Degmada Balligubadle oo Martigelisey madaxweynekuxigeenka iyo Dadkii ugu tirada badnaa ee ka qaybgelaya Xafladda Gobolka Hawd

Balli-gubadle (Somaliland.org) – Masuuliyiin ka kala socda xukuumadda, hay’adaha dowladda iyo Golayaasha Qaranka, siyaasiyiin ka kala socda xisbiyada siyaasadda, aqoonyahanno, madax-dhaqameedyo iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ilaa maanta iyo caawa ku sii qulqulaya magaalada Balligubadle, halkaas oo burrito lagu qaban doono Xaflad ballaadhan oo loogu wanqalayo Gobolka cusub ee Hawd oo xaruntiisu tahay Balli-gubadle.

Madaxweynekuxigeenka, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo horkacaya koox isugu jirta wasiirro, xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa galabta gaadhay degmada Balligubadle, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu berrito ka qaybgelayaa xafladda loogu wanqalayo gobolka cusub. Waxa kale oo gaadhey magaaladaas oo ka qaybgelaya xafladda siyaasiyiin door ah oo ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah.

Waxa kale oo la filayaa inay ka soo qaybgalaan xafladdaas oo ay ilaa caawa soo gaadhaan Balligubadle masuuliyiin ka socda dowladda Dhexe ee Itoobiya iyo Ismaamulka Killilka 5aad ee Soomaalida Itoobiya.

Xafladda loogu wanqalayo Gobolka cusub ee Hawd oo qabanqaabadeedu muddoba socotey, si weyn-na loo soo qabanqaabiyey, waxa ka qaybgelaya dadkii ugu tirada badnaa, uguna miisaanka weynaa, kuwaas oo ilaa habeen dambe marti u ahaan doona reer Balligubadle oo iyaguna si baaxad leh ugu diyaar-garoobey qaabilaadda masuuliyiinta iyo dadweynaha ilaa maanta ku qulqulayey.

Gobolka cusub ee Hawd, waxa uu ka mid yahay 7 gobol oo cusub oo Daahir Riyaale magacaabay ka hor intii aan muddada xilkiisu dhammaan 15kii May, 2008, waxana uu ahaa gobolkii u dambeeyey 7 gobol iyo degmooyin badan oo uu magacaabay bilihii March iyo May ee sannadkan.

Degmada Balligubadle oo xarun ah gobolkaa cusub ayaa iyadu ah magaalo taariikhi ah, waxayna xarun u ahayd halgankii SNM, intii ka dambeysey gudagalkii SNM ee 1988.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.