Waa kuma Mujaahid C/Rahmaan Aw Cali Faarax

 

Waa kuma Mujaahid C/Rahmaan Aw Cali Faarax

Mujaahid Al akbar C/Raxmaan Aw Cali waa ninkii maalinteee??

waa ninkii goorma?? waa ninkii…?????????

Marka hore waxaan u hanbalyaynaya xisbiga kulmiye sida hufan ee hananka dimuqraadiyada ah ee ay u agaasimeen shirweeynihii xisbiga ee muddo ka hor qabsoomay,sida miisaaman ee ay u maamuleen, dhismihii xisbiga &hogaanka ilaa golaha dhexe,halka xisbiga kalee dhigooda ah talada wadankana haya ,masiirkii ummadda &dhaqalihii waddankuna gacanta ugu jirto ay awoodi kari waayeen in shir xisbigu leeyahay qabsoomo,taas oo macnaheedu yahay in taladii xisbigu khaanada kabadhka ina Riyaale ku jirto oo markuu u baahdo kala soo baxayo,shakina kuma jiro sida xukuumaddu u dunsantahay,in xisbiga Udubna u dunsanyahay.

Markaan taas ka gudbo waxa hadii Ebe xukmo dhawaan qabsoomi doona shirweeynihii golaha dhexe ee kulmiye kaas oo lagu qaban doono magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco,shirkaas oo sidaan ku rajoweynahay lagu soo xuli doono musharaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye & musharaxa madaxweyne ku xigenka ee xisbiga kulmiye eee dorrashada kaabiga inagu soo haysa.

Haddii ay sidaas tahay talo ahaan waxaan odhan lahaa waqti badan baa xisbigu haystaa inuu cayimo musharixiintee arrintaas waqti ha la siiyo ,waayo sida ay qaban culimada siyaasadu todobaad wa waqti badan dhinaca siyaasadda waayo waxaa dhici kara intaas oo arrimood oo saamayn ku leh siyaasadda.Fekerkaasi wa mid shaqsi .Haddiise ay noqoto in shirweynahas lagu soo cayimo musharaxa madaxweeynaha & madaxweyne ku xigenka waxan jeclahay inaan feker,faalo& falanqo aan meel fog la joogo aan oogta ka cadeeyo waana iga talo,tusaale & tilmaan go,aanka & gunanadka waxa iska leh xubnaha golaha dhexe xisbiga ee goobta jooga,waanan ka cudur daaranayaa haddii ay u muuqato inay tahay haloosi,hormadhac &horasho aan halkeedii & haddeedii joogin.

Si kastaba ha ahaatee waxan shaqsiyan qabaa inaan tibaaxo taladayda ku wajahan arrinkaas isaga ah.Marka hore sida muuqata ama uruurinta rayiga siyasadeed ee musharaxa madaxweynaha ee kulmiye waxa muuqata in miisanka xisbigu dhinac u badanyahay kulmiye ahan,waxaase furan in xubin kasta oo xisbiga ahi xaq u leedahay inay u tartami karto jagadaas sida ku cad siyaasadda xisbiga waxaanse shaki ku jirin siyaasiga ugu tunka weeyn ee maanta xisbiga iibin kara marka dhinacyo badan laga eego, si ay u suurtogashana in xisbigu guulaysto uu yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,taasi waa danta dalka waana danta kulmiye.Marka taas laga gudbo ee lo yimaado musharaxa madaxweyne ku xigeenka kulmiye waa mawduuca aan jeclahay inan ku muujiyo qoralkayga .

Marka si saraaxad ah oo sargo,an oo saafan loo wada hadlo sida muuqata is faham saami qaybsi siyaasadeedna jiro, mar hadii kursigii kowaad ee kulmiye lagu sharfay lagana xishooday in laga riixo ruug cadaagii odaygii siyaasadda ee Somaliland,hogaamiyihii ugu mudada dheera ee S.N.M mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Sidaas darteed waxaa geed ka go,an noqotay in kursiga labaad looga danbeeyo beelaha darafyada ee Somaliland,si kastaba ha ahaatee ilaa iminka duruufo jira dartood waxaad moodaa in aanay mawlaca tartanka siyaadasadda ka soo xaadirin beelaha Sool,Buuhoodle &Sanaag bari.Laakiin waxa muujiyey hankaa &hungurigaa jagadaas xubno badan oo ka soo jeeda gobolka Awdal.

Marka hore waxaan qirayaa in cidkasta oo kulmiye ahi xaq u leedahay inay isa soo sharaxdo nasiibkeedana qaado.

Mar labaadkana waxan jeclahay inaan kelmad idhaahdo,beelaha Awdal,beesha bartamaha ama S.N.M ee kulmiye ,beesha Sanaag bari & Sool ee kulmiye.

Beesha Awdal ee kulmiye waxaan aqoonsanahay in xubnaha kulmiye ee ka soo jeeda Awdal ay ku jiraan xubno badan oo u qalma inay noqdaan madaxweyna ama madaxweeyne ku xigeen,marka loo eego cilmi,aqoon,waayoaragnimada & kartida i.w.m.Hasa yeeshee ummad waliba ma sinna ee waxay leedahay hormood,hogaan,marjac ma dhaafan ah & mudane,markaa ha garanwaayina kuu yahay ,haddii ay beeshii badhtamuhu isku raacday oo ay cugatay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo idina yay taladu idinka baahin oo idinka bariiqan isku raaca Cabdi Raxmaan Aw Cali Faarax,waana iga talo waayo C/Rahman waa nin shirban oo la tijaabiyey siyaasadiisa qofnimadiisa mabdiisa,hal adaygiisa.

Beesha Badhtamaha ee kulmiye

Beesha badhtamaha ama S.N.M ee kulmiye waxan odhan lahaa ummad waliba waxay leedahay taariikh,sumad &sooyaal taas ayay ixtiraantaa taa ayay ka duushaa waxaan idin xusuusinayaa in C/Rahmaan Aw Cali Faarax oo la garanaayo taariikhdiisa, aqoontiisa,mawqifkiisa,sharaftiisa,karaamadiisa,kartidiisa,hal abuurkiisa,himiladiisa&hal adaygiisa.&Dahir Riyaale Kahin oo aynu ogeeyn taariikhdiisa &ninkii uu ahaa iyadoo ay tahay daahir yaa shamis ayaynu kala dooranay 1997.Markaa markaynu kala doorano maanta C/Rahman & nin kaloo aynan garanayn kuu yahay ama sida Dahir dhinicii kale aha wa suaal taagan.

Waqtigii marxuum Cigaal(aun) waxaynu odhanjirney Cigaal baa waxas ka masul ahaa,sidaas darteed maanta laba mid baynu noqon doonaa gob dayoowday oo Cigaal ka sayid caleeyey ama gun badheedhay oo aan kala aqoon xumaanta & wanaagga.

Waxaan kaloo xusuusinaya hogaamiyayaashii S.N.M ee maanta kulmiye inay ogaadaan in ay iyagu masuul ka yihiin xaaladda maanta dalku ku jiro oo ay nss ta Riyaale hogaaminayo iyagu maanta dalka keenen waayo markii ay is galaafteen ee ninba nin dhiriq ku saydhay ee kooxiba koox wanjashay ayay taladii mar labaad gacanta u gashay garabki Siyaad Bare ee Somaliland.Markaas waxaan ku talin lahaa khaladka taariikh siyasaded ee S.N.M yuu mar labaad soo noqon oo kulmiye gacanta yaan loo gelin cid aan ehel u ahayn dalkeena yaan mar labaad nss,hangash,dhabar jebin loo loogin.

Beelaha Sool & Sanaag bari ee kulmiye

Runtii siyasiyiin badan oo miisan leh ayaa ka muuqda xisbiga kulmiye sida gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cadde gudoomiyihii hore ee komishinka doorashooyinka Axmed Cadami,&Cabdi Raxmaan Talyanleh .

Runtii ragaas &xubno kale oo aan iminka xusin waxaan qabaa inay u qalmaan musharaxiinta xisbiga kulmiye ee madaxweyne & madaxweyne ku xigeen hadba kuu yahayba.Waxaan kula talin lahaa inay ciyaarta soo galan oo anay dibada ka joogin.

Guntii &gunanadkii waxaa jira warar badan tuhun &shaki siyaasaded oo iftiiminaya in rag ahaa hogaankii garabkii ciidanka S.N.M o ay weliba jaalayal ahaayeen isuna dhawayeen mujaahid C/Raxman Aw Cali Faarax iminkana ka tirsan hogaanka sare e kulmiye ay olole ugu jiraan khaarajinta & ka takhaluska sidii anu ugu guuleeysan lahayn musharaxa madaxweeyne ku xigeenka kulmiye.

Haddi arrinkaasi jiro ,ogoow ama ogaada waxad la dagalamaysan wa mabdi,ii waa taariikhdiinii waa rabitaankiii waa karaamadii waa xuquuqdii S.N.M waana mustaxiil inaad Cabdi Raxmaan Aw Cali Faaraxna dudsidan idina guulaysatan,ogaada in laysla degaayo..Sidaas awgeed waxan qabaa inaad taageertaan inaad taageerto si taaduna u hirgasho.Arrinkaasi waa hawalo warran cidii ay khusaysana waxan ku rajoweynahay in ay si fican i fahmayso waana iga tusaale.

Bashir Goth

Gebegabadii waxan maqalkayga ku soo oo dayaa maqal ku qornaa websitka hadhwanaagnews oo uu qoray ninka la yidhahdo Bashiir goth,maqalkaas wuxu macnihiisu ku biyo shubanaayey amaan ku waajahan inu jagada madaxweyne ku xigeenka ku wanagsanyahay marka loo eego dhinac kasta Profesor Ismaaciil Muumin Aar. Waxaan jeclahay inan in yar si hufan u dulmaro,marka hore xaq baad u leedahay Bashiiroow inaad Ismaaciil amaanto sabab kasta ha kaa ahaatee mar labaadka Ismaaciil Muumin waa muwaadin aqoon fiican leh,waxaan kaloo ka markhaati ahay inuu yahay nin feker wanaagsan mar aan ka dhegeystay warbaahinta,intaas markaan ka gudbo waxaan ku xusuusinayaa dhinaca taageerada uu haysto ismaaciil suldaankiisii & odayaashiisii maalintii hadlay eee yidhi waaan taageersanahay hadii kulmiye sharaxayo,misna watay ka noqdeen ee ay yidhaahden wixii aanu shegnay been bay ahaayen ee waxanu nahay Udub.

DHinaca gobolada kale Ismaaciil cidi kama taqaan siyaasad horena ma gelin,laakiin nin gobol walba taageerayaal ku lihi waa mujahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax ,dhinaca aqoonta Ismaaciil Muumin Aar wa macalin jamici ah laakiin xaga aqonta ma laha mujaahid C/Raxmaan askari baad u taqane wuxuu bartay aqoonta ugu qalisan ee qof biniaadni ah oo ugu dedaal badani barto.

Engineer diyaaradaha oo weliba first degree from Iraq ah & master speicialist Masar.Wuxuu kaloo bartay loona tababaray cilmiga hogaminta &strategiyada siyaasada aan kuu faahfaahiyee waxa uu xagga aqoonta isku mastawe ahayen Xaafidal asadkii geeriyooday ee Suuriya & Xusni Mubaariga Masar,waxay wada dhamaysten kuliyadda wana kulliyada ay ka qalin jebiyeen badiba madaxda caalam al carab & qaar kaloo badaniba.

Bashiirow ku darsoo marka taas laga tago halgankii uu hogankiisa ka mid ahaa ee 8 sano ku jirey waxa weye aabihii labaad ee Somaliland dhisay madaxweyne ku xigeena ka aha. Saaxiib Al mujaahid Al akbar C/Rahaman AwCali Faarax wa nin isu dheelitiran miisaman shirban la tijaabiyey guulaystay kana midhodhliyey siyaasadiisa& hankiisa,taariikhdiisuna iyadoo dahab&dheeman ah waxay ku xardhantahay suntantahayna sooyaalka taariikhda ee Somaliland.

Waxan maqalkayga ku soo gebgebeeynayaa arrinkaaga waxan u qaadanayaa ( ninba ceesantii ceel keen)ogoow malaha adiga haddaanan qaldanayn Ismaaciil isku jifi bad tihine ,anigu waxan ahay nin reer Sanaag ah mujaahidkana mabd.iisa ayaan is xignaa kelmada ugu danbaysa waxan ku soo xidhayaa gabay uu lahaa aderkay(aun) Maxamed Nuur Fadal mar uu ka hadlaayey nin la soo barbar dhigay Abwaankii weeynaa(aun) Salaan Maxamed(Carabey) sida mujahid C/Rahman Aw Cali Faarax loo barbardhigay ragan Ismaaciil& qaar kaleba ka mid yihiin.

(Haddi gabay bilado leeyahay &baarax lagu faano baxsanoow ina Carabey baa kaa Illaah baraye,isagaba dar shalay so baxay baratansiiyeene berina ha la aasee nin rag ah baqaskii waa ceeb)

Wabilaahi Tawfiiq

Ahmed Xaaji C/laahi Rooraaye

ahmed

 

roraye@hotmail.com

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.