Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii maanta, Sabti, 28 June

Wasiirradayadu may fadhiisteen Xafiisyada aan arkay”

“S/land waxaan imid iyadoo la’igu soo dar-daaray Rasaasta iska jir”

 

Makwaia wa Kuhenga – Warbixin

 

Hargeisa (Ogaal/DailyNews)- “Dad badani kama war hayaan inay Afrika ka jiraan laba dal oo isku magac ah, isla markaana isku dad ah. Dalka caanka ahi (labada dal) waa Somalia, oo caasimaddiisu tahay Muqdisho, oo ah Qaran burburay. Dagaal baa halakeeyay Somalia. Laakiin, waxa jira Somaliland – hore maxmiyad ugu ahaa Ingiriiska, caasimaddiisuna tahay Hargeysa, oo ah meel aad u deggan oo nabadi ka jirto” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin uu Suxufi hadda booqasho ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa uu ku qoray Shabakadda Wararka ee Daily News oo laga leeyahay dalka Tanzania.

Qoraaga Warbixintan oo lagu magacaabo Makwaia wa Kuhenga, waxa uu kaga hadlayaa Warbixintan aragtidii uu markii hore ka qabay Somaliland, wixii uu kala kulmay iyo sidoo kale sida Dunidu uga seexatay kaalmada iyo aqoonsiga Somaliland. Warbixintaas oo uu qoraagu sii waday, ayaa waxay u dhignayd sidan;

“Waxaan halkan (Somaliland) imid toddobaad ka hor ka dib markii ay Dawladda Somaliland igu marti qaadday. Markii aan u soo amba-baxayay socdaalkaygan mid ka mid ah asxaabtayda ayaa iigu digay, ‘Chnga! Risasi huko!’ oo macnaheedu yahay ‘iska jir Rasaasta!’. Waxa uu ka wareeray go’aankayga Soomaaliya-da Muqdisho.

Run ahaantii markii aan ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Somaliland, waan daallanaa. Waxaan ku soo daalay cago-dhigashadii u dambaysay ee Diyaaradda Ethiopian Airways ku soo hakatay Addis-Ababa oo ay hore uga soo kacday Magaalada Dar es Salaam (Tanzania).

Markii aanu Hargeysa nimid, waxaan ka soo kacay kursigii Diyaaradda ee aan fadhiyay aniga oo ka welwel qaba in Diyaaraddu bartilmaameed u noqoto koox hubaysan oo aan ka cabsi qabay inay ku sugan yihiin meel aan ka fogayn Diyaaradda. Hase ahaatee, sidaa ma noqon.

Somaliland – Waqooyiga Somalia haddii aad rabto, waxay ku taalaa cidhifka Waqooyi ee Geeska Afrika, halka uu kaga xidhan yahay Gacanka Cadmeed. Waxa bari ka xiga Somalia (Muqdisho), Waqooyi iyo Koonfur-na Itoobiya, halka Waqooyi-bari ay ka xigto Jabuuti. Waa meel nabad badani ka jirto, dadku waxay qabsanayaan hawl-maalmeedkooda caadiga ah meel kasta, iyada oo ay cadceeddu hayso.

Markii aan ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, run ahaantii waxa Garoonka ku sugnaa laba Diyaaradood, oo mid ka mid ah aan markii dambe ogaaday inay keentay oo uu la socday Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka. Warkaasi waxa uu waxoogaa sii xoojiyay welwelkii I hayay. In Masuuliyiinta magaca leh ee Caalamku ay danaynayaan goobtan (Somaliland) waxay I siiyay kalsooni iyo farxad labadaba. Waxa wax laga murugoodo ah oo ay runtu tahay in Somaliland aanay wali aqoonsi ka helin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika-ba – AU.

Qof magacayga iigu yeedhaya, ayaa igaga yimid dhinaca midig ee Diyaaradda. Markiiba waxaanu is-gacan-qaadnay laba Sarkaal oo iiga hor yimid inay I qaabilaan – Agaasimaha TV-ga Qaranka Somaliland iyo Wakiilka dhawaan Somaliland u magacowday Tanzania Mr. Cige Ibraahim. Waxa lay hoggaamiyay dhinaca Qolka martida (VIP Room) ee Madaarka. Waxa farxad wayn iyo raynrayn naftayda in Suxufiyiintu ay u qalmaan in loola macaamilo sida martida sare oo kale. Haa, miyaynaan u qalmin?.

Inaanu u kicitinno dhinaca Magaalada ayaanu bilownay markii lay shaambadeeyay Baasabaarkaygii. Waxay ahayd khibrad aad u xiiso badan. Waa magaalo waxooga ku taala god hoose. Hargeysa waxa ku wareegsan Buuro u eeg wax aan hore loo arag marka aad eegto siday isugu xidhan yihiin.

Muuqaalkii u horeeyay ee aan Magaalada arko, waxay iila muuqatay aniga Zanzibar ama Magaalada Unguja (Tanzania) oo ay ku wareegsan yihiin laba Buurood. Taraafiiga Baabuurta kala hagayay way tiro yaraayeen, hase ahaatee way mashquulsanaayeen. Dadku waxay wadeen Ganacsigooda caadiga ah ee ay nabadda ku haystaan.

Kumaan arag Laydhadhka Baabuurta kala haga (Traffic Lights), laakiin waxaan arkay Rag ku lebbisan Dirays, isla markaana sita Siidhi. Kuwaas oo aan u arkay inay yihiin Taraafig. Halkan (Somaliland) dadku Baabuurtay wataan waxa laga kaxeeyaa dhinaca Midig, taas oo ka mamnuuc ah dad badan oo ka yimaadda waddamo kala duwan oo uu ka mid yahay dalka aan u dhashay, kuwaas oo bidixda laga kaxeeyo Baabuurta.

Markii aanu in badan soconay, ayaa mid ka mid ah ciddii ila socotay I tusay Diyaarad Miig ah oo meel sare la saaray. “Tani waa hadhaagii Diyaaradihii Dagaalka ee Ciidamadii Siyaad Barre, ee uu ku doonayay inuu ku dejiyo dadka Hargeysa, si uu jid ugu helo maamulkiisii Muqdisho.’ Ayuu igu yidhi ninkaasi.

Siyaad Barre wuxuu ahaa Hoggaamiyihii Milatari ee Somalia iyo sidoo kale Hoggaamiyihii Soomaaliya ee u dambeeyay ee si wacan loo yaqaanay, ka hor intii aanay dumin Dawladdii dhexe ee Somalia, midowgii muddada yar jiray ee dhex maray Somalia-yadii uu gumaystihii Talyaanigu iyo Somaliland markii Xornimada la qaatay 1960-kii. Sidoo kale waxaan arkay Guryo ay wali ku taallo dhaawacii Hubku oo wali ku yaala Hargeysa – waxay dadka booqashada ku yimaadda iyo dadka kaleba xusuusinaysaa in aanay sidan u wada dhisnayn intii u dhaxaysay 20-ka sanno.

Marka qofku eego Daaqadda Diyaaradda marka ay dul marayso Madaarka Hargeysa, waxay calaamad u tahay oo aad arkaysaa in qofku booqanayo Qaran faqiir ah oo gaar uga taagan Caalamka, isla markaana aan la aqoonsan. Laakiin, go’aansaday inuu isagu is-aqoonsado, sida uu ii sheegay Wasiirka Qorshayntu Mr. Cali Ibraahim. Run ahaantii, dhaqaale-la’aantu waa mid qofku dareemi karo, sidii aan aniguba arkay markii aan booqday laba Wasaaradood iyo Xarunta TV-ga Qaranka.

Dadku waxay ka shaqaynayaan ilahooda dhaqaale. Waxaan isweydiiyay oo aan cabbiray waxa uu dareemi lahaa Wasiir ka tirsan Xukuumadda Tanzania haddii uu fadhiisto Xafiis madhan. ‘Waxaan aad u hubaa inay Wasiirradayadu diidi lahaayeen inay fadhiistaan Xafiisyada ilaa aad loo qalabeeyo’. Ayaan si hubsiimo leh isugu jawaabay, inta aan isla qoslay. Laakiin, dalkan oo dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay ilo aan ku filnayn, ayaa dhaqaalaha ka hela Xoolaha nool oo ay welwel ka qabaan 3-da Milyan ee qof ee reer Somaliland. Kuwaas oo asal ahaan Xoolo-raacato ah.

Ma jiraan Deeq-bixiyayaal wax siiya Somaliland, marka laga reebo Hay’ado gargaar oo tiro yar oo ka hawlgala arrimaha beni’aadamnimo. Ma jirto Safaarad shisheeye oo ka furan Somaliland, maxaa yeelay wali dalka may aqoonsanin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Laakiin, waxa xaalad adag oo laga murugoodo ah in caqliyadu ay ka dadan yihiin Somaliland, sababtoo ah dhiirrigelinta madax-bannaanidu waxa la ogyahay inay ka timi kelmadda ‘soco’.”

 

Maxay ka wada hadleen Cadde iyo Isimada Puntland?

Garoowe: Ciidamo gadooday iyo khilaaf hadheeyay Madaxtooyada Puntland

Garoowe (Ogaal) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya Cadde Muuse Xirsi ayaa kullan wakhti dheer qaatay xafiiskiisa Garowe kulla yeeshay Isimada Gobolka Sool ee ka soo hor jeeda Somaliland.

Isimadan oo muddo dheer ku sugnaa Tuulada Tuka-raq ka dib markii ay maamulka Puntland isku maandhaafeen aragtidooda ku wajahan magaalada Laascaanood ayaa la sheegay in kulankooda ugu danbeeyay ee ay ku yeesheen Khamiistii doraad Magaalada Garoowe uu ka danbeeyay  markii ciidamo tan iyo intii ka danbaysay dagaal dhex-maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul-goboleedka Puntland ku sugnaa tuulada Tuka-raq ee Somaliland ay ka baxeen halkaas. isamarkaana isku shubeen magaalada Garoowe ka dib markii muddo lix bilood ah ay bilaa mushahar ahaayeen.

Gadoodka ciidanka oo sida ay baahisay Idaacadda Garowe dhaliyay xiisad ayaa loo arkaa inuu furre u ahaa wadda hadaladan cusub, hase ahaatee warku ma sheegin faah-faahin intaas dhaafsiisan oo ka soo baxay Kulankaasi.

Warku waxaa uu intaa ku daray in Cadde Muuse laba habeen ka hor markii uu soo gaadhay Garoowe saqdhexe uu booqday xero lagu magacaabo 54-aad oo ku taala Garowe, taasoo ciidanka ka isaga baxay Tuka-raq ay isku urursadeen. Islamarkaana uu hor-joogayaasha ciidankaasi ka dalbaday inay kusoo noqdaan Jiida hore. Balse, sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan ciidanku ay diideen, ayna ka dalbadeen in marka hore la siiyo 6 bilood oo mushahar ah.

Dhinaca kale, Cadde Muuse waxaa uu sidoo kale, xaruntiisa Garoowe kulamo kula qaatay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland, kuwaas oo arrimaha uu kala hadlayay ay ugu muhiimsanayd xil ka qaadis ay damacsan yihiin mudanayaashu in ay ku sameeyaan Guddoomiyaha aqalka Wakiillada.

Guddoomiyaha baarlamanka Puntland ayaa warku sheegay inuu gabi ahaanba ka baaqsadey kulamdii Barlamanka Puntland tan iyo intii uu codkiisa ku biiriyey sharci shidaalka la xidhiidha oo Cadde Muuse dabada ka riixeyo, talaabadaas oo mudanayaashu ku tilmaameen sharci daro iyo in uu hareer marey Gudoomiyuhu xeer hoosaadka u yaala golahooda.

Kulanka dhexmaray Cadde Muse iyo Xildhibanada oo saxaafaddu banaanka ka joogtay ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhamaaday buuq iyo is mari-waa, ka dib markii Cade Muuse ka dalbaday xubnahaasi in la dejiyo arrimaha la isku maandhaafay. Isalamarkaana uu qaar ka mid ah xildhibaanada u jeediyay hanjabaad xoog-leh.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa mar-marba ka danbaysa awoodiisu hoos u sii dhacaysay, waxaana xaalku ku dhaw-yahay in lagu kala dhaqaaqo.

 

Jabuuti: Dabaal-degga 31-guurada Xorriyadda iyo M/weyne Geelle oo ka hadlay xaaladda Somalia

 

Jabuuti (Ogaal/W.Wararka)- Dalka Jabuuti ayaa looga dabbaaldegay Xuska sanad-guuradii 31aad ee ka soo wareegtay maalintii Jabuuti ay Xornimada ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska, oo ku beegnayd 27 June 1977.

Shacabka ku dhaqan Magaalo-madaxda dalkaas ee Jabuuti, ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaaladaas. Halkaas oo uu Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle uu khudbad u jeediyay dadyowga reer Jabuuti.

Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxyaabaha uu kaga hadlay waxa ka mid ahaa, arrimnaha Soomaaliya. Waxaanu ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen Nabad iyo Dib u dhis. Sidoo kale waxa uu Shacabka Somalia ugu baaqay in ay taageeraan heshiiskii ay dhawaan Magaalada Djibouti ku gaadheen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta. Waxa kale oo uu Madaxweyne Geelle sheegay in aan dhinacyada Soomaaliya dan ugu jirin in mar kasta loo qabto Shir Dib u heshiisiineed.

 

 

Midowga Afrika oo uga hor maray Qaramada Midoobay go’aan ay qaateen

 

Sharmel-sheikh (Ogaal/Reuters)- Midowga Afrika ayaa guddi xaqiiqo-raadin ah u diray baadhitaanka dagaalladii dhex maray Jabuuti iyo Ereteriya bishan horraanteedii.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Midowga Afrika Mr. Jean Ping, ayaa sheegay in Guddidan ay u direen baadhintaanka Dagaallada Jabuuti iyo Ereteria iyo muranka xuduudeed ee u dhaxeeya labada dal, ay isu mari doonaan labada dal. Guddoomiyaha Guddida Midowga Afrika Mr. Jean Ping, ayaa waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibedda Midowga Afrika magaalada Sharmel-Sheekh ee dalka Masar. “Waxaan Jabuuti u diray Guddi Xaqiiqo-raadin ah, kuwaas oo ay u qorshaysan tahay inay sidoo kale tagaan Ereteriya” ayuu yidhi Mr. Jean. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan rejaynayaa in labada dhinac ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo xal loogu helayo arrintan”

Tallaabadan uu qaaday Midowga Afrika, waxa uu uga hor maray Qaramada Midoobay oo Golaha Ammaanka ee UN-tu soo jeediyay toddobaadkii ina dhaafay in Guddi xaqiiqo-raadin ah loo diro arrinta Xuduudka labadan dal. Kaas oo la filayo in ay diri doonaan.

Dalalka Jabuuti iyo Ereteriya ayaa bishan horraanteedii dagaal ku dhex maray Xadka labada dal, dagaalkaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac, ka dib markii siday Dawladda Jabuuti sheegtay Ciidamada Ereteriya ka gudbeen Xadka u dhaxeeya labada dal. Toddobaadkii hore ayay Dawladda Jabuuti sheegtay in xaaladda Xadka labada dal ay degan tahay,laakiin Maraakiibta Dagaalka Faransiiska ayaa ku soo dhawaaday Badda Ereteriya. Dawladda Faransiiska ayaa heshiis dhinaca difaaca ah la saxeexatay Dawladda Jabuuti ka dib markii ay Jabuuti ka qaaday Xornimada sanadkii 1977-kii.

 

Jaamacada Burco oo xarun cusub lagu kordhiyay

“Waxaan soo arkay dhalinyaradeenii oo lagu dhex qarinayo Yurub iyo Maraykanka” Maxamed Kaahin

 

 Burco( Ogaal) – Munaasibad xadhiga lagaga jarayo xarun cusub oo   ay leedahay Jaamacada Burco ayaa lagu qabtay Badhtamaha Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer oo laga hirgayay xaruntaasi.

Xaruntan Cusub oo loogu yeedhay Rugta Aqoonta Joogtada ah, oo lagu baranayo Waxbarashooyinka Fudud iyo kuwa waqtiga gaaban waxaa habeenkii xalay isugu yimid boqolaal ka mida duqayda iyo waxgaradka Gobolka Togdheer.

Munaasibadan waxaa ugu horeyn furey Proff Cabdi-salaan Yaasiin “waxaa halkan Jaamacada uga furnay in aanu bulshada soo gaadhsiino aqoonta isla markaana aanu Tacliinta idin dhex-keeno, waxaanu mahad naq balaadhan u jeedinayaa dadkii dhisay Jaamacada ee halkan na soo gaadhsiiyey, waxaan idiin sheegayaa hadaan gacmaha is qabsano inaynu Magaaladeena iyo guud ahaan wadanka Horumar gaadhsiin doono” sidaas ayuu Macalin Cabdisalaan, waxaana uu intaa ku daray oo uu sheegay in  Jaamacada Burco oo la aasaasay 2004, isla markaana ay xilligan ku jiraan 800 Sideed Boqol oo Arday, waajib ka saaranyahay in ay keenaan Macalimiin Aqoontoodu Sarayso oo Khibrad dheeraada leh. “Berigii hore ee Dawladihii Mustacmada ee Ingiriisku dalkeena joogay wuxuu inoo keeni jirey Macalimiin Hindiya, Macalimiintii Hindida waxaa diiday Cuqaashii dalka, waxaana bedelay markii danbe Macalimiin Kiinyaati ah, waxaa kale oo aanu u sheegaynaa Qurba Jooga dadkooda geeyey Yurub iyo America in ay dadkooda ku soo celiyaan dalka isla markaana ay ka helayaan aqoon hufan oo ay kaga maarmayaan waxbarashadii dibada.” Ayuu raaciyay

Waxaa kale oo munaasibadan ka hadlay Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan wuxuuna hadalkiisa ku sheegay in waalidka looga baahan-yahay inay la socdaan caruurtooda iyo marba heerka waxbarashadooda. “Waxaa kale oo aan halkan idinka sheegayaa Dugsigii Farsamada Gacanta waxaanu rabnaa in lagu wareejiyo Dayr, arintaasi oo sababtay dhulkiisii oo baylaha markii Dawladii Siyaad Bareba Iskuulkani wuxuu ahaa Dugsiga Farsamada gacanta ee ugu horeeya, Markaa horumarka aynu rabno ee dalkeenu u baahan yahay marka aad hayadaha u sheegto waxay ku odhanayaan aanu wax kula qabanee maxaad qabsatay. Markaa waa inaynu marka hore wax ka qabano.” Ayuu yidhi Maayarku.

Sidoo kale munsaabadan waxaa ka hadlay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi. “Qarniga 13 sadex iyo tobnaad iyo qarniyadii ka horeeyey qof aan cilmi lahaan jirin ayaa dunida ku noolaan jirey, laakiin maanta qarnigan aynu ku jirno qof aan cilmi lahayni kuma noolaan karo dunidan, Bulshadeena maanta waxaa horumar lagu gaadhsiin karaa iyadoo lays hortaago Tahriibta taasi oo curyaamisay xoogaga dhalaankeena.  Anigu waxaan soo arkay dhalinyaradeenii oo lagu dhex qarinayo Yurub iyo Maraykanka.

Waxaa kale oo aan kula talinayaa Jaamacada Burco, Dawlada Hoose Burco iyo weliba Dawlada Dhexe in aynu go,aan ka gaadhno Tahriibta isla markaan aynu dhamaanteen kawada hor tango.” Ayuu yidhi

Sarkaal Sare oo ka tirsan Hayada UNDP Maxamed Xasan ayaa isaguna ka hadlay munaasibadan waxaana uu sheegay in ay hayad ahaan Burco ka furanayaan xafiis gaar ah, Islamarkaana maal-gelinayaan mashaariic uu ugu horeeyo xidhitaanka biyaha Toga Burco.

 

“Hargeysa waan imanayaa sanadka, Somaliyana markay Xabashidu ka baxdo”

Xasan Aadan Samatar.

 

 

Hargeysa (Ogaal)- Fanaanka Caanka ah ee Xasan Aadan Samatar, oo shalay Marti ku ahaa falanqaynta Jimcaha ee Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inuu sannadka soo socda ku tala-jiro in uu Bandhig-faneed u soo qaado Magaalada Hargeysa.

Barnaamijkan, oo ahaa mid aad u xiiso badan, isla markaana si toos ah Xasan Aadan Samatar loogu waydiinayay khadka Teleefanka. Waxa uu sheegay in Heestii ugu horeysay ee uu qaadaa ay ahayd Heesta Sida hogosha Roobka, 1971-kii, taas oo uu kaga qayb-galay tartan suugaaneedkii la odhan jiray Heesaha hirgalay. Xasan aadan Samatar waxa uu sheegay in uu Masrixiyan hiigsan jiray, isla markaana uu ku dayan jiray Fanaanka weyn ee Maxamed Axmed Kuluc.

Xasan Aadan waxa uu ka dhawaajiyay in uu Dumarka Fanaaniinta ah ugu jeclaa in uu la heeso Fanaanada Sahra Axmed Jaamac. “UUM!! Anigu shakhsiyan waxaan aad u jeclaa in aan la heeso Fanaanada Sahra Axmed Jaamac.” Ayuu yidhi Xasan aadan isaga oo ka jawaabayay su’aashaas.

Xasan Aadan Samatar, oo si dadban Dhagayste Jabuuti uga waydiiyay waxa iska bedalay codkiisa, oo aan wakhtigan loola dhacsanayn sidii waaya-waayo, ayaa ku adkaystay in  codkiisa wax ku biiray mooyaane aanay waxba ka dhicin. Isaga oo si uu taa u muujiyo ku luuqeeyay heesta tusaalaha uu dhagaystuhu ugu soo qaatay, oo ahayd Markaan dada jiray shan. Taas oo cadaysay da’a kasta ha jiree Xasan Aadan in uu weli heesi karayo.

Fanaanka Xasan Aadan, oo dhagayste ku sugan Magaaladda Garawe su’aal ka waydiiyay waxa uu u iman waayay Puntland, waxa uu ku jawaabay, “Gobolaysi maaha, Puntland waxaan u arkaa Gobol ka mid ah Gobolada Soomaalida, sidaan dalka uga soo tagay 1989-kii dalka dib uguma soo noqon. Marbaan imi Jamhuuriyada Jabuuti. Soomaaliyana waxaan imanayaa markay Xabashidu ka baxdo.” Ayuu yidhi Xasan Aadan Samatar.

Sidoo kale, mar Xasan Aadan uu dhagayste reer Hargeysa ahi waydiiyay, sababta uu u iman waayay Magaalada Hargeysa, oo ahayd Magaaladdii Fanaannimaduusu ku soo shaac-baxday, isla markaana ay ka soo jeedaan Abwaanada Sameeyay Heesaha ugu badan ee uu qaado, Sida Xasan-ganay oo kale, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi Xasan, “Waa runtaa. Hargeysi waa Magaalo wanaagsan, waa Magaalo aan aad u jecelahay, mar aan Jabuuti imi ayay ii qorshaysneyd inaan Hargeysa imaado, may suuragelin barnaamijyo ded-deg ah ayaan dhinaca Kanada dib ugu noqday. Waanan imanayaa Hargeysa sanadka soo socda, oo barnaamij qaadhaan ururin ah, oo aanu ugu magac-daray Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Qarshe, oo aanu qaadhaan ugu ururinayno dadka qaba Xanuunka dhimirka, ee maskaxda ku dhaca ayaanu keenaynaa. Waxaanan u soo sheegay in aan imanayo Hargeysa saaxiibkay Xasan-ganay. Markaa Hargeysa waan imanayaa, Hargeysina waa Hargeysa.”

Source; Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.