Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Isniin, 30 June

Sul. Maxamed Sul. C/Qaadir maxaa ka baajiyay xafladii Gobolka Hawd?    

Baligubadle (Ogaal) – Suldaan Maxamed Suldaan Cabdul-qaadir ayaa sheegay in xanuun dartii ay u suurta-geli wayday inuu sugo ka qayb-galka xafladii wanqasha Gobolka Hawd ee shalay ka dhacday magaalada Bali-gubadle. Halkaas oo uu markii hore Suldaanku u tagay ka qayb-galka xaflada, balse uu sheegay inuu Hiirtii waaberi intii aanu dadku toosin uga soo laabtay halkaas xanuun dartii. 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi-qaadir oo xalay khadka Tellefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Ogaal waxa uu sheegay inuu ka qaybgalayaashii munaasibadaa ka raali-gelinayo maqnaanshihiisii. Islamarkaana waxaa uu arintaa ka bixiyay cudur daarkan. “Waxaan ka cudur daaranayaa anigoo Bali-gubadle tagay, hadana aanan xafladii wanqasha Gobolka sidii la rabay uga qayb gelin. Taasna waxaa sababay xanuun aan dareensanaa oo I hayay, kaasoo ah Dhiiga oo I dhacay oo aan Saaka waaberigii (Shalay waabarigii) uun la toosay. Markaa iyadoon dadkuba soo toosin ayaan Bali-gubadle ka soo dhaqaaqay, marka horena dawo maan sii qaadan. Sidaa daaraadeed dhiigaas I dhacay (Low Pb) ciladaa uu ugu keenay darteed ayaan uga baaqday oo aan uga cudur daaranayaa xafladii Gobolka Hawd ee aan ka soo baxay iyadoo aanay dadkuba soo toosin. Gobolkuna waa Gobol balaadhan oo dadka ka dhexeeya, markaa dadku yaanay u qaadanin inaan si kale uga tagay xafladaa. Gobolkana markii hore ee la doonayay cidii doonaysay ayaan kow ka ahaa, halkiina way iga taagan tahay” 

 

Xafladii Wanqasha Balli-gubadle

Hargeysa (Ogaal)- Xalad loogu wanqalay Gobolnimada Hawd, ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Gobolkaa cusub ee Magaaladda Baligubadle, isla markaana waxa ka soo qayb-galay Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Wufuud culus, oo kale, oo ka kala yimi guud ahaanba Gobolada Somaliland iyo qaar ka mid ah deegaanada Soomaalidu dagto ee dalka Itoobiya.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Hargeysa Cali Cawil, oo ahaa Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada ee Xaflada Gobolka Hawd, ayaa soo dhaweeyay Masuuliyiintii iyo Marti-sharaftii munaasibadaa ka soo qayb-galay, isla markaana waxa uu hambalyo iyo mahad-naq u jeediyay Salaadiin uu sheegay in ay ka hawl-galeen helida Gobolkan Hawd iyo Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay Gobolnimadiisa. “Kusoo dhawaada Xaflada Wanqasha Gobolnimada Hawd, ee Xaruntiisii Baligubadle aynu ku xusayno wanqashiisii. Isla markaana dadka Gobolkan Hawd, waa inay ogaadaan in dadka tirada badan ee guud ahaanba Gobolada dalka isaga yimi, ay sharfaan oo ay soo dhaweeyaan.” .” Sidaa ayuu yidhi Cali Cawil.

Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee ay Somaliland yeelato, ayaa munaasibadaa ka hadlay, “Wallaalayaal ku soo dhawaada Baligubadle, waa gurigiinii oo waanu idinku soo dhawaynaynaa. Gobolada cusub ee ay Xukuumadda Somaliland samaysay wax yaabo badan ayay wadaagaan, waxyaabana way ku kala duwan yihiin, oo Baliguabadle waxyaabaha uu kaga duwan yahay Gobolada waxa ka mid ah taariikhda.”

Suldaan Aadan Faarax, ayaa isana hadal uu ka jeediyay wanqashan Gobolka Hawd, “Gobolka Hawd waa gobol balaadhan, waynu ku guulaysanaynaa horumarintiisa. Markaa waxaan leeyahay dhamaanteen aynu gacmaha isqabsano. Arabna waxaan leeyahay magacii Gobolka idinka ayaa qaatay ee Manficii reeraha kale siiya.” Ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax.

Sidoo kale, Suldaan Daahir, ayaa lagu soo dhaweeyay Cod-baahiyaha, isla markaana waxa ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Waxaan u mahad-celinayaa dhamaan Madaxda, Masuuliyiinta iyo Marti-sharafta kala duwan ee munaasibadan nala jooga iyo Madaxweynaha Somaliland, aniga oo ka mid ahaa Salaadiintii Gobolka ka soo qaaday.”

Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule, “Aniga oo ku hadlaaya Afka Salaadiinta Gobolka Saaxil, waxaanu Gobolka Hawd halkan uga soo jeedinaynaa hambalyo kal iyo laab ah, kolay Saaxil iyo Buligubadle Isbeer-baadhkoodu way isgalaan, siiba marka Ciisamuusaha iyo Arabka la sheegayo.Waxaanan illaahay ka baryaynaa inay Barbera iyo Baligubadle noqdaan kuwii Kaluunka, Beeraha iyo Xoolahaba uu ugu deeqo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule.

Salaadiintii munaasibadan ka hadashay waxa kale oo ka mid ahaa Suldaan Ibraahin, oo sheegay in uu hambalyo Gobolka cusub ee Hawd uga sido saddexda Gobol ee Gabilay, Awdal iyo Salal. “Magaca Hawd la yidhaahdo, maanta idinka ayaa yeeshay. Laakiin, HaWd waxay u dhaxaysay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid alla cidii hawd degtaana way idin la leedahay Gobolka Hawd ee ogaada.” ayuu yidhi Suldaan Ibraahin.

Suldaan Bayle Xasan Cawaale, ayaa sheegay in uu illaa Saylac uga yimi hambalyada Gobolkan Xaflada Wanqashiisa la fadhiyay ee Hawd, waxaanu yidhi, “Gobolka Hawd hambalyo ayaanu leenahay, guulayso ayaanu leenahay. Ummada Somaliland hore ha u dhaqaaqdo, Madaxweynaha Somaliland-na ha guulaysto.”

Suldaan Naasir Cabdi, ayaa isna hambalyo u diray dadka dega Gobolka Hawdo, oo uu sheegay in uu ka mid yahay. “Waxaanu ka mid nahay bulshada degta guud ahaanba gobolka Hawd, gaar ahaana Caasimada, waxaananu illaahay ka baryaynaa inuu nooga dhigo Gobolkii anfaca guud ahaanba bulshada ku nool iyo Somaliland, waxaanan rajaynayaa inaanu dadkayagii oo Gobolka cararay aanu dib ugu soo celin doono, Barkadahayagiina dib u qodan doono.”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw), oo hadal u muuqday duurxul Xafladaa ka jeediyay, ayaa sheegay in uu isagu ugu horeyn isu hambalyaynayo, “Marka hore,waxaan jeclahay inaan anigu isu hambalyeeyo, oo Gobolka Hawd inuu aniga ii dhashay ayaan aaminsanay. Waxaan odhan lahaa meeshan Gobol ayaa loogu wanqalayaa, Siyaasiyiintii aad isu xag-xagan jirtayna meesha way fadhiyaan. Markaa, waxaan leeyahay Ciddiyaha iska gura, oo yaan la is xag-xaganin.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadaw, isla markaana isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Meeshan Wanqal ayaa lagu qalayaa, wanqashuna caado ayay leedahay oo dhaqankeeda waxa ka mid ah in aan Lafaha la jabin marka Hilibka la cuno. Lafaha yaan la jajabin ayaan leeyahay ee ha la dhawro, hadal aan turxaan lahayn ha la isyidhaahdo. Maadaama oo aan idhi yaan la is-xag-xaganin hadalo beryahan dambe Hargeysa ka dhex-dhacayayna ka hadalkooda Xaflado dambe ayaan u dhiganayaa, oo inaan anigu lafaha jabiyo ma doonayo.”

Suldaan Axmed-nuur Samaale, ayaa mahad u jeediyay cid kasta oo ka soo xaadirtay Xaflada loogu wanqalayay Gobolnimada Hawd. “Guud ahaanba waxaan u mahad-naqayaa cid kasta oo xafladan ka soo qayb-gashay, Illaa Siqiirka aan shalay waddada ku soo maray ee I xasuusiyay Illaahay ha u naxariistee, Geeridii Marxmuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waana abaalka uu Gobolkani ku lahaa dadka iyo dawlada Somaliland.” Ayuu yidhi Suldaan Axmed-nuur. “SNM, Baligubadle waxay ugu balan-qaaday degmo iyo Gobol, degmadii way bixisay markii shirkii Burco qabsoomay, laakiin may bixinin Gobolkii, oo way ka baaqsatay. Laakiin nasiib wanaag ciddii kale ee Alle u qadaray ayaa bixisay waanay ku mahadsan tahay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Suldaanku..

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka Xafladan, “Anigu aniga oo yar ayaan Maqasha ku raaci jiray Baligubadle, oo Ayayday ayaanu halkan ugu iman  jiray fasaxa. Gobolka reer Baligubadlaw dedaal baad ku hesheen, waayo idinku waad is ogolaateen oo hal magaalo ayaad isugu timaadeen, Gobolkana in la idiin doono may ahayn ee waxay ahayd in la idiin garto. Ciddii doontay Gobolka, oo Inaadeerkay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ugu horeeyaana way ku mahadsan yihiin, hambalyadiisiina anaa idiin sida.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka waramay taariikh dheer, oo uu uga soo joogay deegaanka Baligubadle iyo dadkiisa, isla markaana waxa uu ku amaanay dadka reer Baligubadle dedaal iyo geesinimo. “Baligubadle waa meesha aan mar qudha lagu qaban ama lagu arag Basaas, taasina waxay ahayd sababtii SNM u aamintay, ee ay Xarunta uga dhigatay.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi, isla markaana isaga oo ay wajigiisa xamaasad laga dareemayo waxa uu u hambalyeeyay Gobolka Hawd iyo dadka reer Baligubadle.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale, ayaa yidhi, “Qofkasta oo reer Somaliland ahi waxa uu degi karaa halka uu doono, aniguna maanta laga bilaabo Arji ayaan u qoranayaa Maayarka Hawd, oo aan leeyahay isiiya dhul aan dago oo aan ku nasto.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay in ay Magaalada Baligubadle ahayd meeshii dalka laga xoreeyay, isla markaana ay hambalyo mudan tahay. Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan Cali Casoowe, ayaa sidoo kale isna hambalyeeyay Gobolnimada Gobolka Hawd. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Haybe, ayaa Wasiiradii Munaasibadaa ka qayb-galay ka dalbaday in uu Wasiir waliba wax ka taro waxa ka khuseeya Gobolka Hawd.

Maayarka Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa qalab Kumbuyuutaro ah ugu deeqay Xafiisyada ay yeelan doonto Xarunta Gobolka Hawd ee Baligubadle.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa yidhi, “Guud ahaanba waxaan u mahad-naqayaa una hambalyaynayaa Gobolnimada Hawd, iyo gudidii qaban qaabada xafladan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin “Maanta halkan waxa la isugu yimi maaha Xaflad kaliye, Mujaahidiintii SNM ee hadlay waxaad moodaa inaanay fahmin nuxurka maanta la isugu yimi.” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku, waxaanu hambalyo oo uu Madaxweynaha uga siday gaadhsiiyay dadka reer Baligubadle iyo Gobolka Hawd.

“Halkan ayaa laga dhaqaaqay, geedigiina waxa lagu furay wadankii, halkaas ayaanay ku dhasheen Inankii iyo Inantii Somaliland 17 sannadood ayaananu korinaynay, maantana halkii aynu ka bilawnay ayaynu nimi. Waamaxay markaa waxa maanta loo yimi, waxa loo yimi in aynu caasimadii xusno, waanay kaalin qaaday, waana in maanta inankii iyo inantii la isu dhisaa. Ictiraafkana waa la gaadhayaa.”

Waxaana halkaa shahaadooyin sharafyo lagu siiyay Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno kale oo ay Masuuliyiintii Gobolku sheegeen in ay galabsadeen.

 Nuxurka Daraasad Midowga Yurub ka sameeyay Somaliland

Xukuumadda iyo Komishanka

oo ka hadlay Doorashooyinka soo socda

 

Hargeysa (Reuters/Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo kasta oo lagu hirgelinayo Doorashooyinka soo socda ee loo qoondeeyay inay dalka ka qabsoomaan sanadka soo fool leh. Iyaga oo Komishanka Doorashooyinkuna ku tilmaamay Doorashooyinkan soo socda shuruudda kaliya ee ku xidhan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan qaadayaan tallaabooyin kasta oo ay ku hubinayaan qabsoomidda Doorashooyinka soo socda. “Waxa hadda ka hano qaadday (Somaliland) Dimuqraadiyad ay weheliyo nidaam Baarlamaan iyo Gole dhaqan.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu samayn doonaa wax kasta oo lagu hubinayo qabsoomidda Doorashooyinka, lagamana yaabo inaanu ku guuldarraysano”.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne), oo isna u waramayay Reuters, ayaa ku tilmaamay Doorashooyinka soo socda kuwo ay indhaha ku hayaan Beesha Caalamku, isla markaana la eegayo sida ay Somaliland uga hirgasho. Waxaanu sheegay in Doorashooyinkani yihiin tijaabo ku salaysan aqoonsiga Somaliland. “Doorashooyinkani waxay tijaabo u yihiin aqoonsiga Somaliland. Sidaa darteed, waddamo badan ayaa sugaya oo eegaya sida aanu u maamulno Doorashooyinka” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay Doorashooyinkani noqon doonaan kuwo ku qotoma Caddaalad, isla markaana ay u dhici doonaan si Xor iyo Xalaal ah. “Doorashooyinkani waxay noqon doonaan kuwo waadix ah oo xor iyo xalaal ah” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku Maxamed Ismaaciil.

Heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee ay gaadheen, isla markaana si wada jir ah u saxeexeen saddexda Xisbi Qaran, ayaa loogu qoondeeyay Doorashooyinka Madaxweynaha inay dhacdo inta ka horaysa 6-da April 2009.

Reuters ayaa baahisay in Daraasad ay dhawaan sameeyeen Midowga Yurub oo nuqul ka mid ah oo ay aragtay Reuters lagu sheegay in Somaliland ay leedahay oo ay ku duugan tahay ilo dhaqaaleed aan la isticmaalin oo ay ka mid yihiin Saliidda caydhiin, Shidaal iyo biraha qaarkood, sida, Dahab, Platinum, Copper, Nickel iyo Zinc. “Marka loo eego Daraasad ay sameeyeen Midowga Yurub oo ay aragtay Reuters, deegaankani wuxuu leeyahay ilo aan la isticmaalin sida, Saliid, Shidaal iyo biro ay ka mid yihiin Dahab Platinum, Copper, Nickel iyo Zinc.” Ayaa lagu yidhi Warbixintan ay Reuters ka qortay Somaliland.

 Shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac geysatay oo ka dhacday Berbera

Berbera (Ogaal) – Wiil dhalin-yaro ah ayaa geeriyooday shalay ka dib markii shaqaaqo ka aloosantay rasaasina ka dhacday dhismaha Hotel-ka Ambassador oo ka socda Xeebta Batallaale ee Magaalada Berbera. Halkaasoo ciidamada amniga la geeyay, ka dib markii qaybo ka mid ah dhismaha qabyada ah ee Hoteelka ay dumiyeen habeen sadexaad koox dablay ah oo sida la sheegay ku doodayaan lahaanshaha dhulka laga dhisayo.

Dhacdadan waxaa warbixintan ka soo diray wariye Yaasiin Jaamac.

“Subaxnimadii hore ee shalay ayay dablay hubaysani soo weerareen goobta laga dhisayo Hoteelka Ambassator ee xeebta Batalaale ee Barbera, talaabadan oo daba socotay fal Kooxdani habeenkii ka  horeeyay ku burburiyeen dayrkii Hoteelkaasi lahaa. Balse, Doraad subax markii halkaasi ay tageen Ciidamada Boolisku ka tagay.

Hadaba shaqaaqada shalay oo rasaas la is weydaarsaday ayaa waxaa dhaawac fududi ka soo gaadhay taliyaha Saldhiga Wadda-jir ee magaalada Barbera Maxamed Siciid Dheere. Iyadoo sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Saaxil toban (10) qof oo laba ka mid ah uu ku tilmaamay inay ka mid-yihiin dablayda goobtaasi gashay, halka sideeda (8) kale uu ku sheegay inay wateen Gaadhi Xaajiyad ah oo u gurmanaysay dablaydaasi.

Hawlgalkaasi ka dib duhurnimadii shalay ayaa dad ka baxay dhinaca magaalada oo u badanaa dhalin-yaro, ay dhagax-tuur ku sameeyeen ciidankii Booliska ee ilaalada ka ahaa Goobta Hoteelka laga dhisay, waxaana la sheegay in ciidankaa markaa raasaas ay fureen uuna ku dhintay Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa la odhan jiray Maxamed Cabdilaahi Bulbul.

Sidoo kale duhurnimadii Shalay ayaa Gaadhi Xaajiyad ah oo ay leedahay Dakada Berberi laga afduubay Magaalada badhtankeeda, hase ahaatee, 8:30 cawaysnimo ee xalay ayaa gaadhigaa dib loogu soo celiyay magaalada Berbera ka dib markii laga soo qabtay Xeebta Ceel-Gardi.”

 

Buuhoodle: Go’aamada Xukun laga gaadhay  shaqaaqo laba Beelood dhexmartay

Buuhoodle (Ogaal) – Gudi dhex-dhexaadin ah oo mudo u fadhiday xal u helida shaqaaqo hore u dhexmaray laba beeleed (Hayaag iyo Hagar) oo wada degan Degaanka Buuhoodle ayaa shalay soo saaray Go’aamo lix qodob ka kooban oo ay ku soo afjareen dhibaato labadaa beeleed dhextaalay.

Gudigan oo ka kooban 11-xubnood mudo labaatan maalmood ah u fadhiyay go’aan iyo xukun kama danbays ah oo ay ka gaadhaan arrinta labadaa Beelood ayaa sida uu ku soo waramay Maxamed Cabdilaahi waxa ay soo saareen lix qodob oo kala ah. “

1. In labadii nin ee 9-kii june ku dhintay tuulada Sararawayne laga bixiyo ninkiiba 20,000,000 (labaatan milyan) oo duug ah waxayna gudidu sheegeen in qodobkaasi fulay.

2. In labada nin ee dhintay aanu ka xukunay mag dhan 120 halaad midkiiba.

3. In beesha Hayaag ku bixiso magta muddo ah afartan maalmood oo ka bilaabmaysa 28-ka June oo ah maanta (Shalay).

4. In beesha Hayaag bixiso ganaax dhan $5000 ( Shan kun oo dollar) oo ah ganaax nabad jabineed.

 5. laga bilaabo 28ka bishan June wixii dambe ee dil ah ee dhaca ee ku saabsan arrintan labada beelood ee Hayaag iyo Hagar in lagu qaado xukun qisaas ah, una taala qofka gaystay oo kaliya, laakiin aan dhibaatadu saamayn beelaha.

 6. In xaajadii hore ee dhex taalay labada beelood ee lahayd dhaawacyada sidoo kale gabdhaha godob reebka ah hawshooda la bilaabi doono afartankaa maalmood ka bacdi lana dhamaystiri doono.”

Golle ay isugu yimaadeen dad-weyne aad u badan oo isaga yimi deegaanka Buuhoodle ayaa goob joog ka ahaa oo ay Gudiga iyo Wakiilo u hadlay labada dhinacba hadalo ka jeediyeen.

 

“Somaliland waxa lagu yidhi, markaad

Dumisaan Qarankiinaanu idin aqoonsanaynaa”

MP Tony Worthington

Hargeysa (Ogaal/Africancarbonodyssey)- “Somaliland waa dal yar oo ku yaala geesta waqooyi ee Geeska Afrika. Jabuuti waxay ka xigtaa dhinaca Waqooyi-galbeed, Itoobiya-na Koonfurta iyo Galbeedka iyo Puntland oo ah Gobol Somalia ka mid ah oo ka xiga dhinaca Bari.” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin Shakabad lagu magacaabo African Carbon Odyssey ay ka qortay Somaliland.

Warbixintan oo soo xiganaysa Khudbado ay shaqsiyaad magac ku leh dalalkoodu ka yidhaahdeen Somaliland iyo sida Caalamku uga dhego adaygay Aqoonsiga Somaliland.

Warbixintaas ayaa u dhignayd sidan;

“Markii ay shaaca ka qaadeen Madax-bannaanidooda, dalku waxa dalka laga hoos saaray Keligii-taliyihii Xaruntiisu ahayd Muqdisho ee Siyaad Barre. Ilaa waqtigaa waxay reer Somaliland dhisteen dal ay gundhig u tahay fikirka Dimuqraadiyaddu iyo dad rabitaankoodu yahay baadi-doonka badbaadada naf ahaaneed, Waxbarashada, Xoriyatal-qawlka, daryeelka Caafimaadka iyo Cuntada. Laakiin, Somaliland waxay saddex lugood ugu ordaysaa oo ku jirtaa tartan aanay tartamayaasha kale jirin caqabad hor taallaa.

Aqoonsi-la’aanta Somaliland ee lagu doonayo in lagu daro Somalia, waxay ka hor istaagaysaa inay hormood u noqoto Dimuqraadiyadda Afrika. Somaliland waxa lagu qasbayaa inay Dimuqraadiyadeeda iyo xasiloonideeda gacanta u geliso Qaran dumay iyo dal dagaal ka oogan yahay, oo ay la midowdo. Tani waxay saamayn ku yeelatay rabitaanka Somaliland ee maalgelinta Macdanteeda, Shidaalkeeda iyo Saliiddeeda qaniga ay ku tahay, ee aan  ilaa hadda laga faa’iidaysan. Ganacsatada dalka oo dibedda u dhoofiya Geela, Mal-malka iyo Fooxa ama Beeyada, ayaan u arka xaaladda dalka si xaqiiqda ka fog.

Laakiin, taageeraha Somaliland Tony Worthington oo hore Xildhibaan uga ahaa Cyldebank iyo Milngave ee Ingiriiska, ayaa aqalka Odayaasha Ingiriiska kaga hor dooday 2004 Madax-bannaanida Somaliland. ‘Reer Somaliland waxay ku sugnaayeen xaalad guul la’aaneed. Waxa lagu yidhi, marka aad burburisaan Qarankiina ee aad la midowdaan kuwa Koonfur burburiyay, ayaanu idin aqoonsanaynaa. Haddii aad dibed ka joogtaan burburka Somalia, oo aad ku sugnaataan xasilooni iyo Dimuqraadiyad, waanu iska kiin indho-tiraynaa’ ayuu yidhi Xildhibaankaas hore.

Mudada badan ee uu Caalamku iska indho-tirayo waxay kasbatay Somaliland ee ah aasaaska xasiloonida iyo Ururada Dimuqraadiyadeed, waa khatarta ugu badan ee keeni karta inay meesha ka baxaan waxyaabaha aasaasiga ahi. Mudada Somaliland lagu eego inay kaligeed is-deberto oo ay isku filnaato ilo dhaqaale la’aani, waxay sababi kartaa inuu ka bilaabmo isbedel xamaasadaysani.”

 

Madaxtooyada:  “Faysalow u fiirso waxa afkaaga ka soo baxaya,”

Hargeysa (Ogaal) – Madaxtooyada Somaliland ayaa Jawaab adag ka bixisay eedayn  Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ugu jeediyay dhawaan talaabadii Madaxweyne Rayaale ku tagay dalka Jabuuti. Islamarkaana uu ku sheegay Faysal in dawlada Jabuuti aanay wax dan ah u haynin Somaliland .

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani oo uu ugu jawaabayo Gudoomiyaha UCID waxa uu ku yidhi oo uu u dhignaa: “Annagoo tixraacayna hadaladdii deelqaafka iyo aflagaada ahaa ee Faysal Cali Waraabe uu dhowaan ka jeediyey shir uu Xisbigiisu ku qabsaday Magaaladda Hargeysa 26 June, kuwaasi oo lagu baahiyey Saxaafadda qaar ka mid ah.

Marka hore hadalaas deelqaafka iyo cayda qaawan ah ee loo gaystay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Djibouti oo uu u badheedhay nin sheeganaya in uu yahay Gudoomiye Xisbi Qaran, waa wax laga yaayakhsoodo.

Marka uu faysal ku dhaaranayo in Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geelle aanu iman Karin kana soo degi Karin dhabaha Dayuuradaha Somaliland, hadii ay dhacdaba yaa isaga wax ka waydiinaya, afkase uu ku hadlayaa iyo Xilka loo igmaday ee arrintaasi ka khusaysaa maxay tahay?.

Takale waxa Faysal uu caadaystay in uu had iyo jeer isku dayo in uu naxli kala dhex dhigo labada dal ee Somaliland iyo Djibouti mana aha markii ugu horaysay ee uu fal noocaasi ah ku kaco.

Somaliland iyo Djibouti waa labo dal oo derisnimada ka sokoow walaalo ah, ab iyo isirna wadaaga.

Waxa kale oo ayaan darro ah in iyadoo Socdaalkii Madaxweynaha iyo Weftigiisu ay dhowaan ku tageen Djibouti uu ahaa mid aad loogu diirsaday shucuurta iyo dareenka labada shacbina saameyn oo wax ku ool ah u geeystay, in nin hunguri ka hayo in uu ku tartamo Madaxweynenimada Somaliland in uu ku hadlo hadalo noocaasi ah ee isaga uun wax u dhimi kara , cid kalena waxba yeeli Karin.

Marka Faysal uu leeyahay sanad baanu ku laaluushnay in uu xilka sii hayo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, miyaanay ahayn nin iska hadlay oo had iyo jeer caadaystay afxumo aan loo aabo yeelin isaga oo kubada dhinaca hadba uu doono u laada.

Wakhtiga doorashada la qabanaayo ama xilka Madaxweynuhu ku eg yahay waxa tilmaamaya shuruucda iyo xeerarka u dhigan dalka.

Waxa kale oo ayaan darro ah in dhalinyaro reer Somaliland ah oo ay nasiib darro ku dhacday , kuna geeriyooday badaha in hab dhaqankiisii looga bartay Faysal uu ku kala qaybiyo kuna kala guro inay ka soo jeedaan qabiil , taas oo muujinaysa aragtidiisa gaaban iyo garashadiisu heerka ay taagan tahay.

Waxa kale oo xusid mudan in markii Madaxweynuhu uu safarka ku tegay Jabuuti sanadkii 2002 aflagaado tan la mid ah uu u gaystay socdaalkii Madaxweynaha , isaga oo si weyn u dhaleeceeyay booqashadaa Madaxweynaha iyo Dawlada Jabuutiba, taasina waxay ka dhigan tahay maah maahda Soomaaliyeed ee ah ‘’dhuusa geel, mana baaqato, mana urto’’.

Sanadkii 2005 , waxa tagtay Faysaloow Jabuuti , adiga oo Madaxweynihii aad aflagaadada kula kacday uu ku soo dhaweeyay , kuna karaameeyay , ka dibna aad ka amaantay warbaahinta , kana istaaqfuraysatay caydkii aad kula kacday oo aad ku bedeshay amaan balaadhan oo aad u soo jeedisay , taasina waxay muujinaysaa  in aad kolba tagto meesha dabayshu kuu qaado oo aanad lahayn aragti dhab ah iyo waxa aad aamisan tahay toona.

Madaxweyne Riyaale ma metelo Gobol ee waa Madaxweyne la soo doortay oo metela umadda reer Somaliland oo dhan.

Gebo gebadii waxaan kula talinaynaa Faysal oo aan leenahay xishood oo u fiirso waxa afkaaga ka soo baxaya, hadii in uun uu damac kaa hayo inaad si xor ah ugu tartanto doorashada madaxtinimada JSL.”

 

 

Somalia: Dagaallo ka dhacay meelo kala duwan

 

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka)- Dabley hubaysan oo aan la aqoonsan, ayaa shalay toogasho ku dishay Guddoomiye-xigeenkii Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye xigeenka Degmadaas Cambaro Yuusuf Cali, ayaa la dilay waqti ay ku sii socotay Xafiiskeeda, iyada oo rasaastu ka haleeshay Caloosha. Dableydan dishay Marxuumad Cambaro, ayaa la sheegay inay dileen ka dib markii ay ugu digeen inay joojiso shaqada ay hayso ee guddoomi-xigeennimo. Kuwaas oo markii ay rasaasta ku fureen, ka cararay goobtii dilku ka dhacay.

Dhinaca kale, dagaal dhex maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubaysan ayaa shalay ilaa xalay ka socday Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud. Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii ay oo shalay degmadaa gaadheen Ciidamada Itoobiyaanka ahi. Waxaana laysku adeegsaday Madaafii iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaana taasi sabab u ah iyadoo Degmada Guriceel ay dadkii deganaa badankood ka barakaceen kadib markii ilaa xalay dagaalku socday. Sababaha kale ee loo aanaynayo dagaalkan, ayaa ah ka dib markii saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Itoobiyaanku ay isku dayeen in ay wada hadal la yeesheen Odayaasha Degmada, hayeeshee ay taasi u suurtageli weyday.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee fadhiisinka ka sameystay halka laga galo Degmada Guriceel marka laga tago dhinaca Degmada Matabaan, ayaa waxay markoodii hore ka tageen Magaalada Beledweyne iyo Deegaanka Kala-beydh, lamana oga ilaa iyo haatan ujeedada ka dambeysa socdaalka ay ku tageen Degmada Guriceel.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee tegay Degmada Guriceel ayaa waxaa cambaareeyay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, wuxuuna Afhayeenka Dhaqanka ee Golahaas  Axmed Diiriye Cali sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Guriceel tegay ay ujeedadoodu tahay in ay  barakiciyaan Dad degan oo aan wax dhibaato ah qabin.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.