Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis, 26 June

Caafimaadka qoys ku afduuban Laasqoray oo laga dayriyay iyo dilaaliin la xidhiidhay budhcada

 

Laasqoray (Ogaal) –  Wiil yar oo ka mid ah qoys afar ruux ka kooban oo u dhashay dalka Jarmalka oo afduub loogu haysto Buuraha magaalada Laas-qoray ayaa laga dayriyay xaaladiisa caafimaad, sida uu wakaaladda wararka AP u sheegay mid ka mid ah odayaasha ku howlan soo deynta dadkan. “Wiilka yari aad ayuu u xanunsanaya, xumad ba’an ayana haysa taasoo loo maleynayo iney tahay Kaneeco” ayuu yidhi Caaqil Abshir Qaadi.

Dhakhtar la geeyay goobta lagu haysto qoyskan dalxiisayaasha ah ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in deg-deg loo geeyo goob caafimaad wiil-kan yar.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno deegaanka Laas-qoray, kooxaha ku mamay madaxfurashada ayaa ku guulaystay in iyadoo la ogyahay goobta ay ku haystaan qoyska dalxiisayaasha ah inaan loo gelin. Waxaana la sheegay in wadda hadalada socday maal-mahan ugu danbeeyay ee lala sameeyay maleeshiyadani ay ahayd dalabkooda iyo waxa ay u haystaan qoyskan. “Ciidamada Somaliland ee ku baxay goob aan u dhawayn ayay ku sugan-yihiin sida wararku sheegayaan. Dadka la xidhiidhayay-na waxay u egyihiin dilaaliin labada dhinacba sida la sheegay.” Sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah dadka mowduucan u dhuun daloola oo isaga oo jooga Ceerigaabo khadka telefoonka noogu waramay. Xukuumada Somaliland ayaa hore u shaacisay in ciidamadeedu ay si adag uga hawlgeli doonaan arrintan si aanay ugu fidin Somaliland, taasoo loo arrko inay weli socoto.

Dhinaca kale, Wasiirul Dowlaha amniga Jaamac Xersi Faarax maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa cadeeyay in afduubayaashu u dhasheen maamulkooda,  “Meesha laga fuliyay waa Puntland dadka fuliyayna waa isla iyaga” ayuu yidhi Jaamac Xirsi, waxaana uu intaa ku daray oo uu muujiyay in dadkan loo haysto madaxfurasho. “Kuwa haysta dalxiisayaashu waxay u sheegeen odayaasha in ay doonayaan Madax furasho” ayuu yidhi

 Masuuliyiinta maamul goboledka Puntland ayaa lagu xidhiidhiyay marar kala duwan afduubka ajanibiga oo kharash xad-dhaaf ah laga qaado, hase ahaatee Wasiirkani in iyagu ay soo saareen inaan madaxfurasho la siin maleeshiyaadka, balse waxaa uu ku dooday in mulkiilayaasha  Maraakiibtu ay mar walba jecel yihiin in qarash dhan labo milyan ilaa sadax milyan oo Dolar ay ku badbaadiyaan shaqaalaha iyo gadiidkooda taasoo uu sheegay in ay dhiiri gelin u tahay budhcadda oo sii xoojineysa afduubka.

 

 

“Ma jiro is beddel lagu sameeyay guddiga adhiilayaasha” Aadan Baradho

 

Hargeysa (Ogaal)- Ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho), ayaa beeniyay inuu jiro is-bedel ay xubno ka tirsan Guddida Xoolo-dhoofintu shalay sheegeen in lagu sameeyeen Guddida Xoolo-dhoofinta. Waxaanu sheegay in aanu jirin Shirweyne ay isugu yimaaddeen Xubnaha Guddigu oo lagu doortay.

Aadan Axmed Diiriye oo aanu Xalay wax ka waydiinay is-bedelka la sheegay in lagu sameeyay Guddiga Xoolo-dhoofinta, ayaa mar uu arrintan ka hadlayay waxa uu yidhi, “Sida dhaqanka adhiiluhu yahay, guddi waxa lagu dooran karaa, guddina lagu ridi karaa Shirweyne Adhiile u dhan yahay, kaasina ma dhicin. Cid gaar ah oo awood u leh inay wax bedeshaana ma jirto, ee taasi Shirweyne ayay ku iman kartaa” ayuu yidhi Aadan Axmed Diiriye (Baradho).

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Sidaa darteed, maadaama aanu Shirweyne dhicin, ma jirto wax isbedel ah oo dhacay iyo cid si gaar ah wax isaga bedeli kartaa”

Hadalkan Aadan-Baradho, ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii shalay ay Xubno ka tirsan Guddida Xoolo-dhoofintu Shir Jaraa’id oo ay ku qabeen Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, ku sheegay inay isbedel ku sameeyeen Hoggaanka Guddiga, isla markaana ay doorteen Hoggaan cusub .

 

 

“Waxaanu beddelay gudoomiyihii guddiga xoolo dhoofinta” “Maxaa iga qabsaday Lo’dii aan geeyay Berbera?”mid ka mid ah ganacsatada xoolaha Somaliland

 

Hargeysa (Ogaal)- Qaar ka mid ah Guddida Ganacsatada Xoolaha ee dalka, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Somaliland inay sabab u tahay in Xoolaha dalka laga dhoofiyo Dekedda Jabuuti, oo ay sheegeen in loo lugaysiiyo Xoolaha. Isla markaana waxay ku tilmaameen heshiiska dhinaca Xoolaha ee ay Xukuumaddu la gashay Ganacsadaha Sacuudiga ah ee Al-Jaabiri mid lagu khasaaray, loona baahan yahay in dib looga noqdo. Waxaanay u soo jeediyeen Madaxweynaha in uu xayiraadda ka qaado Xoolaha.

Guddida Ganacsatada Xoolaha dalka, oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, ayaa qaar ka mid ah Xubnihii halkaa ka hadlay waxay ku eedeeyeen Wasiirka Xannaanada Xoolaha in uu sabab u yahay xayiraadda Xoolaha saaran. Waxaanay wax lala yaabo ku tilmaameen in xoolaha loo xidho Shaqsi gaar ah. “Dawlad tidhaahda hebel baa Xoolaha leh oo ay u xidhan yihiin maan arag waligay. Siyaad Barre Ganacsigii wax walba wuu la wareegay, Xoolaha mooyaane. Aadan Baradho iyo Al-Jaabiri toona ma keenine, dhibta waxa keenay Idiris (Wasiirka Xannaanada Xoolaha)..Waxaan leeyahay, Wasiir ma Jabuuti baad Wasiir u tahay, mise Somaliland?” Sidaa waxa yidhi Yuusuf X. Cabdi Xandulle oo ka mid ah Xubnihii Ganacsatada ee halkaa ka hadashay. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Haddii la yidhaahdo la Xaji maayo oo Xajka la tegi maayo, waa wax aan suurtogeli karin. Hadda Somaliland baa sidaa ka dhigan suurtagalna maaha adhiga la dhoofin maayo”

Guddidan Ganacsatada Xoolaha oo isla shalay shaaciyay inay doorteen Hoggaan cusub, ayaa waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Guddida Ganacsatada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan. “Xoolaha waxaan galay 1972-kii, waxaan ka bilaabay Shaqaale, dillaal baan noqday, markii dambena Faashle ayaan soo maray. Waxaan Burco kala kulmay wax aanan hore ula kulmin waligay. Afartan nin ayaa Xoolaha diri jiray, oo nin walba ay ka macaashi jireen 100 qof in ku dhaw. Waxaan arkay in Xero qudha laga diro, oo inta joogta ayuun baa ka ceeshta” ayuu yidhi Guddoomiyaha cusubi. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan u soo joogay Neefka oo 2 Gadbadood oo Raashin ah jaraya oo ay waliba wax ka soo hadhaan. Hase ahaatee, imika Neefka 5-Jirka ahi hadda Gadbad ma jarayo. Taana waxa keenay Al-Jaabiri iyo ciddii ka aqbashay in loo xidho Xoolaha. Ma nihin dad Dawladda ka hor imanaya oo dhib doonaya, ee Xayiraadda ha laga qaado Xoolaha oo makhluuqa ha loo fasaxo”

Guddoomiyuhu wuxuu u soo jeediyay Madaxweynaha in uu amro in Xoolaha la fasaxo, maadaama ayuu yidhi “Dadkani ay yihiin dadkaagii iyo dadkii aad berri Codka ka doonaysay M/weyne, ee ciddii Jaabiri wax u raraysaa ha u rartee, Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa inaad tidhaahdo ciddii Jaabiri wax u raraysaa ha u rarto, cidda kalena ha rarto. Madaxweyne dadka Xoolahoodu waa u diyaar ee amarkaaga ayay sugayaan” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiye-xigeenka cusub ee loo doortay Guddidan Ganacsatada Xoolaha Xuseen Maxamed Cawaale (Gacma-dheere), ayaa ku tilmaamay heshiiska ay Xukuumaddu la gashay AL-Jaabiri mid lagu khasaaray, loona baahan yahay in dib looga noqdo oo la xisaabtamo. “Horta ujeeddadu waa inaanu taageerno go’aamada ka soo baxay Ganacsatada Xoolaha Burco. Waa ayaan-darro Somaliland ku dhacday in qof kaliya Xoolaha loo xidho. Heshiiskan (Heshiiska Al-Jaabiri) aynu dib uga xisaabtanno oo waynu ku khasaarnaye aynu ku noqono, ileen waa inaad ku xisaabtantaa waxa khasaaraha keenaye. Burco waxay go’aansatay inay Xoolaheeda Berbera keento, inagana sidaas oo kale ayaa laynaga rabaa” ayuu yidhi Guddoomiye-xigeenku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Madaxweynaha waxaan leeyahay waddankaas oo dhan ayaa lagu waydiinayaa oo waxani wax aakhiro loo badheedho maahee, ee Cuna-qabataynta iyo Xayiraadda ka qaad Xoolaha”

Gabalaax Muxumed Odowaa oo ka mid ah Guddidan, isla markaana ka tirsan Ganacsatada Xoolaha ee Degmada Wajaale, ayaa eedayn u jeediyay Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas. “Bishan 8-deedii ayaan Magaalada Allay-baday keenay Lo’ tiradeedu dhan tahay 890 Neef. Waxaanu soo marinay Dhaqtarkii fadhiyay halkaas, Wasaaradda ayuu la soo socodsiiyay waana la soo daayay. Markii aan Berbera Xoolihii keenay, ee aan soo iibsaday Shiriijyadii iyo Dawadii Xoolaha, ayay Wasiirka iyo Agaasimaha guud igu yidhaahdeen Dawada Al-Jaabiri baa leh, mana jirto wax aanu cashuuraynaa Xoolo aanu Al-Jaabiri lahayn. Waxa markhaati ka ah arrintan Shaqaalihii soo iibiyay Shiriijyada iyo Dawooyinka” ayuu yidhi Gabalaax. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wuxuu Wasiirku doonayay in aanu Jabuuti gayno oo aan khasaaro. Madaxweyne adiga ayuu ku metelaa Wasiirku oo uu Xukuumaddaada ka tirsan yahay ee arrintaa wax hala qabto”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Xoghayaha Guddida Ganacsatada Xoolaha Mr. Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay sababihii keenay in ay guddigu Hoggaanka cusub doortaan. “Ka dib markii uu Guddoomiyihii hore Cali Ibraahim Ciise (Waraabe) uu ka leexday anjadihii Guddida,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Cabdilaahi Carab oo xubin ka ah Guddidan. Waxaanu sheegay inay M/weynaha ka sugayaan inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo jawaabo. “Berigii hore ayaanu 45 cisho hor taagnayn ee fili maayo hadda” ayuu yidhi.

Xubnihii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Xiis Cabdilaahi Ismaaciil, oo sheegy in Geel uu damcay inuu ka dhoofiyo Berbera uu is-hortaagay Wasiirka Xooluhu, isla markaana uu u lugaysiiyay Jabuuti. Halkaas oo uu sheegay inay Xoolihii badh kaga bakhtiyeen Jidka, intii kalena uu ku khasaaray.

 

Nelson Mandela: “Robert Mugabe waa masiibo ku guuldaraystay hogaaminta”

London (Sapa/Ogaal)- Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela, ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, nin hogaamintiisu ay tahay masiibo guuldaraysatay, isla markaana wuxuu ku eedeeyay inuu horseedayo burbur iyo qalalaase dalkaa ku baaha.

Madaxweyne Robert Mugabe, oo weli ku adkaysanaya inaan waba laga bedelin xilligii codaynta doorashada madaxtinimo oo Jimcaha berri ku beegan, ka dib markii uu hogaamiyaha mucaaradka dalkaasi dib uga baxay, ayaa hore u cadeeyay inuu samaynayo talaabo kasta oo uu awooda dalka Zimbabwe ku sii haysanayo. Isla markaana wararka ka imanaya dalkaas ee warbaahintu faafisay ayaa lagu sheegay in Mr Mugabe uu dalka oo dhan ku fidiyay maleeshiyaad iyo dhalinyaro hubaysan oo loo qorsheeyay inay ugaadhsadaan, oo ay gawracaan taageeraaasha, kooxaha isbedel-doonka iyo xubnaha ka tirsan Xisbiga Mucaaradka Dhaqdhaqaaqa Dimuquraadiga Is-bedel-doonka ah ee (MDC). Ka sokow, cambaaraynta ay u soo jeedinayaan maamulka Madaxweyne Mugabe inta badan hogaamiyeyaasha Yurubiyaanka ah iyo weliba golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, hadana qaar ka mid ah masuuliyiinta reer Yurub oo aaminsan in xilligan xaaladda dalka Zimbabwe aanay taagnayn eedayn loo soo jeediyo, balse ay ku haboon tahay talaabo millatari oo laga qaado. Sidaa daraadeed, Wasaaradda Difaaca Ingiriiska oo hore dalkaas u gumaysan jiray, colaadina muddooyinkii dambe ay ka dhaxaysay, ka dib markii maamulka Zimbabwe uu ka qaaday hantiyihii dhuleed iyo ganacsi dadkii cadaanka dalkaas degenaa, ayaa la sheegayaa inay tixgelinayaan oo ay ka fiirsanayaan farogelin millatari oo suuragal noqon karta.

Ra’iisal Wasaaraha Kenya Raila Odinga, ayaa ugu yeedhay dalka Zimbabwe mid yax-yax ku ah Qaaradda Afrika, waxaanu ka dalbaday Madaxweyne Robert Mugabe inuu ka tanaasulo oo uu ka dego talada dalka. Sidoo kale, musharraxa doorashada madaxweynenimo ee Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka Senator Barack Obama, ayaa eedayn kulul dusha kaga tuuray Mr Robert Mugabe. “Robert Mugabe, waa masiibo ku guuldaraystay hogaaminta dalkiisa, oo burbur iyo khasaare horseedaya,” ayuu yidhi Nelson Mandela, oo intaa raaciyay, “Waxay ahayd wax laga murugoodo in la arko Zimbabwe oo ku dhacday rabshado iyo qalalaase.” Mr Mandela, oo ka hadlayay munaasibadii sannadguuradiisii 90aad ee ka soo wareegtay dhalashadiisii, oo ka dhacday London, ayaa arrinta dalkaas ka hadlay, ka dib markii uu maqlay Mr Tsvangirai oo ka baxay doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya. Sidoo kalena, wuxuu sheegay inuu sugayo talaabo ay arrinta Zimbabwe ka qaadaan Qaramada Midoobay. Hase yeeshee, Mr Robert Mugabe, oo tiisa ku adkaysanaya ayaa dhegaha ka furaystay dhawaaqyada caalamka kaga imanaya, isla markaana waxa la sheegay inuu gaashaanka u daruuray eedaynta uu u soo jeediyay Mr Mandela, waxaanu ku tilmaamay nin ka hadlaya afkaaro aan soconayn.

 

 

 

 

Maxaa ka dhexeeya Sheekh Shariif iyo Maraykanka?

 

Nayrobi (Ogaal/W.Wararka) – Guddoomiyaha Isbahaysiga la magac baxey dib u xoreynta Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isaga oo jooga wadanka Kenya u waramay Tv-ga Al-jazera ayaa ku dooday inaanu jirin wax xidhiidh ah oo uu la leeyahay Mareykanka.

“Ma jirto xidhiidh aan la leeyahay Mareykanka, balse waxaan ku faraxsanahay hamiga Mareykanka ee ah inuu arko Somaliya oo ay nabadi ka jirto” ayuu u sheegay Sheekh Shariif Tv-ga Al-jazeera.

Shariif, wuxuu sheegay in aanu  jirin wax hanjabaadyo ah oo uga yimid dalka Mareykanka, kuwaasoo ku saabsan in lagu darayo liiska xubnaha argagaxisada ee caalamka, “Hadaladaasi waa kuwo riqiis ah.” Ayuu yidhi waxaana uu intaa ku daray isaga oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay inuu heshiiska u qaatay cadaadis kaga yimi dhinaca Maraykanka. “Heshiiska aan qaadannay waa mid dan u ah ummadda Soomaaliyeed, maadaama dagaal lagu soo jiray muddo sannad iyo badh ka badan, waxaanan goosannay inaan xalka Somaliya ku raadinno wadahadallo iyo heshiis”.

Wareysiga uu Tv-ga Al-jazeera la yeeshay Sheekh Shariif ayaa yimid iyadoo dhawaan uu guddoomiyuhu kulammo kula qaatay Nairobi ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha Somalia John Yates, kuwaasoo ku saabsan dib u heshiisiintii Jabuuti lagu gaadhay. “Sida maamulka Mareykanka qudhiisa uu sheegay waxay u arkaan xalka Somalia guul la gaadhay, annaguna waxaan u riyaaqaynaa in Mareykanku uu muujiyo xalka laga gaadhay dhibaatadii Somalia” ayuu yidhi Sheekh Shariif mar kale.

Shekh Xasan Daahir oo ah xubin ka tirsan Isbahaysiga Asmara ayaa dhawaan saxafadda u sheegay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu heshiis la galay Mareykanka, uuna damacsan yahay inuu xagal-daaciyo muqaawamada.

 

 

Qaramada Midoobay oo Guddi

xaqiiqo-raadin ah u diraya Xadka Jabuuti iyo Ereteriya

 

New York (Ogaal/Reuters) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u jeediyay Qaramada Midoobay inay Xuduudka u dhaxeeya Ereteriya iyo Jabuuti guddi xaqiiqo-raadin ah, si ay baadhitaan ugu sameeyeen Dagaallada dhawaan dhex maray labada dal.

Sida uu sheegay ku-xigeenka Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Mr. Alejandro Wolff, War-Murtiyeed ay Salaasadii dorraad soo saareen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo arrintan ku wajahan, Golaha Ammaanku wuxuu ku rejo-wayn yahay, isla markaana ka sugayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo celiyo warbixinta ku saabsan Xaaladda xadka labada dal. “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ka codsadeen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu Xadka labada dal ee Jabuuti iyo Ereteriya u diro Guddi xaqiiqo-raadin ah. Waxaanay ka sugayaan Xoghayaha guud inuu ku soo celiyo Warbixinta Xuduudka labada dal wadaagaan” ayuu yidhi Mr. Alejandro Wolff.

Golaha Ammaanku waxay walaac ka muujiyeen in Dawladda Ereteriya iska dhego-tirto War-murtiyeed ay hore u soo saareen oo ay labada dal kaga dalbanayeen xabbad-joojin iyo inay kala qaadaan labada Ciidan.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay soo jeedintan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ah in Guddi xaqiiqo-raadis ah loo diro Xuduudka u dhaxeeya labada dal. Waxaanu ku tilmaamay mid waxyaabo badan ka tari doona kala xadaynta labada dal.

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay Dawladda Ereteriya inay doonayso in ay la wareegto Gacanka Bab al-Mandib ee xidhiidhaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxaanu sheegay in haddii ay Ereteriya gacanta ku dhigto Gacankan ay khatari ka dhalan karto. “Waa marinka caadiga ah ee Maraakiibta, waa halka ay dhammaan Saliidda la suuq geeyo ee Yurub iyo Maraykanku maalin kasta maraan ee halbowlaha u ah. Waxaanu doonaynaa in loo eego Gacankan si aad iyo aad ah oo adag” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Dawladda Jabuuti ayaa ku eedaysay oo kale Dalka Ereteriya inay Ciidamadeeda ku soo daad-guraysay dhul ay leedahay. Taasina ay kalliftay dagaalka dhex maray labada dal. Hase ahaatee, Safiirka dawladda Ereteriya u fadhiya Qaramada Midoobay Mr. Araya Desta, ayaa dedafeeyay eedaymahaas. “Jabuuti waxay si xidhiidh ah u waddaa dacaayado iyo sheegashooyin aan sal lahayn oo ay kaga soo horjeeddo dawladda Ereteriya labadii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yidhi Safiirku. Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in aan dalkiisu wax dan ah ka lahayn dhul ay Jabuuti leedahay.

Qaramada Midoobay ayaa Ciidamadii nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee ilaa sanadkii 2000 ku sugnaa xuduudka u dhaxeeya labada dal ka daad gureeyay bishii February, ka dib markii ay Dawladda Ereteriya joojisay Shidaalkii u socday Ciidamada nabad-ilaalinta ee ka gudbayay dalkeeda. Dagaallada labadan dal dhex maray sanadihii 1998-2000 ayaa la sheegaa inay tiradoodu ahayd 70-Kun oo qof.

  

4 Soomaali ah oo lagu laayay Maraykanka

USA – (Ogaal/HOL) – ilaa Afar qof oo Soomaali ah, ayaa siyaabo kala duwan ugu dhintay 5 maalmo gudahood nawaaxiga Magaalda Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka.

Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Cismaan, ayaa dhintay ka dib markii ay Koox hubaysani habeenimadii Arbacadii weerar gaadmo ah ku qaadeen isaga oo sii galayey gurigii uu deganaa, waqtigaas oo uu Marxuumku ka soo baxay Masaajid aan gurigiisa sidaa uga dheerayn. Kooxda hubeysan ayaa waxa ay marxuumka ku dhufteen dhowr xabadood, inkasta oo Marxuumka dhaawaciisa la geeyay Cusbatalka Vanderbilt University Hospita, balse Marxuumkul halkaas ayuu ku geeriyooday.

Sida uu sheegay Nuuradiin Cismaan oo ay Marxuumka walaalo yihiin, ma jirto cid ay Booliska Magaalada Nashville ee gobolka Tennessee u xidheen dilka Wiilkan oo da’diisu ahayd 28 Jir. Waxaana Marxuumka la aasay maalinimadii khamiistii aynu ka soo gudubnay.

Maalintii xigtay ee Jimcihii aynu ka soo gudubnay Allaha u naxariistee Marxuum kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdiwali, ayaa ku geeriyooday inta u dhaxaysa Magaalada Nashville iyo Tuulada Shelbyville ee dalkaasi Maraykanka, ka dib markii uu gaadhi uu watay ay is-duqeeyeen oo ay isku dhaceen Gaadhi nooca waawayn ee Xamuulka qaada ah. Waxaana lagu aasay isla Magaalada Nashville.

Dhinaca kale, isla magaalada Nashville gudaheeda ayaa waxa ku dhintay laba dumar ah oo Soomaali ah, halka mid kalena uu dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii gaadhi ay saarnaayeen galay Tareen isaga dhex goosha Nashville. Dumarkan dhintay oo lagu kala magacaabi jiray Nimco Guunbe iyo Barwaaqo Liibaan, ayaa sababta dhimashadooda la sheegay inay baadhayaan Ciidanka Baadhista ee Gobolkaasi. Halka qofka kalena lagu dawaynayo Cusbatal ku yaala Magaaladaas.

 

Xog-waranka Rayaale iyo Qodobada heshiiska Somaliland & Jabuuti

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa shalay duhurkii dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhamaysteen Safar muddo laba maalmood ah qaatay oo ay ugu maqnaayeen Jamhuuriyada Jabuuti.

Madaxweyne Rayaale ayaan faah-faahin buuxda ka bixin ujeedada socdaalkooda iyo wax-yaabaha ay ka wadahadleen masuuliyiinta Jabuuti. “Taasi war uma baahna baan u malaynayaa. Waxaan idiin sheegayaa inuu socdaalkayagii guul ku soo dhammaaday, walaaltinimadiina halkii hore ee ay joogi jirtey meel ka fiican aanu ku soo celiney. Dadka reer Jabuutina inaan tagno aad ugu faraxsanaayeen oo sida halkanba looga dareemaayey dadka ku dhimanaya Jabuuti xuduudkeeda Jabuutina qaar baa uga damqada, halkana qaar baa uga damqada.

Markaa horta waxaan idiin sheegayaa oo aan idiinku bushaaraynayaa inuu meel fiican ku soo noqday, dowladda Jabuutina xidhiidhkeeda … Communiqué-gii [warmurtiyeedkii] shalay soo baxayna waad ogtihiin, wixii faahfaahin ah waxaan rajeynayaa in wasiiradu mar dambe idin siin doonaan haddii alle yidhaahdo. Waxaan idiin sheegayaa inay guul ku soo dhammaatay, xidhiidhkeenana dardar cusub inaanu gelino inaan ku soo heshiiney”.Hadal kooban oo Weedhahaasi ka mid ahaayeen ayaa Madaxweyne Rayaale u sheegay TV-ga Dawlada oo uu madaarka ugu waramay waxaana uu intaa ku daray in wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti la isla-gartay. Ka sokow weedhahan kooban ee shalay, intii weftiga uu hoggaaminayo Daahir Rayaale ay booqashada ku joogeen Jamhuuriyadda Jabuuti waxay xukuumadda Jabuuti soo wada-saareen war-murtiyeed, kadib wadahadlo labada dhinac u socdey  laba maalmood oo heerar kala duwan ah.

Sida lagu faafiyay TV-ga iyo idaacada dawlada Jabuuti, war-murtiyeedka oo ka kooban 5 qodob oo inta badan ka hadlaya colaadda u dhexaysa Jabuuti iyo Erateriya, waxa uu soo baxay kadib kulan ay yeesheen wasiirrada la socda mudane Rayaale ee Somaliland iyo wasiirrada dhinaca Jabuuti, kuwaas oo labada hoggaamiye ay u saareen inay farsamo ahaan isla meel-dhigaan arrimaha la iska kaashanayo iyo xidhiidhka ay wadaagayaan labada dal, taas oo ka dambeysey kulan ay labada hoggaamiye, mudane Rayaale iyo Geelle ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Jabuuti.

War-murtiyeedka wadajirka ah oo uu saxaafadda u akhriyey Wasiirkuxigeenka Warfaafinta Somaliland, mudane Cali Cilmi Geelle, kadib kulanka Wasiirrada, waxa uu u dhigan yahay sidan:

“Safarka weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku yimid Caasimadda Dalka Djibouti, waxa ay la xidhiidhaa in ay u muujiyeen Xukuummadda iyo Shacbiga Dalka Djibouti in ay la garab taagan yihiin, hiil iyo hoo-ba. 

Is xog warraysi iyo wada tashi dheer ka dib, waxay labada dhinac isla qaateen qodobada hoos ku xusan:

1. Waxay si wada jir ah u cambaaraynayaan duulaanka qaawan ee gardarrada ah ee Xukuumadda Ereteriya ku soo qaaday Xuduudaha Djibouti.

2. Waxa ay si wada jir ah ugu baaqayaan Labada dhinac  ee Somaliland iyo Djibouti, in Xukuumadda Ereteriya si deg deg ah u joojiso collaadda ay ka dhex hurinayso labada shacab ee derisk ah (Djibouti & Eretria) iyo Gobolka guud ahaan.

3. Iyadoo ay Gobolka soo daashadeen colaado iyo dagaalo sokeeye oo illaa manta aan damin, looma baahna in dagaalo iyo colaado loo geysto Djibouti oo nasiib wanaag hore uga badbaaday Colaadaha naafeeyay Gobolka. Taas oo ay masuuliyadeedu gaar ku tahay Ereteriya.

4. Labada dhinac waxay isla qaateen in dar dar hor leh la galiyo xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah dhinacyada: Dhaqan-dhaqaale iyo Ganacsi, Nabadgelyada iyo Difaaca (gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, Arrimaha qaxoontiga iyo isu socodka) iyo siyaasadda

5. Si loo fuliyo arrimahaa kor ku xusan, waxa la isla qaatay:

a).           In dib loo hawlgeliyo guddigii wadajirka ahaa ee heerka Wasiir ahaa. Kullanka ugu horreeyana uu ka dhaco Djibouti bisha October 2008.

b) Xidhiidhinta Guddigaasi, waxa loo xilsaaray sidii ay horeba u aheyd labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha ee labada dhinac.

c). In dib loo hawlgeliyo Xafiisyadii Xidhiidhinta labada dhinac sida ugu dhakhso badan.’’

 

 

Ceerigaabo: Beesha Habar-yoonis oo ka hadashay Iska hor imaad laba beelood ku dhexmaray Biyo-guduud.

Ceerigaabo (Ogaal)– Cuqaasha iyo Guurtida Beelaha Habaryoonis-Bari ee Gobolka Sanaag ayaa shir jaraa’id oo ay Arbacadii habeen hore ku qabteen Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, waxay kaga hadleen iska hor imaad dhowaan laba beelood ku dhexmaray Tuulada Biyo-guduud, oo qiyaastii dhawr iyo konton kiiloo miter dhinaca Koonfur-bari kaga beegan Magaalada Ceerigaabo iyo xilligan xaaladdu halka ay marayso, nabadgalyada Gobolka guud ahaanba iyo mawqif ahaan halka ay ka taagan yihiin arrintaas. Isla markaana waxa ay Shirkoodan Jaraa’id kagaga baaqeen in la dhawro nabadgalyada Gobolka, si buuxdana looga wada-shaqeeyo.

“Waxannu halkan kucaddaynaynaa in Habar-yoonis-Bari nabadgelyada u taagan tahay. Arrinta Biyoguduudna waxannu kaga shaqaynaynaa nabadgelyo weliba illaalinta nabadgelyada iyo wada noolaanshaha reer Sanaag intaba annagu diyaar ayaannu u nahay. Qaybta ugu weyn ee xagga nabadgelyadana Habaryoonis ayaa Gobolkan ka dhalisay.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Habaryoonis Cabdi-naasir Cali Jaamac, oo shirkaa jaraa’id ka hadlay.

Chief Caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse, oo shirkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Biyoguduud iska hor imaadkii ka dhacay wuxu dhexmaray laba qoys oo keliya (Urursuge iyo Bahriighaye) oo ka soo kala jeeda beelaha Habar-Yoonis iyo Dhulbahante ee Gobolka Sanaag.  Markii halkaas dhibaatadu ka dhacday ka dibna labadaas qoys waxay ku dhawaaqeen oo ay yidhaahdeen arrintayada annaga ayaa dhammaysanayna mana oggolin cid kale oo noo dhexaysa.  Mar haddii ay sidaas tahay annagoo Habar-yoonis ahaan ku bogaadinayna waannuna ka war sugaynaa  welba cid kasta oo kale oo dhexgasha ama arrimahooda go’aanno aan loo dhammayn ka soo saartana gef ayaannu u aragnaa”.

“Annagu waxannu leenahay nabadgelyada Ilaah iyo ummadda meesha deggan ayaa gacanta ku haysa  H/Yoonisna mar kastaba nabadgelyada xuddun ayay u ahayd waana mid asal iyo soojireen ah waana tii laysugu keenay beelaha Sanaag oo dhan kamana ballan furayno annagu marnaba sidii lagu heshiiyey in cid waliba hantideeda iyo dhulkeeda iyadu leedahay  haddiise ay ciduuni xukunto beel waxeeda ha la duutsiyo waxannu leenahay ciddii duutsigaas xukuntaa iyadaa taqaanna”. Sidaas waxa yidhi Chief-caaqil Maxamed Cabdi Soofe.

Sidoo kale, waxa iyaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay xubno isugu jiray Cuqaal, Odayaal iyo Wax-garadka Habar-yoonis-bari, kuwaas oo ku dheeraaday dhawrida qiimaha ay nabadgalyadu u leedahay guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana waxa ay xubnahaasi soo jeediyeen in la dhawro nabadgalyada, wax kasta oo khilaaf dhilin karana laga dheeraado.

Magacyada Xubnihaa Shirka Jaraa’id qabtayna waa sidan:-

1. Guddoomiyaha Habar-yoonis Cabdi-naasir Cali Jaamac

2. Chief. Caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse

3. Chief. Caaqil Maxamed Cabdi Soofe

4. Chief. Caaqil Cali Maxamed Toohe

5. Caaqil Maxamuud Dirir Xasan

6. Caaqil Cabdirisaaq Axmed (Calqabe)

7. Caaqil Cismaan Faarax Xaammud

8. Wakiilka Caaqil Siciid Maxamuud Nuux

9. Caaqil. Keyse Axmed Kullikulli.

10 Amiir Warsame Jaamac Cali

11.Guurti Ciise Xaaji Shire

12 Ducaale Shire Axmed

13. Yuusuf Barsuug. iyo Xubno kale.

 

 

 

26 Juun: Maanta oo kale maxaa dunida soo maray?

Hargeysa (Ogaal)- Maanta oo ay taariikhdu tahay 26, Juun, ayaa ah maalintii 178aad ee sannadkan, halka maalmaha sannadka ka hadhayna ay ka yihiin 187 maalmood.

Haddaba, maanta oo kale, maxaa adduunka ka dhacay? Waa sidan iyaga oo dhacdooyinka maanta lagu astaysnaa ay u kala horeeyaan inta taariikhda laga ogyahay:

1541 – Francisco Pizarro, oo ahaa hogaamiyihii Isbaanishka ee qabsaday dalka Peru, ayaa gacanta ku dhigay caasimada dalkaas ee Lima.

1549 – 17 gobol ee uu ka kooban yahay dalka Holland, ayaa shaaca ka qaaday inay madaxbanaani ka qaateen Boqortooyadii Roomaanka.

1858 – Heshiiskii loogu yeedhay Tientsin ayaa soo gunaanaday dagaal mudo dheer u dhexeeyay Ingiriiska iyo Shiinaha, taasoo ka dambaysay markii uu Shiinuhu u furay Ingiriiska dekedo ganacsi.

1941 – Fiilaandhiiska oo garab-siinayay Jarmalku weerarkii uu ku qaaday Midawgii Soofiyeetiga, ayaa horseeday qaraxa dagaal saddex sannadood u dhexeeyay Finland iyo Soofiyeetiga.

1948 – Waxa la bilaabay in diyaarado cirka lagaga quudiyo dadkii reer Berlin, ka dib markii uu Midawgii Soofiyeetigu xidhay marinadii Berlin-ta galbeed sahaydu u maraysay. Waxaana cirka lagaga quudinayay dad gaadhayay laba milyan mudo 11 bilood ahayd.

1960 – Jasiiradda Madagascar oo madaxbanaanideedii qaadatay, ayaa dalkooda ku magacaabay ‘Jamhuuriyadda Dadka Malgaashka; halka British Somaliland-na maalintaa madaxbanaanideeda ka qaadatay Ingiriiska.  

1989 – Xisbigii cusbaa ee shuuciga dalka Hungary hogaamiyahoodii ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay nidaamkii hantiwadaaga Stalinism-ka ahaa.

1990 – Nelson Mandela ayaa khudbad u jeediyay Kongareeska Maraykanka, isla Maraykanka uga mahadceliyay cunaqabataynta ay ku soo rogeen maamulkii Koonfur Afrika, isla markaana wuxuu waydiistay in aanay cunaqabatayntaas waxba ka debcin ilaa inta ay ka imanayaan isbedelo nidaamka dalka oo dhan lagu bedelayo.  

1992 – Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros-Ghali ayaa xoogagii Seerbiyiinta ahaa u qabtay inay ku joojiyaan 48 saacadood weerarada ay kala soo horjeedeen Boosniyiintii Muslimiinta ahayd ee Reer Sarajevo.

1995 – Lix nin oo dablay ah ayaa rasaas ku furay Madaxweynaha Masaarida Xusni Mubaarak isaga oo gaadhigii lagu siday saaran wax yar ka dib markii uu ka soo degay dalka Itoobiya, balse waxba kumuu noqon tacshiiraddaas.  

1996 – Boqor Fahad-kii Sucuudiga ayaa ugu ballanqaaday $2.7 milyan oo dollar cidii soo sheegta ciddii ka masuulka ahayd qarax-bam oo gaadhi lagu soo rakibay oo lagu laayay ugu yaraan 19 askarta Ameerikaanka ka tirsanaa.

 

 

 

 

Xaflad loo sameeyay xidhitaanka Sanad Dugsiyeedka Smart Primary School oo Burco lagu qabtay,

 

Burco (Ogaal)- Xaflad Balaadhan oo loo sameeyay xidhitaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga Smart Primary School, ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Iskuulkaas ee Magaalada Burco. 
Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen Waalidiinta Ardayda dugsigasi, Macalimiinta iyo marti sharaf kale, oo iskugu jirtay Aqoon yahano, Siyaasiyin, Culima-awdiin. Isla markaana furitaankii Munaasibadaa, waxa   hadal kooban ka jediyay Maamulaha Iskuulkaas Axmed Cilmi Ismaacil (Lafoole), oo si weyn ugu mahad-naqay guud ahaanba dadweynihii kala duwanaa ee Xaflada xidhitaanka sanad-dugsiyeedka Iskuulkooda ka soo qayb-gashay. Waxaanu faah-faahin ka bixiyay Maamuluhu marxaladihii kala duwanaa ee Iskuulkan ay la soo mareen iyo heerkii ay ku bilaabeen. “Hadaan, warbixin kooban idinka siiyo iskuulka waxa la bilaabay sannadkii 2002 waxaanan ku bilawnay Arday yar oo tiradoodu ahayd 180 Arday, maantana waxa dhigta Arday tiroodadu dhantahay 727 Arday, oo kala ah 418 Wiilal ah iyo 309 Hablood.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Iskuulka Smart Primary School Axmed Cilmi. Isla markaana mar hadlaayay Maamulu Ardaydii ugu horaysay ee ka baxday fasalada 8aad una fadhistay imtixaanka Shahaadiga ah, waxa uu yidhi, “Waxa weeye Ardayda ka baxday Fasalada 8’aad ee Iskuulkan 29 Arday oo sanadkan ka baxay dugsiga dhexe.  Ardaydaasi waxay sanadkan nala jogaayaan  Iskuulka, sanadka danbena hadii Illahay yidhahdo waxaanu usamaynaynaa Dugsi Sare.” Mr. Axmed Cilmi, waxa uu sheegay in tirada Shaqaalaha ka hawl-gala Iskuulka uu maamulaha ka yahay ay yihiiin 49 qof, 31 ka mid ahi ay Macalimiin yihiin, inta kalena ay yihiin shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala Iskuulka, isla markaana aanay jirin meel ay caawimo ka helaan, balse ay guud ahaanba hawsha Iskuulka ku debaraan gunada yare e ay Ardayda ka qaadaan. ugu dambayntiina waxa Axmed Cilmi ka dalbaday waalidinta Ardayda ka masuulka ahi in ay wada-shaqayn fiican la yeeshaan Maamulka iskuulka, si ay isugu xidhnaadaan, isla markaana uga warhayaan talaabooyinka uu Ardaygu qaadayo.

Sidoo kale, Waxa isaguna halkaas ka hadaly Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, oo ka mida Masuuliinta Xisbiga kulmiye ee Gobolka Togdheer, isla markaana ka mid ahaa Waalidiintii Ardayda Iskuulkan, waxaanu u mahad-naqay Maamulka iyo Macalimiinta iyo Maamulka Iskuulka Smarth, “Iskuulkani waa Iskuul tayadiisu sarayso oo intaas oo qof ayay soo saarayaan mustaqbalka dhaw, waxaana laga yaabaa inay mustaqbalka dalka horumar gaadhsiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Marka aad aragto Macalimiinta ciyaalka wax inoo bara dhibweyn ayaa ka haysta, markaas waxaan idin leeyahay inteena halkan iskugu timi hadii aynaan la shaqayn Macalimiinta Ardaydeenu waxba Baran maayaaan ee ogaada. Waxaana jira saddex Macalin oo kala ah macalinka dugsiyada iyo Macalinka labaad oo ah waalidka iyo macalinka saddexaad oo ah Bulshada intiisa xun markaas hadaynaan labadeenu isku celin macalinkaas ayaa cidla ka helay Ardaygaa.” 
Waxa kale oo iyana halkaas ka hadlay Xildhibaan Yuusuf jaamac iyo Dr. Ciise Nuur oo labadodu Mahadnaq u jeediyay macalimiinta dugsigaasi.
Ugu danbayntiina waxa halkaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Ardaydii kaalmaha ugu horysa ka gashay Imtixaankii Dugsigaasi ee sannadkan.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

 

 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.