.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Burco.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.