Faallo: Galbeedow Ha kala Goyn Somaliland

Faallo: Galbeedow  Ha kala Goyn Somaliland

 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa: ‘Ninka aan garan waxaa jooga waxa soo socdana ma garto’, waxay kale oo ku maahmaahdaa ‘Walaalo is-neceb way xoolo yareeyaan waanay xabaalo badiyaan’. Waxaan labadan maahmaahood ula jeedaa ayaa-xumada ka dhalankarta hadallo beryahanba ka soo yeedhayay dad u dhashay degaanka Hargeysa kuwaas oo uu dabada ka riixayo cadowga ka naxa qaranimada iyo dawladnimada Somaliland kuna farxa burburkeeda markastana ku hawlan sidii la iskaga horkeenilahaa ummadda Somaliland loona gelinlahaa dagaal sokeeye oo dib ugu cesha Somalia. Hadaladaas dhiillada xambaarsan waxaa ka mid ah: Reer Barigu Hargeysa haka baxo, Habarjeclo Hargeysa haka baxdo. Arrimahanu waxay muujinayaan hordhaca saansaanka qaran-jab waayo haddii caasimad ummad oo ah meel la wada leeyahay dhismaheeda iyo maamulkeeda lagu kala tago dawladnimadana waa lagu kala tagaa haddii dawladnimada lagu kala tagana colaad ayaa timaada iyo burbur.

Sannadkii 1991 ee USC Muqdisho gashay kana eriday Taliskii Siyaad Barre ayaa waxa la soo weriyay in Majeerteenku dhegaha ugu shubay Abgaal kuna yidhi, ‘ Muqdisho idinka ayaa iska leh ee yaan Habargidir idinku xukumin’. Arrintaasu waxay dhalisay dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhexbilowday Abgaal iyo Habargidir 11kii bishii November 1991. Dagaalkaas waa kii Somalia u horseeday 18 sano oo ah baaba` iyo burbur ugu dambayntiina Itoobiya u fududeeyay inay dalkaas qabsato oo u horseedo cadowtinimo iyo gumeysi fool xun.

Waxaa kale oo xusid mudan in Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia u kala baxday Somaliland iyo Somalia sannadkii 1991 kadib dagaallo sokeeye oo soo afjaray 30kii sano oo is-raaca ahaa (1960-1990). Dagaaladaas waxaa sabab u ahaa Gobolladii Koonfurta oo xukunkii iyo dawladnimadii la wada lahaa ka duudsiyay Gobolladii Waqooyi.  

Laga soo bilaabo Shirkii Boorame ee 1993  kaas oo sida foosha xun xilkii madaxweynanimo looga qaaday Abdiraxmaan Axmed Cali isaga oo aan dhammaysan ka dib markii ay isku bahaysteen Hargeysa, Saaxil, iyo Awdal (Gobollada Galbeed) ayaa waxaa xukunka Somaliland gacanta ugu jiraa Gobolada Galbeeka lagana ilaashaa Gobollada Bariga ee kala ah Togdheer, Sanaag iyo Sool. Galbeedku waxa uu xukunka Somaliland haystaa 16 sano (1993-2008) mudadaas oo dawladnimada iyo waxtarkeeduba  ku ekaa Gobollada Galbeedka haddana ma muuqato inay diyaar u yihiin in lala wadaago taas oo xad-gudub ku ah hanaanka dawladnimo ee la wada leeyahay, dhib iyo dheefba.

Xukunka Somaliland ee Galbeedku isasiiyeen waxay dadka qaar gelinsiisay inay yidhaahdaan maanta Reer Barigu ha ka baxo Hargeysa. Figradaas qaran-jabka ah waxay la mid tahay figraddii Somalia u horseeday burburka, dagaalada sokeeye iyo gumeysiga. Inta badan siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka ka soo jeeda Gobollada Galbeedka sidii la filayay ugamay gilgilan umana cambaarayn figradahaas khatarta ah ee lagu kala soocayo ummadda iyo dalka taasuna waxay leedahay dareenkeeda.

Waxaan shaki ku jirin in Daahir Riyaale Kaahin iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedyada u dhashay Gobollada Galbeedka Somaliland ay ka dambeeyaan figraddan qaran-dumisnimo. Arrintan oo loogu dardaarwerinayo Gobollada Bariga Somaliland waxaa macnaheedu yahay: Ka baxa Hargeysa haddii aad haweysataan xukunka dalka ama aad ka soo horjeesataan Daahir Riyaale Kaahin oo la ogyahay in madaxweynanimadiisii dhammaatay 15kii May, 2008 sharcina aan ku fadhiyin xafiiska.

Xukunka Somaliland ee Galbeedku isasiiyeen waxay keentay in Gobollada Galbeedku ka fekeraan uun sidii ay xukunka sida jebisa isugu duubilahaayeen ugana ilaalinlahaayeen Gobollada Bariga iyaga oo aan ka fekerin saamaynta ay ku yeelankarto nabadgelyada iyo midnimada guud ee dalka. Waxay arrintaasu u fududaysay Daahir Riyaale Kaahin inuu u xuub-siibto kelitaliye uu xukun jacaylka Gobollada Galbeedku fursad u siiyay duugidda taariikhda Halgankii SNM iyo dhaawacidda shuruucda dalka, sumcadda dawladnimada, horumarka iyo aqoonsiga Somaliland .   Maantana intuu Jabuuti shir qarsoodi ah la galay madaxweyne Geelle oo ah cadowga kowaad ee jiritaanka Somaliland geed dheer iyo geed gaabana u fuulay la dagaallanka  aqoonsigeeda ayuu u ballanqaaday  in haddii dagaalka Erateria iyo Jabuuti uu sii socdo uu ciidamada iyo xoogga dhallinyarada Somaliland ku shubo dabka ka dhex-holcaya labadaas dal si uu markaas xukunka Somaliland u sii haysto balse shacabka si kale loogu sheegay.

Daahir Riyaale Kaahin oo aan maanta ahayn madaxweyne sharci ah inuu kursiga madaxweynanimada ku sii fadhiyo waxaa sabab u ah taageerada Gobollada Galbeedka siiba Hargeysa waxaana halkaas ku burburay hanaankii dimoqaraadiga ahaa ee dalka.

Gobollada Galbeedku waxay maantana u diyaargaroobayaan sidii doorashada madaxweynaha ee soo socota looga boobilahaa Gobollada Bariga sidii dhacday doorashadii u dambaysay ee madaxweynaha lana qabtay April 14, 2004. Waxyaabahaa arrintaas caddaynaya waxaa ka mid ah iyada oo durba diyaarado lacag ah lagu soo daabulayo dalka lana kala geynayo Hargeysa, Berbera iyo Boorama si doorasha madaxweynaha loogu soo cesho Daahir Riyaale Kaahin.

Dadka Gobollada Barigu marnaba ma aqbalayaan in Riyaale loo booboo madaxweynanimada dalka mar labaad amaba uu ku soo noqdo xafiiska waayo waa kalitaliye dhaawac weyn u geystay taariikhda iyo dastuurka dalka, midnimada iyo daryeelka, horumarka iyo hanaanka dimoqaraadiga, sumacadda dawladnimo iyo aqoonsiga Somaliland si sharcidarro ahna ugu fadhiya kursiga madaxweynaha isaga oo ka mas`uul ahaa in doorashada madaxweynuhu dhaafto waqtigeeda.  Siyaasiyiinta, madax-dhaqameedyada iyo aqoonyahanda Gobollada Galbeedka waxaa lagula talinayaa inay talo iyo abaabulba bilaabaan sidii looga hortegilahaa in Somaliland ku burburto xukun ku salaysan gobolaysi iyo kelitalisnimo kursigana looga ridilahaa Daahir Riyaale.

Samirka iyo dulqaadka Gobollada Barigu ma sii socondoono waxaana lagama maarmaan noqodoonta in la tashado haddii Gobollada Galbeedku ku   sii adkaystaan isasiinta xukunka iyo dawladnimada dalka isla markaana aaanay la iman isbedel wanaagsan oo raalligesha Bariga. Wax la qaadankaro maaha in Gobollada Barigu marna noqdaan derbiga u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia ee dalka laga difaaco marna xukunka dalka iyo dalwdnimada laga duudsiyo. Waxaa jiritaanka iyo badbaadada Somaliland ku jirtaa in xukunka dalka iyo dawladnimada loo wada sinaado kalka soo socdana madaxweynaha dalka loo daayo Gobollada Bariga si loo soo cesho kalsoonida dadweynaha Gobollada Bariga oo aaminsan in la duudsiyayo loona fashiliyo shirqoolada cadowga gudaha iyo dibeduba u maleegayaan jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Ummadda Somaliland yaanay noqon sida Afrikaanka inta ay wax wanaagsan qabsadaan ku burburiya qabyaalada, gobollaysi iyo kelitalisnimo. Haddii Somaliland burburto waxaa ka mas`uul ah Hargeysa waayo waxay noqotay hoyga laga abaabulo gobolaysiga iyo kelitalisnimada khatarta ku ah jiritaanka Somaliland . Faalladanu marnama ka tarjumimayso nacayb iyo xumaan balse waxay ka hadlaysaa sidii Somaliland looga badbaadinlahaa dhibaatada siyaasadeed ee soo wajahday maanta taas oo u baahan wadaninimo iyo geesinimo. Galbeedow ha kala goyn Somaliland ogowna in xukun, dawladnimo iyo magaalo-madax la kala sheegto laga dhaxlo burbur iyo dawlad la`aan sida Somalia . Ummadda Somalia waxaan Eebbe uga baryayaa xornimo dhakhso leh iyo dawladnimo u horseedda soo celinta sharafteedii, walaalnimadeedii, nabadgelyo iyo horumar.

     

       Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: June 29, 2008

 

 

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.