Dareemada ka dhashay Booqashadii Riyaale ee Jabuuti: Faallo By: C/risaaq M. Dubbad,

Inkasta oo Daahir Riyaale kaga dhawaaqay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa munaasibaddii 18ka May inuu hagaajinayo xidhiidhka Somaliland la leedahay derisyadeeda, isaga oo xusay inay jiraan dalal – aanu xusin – oo xidhiidhkooda Somaliland aanu wanaagsanayn, isla markaana uu ballanqaaday inuu ka hawlgelayo iyagana, haddana, booqashadii uu toddobaadkii hore ku tegey Jabuuti waxay ahayd mid kedis oo lama filaan ah, maadaama aanay jirin wax ifafaale ah ama dhaqdhaqaaq dib loogu hagaajinayo xidhiidhka Jabuuti oo go’naa sannadihii u dambeeyey. Waxaana ka dhashay su’aalo ujeeddada degdegga ah ee booqashadaas iyo natiijadeeda.

Dib u milicsi:

Somaliland iyo Jabuuti oo wadaaga xuduud iyo xidhiidh dhiig oo ka dhexeeya dadyowga labada dal ayaan marna labada dowladood yeelanin xidhiidh joogto ah oo waara, waxaana is waafiqi la’ muddada 18ka sannadood ah ee Somaliland jirtey wada dhalashada labada shacbi iyo danaha siyaasadeed ee labada xukuumadood, waxaana taas loo nisbeeyaa dowladda Jabuuti oo markasta si xagjirnimo ah uga soo horjeedda qodobka aasaasiga ah ee goonni-isu-taagga Somaliland, taas oo ay Jabuuti kaga duwan tahay dalalka kale ee deriska la ah Somaliland iyo dunida kale ee ay xidhiidhka la leedahayba, kuwaas oo mawqifkasta oo ay ka qabaan aqoonsi diblomaasiyadeed oo Somaliland dunida ka hesho, aqoonsan in Somaliland tahay wax jira, taasina waxay fududaysay in dalal badan oo dano ka leh Somaliland ay helaan qaab ay ula macaamilaan dal aan la aqoonsan qaranimadiis. Isla markaana aanay ogolayn xitaa inay aqoonsato riyada iyo rajada shacbiga Somaliland ku dhisan yihiin, kuna dhaqan yihiin, taas oo abuurtay dareenka dad badan oo reer Somaliland ahi qabaan ee ah in Jabuuti u aragto Somaliland meel taagan – ama ha la aqoonsado ama yaan la aqoonsane – ay khatar ku tahay, kana hor imanayso danaheeda, sidaa darteed, ay doonayso sidii Somaliland mar kale ugu dhici lahayd badweyntii Soomaaliweyn ee liqday Somaliland 1960, taas oo ah danta keliya ee joogta ah ee ay leedahay, si ka duwan Itoobiya oo –  inkasta oo aanay aqoonsanayn qaranimada Somaliland – uga faa’iideysata danaheeda, gaar ahaan, ammaanka oo Somaliland khatar istiraatiiji ah ku noqon karto haddii aanay helin qaab saaxiibtinimo ama masaalaxadeed oo ay kula macaamisho, iyadoo aan luminayn danta weyn ee ay ka leedahay Soomaaliyadii burburtay inteeda kale.

Iyada oo xaqiiqadaasi ka dhigtay mid aan sal dhigin, ayaa mudane Daahir Riyaale waxa uu yimi hoggaaminta Somaliland wakhti Deeradu dhex miranayso Somaliland iyo Jabuuti, dabkana aanay kala qaadan sannadkii 2002, kadib markii uu geeryoodey Madaxweynihii hore ee Somaliland, marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo uu ka dhaxlay kursiga madaxtinimada iyo colaad weyn oo dhextaalley Somaliland iyo Jabuuti, taas oo ahayd qardoofooyinkii uu ka tegey Shirkii Carta ee Jabuuti isugu keentay kooxaha Soomaaliya. Hase yeeshee, mudane Riyaale wuxuu socdaalkiisii ugu horreeyey si lama filaan ah ugu dhoofay Jabuuti, July 2002, labada bilood uun kadib geerida Madaxweynihii hore. Waxana uu soo furay xidhiidh cusub iyo saaxiibtinimo ugub ah.

Socdaalka Daahir Riyaale ee Jabuuti waxa uu ahaa mid shaki badani ku gedfanaa, balse, lagama maarmaan loo garaabi karo u ahaa Daahir Riyaale, sababtoo ah, Jabuuti waxay ahayd dalka keliya ee Daahir Riyaale ka soo shaqeeyey ama uu tegey wakhtigii uu sarkaalka sare ka ahaa hay’addii Sirdoonka ee taliskii Siyaad Barre (NSS) oo uu mar Xoghaye ka noqday Safaaraddii Soomaaliya ku lahayd Jabuuti, wakhtigaas oo Ismaaciil Cumar Geellena uu madax ka ahaa Sirdoonka Madaxtooyada Jabuuti. Waxa kale oo qayb ka ahayd oodwadaagnimada labada beelood ee Daahir Riyaale iyo Ismaaciil Cumar Geelle ee dhulka Somaliland iyo weliba ta ugu muhiimsan, Daahir Riyaale oo ay reer Abti u yihiin beesha Ismaaciil Cumar Geelle ee ka talisa Jabuuti. Sidaa darteed, Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ahaa qofka ugu dhow ee uu kula eeran karo xilka hoggaamin qaran ee sida lama filaanka ah ugu soo dul dhacday, taas oo laftiisa ku ahayd lama filaan iyo in si sahlan dusha loogu saaray wax aan hadiyad la isu siin, waxa dunida ugu qaalisan ee Inan iyo Aabihii isku dilaan ama kala dhacaan … balse, aanu u diyaarsanayn, awooddeediina aanu lahayn. Waxaana la rumeysan yahay in mudane Riyaale uu sanadihii u horreeyey si kalsooni leh ugu tiirsanaa, kuna soconayey talooyinka iyo tilmaamaha walaalkii, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo isaguna si raganimo leh uga fushadey dano caalami ah oo dalkiisu leeyahay.

Heshiiskaa saaxiibtinimo ee mudane Riyaale iyo Madaxweyne Geelle oo markasta war-murtiyeed lagu soo saari jirey waxyaabaha labada dal ay wadaqabsanayaan ama ay iska kaashanayaan, dhinaca Somaliland waxa laga arkay oo ka fuley keliya xuduudka labada dal oo dib loo furay iyo xafiiskii Somaliland ku lahayd Jabuuti oo dib loo furay. Ugu dambayntiina heshiiskaas oo ay amaarad u ahayd in socdaal kasta oo uu mudane Riyaale Dibadda ugu baxo uu ku sii maro Jabuuti iyo wasiiradiisa oo isaga daba noqda, waxa uu u go’ay ama u joogsadey si aamusan, waxana uu u wareegey Addis Ababa, iyada oo xogo looga qaateen ahi tilmaameen in saaxiibtinimadii iyo heshiiskii Riyaale ee Jabuuti uu la guurey mashruuca “La dagaalanka Argagixisada” oo Daahir Riyaale u ansixiyey Jabuuti, isla markaana ahaa danta ugu weyn ee shuraakada lagu ahaa, kaas oo uu Ismaaciil Cumar Geelle ka gadaaliyey markii ay Muqdisho ka soo baxeen Maxaakiimta Islaamiga ah, isaga oo tixgelinaya danihiisa Carabta iyo xidhiidhkiisa xodxodashada ah ee Soomaalida Soomaaliya, halka Daahir Riyaale la dagaalgalay Itoobiya oo qaadday duullaanka ay ciidamadeedu weli ku joogaan Soomaaliya.

Si kastaba aha ahaatee, waxa uu isku dhaca labada dhinac so shaacbaxay dabayaaqadii 2006 markaas oo ay si cad isugu dhoofka xoolaha nool oo Qandaraas lagu siiyey ganacsade Sucuudi ah, isla markaana la doonayey in laga dhoofiyo dekedda Jabuuti, heshiiskaas oo uu Daahir Riyaale badhi furay, dowladda Jabuutina ay kaga jawaabtey wakiilkii Somaliland oo ay soo eridey.

Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo isagu si weyn u dhaliili jirey xidhiidhka Daahir Riyaale iyo Jabuuti, ayaa sannadihii u dambeeyey beddeley siyaasaddiisa ku wajahan Jabuuti, taas oo laga yaabo inay ku xidhiidhsan tahay mawqifyada iyo aragtiyaha laga taagnaa arrimaha mandaqadda, waxaana la dareemayey inay isku soo dhowaanayeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo dowladda Jabuuti.

Rogaalcelinta Riyaale:

Inkasta oo booqashada Riyaale ee Jabuuti ay ku soo beegantay, wakhti Itoobiya iyo Jabuuti ay ka wada shaqaynayaan wadahadalo la xidhiidha xaaladda Soomaaliya oo ay isugu keenayaan Maxaakiimtii Islaamiga ahayd ee Itoobiya dagaalka kula jirtey iyo dowladda ay taageerto ee Cabdillaahi Yuusuf, isla markaana Erateriya oo marti ay u yihiin Maxaakiimta iyo mucaaridka dowladda Cabdillaahi Yuusuf ay dagaal ku soo qaadday Jabuuti, taasina ay bixisay dareenno ah in booqashadaasi la xidhiidho gedgeddoonka xaaladda Geeska, haddana waxa jira warar iyo tibaaxo muujinaya in xidhiidhka sii wanaagsanaanaya ee Xisbiga mucaaridka ah iyo Jabuuti uu kellifey Daahir Riyaale inuu si degdeg ah isugu dhiibo Ismaaciil Cumar Geelle.

Xisbiga KULMIYE ayaa ahaa ciddii ugu horreysey ee Somaliland ka cambaaraysa weerarka Erateriya ee Jabuuti. Maalmo kadib ayaa sidoo kale Daahir Riyaale Madaxtooyada ka soo saaray warsaaxafadeed kooban uu ku caddaynayo mawqifkiisa inuu ka soo horjeedo dagaalka Erateriya ku soo qaadday Jabuuti, ugana tacsiyeynaya askarta kaga dhimatay Jabuuti dagaalkaas. Waxaana soo baxay warar aad ugu dhow Madaxtooyada oo sheegaya in ujeeddada keliya ee Daahir Riyaale sida kediska ah ugu tegey booqashada Jabuuti ay tahay inuu ka hordego wefti ka socda xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo la sheegay inuu isu diyaarinayey inuu tago Jabuuti, isla markaana socdaalka oo dhami uu ahaa loollan uu kula jiro xisbiga KULMIYE, balse aanay jirin ujeeddo xeel dheer oo ka dambeysey booqashada.

Arrintan waxa xoojinaya weerarka isdabajoogga ah ee beryahan dambe Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ku hayo Jabuuti iyo hoggaamiyaheeda, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna muujinaysaa in Faysal Cali Waraabe la isla jiidhay oo uu is-arkay isaga oo cidlo ka fadhiyo siyaasadda lagu loolamayo ee Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe oo si xagjirnimo ah ula difaaci jirey Daahir Riyaale siyaasaddiisa Jabuuti, markii uu la saaxiibka ahaa iyo markii xidhiidhku go’naaba, isla markaana lagu bartay inuu inta badan is barbar taago xisbiga talada haya ee UDUB ama uu loollan kula jiro xisbiga kale ee mucaaridka ah, waxa uu hadda ku baraarugey siyaasad ka aloosantay Jabuuti oo ay uga horreeyeen labadii xisbi ee Jiirka iyo Bisadda isku ahaa, iyada oo aanay jirin cid taageeradiisa u baahatay oo wax u sheegtay, taas oo muujinaysa in si aan istiraajiyad weyn lahayn uu ku galay Daahir Riyaale socdaalka Jabuuti.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in Editorial. Bookmark the permalink.

Comments are closed.