Reer Awdal Iyo Siyaasadda Somaliland

Marka hore aan dib ugu noqdo maqaalkaygii ugu dambeeyey, ee aan ugu magac daray: “Awdal State of Somaliya”, iyo jawaabihii aan ka helay dad badan oo dunida daafeheeda ah.
 
Maqaalkaasi oo aan badi la fahmin sida aan u jeeday, dad badanina ay u tarjunteen in aan cadaw ku ahay dawladda la baxday Somaliland, ayaan ugu horreyn ka cudur daaranayaa in aanay macnaha ujeeddadaydu aanay sidaa qaladka ah ahayn. Balse ay tahay iftiimin iyo soo bandhigid, ra’yi ay dad badani qabaan. In wax la kala sheegto amma la isku sheegtaana ceeb maaha. Xukun daadajintuna kuma salaysa dictaatooriyad iyo kala qoqobasho. Haddii wax la wada yeeshana maaha in haddana la kala lahaado amma loo kala dhawaado. Maamulka fiicanina waxa uu ku yimaaddaa marka ay bannaan tahay in wax walba la is weydiiyo.
 
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan ognahay in reer Awdal mar walba saluugsanaayeen, immigana saluugsan yihiin, qaybta ay ku leeyihiin golayaasha iyo maamulka dawladdaba. Kurisiga ugu sarreeya dalka oo nin Boorama ahi ku fadhiyaana maaha, ta lagu qancin karo in ay qayb mugleh ku lecithin dadkiisu. Habase ahaatee, haddana waxa dhinaca kale uga muuqda shacabka xariirta ah ee Hargeysa iyo Burco oo ay maanta isku aragti ka yihiin mustaqbalka dalka iyo danta guud ee ummaddooda. Waxa aan aragnaa in intii hore ay shacabku meel kasta oo ay joogaanba isaga soo dhawaadeen, hadday noqon lahayd is fahamka siyaasadda. Oo aanay maanta reer Borama la yaabin, haddii ay arkaan nin reer Burco ah oo sheekaynaya aadna u qaylyaya isaga oo weliba faraha taagtaagaya, amma reer Burco ku aanay qoslin qof Borama ka yimid oo ku hadlaya siiqadda reer gabeedka.
 
Haddaba dadkii aan wada hadallay iyo kuwii aan kulannay ee aan arrintaa ka wada sheekaysannayba, waxa aan isla garannay in ay habboon tahay in aan xaqa iyo xaqiiqda laga tagin, mar haddii ay doorasho iyo diiwaan gelini soo socotana laga dhur sugo, oo aan la deg degin. Laakiinse xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ayaa aamminsan in aan weli la gaadhin sida runta ah, waxana ay ila fahmeen, in saami qaybsigu uu u dhacay si sulux ah, raalligelintuna ay u badnayd beesha dhexe oo iyadu mar ku dagaallantay saami qaybsiga Somaliland. Waxana aan isla afgarannay in muddo dhow laga gudbi doono beel u fekerkan iyo qabyaaladdan innaga dhammaan la’.
 
Dhinaca doorashooyinka mar aan ka wada hadallay nimanka u fekera Istiraatiijiyada KULMIYE, ayaan wax iska weydiinnay sida uu xisbigaasi ku soo bixi karo, ee uu u yeelan karo shacbiyad. Gaar ahaanna sida uu xoog ugu yeelan karo Awdal, oo baryahan dambe laga dayrinayey taageerada ay ka helayaan.
 
Waxanan isla meel dhignay in Prof. Ismail Aar oo musharraxa M/kuxigeenka ku soo baxaa uu keeni karo shacabka ugu xoogga badan bari iyo galbeedba. Weliba waa haddii xisbigu uu juhdi badan ku bixiyo, lana garab galo Prof. Ismail.
 
Prof. Ismail iyo taageerayaashiisuna waxa ay diyaar u yihiin, in ay maamul wanaag iyo istaraatiijiyad cad ay la garab geli doonaan haddii ay sidaasi dhacdo. Isla markaana aan dib looga arki doonin Somaliland wax lagu murmo. Haddii kalese waxa iman doonta in uu KULMIYE guulaysan waayo, maamulka jiraana uu sii daba dheeraado, dalkuna uu galo xaalad aad u dhibbadan.
 
Shacabka Awdalla waxa uu markaa sii wadi doonaa taladii uu uga bad-baadi lahaa marxaladdaasi.
 
Sidaa iyo feker dambe.
Ahmedweli Goth

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.