Jawaab Madaxtooyadu ka bixisay khudbad Faysal Cali Waraabe jeediyey: Waxay shaki gelisey Caafimaadkiisa Maskaxeed

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe. Waxayna calaamad-su’aal gelisey Madaxtooyadu caafimaad-qabka maxkaxeed ee Guddoomiyaha, iyada oo si ba’an u weerartay shakhsiyaddiisa siyaasadeed.

Afhayeenka Madaxtooyada, Mr. Siciid Caddaani Mooge ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray waxa uu kaga jawaabey hadal uu ka jeediyey Faysal Cali Waraabe xaflad xisbigiisu ku xusayey maalintii Somaliland madax bannaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska, 26 June, oo uu dhalliilo ugu jeediyey maamulka Daahir Riyaale, socdaalkii uu dhowaan ku tegey Jabuuti, Madaxweynaha Jabuuti iyo dhinacyo kale. Waxana uu Warsaxaafadeedku qodob-qodob uga jawaabey arrimihii Faysal ku dhalliilay Daahir Riyaale iyo xidhiidhka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.

Isaga oo ugu horrayn ka jawaabaya dhalliilaha uu Faysal Cali Waraabe u jeediyey Daahir Riyaale iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu yidhi,

“Marka hore hadalaas deelqaafka iyo cayda qaawan ah ee loo gaystay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Djibouti oo uu u badheedhay nin sheeganaya in uu yahay Gudoomiye Xisbi Qaran, waa wax laga yaayakhsoodo.

Marka uu Faysal ku dhaaranayo in Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geelle aanu iman karin kana soo degi karin dhabaha Dayuuradaha Somaliland, hadii ay dhacdaba yaa isaga wax ka waydiinaya, afkase uu ku hadlayaa iyo Xilka loo igmaday ee arrintaasi ka khusaysaa maxay tahay?”.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu waxa uu ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe nin aan lahayn meel loogu soo hagaago oo isagu is buriya, waxana uu tusaale u soo qaatay socdaalkii Daahir Riyaale ku tegey Jabuuti sannadkii 2002 oo uu Faysal si kulul u cambaareeyey, balse, uu ammaan ka dambeysiiyey.

“Waxa kale oo xusid mudan in markii Madaxweynuhu uu safarka ku tegay Jabuuti sanadkii 2002 aflagaado tan la mid ah uu u gaystay socdaalkii Madaxweynaha, isaga oo si weyn u dhaleeceeyay booqashadaa Madaxweynaha iyo Dawlada Jabuutiba, taasina waxay ka dhigan tahay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “Dhuusa Geel, mana baaqato, mana urto’’,” ayuu yidhi Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu.

Waxana uu raaciyey warsaxaafadeedku isaga oo toos ula hadlaya Faysal, “Sanadkii 2005, waxa tagtay Faysaloow Jabuuti, adiga oo Madaxweynihii aad aflagaadada kula kacday uu ku soo dhaweeyay, kuna karaameeyay, ka dibna aad ka amaantay warbaahinta, kana istaaqfuraysatay caydkii aad kula kacday oo aad ku bedeshay amaan balaadhan oo aad u soo jeedisay, taasina waxay muujinaysaa  in aad kolba tagto meesha dabayshu kuu qaado oo aanad lahayn aragti dhab ah iyo waxa aad aamisan tahay toona”.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu waxa uu difaacay booqashadii kediska ahayd ee Daahir Riyaale dhowaan ku tegey Jabuuti, taas oo uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay “Riwaayad” ay shacbiga u dhigayaan Daahir Riyaale iyo wasiirradiisu, ujeedadiisuna ay tahay in Erateriya la tuso in Somaliland barbar taagan tahay Jabuuti. Waxana uu warsaxaafadeedku sheegay in booqashadaasi ay ahayd mid labada shacbi ee Somaliland iyo Jabuutiba ay ku diirsadeen, isaga oo Faysalna ku eedeeyey inuu yahay mid u taagan markasta inuu naxli kala dhexdhigo labada dal.

“Ta kale waxa Faysal uu caadaystay in uu had iyo jeer isku dayo in uu naxli kala dhex dhigo labada dal ee Somaliland iyo Djibouti mana aha markii ugu horaysay ee uu fal noocaasi ah ku kaco. Somaliland iyo Djibouti waa labo dal oo derisnimada ka sokoow walaalo ah, ab iyo isirna wadaaga,” ayuu yidhi.

Marka laga yimaaddo difaaca booqashadii Daahir Riyaale ee Jabuut, waxa kale oo uu warsaxaafadeedka Madaxtooyadu ka jawaabey dhalliilo kale oo ku saabsan waxqabad la’aantiisa iyo siyaasad xumada hoggaaminta Daahir Riyaale. Waxana uu yidhi, warsaxaafadeedku isaga oo ka jawaabaya muddadii sannadka ahayd ee Guurtidu u kordhisey Daahir Riyaale laaluush xisbiyada mucaaridka ahi dalka kaga laaluusheen Riyaale, isla markaana Illaahay ka baryey inuu si nabadgelyo ah ku dhaafiyo kursiga,

“Marka Faysal uu leeyahay sanad baanu ku laaluushnay in uu xilka sii hayo ‘Madaxweyne’ Daahir Riyaale Kaahin, miyaanay ahayn nin iska hadlay oo had iyo jeer caadaystay afxumo aan loo aabo yeelin isaga oo kubada dhinac hadba uu doono u laada, waxana ay dadka qaar iswaydiin karaan maskax ahaan in uu bed qabo iyo in kale wakhtiyada qaarkood. Wakhtiga doorashada la qabanaayo ama xilka Madaxweynuhu ku eg yahay waxa tilmaamaya shuruucda iyo xeerarka u dhigan dalka”.

 Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu, waxa uu Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey aragti gaabni siyaasadeed, qaybaalad iyo qaybqaybin, iyada oo Madaxtooyadu tixraacaysa, isla markaana duraysa qaabka Guddoomiyaha Xisbiga UCID u dhigay dhalliil uu Daahir Riyaale ugu jeediyey ilaa 20neeyo dhallinyaro reer Awdal ahaa oo dhowaan dooni ay ku tahriibayeen kula qaraqantay Badda, iyaga oo doonaya inay galaan Yurub, taas oo uu Faysal ku tilmaamay inay tusaale u tahay dadka kale ee reer Somaliland masiibadaa ku dhacday dhallinyaradaas oo ka tegey Gobolka uu Daahir Riyaale ka soo jeedo, isaga oo barbar dhigaya Gobolkii uu ka soo jeedey Keligii taliyihii hore ee Soomaaliya, Siyaad Barre,  waxana  uu yidhi, “Waxaa la yidhi isha cali ka laalaada. Reer awdal waad arkaysaan reer Garbahaarey badda may gali jirin”.   

Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu oo taas ka jawaabaya waxa uu yidhi, “Waxa kale oo ayaandarro ah in dhalinyaro reer Somaliland ah oo ay nasiib darro ku dhacday, kuna geeriyooday badaha in hab dhaqankiisii looga bartay Faysal uu ku kala qaybiyo kuna kala guro inay ka soo jeedaan qabiil, taas oo muujinaysa aragtidiisa gaaban iyo garashadiisu heerka ay taagan tahay”.

“Madaxweyne Riyaale ma metelo Gobol ee waa Madaxweyne la soo doortay oo metela umadda reer Somaliland oo dhan,” ayuu raaciyey.

Waxana uu ku soo gebagebeeyey hadalkiisa Afhayeenku, “Gebo gebadii waxaan kula talinaynaa Faysal oo aan leenahay xishood oo u fiirso waxa afkaaga ka soo baxaya, haddii in uun uu damac kaa hayo inaad si xor ah ugu tartanto doorashada madaxtinimada JSL.’

Markhaatiyada Madaxtooyada:

Madaxtooyada iyo Daahir Riyaale oo keliya kuma ekaan hadalka Faysal Cali Waraabe ka jeediyey xafladdaas ee waxa uu sidoo kale si qaawan u weeraray dhinacyo kale oo aan siyaasadba shaqo ku lahayn, sida Dhakhaatiirta caafimaad ee muwaadiniinta ah iyo shirkado ganacsi, taas oo abuuray su’aalo ay dadku iska weydiinayaan hoggaamiyenimada siyaasadeed ee Faysal, isla markaana u maragfuraya ama u garaabaya Jawaabta Madaxtooyadu ka bixisay hadalkiisa.

Faysal waxa uu khudbaddiisaa si gaar ah ugu soo qaaday Shirkadda DAHABSHIIL ee ugu weyn shirkadaha dhinaca adeegga xawaaladaha oo uu si qaawan u weeraray, uguna hanjabey inuu tallaabo ka qaadi doono, isaga oo dhalliil uga dhigaya keliya adeegga ay ummadda u qabato ee ah xawilaadda lacagaha sida xawaalado kale oo yaryariba ay sameeyaan. Waxana uu yidhi, “Maanta dadkeena dibadu Dahabshiill ayay u shaqeeyaan. Dadkeenu wax ma dhisan karaan, iskuul ma dhisan karaan, Jaamacad ma geli karaan… Dahabshiil waynu iska xoraynayaa…”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo xafladdaas ka sheegay qorshihiisa haddii uu Madaxweyne noqdo inuu wax ka qaban doono saamiyada dadka reer Somaliland ka helaan Maamulka Killilka 5aad ee Itoobiya iyo dowladda Jabuuti lafteeda, isaga oo ku doodaya in dadka ugu badan Killilka 5aad ay yihiin reer Somaliland, balse, ay ku dolman yihiin maamulka, sidoo kale Jabuuti ayuu sheegay in 34%  dadku ay yihiin reer Somaliland, isla markaana ay ku dolman yihiin oo ay helaan uun 8 xildhibaan.

Arrintan oo ah mid aan meesha oollin oo aan loo fadhiyin, waxay noqonaysaa qabyaalad heerkeedu sarreeyo (chauvinism) oo la mid ah damacii dad urursiga ahaa ee Siyaad Barre geliyey dagaalkii lagu riiqday ee 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Hase yeeshee, isla khudbaddiisaa waxa hankiisa qabyaaladeed hoos ugu soo dhacay – sida Madaxtooyadu ku eedaysan – aragti siyaasadeed oo uu dadka reer Somaliland ugu kala qaybinayo beelo iyo gobolo, waxana uu u jeediyey shacbiga Hargeysa baaqan, “Hargeysi ha toosto… Hargeysa maanta waa maalinteedii,
waa markeenii. Xilku waa wareegto, Burco markeedii way qaadatay, Awdalna way qaadatay, maanta waa maalinteenii ha qaldamina”.

Faysal Cali Waraabe ayaa had iyo goor ummadda u metela inuu yahay daaci uga digaya qabyaaladda, maamulxumada iyo keli-talisnimada.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

  

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.