Beeraley…!

HADAYNU BEERALAY AMA KALUUMAYSATO AHAAN LAHEYN

Waxaa badanaa la arkaa, in dhaqanka, caadooyinka, iyo waxyaabaha umaddahu caadaystaan ay badanaa raad ku yeeshaan nolosha guud ahaanba taasoo ka muuqata xataa hawl maalmoodkooda iyo dhamaan nolashooda.

 

Inkasta oo dhaqamada iyo caadooyinka qaarkood suulaan, waxaase jira qaar aan sinba u dabar go’in, markaad hadaba eegto inaga dhaqankeena, waxaa ugu muhiimsan ee raadreebka aadka inagu yeeshay waxaa kow ka ah xoolo dhaqashada, ama reer guuraanimada.

 

Xoola dhaqashadu had iyo goor intaynaan magaalooyinka soo galin ee dadku ku sugnaa baadiyaha, waxaa nolosha ugu muhiimsanaa wax yaabaha sida; daaqa, biyaha, iyo xoolaha fayo dhawrkooda, dadkana waxaa ka dhexeeyay daaqa iyo biyaha, waxaa had iyo goor muran iyo kala riixasho ka taagnayeen labadaa, waxaa taasi ay kalifi jirtay xoolaha oo la qaado, ceelka iyo biyaha oo laysku dilo, weerarka iyo weerar celinta iyo aargoosiga ayaa ahaa wax joogto ah, waxaa laysku raaci jiray reer-reer, oo dagaalada loo geli jiray, ninka ilmaadeero badan la dhashay, amaba reerba reerkuu ka dad iyo duunyo badanyahay ayaa kuwa kale ka mudnaa,  waxaanay ahaanjirtay in aan reer hebel halkay ka hadlayaan, aanay reer hebal ka hadli karin. Amaba aanay ka wada qori ridan karin, Dhaqnka noocaasi ah ayaynu la soo galy magaalada, waxana uu ilaa maanta ka muuqdaa nolosheena, waxaana la odhankaraa, waa meesha aynu ka keenay, anigoo reer hebela, waana waxa ingoo ku jirna qarnigii 21aad, inaga horjooga inaynu helo maamul hagaagsan, waxaa weli dabada haynaa, qabyaalad, hebel hebel ugu aar, hebel kanaa kaa xigee ka dhaweyso, waxyaabahaa iyo qaarkaloo badan, waxay ka soo jeedeen dabeecadaa aynu ka dhaxalay xoola dhaqashada, ama reer guuraa nimada, waxa had iyo goor lagu dadaali jiray inay xoolahaagu ka qurux iyo hiliba roonaadaan xoolaha kale, dhibaatooyinka kale ee reer guuraanimadu leedahay.

 

Ugu horayn, xoola dhaqashjadu ma laha deganaansho, waana waxa loo yidhi reer guuraa, tusaale hadaynu u soo qaadano, geeljiraha ama qofka ciidankaa ee xoolaha raacaa, caadi ahaan wuxuu ahaan jiray xooga bulshada amaba dhalinyarada, hadaad eegto noloshooda waxay ahayd nolol garab rarato ah, geeljirahu hoy ma lahayn, meel wax u yaalaan ma laheyn, waxaa ugu badan ee uu haystay waxay ahayd (qori), taasina, waa ta sababtay inaynu noqono faaylant, waayo, qori nin qaatay marka horeba waa nin ku talo galay colaad!!!!!!!!!!!

 

Hadad eegto halhayskan, Somalidu tidhaahdo, ”geerudu waxay ku fiicantay geel jire iyo nimaanad aqoonin”  halkaa waxaa inooga cad sida xoogii bulshada ee dusha ku qaadi lahaa harumarka iyo hagaajinta ummada aanu waxbaba sii mudnayn.

 

Hadaynu akhriste u soo noqono dulucda qoraalka, weli ma is weydiisay, hadaynu Beeralay ahaan lahayn sidee aynu ahaan laheyn?!!!

Ugu horayn waxaynu ahaan lahayn dad degan oo aan guurguurin, waxaynu si qota dheer u baran lahayn degaanka iyo dalagyada ku haboon, waxaynu daris la ahaan lahayn danta iyo dabeecada, waxaynu ahaan lahayn dad shaqo jecel oo wakhtigooda ku bixiya wax soo saarka, halka reer guuraanimada, la tagi jiray tuulada si looga soo hseekeeyo.

 

Waxaynu ahaan lahayn dad waxa is weydaarsada oo ay ka dhaxayso kala badalasho, dalagyada la soo saaro, taasoo ina bari lahayd isku duubnaan.

Cuntadadeenu waxay ahaan lahayd mid ku dhisan waxaynu dhulka ka la soo baxno, waxaynu ahaan lahayn dad debadaa wax u dhoofsha, waxaan inaga madhnaan lahayn xoolaha oo badanaa lagu arko tiro xoola ah dadka beeralaydaa.waxaynu aad ugu tiirsanaan lahayn biyaha taasina waxay ina bari lahaayd fikir ah inaynu ceshano biyaha sanad walba ina dhaafa ee badda ku darsama, ee maalinta roobku da’o maalinta ka danbaysa aynu ka haraadaney, isku soo wada duuboo faa’iidada ugu yar ee beerta aynu ka heli lahayn waxay tahay Qaadka oo ah waxa kaliya ee aynu ku bixino dhaqaalaha ugu badan  ee dalka ka baxa ayaa inoo baaqan lahayd oo dhinac aynu ku beeran lahayn.

Arinta labaad waxay tahay, maadaama akhriste aynu leenahay xeebta labaad ee africa ugu dheer, bal ka soo qaad, hadaynu Kaluumaysato noqon layhayn!!!!!  ”akhriste, intaynaan gudo galin faa’iidada ay inoo yeelan lahayd kaluumaysigu, waxaa jirtay sheeko beri ka dhacday Berbera, nin odaya ayaa inan uu dhalay markuu waxoogaa gaadhay u soo baxsaday Berbera, ka dib shaqo ayuu ka helay meel hudheela, maalintii danbe ayaa wiilkii waxay is dagaaleen wiilkale oo meesha ka wadashaqaynayeen, ka dib ilig ayuu yarkii waxyeelo ka soo gaadhay,  wiilkii yaraa ee baxsadka ahaa ayaa arintii loo xidhay, odaygii dhalay ayaa maalmo ka dib loo cid diray si warkii loo gaadhsiiyo, odaygii isagoo markii horeba ka xumaa baxsadka wiilka ayaa ninkii fariinta siday wuxuu ugu jawaabay, adeer, xadhigbaad sheegaysaaye,  ilaahow miyay weliba, kaluuna siiyaan!!!!!”

 

Halkaa waxaa inooga muuqta, ugu horayn halka kaluunku dadkeena ka taagnaa, wakhtiyadii hore.

Hadaynu hadaba ahaan laheyn kaluumaysato, sidoo kale, waxanu deganaanlahyn oo aynu camiri laheyn dhulalka ku teedsan xeebaha, waxaanaynu ahaan lahayn dad degaan ku ah halkay deganyahiin oon guurguurin, waxaynu jeclaan lahyn shaqada oo waxaynu ku mashquulsanaan lahayn soo saarida khayraadka bada, waxaynu ka kaaftoomi lahayn xoolahan carabtu khayaamada inagu haysato, ee siday doonaan kolba ka yeelaaan, waxaynuna khayraadkeena u suuqgayn lahayn suuqyada caalamka ee kaluunka iyo waxa la halmaala, halka Ethiopia shilinkeenii ku dhamaaday Jaad, waxay inoo ahaan lahayd suuqeena ugu muhiimsan ee kaluunka amaba hadaynu ugu faa’iido yaraano Jaadka ayaynu kaga badalan laheyn kaluunka.

 

Badda, qiimaheedu wax la soo koobi karro maaha, tusaale, wadanka Bangaldesh waxaa ku nool 140 million oo qof, boqol iyo afartankaa qof waxaa ugu badan ee nololmaalmeelkooda ay ka helaan kaluunka oo dhaqaalaha wadankuna ku xidhan yahay,  ma ogtahay value ga suuqa sea-foodka Dubai  inta uu ahaa 2006,  735 million Dirham, suuqaasi waxaynu ku yeelan lahayn qayb libaax.

 

Run ahaantii faa’iidooyinka labada arimood maaha wax lasoo koobi karo, balse kaliya waxay u baahantahay wacyi gelin iyo aqoon, waxaynu had iyo goor maqalaa jaamacado la furayo iyo iskuulo tirada ka batay, kuwaasoo marka ardaydu ka soo baxdo qofkii uu dib ugu soo noqonayo suuq joog-joogii, hadaba waxaa runtii ka mudnaan lahaa iyadoo shacbiga loo furo iskuulo badda iyo kaluumaysiga lagu barto, kuwaas oo dadka wax ku barta loo samaynlahaa iskaashatooyin kaluumaysi oo ka faa’iidaysta kayraadkaa badda.

 

Qalinkii: Siciid Cadaani Yusuf

 

 

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.