Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Sabti, 31 May

Wefti ka socda QM oo isku khilaafay socdaal ay ku imanayaan waddamo Somaliland ku jirto

By: Matthew Russell Lee     

New-York (Ogaal/Inner City Press)– Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa booqashooyin ku tegi doona shan waddan oo Qaarada Afrika ka tirsan, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Suudaan toddobaadkan. Hase yeeshee, iyada oo aan la gaadhin bilawga booqashaddaas waxa soo baxaya khilaaf ka dhashay la xidhiidha kala-horaysiinta iyo mihiimadda meelaha booqashooyinka lagu marayo.

Socdaalkan oo qaadanaya toban maalmood, ayaa sida la sheegay inuu qorshuhu ahaa waxa barnaamijka ugu balaadhani ku jihaysnaa Gobolka Juba ee koonfurta dalka Suuddaan, hase ahaatee, waxay haatan u muuqataa in hakashadii halkaa meesha laga saaray, ka dib markii uu Ambaassadoorka Koonfur Afrika u fadhiya Golaha Amaanka Amb. Kumalo uu rabitaankiisa u bedelay in si toos ah loo tago magaalada Muqdisho ama Baydhaba ee dalka Soomaaliya, balse taasna waxa codka diidmada ah ku horistaagay Hay’adda Nabadgelyada iyo Amaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay. Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Guud Qazi ayaa diyaarinayay qorshayaasha nabad-ilaalineed ee la guda galayo, isaga oo jooga magaalada New York, sidaa waxa faafiyay wargeyska Inner City Press, oo ka soobaxa dalka Koonfur Afrika. Qorshayaashana waxa lagaga soo horjeedaa hadii uu goluhu meesha ka saaro socdalka ay ku tagayaan Gobolka Juba, isla markaana ay booqdaan keliya waqooyiga Suuddaan, kuna hakadaan magaalooyinka Khartoum iyo Darfur, ay markaa noqonayso socdaalkoodu mid diraya farriin dayacaad ah iyo inaan xiise loo hayanin koonfurta Suudaan iyo heshiiskii loo dhamaa toona. Halka ay wufuuda golaha qarkood isku deyeyaan inay ku qanciyaan madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir inuu u socdaalo waqooyiga si uu magaalada Khartoum iyaga ugula kulmo, ayaa sida uu faafiyay wargeyska Inner City Press, waxa ay taas wax ka waydiiyeen Ambassador Kumalo, kaas oo jawaabtiisu aanay kala qeexayn in meesha laga saarayo tegitaanka Juba iyo inkale.

Ambaassadoorka Ingiriiska u fadhiya Golaha Amaanka John Sawers, ayaa qaybtiisa la waydiin doonaa filimka dekumenteriga ah ee uu Taleefishanka Channel 4, ku muujiyay in qaar ka mid ah dadka ku nool ama lagu daweeyay Ingiriisku ay xadgudubyo bani’aadaminimo-darro ah ka galeen Soomaaliya. Warku wuxuu intaa ku daray in goobaha ay socdaalada ku tegi doonaan ay ku jiraan gobollada Awdal, Togdheer, iyo galbeedka Somaliland. Isla markaana gobollada Sanaag iyo Sool ayaa qorshahooda ku jira, balse ma kala cada cidda ay food-saare uga dhigayaan socdaalkooda maadaama sida warku sheegay ay ku qorayaan magaca Soomaaliya. Iyada oo booqashadoodani wejiyo kala duwan leedahay, oo aanay si toos ah goobahaas u wada tegayn, ayaa badhtamaha koonfureed ee Soomaaliya laga saaray goobaha booqashadaa lagu marayo. Sidoo kalena, dalkaasi Soomaaliya ee qalalaasuhu hadheeyay, ayaa halkii ay ka tegi lahaayeen, waxay ku bedelanayaan inay dhegaystaan wadahadalada ka socda dalka Djibouti, oo warbixino lagaga soo bandhigayo.

Si kastoo ay tahayba, sida uu faafiyay Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa dalka Koonfur Afrika, waxa shalay la hakiyay socdaalka Ambassador Michel Kafando oo ka socda Burkina Faso; Ambassador Jean-Maurice Ripert oo Faransiiska ka socda; Ambassador Dumisani Kumalo oo Koonfur Afrika ka socda; Iyo Ambassador John Sawers oo Ingiriiska ka socda. Dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inay wufuudda Golaha Amaanka ka socotaa kulamo la yeelan doonaan dawladda mbeghati madaxweynahooda, ra’iisal wasaarahooda, mucaaradkooda, bulshada siyaasadda, iyo ururada bulshada. Ambaassadoor Kumalo oo arrintaa ka hadlaya ayaa yidhi, “Dhamaanba madaxyada siyaasadda isku haya ayaa halkaa iman doona,” isla markaana tani waa “fursadii ugu balaadhnayd ee Soomaalida soo marta.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Budhcad Badeed Markab hore u haysatay oo laba kalena ka daba geeyay

Boosaaso (Ogaal/W.Wararka) – Koox budhcad badeed Soomaali ah ayaa shalay waxa ay afduubteen laba markab oo cusub oo marayay biyaha caalamiga ah ,kuwaas oo ula soo dhaqaaqay dhinaca goob ay hore ugu haysteen markab hore oo laga leeyahay Dalka Holland.

Maraakiibtan ayaa la isugu keenay sida wararku sheegayaan  Deegaan ka mid ah Xeebta maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya oo maamulka ka jira laftiisana lagu eedeeyo inuu lugu ku leeyahay afduubka maraakiibta loo qabsado madaxfurashada.

Maraakiibtan cusub ee hadda ay qafaasheen Budhcad badeedka Soomaalida ahi oo sida ay shaacisay hay’ada la socota xaalada Baduhu laga afduubay biyaha caalamiga ah ayaa waxaa  magacyadooda lagu sheegay MV Lehman & MV Arean, hayadu may carabaabin wadamada laga leeyahay labadan Markab.

 Markabka hore ee laga lahaa Dalka Holland ayaa kooxda qafaalatay waxaa ay dal badeen in lasii lacag madax furasho ah si ay usii daayaan markabkan ay haystaan. Iyadoo arrintani ay caan ka noqotay dunida oo dhan. Islamarkaana si weyn looga dayriyay.

Dhawaan ayaa dawlada Faransiisku khiyaamaysay Koox budhcad badeed ah oo qafaashay Markab dalxiis oo laga leeyahay wadankaasi, kuwaas oo markii ay qaateen lacagtii madaxfurashada ahayd Ciidamada dalaayadaha ku booda weerar ku ekeeyeen. Islamarkaana waxa Maxkamad lagu saaray Faransiiska lix Budhcad badeed ah oo hawlgalkaas lagu qabtay.

 

 

 

“Anagu (Ucid) waxaanu noqonay hashii ninka gurani waday”

“Rayaale waxa uu isku duubay Qarankii oo lama ficiltami karro”

Faysal Cali Waraabe.

 

“Dawlad wakhtigeedii dhamaaday ka qayb-galkeeda anaga xiise nooma hayo, taanu u leenahay dawlad wadaag ah ha loo sameeyo waa baqe aanu isleenahay dawladaa maanta joogtaa yaanay idin musuq-maasiqin.” Faysal Cali Waraabe.

 

 

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay TV-ga Af-soomaaliga ku hadla ee Universal TV ku sheegay in Axada todobaadkan fadhi lagu wado in laga soo saaro go’aamada wada-hadalada dhawaanahan u socday Mucaaridka iyo Xukuumadda, isla markaana waxa uu ku dooday in ay ka go’antahay Mucaarid ahaan dawlad wadaag ah oo la sameeyo, taas oo aan macneheedu ahayn xukun jacayl iyo maamul ay la wadaagaan dawlada wakhtigeedu dhamaaday, balse ay tahay baqe ay ka qabaan musuq-maasuq ay xukuumaddu ku samayso dhinaca doorashooyinka.

Warasigaasina waxaa uu u dhacay sidan:

S. Faysal Cali Waraabe, muddadii wadahadlku ka socdeen Madaxtooyada maxaa lagaga wadahalay, sababaha go’aan looga gaadhi la’yahay iyo waxyaabaha caqabada ku ahse waa maxay, halkeese ay hada wax marayaan?

J: Horta waxaanu fadhiisanay afar jeer, fadhigii u horeeayay oo ahaa 15-kii bisha, waxaanu halkaa ku bur-burinay shakigii taagnaa oo shacbiga Somaliland  ka baqayay khilaaf siyaasadeed, ka labaad waxaanu fadhiisanay 16-kii, kaana waxaanu ku qaadanay qodobada aanu ku kala duwanahay, midna bisha 20-keedii ayaanu fadhiisanay, waxaananu guda galay qodobada, waxaananu ku heshiinay kaw in doorashada wax walba laga hor mariyo iyo diiwaan-gelinta si loo helo doorasho wanaagsan oo dadka codaynayaa yihiin dadka reer Somaliland, oo aanay doorasho xaaraan ahi u dhicin, qodobada kale waxa ka mid ah labada doorasho ta la soo horaysiinayo, labadaana kolba ta la isku raaco in la soo horaysiiyo waa isugu kaaya mid Ucid ahaan. Laakiin, waxa weeye wax la isla ogolyahay in la sameeyo, ta kale waxa weeye maadaama aanay doorashadu wakhtigeedii ku dhicin wixii shuruuc ah ee ka hor imanaya in wax ka bedal lagu sameeyo, oo la laalo wixii shuruuc ah ee ka hor imanaya oo shuruuc ku meel-gaadh ah, oo doorashooyinkan lagaga baxo la sameeyo, in aan shuruucdaas la faragelin iyo in la cadeeyo marka ay doorasho timaado in ay xaq u leeyihiin Komishanka iyo saddexda Xisbi inay ka wada-tashadaan oo cid kale aanay soo faragelin, oo Komishanku cayimi karo mudda doorashada.

S: Wararka qaar ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku mari la’yahay ay ka mid yihiin dawlad wadaag ah in la dhiso oo, oo siiba Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ku dhagan yahahay in la dhiso inta ka hadhay doorashada. idinku  Ucid ahaan taa maxaad ka aaminsantihiin, sharciyan se sidee ayay isku waafaqayaan maadaama Xukumadda iyo Golaha Sharci-dejintu khaasatan Golaha Guurtidu ku doodayaan in aanay dawlad wadaag ahi sharciga meelna kaga oolin.?

J: Waxa weeye Dastoorku mana taaban wax noo diidayaana kuma yaalo, waxaananu dadka reer Somaliland u cadaynaynaa in dawladan wakhtigeedu dhamaaday, oo la isku hayo ma toban iyo toban bay noqon doontaa ka qayb-galkeeda anaga xiise nooma hayo, oo dawlad aanu shan sanno dhaliilaynay inaanu dhaliisheeda iyo xumaanteeda la qaybsano xiise nooma hayo, taanu u leenahay dawlad wadaag ah ha loo sameeyo waa baqe aanu isleenahay dawladaa maanta joogtaa yaanay idin musuq-maasiqin ee aad gaadh ka haysaan, ta u wayni waa taas, ee hana moodina xukun jacayl, dawlad Madaxweyneheedu iyo ku-xigeenkeedu Udub yihiina ka qayb-galkeedu wax faa’iido ah oo ay nookeenayaan ma jirto. Markaa meesha baqe ayaa yaal, weliba Wasaaraddaha aanu doonaynaa maaha Wasaarad kasta ee waa Wasaaraddaha sida tooska ah u saamaynaya doorashooyinkass, waananu ka midaysanahay anaga iyo Kulmiye, fikradana anaga ayaaba markii hore keenay. Laakiin marka firkaradaa aad dududid hadii lagaa qanciyo waad ka tagi kartaa ee maaha inaad wixii ku dhaganaatid, ilaa hadana way noo taagantahay, anaga iyo Kulmiyena meel aanu ku kala tagnay ma jirto, dawladuna waxba kuma adka ee wada-hadalkii ayaa noo socda, Kalmada is marinwaa la yidhaahdaana ma jirto oo nagama dhextaagna. Labadayada dhinac ee Mucaridka iyo Muxaafidka wax is marinwaa ah oo naga dhex taagani ma jiro, ee niyad wanaag iyo jajabnaan ayaanu la nimi, wax naga xumaanayaana ma jiraan, inta noo hadhayna Axada ayaa igu maqaala ah in la isugu imanayo oo la wada fadhiisanayo, sida ugu dhakhsaha badana aanu xaflad wanaagsan oo aduunka oo dhami ka markhaati yahay oo ay nagala soo qayb-galaan ku wada saxeexano, halkaana cadawga Somaliland ku bakhtiyo, cidii jeclayd ee dimuquraadiyada Somaliland gacanta weyn ka geysatayna ku faraxdo, wax dhibaato ah oo hada taaganina ma jirto.

S: Sida marar badan dhacda Xisbiyada Mucaaridka Xisbiga Kulmiye dhinac fog ayuu istaagaa, Xisbiga Ucidna dhinaca Muxaafidka ayuu istaagay, waxaana dhacda in idinku Ucid ahaan aad mar Udub raacdaan, marna Kulmiye raacdaan. Markaa imika hadii ay yimaadaan qodobo adag oo ay isku mari waayaan labada Xisbi ee Kulmiye iyo Udub, ummadiina ay u baahantahay natiijo laga gaadho khilaafaadka siyaasadeed ee jira, idinku ka Ucid ahaan maxaad soo jeedin lahaydeen?

J: Horta markastaba meesha la istaago ee lagu heshiiyaa waa meesha Ucid istaagto, oo Xisbiyada kale markay labada koone istaagaan ayaanu nidhaahnaa taana daaya tana daayo oo waxan ayaa inoo dan ah. Markaa anagu Ucid ahaan mar walba waxaanu eegnaa wixii danta guud ah ee aanu is nidhaahno danta dalka iyo dadka ayaa ku jirta. Waa laga yaabaa in uu mararka qaar Kulmiye isa soo taago wax xaq ah oo aanu isaga taageero, oo Udub naga xanaaqdo, marna ay Udub meel xaqa istaagto oo aanu iyaga taageero, oo Kulmiye naga xanaaqo, waxaanad ogaataa mar walba ta laqaataa waa taayada oo waxa ay saddexda Xisbi ku heshiiyaan waa taayada oo anaga ayaa dhexda isugu keena. Waxaana jira Saaxaafadda qaar warar xun qora oo marna yidhaahda Udub ayay raacaan marna Kulmiye ayay raacaan. Laakiin anagu mar kasta danta dalka iyo dadka ayaanu wax kasta ka horaysiinaa, waxaananu jecelahay qof kasta oo siyaasi ahi inuu iska masaxo danta gaarka ah iyo ta Xisbiga, oo uu danta wadanka ka horeysiiyo, oo waxa markaa u muuqda uun aanu ku waalan’e waxa ka hareeraysana uu eegaa, talaabada uu qaadayana eegaa waxa ka dhalanaya xumaan iyo wanaag ka uu yahay. Imika Maamulka Rayaale waxa uu isku duuduubay Qarankii hadaanu is nihdaahno la ficiltama kaliya isaga waxba mayeeli karo’e waxa wax noqonaya Qarankii, oo Mudaharaad ma samayn karo oo Qarankii ayaa wax noqonaya, Inqilaab ma saymayn karo oo wadanku ismahaysto, oo Qarankii ayuu naga hoosgalay. Markaa waa inaanu waxayaga wada-hadal ku dhamaysanaa, waxa qudha ee aanu inta badan ka hadlaynayna taas ayay ahayd, oo dad Islaam ah ayaynu nahaye Nabigeenu (SCW) ee isaga oo waxyi ku soo degayo ayuu la tashan jiray Axsaabtiisa, qofka Madaxda ahna isaga ayay taladu dan u tahay, laakiin hadii uu yeelo uun warar been-been ah oo dadka isku dir iyo waxaan jirin ah Jar buu ummada ka tuuraa, markaa Jarkii buu naga tuuri gaadhay ee Illaahay sumxaana watacaalaa wuu naga soo celiyay, oo 15-kii bisha qarka waxaynu u saarayn in Somaliland bur-burto, wax kalena may ahayne waxay ahayd waar aynu is aragno saddexdeena Guddoomiye, oo aan ka wada-tashano, oo xaaladan cusub ee aan dastuur inoo kala saarayn, xeer inoo kala saarayn ee aynu galay ka wada-tashano wixii danteena ah ayuun bay ahayd, intiina waakan Illaahay ina waafajiyay, amaanteedana waxa iska leh Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Caddiraxmaan-cirro.. Dadkana waxaanu u sheegaynaa waa la doodayaaye inaanay biqin oo aanay nixin, laakiin yaan loo qaadanin in dalka la duminayo, Udubna waxay isku duuduubtay, oo ay isku marmartay Qarankii, iyaga oo kaliyana wax ma yeeli karo, markaa markaanu aragnay in Qarankii nagaga dhacayo waanu ka joojinay, macneheeduna maaha waanu baqanay, lacag baanu qaadanay, ee Qaranka ayaanu eegnay.

S: Kulankiinii habeenkii ugu dambeeyay aad isugu timaadeen jawigii uu u dhacay sidee ayuu ahaa, iyada oo la idinku dhaliilo in aad xiligan xasaasiga ah Saxaafadda ka dhawrtaan hadalada, markaa kulankaa balnooga waran siduu u dhacay?

J: Waa jiraan in aanu hadalada ka dhawro Saxaafadda, intii wada-hadalku socday wax naga baxaa ma jiraan, laakiin way jiraan rag marka ay nala galaan markii  wixii lagu hadlayay ee laga gudbay bixya oo Websit-yada geliya. Markaa marka ay arrintan oo kale socoto warka waa la joojiyaa, waayo mararka qaar meel sare ayaa la isla tagayaa, markaa warka meeshaa sare ee la isla tagay haduu baxo dadka niyad jab ayuu ku keenayaa, fadhigayagii ugu dambeeyay fadhi ka fiicanina ma jirin, waxaanu ahaa fadhi niyad wanaag aanan hore u arki jirin leh, anaguna waxaanu noqonay hashii uu ninka gurani waday, oo labada dhinac anaga ayaa isu soo jiidna, oo qolaba mar ayay na tidhaa waad naga eexataan, waad naga eexateen. Markaa fadhigii u dambeeyay niyad wanaag buu ku dhamaadya, ka xigana waxaan rajaynayaa inuu ka sii wanaagsanaan doono.

 

Shirkadaha Shidaalka ee ay horsocdaan qoyasaska Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf iyo Xogaha ku qarsoon

Gaalkacayo (Ogaal/W.Wararka) – Magaalada Galkacayo ayaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafey waxaa ku sugnaa saraakiil ka socota shirkado shidaal oo laga leeyahay wadanka China. Sida ay faafiyeen shabakadaha wararka ee Garoowe.  Shirkadahaan la sheegay in magacyadoodu kala yihiin, China National Offshore Oil Corporation CNOOC iyo China International Oil and Gas [ CIOG] ayaa May 2006 waxaa wadanka China heshiis kula galey Cabdulahi Yusuf oo xilagaas booqasho ku joogey Bejin. Waxaanu heshiisku ka dhacay sida warku sheegay dhismaha Safaarada Soomaalida ee Bejin.

Wararku waxay intaa ku darayaan in xubnahan oo ay wehehliyaan dad Soomaali ah ay booqasho maalin qaadatey ku tageen degaanka GODAD oo magaalada Galkacayo 40 km ka xigta dhinaca barriga [Jiriiban & Garacad].
Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkad lagu magacaabo China International Oil and Gas oo fadhigeedu yahay wadanka Singapore kana diiwaan gashan jaziiradaha la yirahdo British Virgin Islands ay saami gaadhaya  20% ku leeyihiin qoyska Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuuf.
Saraakiisha ka socota shirkadahan China ayaa tagistooda magaalada Gaalkacayo waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii shirkad la sheegey in ay shidaal ka baadhayso Puntland ay qalab kala dagtey magaalada Boosaso kuwaas oo qandraas la soo galey Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse iyada oo uu wakiil ugu yahay nin lagu magacaabo Liibaan Muuse Boqor oo ay isku qoys yihiin.
Imaanshaha shirakadahan ayaa waxaa loo arkaa kuwo daboolka ka rogaya heshiis qarsoodi ah oo ay Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ku qaybsadeen dhulka maamul-goboleedka Puntland hoos yimaada, Dhinaca kale heshiisyada ay gadhwadeenka u yihiin qoysaska Cabdulahi Yusuf iyo Cadde Muse ayaan sida saxaafada Puntland baahisay gabi ahaanba lala hareer maray Barlamanka Somalia isla markaana ka hordhacey iyada oo aan wadankaasi laga hirgalin sharci nidaamiya khayraadka dalka iyo xataa amaan iyo kala danbayn..
Madaxweynaha Somalia Cabdulahi Yusuf ayaa April 25 waxaa uu qoraal uu ku taageerayo qandaraasyada Cadde Muse ka soo saarey magaalada London.

Is maandhaafka Cabdilaahi Iyo Nuur Cadde

Madaxweynaha dawlada TFG Cabdulahi Yusuf iyo Ra’isal wasaare Nuur Cadde ayaa isku khilaafsan mas’uulka hurmuudka u noqonaya ergada dhinacooda matalaya shirka la filayo in uu Jabuuti ka furmo maanta. (May 31,2008.) in kasta oo wararka qaar

Ra’isal wasaare Nuur Cadde ayaa sida ay faafiyeen qaar ka mid ah idaacadaha afsoomaliga ku hadla waxaa uu madaxa waftiga dowlada uga qayb galaya shirkan oo ay ku kulmayaan qaar ka mid ah Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya ee Smara iyo dawladiisu Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Ciyaaraha Axmad Cabdi Salaan.

Cabdilaahi Yuusuf oo aan la dhacsaney siyasada Axmad Cabdi-salaan ee ku wajahan isu soo dhoweynta xukuumada Ra’isal wasaare Nuur Cadde iyo beelaha hurmudka u ah mucaradka dowlada ayaa si buuxda isu hor-taagay talaabada lagu magacaabay ku xigeenka raysal-waraasaraha sida warku sheegay.

Axmad Cabsi Salaam oo horey u ahaan jirey mulkiilaha Idaacada Horn-Afrik ee Muqdisho ayaa waxay is-ku beel yihiin Sh.Xasan Daahir Aweys iyo Indho-Cadde oo labadooduba ganafka ku dhuftey dabacsanaan siyaasadeed oo uu muujiyey Sheekh Shariif.

Cabdilaahi Yuusuf iyo Ra’isal wasaariihiisa ayaa hore isugu khilaafey hogaaminta waftigii shirka Jabuuti hore uga qayb galey kulankii hore, iyda oo markii dambe Nuur Cadde aqbaley mas’uulkii uu watey Cabdulahi Yusuf.

Khilaafkan hogaaminta Waftiga ee soo noqday ayaa warku sheegay inay xalay labada nin ka shirayeen, iyadoo maanta lagu wado inuu shirkaasi ka furmo Jabuuti. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cabdilaahi Yuusuf ka qayb gali doono furitaanka shirkan oo ay iman doonaan saraakiil sare oo ka tirsan QM.

 

 “Boosaaso ma joogi karno, Muqdisho-na kuma noqon karno..Ninkaygiina waa dhintay” Sheekada haweenay tahriib ah

 

Nairobi (Ogaal/WP)- “Xeebta Boosaaso ee Waqooyi-bari ee Somalia, una dhaw cidhifka Geeska Afrika, Qaxooti tiro badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, ayaa dul fadhiya ama kambadhuudha. Iyaga oo sii dhuganaya Gacanka Cadmeed oo ah halka ay u ballansan yihiin inay tegaan. Isla markaana sugaya Doonyo u qaada Yemen, si ay uga fogaadaan nolosha iyo faqriga aad ugu habsaday” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin World Peace ka qortay dadka tahriibayaasha ah ee ka tahriiba Xeebta Boosaaso ee Puntland.

Warbixintan ayaa lagaga hadlay dhibaatooyinka soo waajaha dadka tahriibayaasha ah. Taas oo ay Warbixintani tusaale u soo qaadatay Gabadh reer Muqdisho ah iyo ubad ay dhashay oo ka mid ah dadkan. Kuwaas oo ay ka warantay waxa ay la kulmeen iyo noloshooda Qaxootinimada Tahriibka iyo sidoo kale nin Itoobiyaan ah oo ka mid ah dadka tahriibayaasha ah.

“Hodan, waa hooyo da’ yar oo iyada iyo qoyskeedu ka soo qaxdeen Muqdisho hal sanno ka hor, ka dib markii loo sheegay inay tagi karaan Yemen, ugana sii gudbi karaan dalka Sacuudiga, oo ay ka heli doonaan Shaqo. Markii ay soo gaadheen Boosaaso waxay haysteen oo kaliya lacag ku filan Hal kursi oo ay ka fuulaan Doonnida Tahriibiyayaasha. Ninkeeda ayaa markii hore tegay, si marka uu shaqo helo uu lacag dib ugu soo diro. Hase ahaatee, nasiib-darro dib ugamay helin wax war ah. ‘Markii uu iga tegay waxay ahayd toddoba bilood ka hor. Waxaan rumaysanahay inuu dhintay, oo Doonnida laga tuuray intii Badda lagu sii jiray, maxaa yeelay waa ila soo xidhiidhi lahaa.’ Ayay tidhi Hodan. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, ‘Aniga iyo ubadkaygu dib uguma noqon karno Muqdisho, oo ah meel khatar badan, mana joogi karno Boosaaso oo ah meel faqri aad u darani nagu helay. Waan welwelsanahay, waxaanan qorshaystay inaan u gudbo Yemen oo aan ka shaqaysto  halkaa ama Sacuudiga.’

Hase ahaatee, Soomaalida oo kaliya maaha kuwa tahriibaya ee qaxaya. Itoobiyaan badan ayaa isugu yimid Magaalada Boosaaso, si ay uga durkaan ama uga baxsadaan Nolosha adag iyo Faqriga. 

Siciid, waa Wiil Itoobiyaan ah, waxa uu tegay dalka Sucuudiga, laakiin si degdeg ah ayaa looga soo saaray. Hadda waxa uu qorshaynayaa inuu mar kale tahriibo, oo uu khatar waajaho. ‘Xaaskaygu waxay u shaqaysaa Qoys Sucuudiyaan ah, waxay ii soo dirtaa lacag. Taas oo ii suurgelinaysa inaan dib u laabto’ ayuu yidhi Siciid.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaalida iyo Itoobiyaanka ah ee tahriibaya, ayaanay indhahoodu arkaynin khatarta ka sokaysa halka ay higsanayaan inay tegaan. Taas oo ah Geeri, islamarkaana waxay muhiimadda saaraan oo kaliya inay gaadhaan dalalka ka shisheeya Gacanka Cadmeed.

Siday sheegtay Warbixin ay soo saartay Hay’adda UNHCR, dhimashada ayaa ah ta ugu badan ee soo waajahda dadka tahriibayaasha ah. ‘Had iyo jeer waxay dhintaan (Tahriibayaashu) markay yimaadaan Yemen. Taas oo iyaga oo ka fog Xeebta ay dadka Doonyaha wataa ku qasbaan tahriibayaasha inay ka boodaan Doonyaha goor habeenimo ah. Dadkuna badankoodu ma garanayaan halka ay Xeebtu ka xigto, ama maba dabbaalan karaan’ sidaa waxa tidhi Catherine Weibel, oo ka tirsan Xafiiska UNHCR ee Somalia.”

20 sanno ka hor iyo Hargeysa maanta oo kale

Maalin kastaaba taariikhdeeda lehe, maanta 20 sannadood ayaa laga joogaa xilligii duulaanka balaadhan ee xoraynta ahaa uu ururka SNM ku soo ekeeyay magaalooyinka waawayn ee dalka. May 27, 1988 waxay ciidamadii SNM ku waa-bariisteen Burco, halka 29 May 1988 cagta laga mariyay saldhigii ciidamada kaydkii badhtamaha, isla markaana May 31, 1988-kii waxay mujaahidiintii SNM isa-soo dhextaageen Hargeysa, oo ahayd taliskii qaybtii 26aad ee ciidamadii Siyaad Barre.

Ka dib markii uu heshiis dhexmaray Afweyne Barre iyo Mengistu Hayle, oo dalka Djibouti uu ku dhexdhexaadiyay Xasan Guleed, ayaa ciidamadii cadowgu waxay ka qaadeen niyaayir iyo ray-rayn. Sidaa aawadeed, waxay noqotay in SNM ciidamadooda dib ugu xereeyaan gudaha Itoobiya. Balse, taas bedelkeeda waxay ciidamadii SNM ee xorrayntu ka door-bideen inay qaataan talaabo geesinimo lahayd, oo ka dhignaa duullaankii ugu cuslaa ee ay fuliyaan xilligaa ka hor. Ciidamadii faqash oo bilaabay hawlgalo degdeg ahaa, ka dib niyad-wanaag ay ka qaadeen heshiiskii la wada gaadhay, ayaa weeraro naafaynta SNM sii bilaabay. Kuwaas oo ay ku tashanayeen inay xataa xuduudaha dushooda ugu tagaan. Taliyihii qaybtii 26aad ee faqashta Moorgan, ayaa isaga oo ciidankiisii u khudbadaynaya wuxuu ku yidhi; “Waa tiro yar oo gaajaysan ma haystaan tekniko, mana jirto taakulayn xaga danbe uga imanaysaa, shaqada labaad oo dhinaca galbeedka ah ayaa isku waqti hawlgalkiinu bilaabmayaa, waa inaad qoorta ka soo wada xidhxidhaan, si ay kuwan gudaha joogaa ugu quus qaataan.” 2:00AM, habeenimo ee May 31 1988-kii ayay magaalada Hargeysa ku baraarugtay shanqadha raasaasta ciidamada xoreynta SNM ee ka hilaacay fadhiisimada qaybtii 26aad ee Hargeysa. “Maalintaasi waxay ahayd maalin adag, maalin la kala doortay geeri iyo nolol ayay ahayd, waxay ahayd maalintii ciidamadii SNM iyo shacbigoodii nolosha naceen, kana door bideen inay huraan naf iyo maalba.  Waxay ahayd go’aan shacbi ka dhiidhiyay dulmi, waanay ka midaysnaayeen SNM iyo ummaddiiba.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa saraakiishii hogaaminayay hawlgalkii xilligaas ee Hargeysa.

Source: Xarunta wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.