“In maanta dalkeena dagaal ka dhaco looma baahna taa waynu ka soo gudubnay..” Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Aw Cali oo khudbado ka jeediyey xuska 31ka May

Hargeysa (Somaliland.org) –  Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Dhaqdhaqaaqii xorraynta ee ururkii SNM, ayaa ku baraarujiyey halgamayaashii ururkii SNM iyo taageerayaashoodiiba inay taariikhda uga faa’iideystaan in aanu dib ugu soo noqon wixii hore u soo maray, sida keli-talisnimo, cabudhin iyo cadaadiskii ay ka dhiidhiyeen, isaga oo sheegay in aan loo baahnayn halgan dambe iyo in dib loo qaato qori.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo oo maanta ka hadlay xaflad loo sameeyey xuska sannadguurada 20aad ee 31ka May 1988 oo ah maalintii xooggagii SNM ay gulufka ku soo galeen gudaha magaalada Hargeysa, halkaasna ay foodda isku dareen ciidankii  ugu xoogga weynaa Taliskii Siyaad Barre ee degganaa Qaybtii 26aad ee Hargeysa, waxa uu difaacay go’aankii ururkii SNM ku soo galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco May 27/31, 1988, kaas oo ahaa mid miidaamo ah marka loo eego tirada ciidan iyo saanadda oo aad uga yarayd ciidamadii Taliska ee fadhiyey Burco iyo Hargeysa. Waxa kale oo uu difaacay midhaha halgankii SNM.

Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey maamulka Jamciyadda SOOYAAL, laguna qabtay xarunta Jamciyadda ee magaalada Hargeysa waxa ka qaybgalay tiro kooban oo ka mid ah halgamayaashii SNM.

“Waxa taariikhda loo ilaaliyaa in aanay lumin, waxaa laga digtoonaanayaa waxa iman kara ama soo socda, waa in aanad dabinkii aad ku dhacday berrigii hore aanad kiisii oo kale ku dhicin, in aan dabinkii hore oo kale dib u soo marin ummadda, waxa taariikhda laga anfacaa intaa weeye,” ayuu yidhi Muj. Axmed Siilaanyo.

Isaga oo ka warramaya taariikhdii galka Burco iyo Hargeysa, wakhtigaas oo uu isagu hoggaaminayey ururkii SNM, waxa uu yidhi, mudane Siilaanyo, “Labadan taariikhood ee caanka ah ee aynu soo gudo galnay Burco iyo Hargaysa maxay ku timi? Waxay ku timi iyada oo halgankii socdo markii la soo galayay magaalooyinka waawayn, waa la ogaa mujaahidiinta, hogaanka iyo xubnaha SNM meel ay joogaanba kama ay qarsoonayn mar qudha in aanu is leekayn marka Ciidan ahaan loo eego, ciidankii ay doonayeen in ay ka maroojiyaan dalka, waxa ay u soo badheedhayeen mid ka qarsoon marnaba ma ahayn, laakiin waxa hortooda yimi doorasho, waa wakhtigii ay Mingistu iyo Siyaad Barre heshiiyeen in jabhadihii la kala joojisto, in dhulkii aynu gaboodka ka dhigan jirnay aanay inoo suurto gelayn.

“Dad baan maqlaa aan iyagu nasteex ka ahayn halgankii SNM oo iyagu meel alaale iyo meel ay kaga jireen aanay jirin ayaa yidhaahda, may ahayne waxa iska soo galay inamo mujaahidiin ah, waxa ay doonayaan in ay kala qaybshaan halgankii SNM. Wuxuu ahaa go’aan iyo talo laga wada tashaday oo la qaatay oo laga wada arrinsaday oo ahaa maxaynu yeelnaa, aynu is maqiiqno oo aynu galno. Ciidanka soo galay Burco iyo Hargaysa, labada aagba kamay badnayn dhowr kun oo qof, ciidamada loo badheedhayaana intay leekaayeen tiro iyo xoogba waa la ogaa, midh intaa leegi inagama qarsoonayn. Saraakiishii markii aan la tashanayay rag badan ayaa yidhi tallaabada aynu ku dhaqaaqayno marka cilmi milateri la eego macno ay samaynaysaa ma jirto, wax loo babac dhigi karana maaha, laakiin haddii aynu is maqiiqayno waa halkeeda, waxa lagu tashaday in sida ay tahay la isugu soo shubo shoolada, waa tii Burco iyo Hargaysaba la soo galay. Halgankii dhibaato kastaa ha soo gaadho, ummad badani ha ku shahiido, khasaare badani ha ku yimaado, mid loo badheedhay oo loo kacay oo nafta loo huray ayuu ahaa.  Laakiin jawaabtu waxa weeye midhihii la doonayay ma dhalay mise ma dhalin, wuu dhalay midhihii la doonayay runtii, oo nabarka Siyaad  Barre rajiimkiisii ka soo waaqsan waayay ee uu aakhirkii doogteedii u dhintay waxa uu ahaa dagaalkii 1988-kii la soo galay buu ahaa runtii”.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay midhihii halgankii iyo waxa maanta la gudboon shacbiga Somaliland guud ahaan iyo halgamayaashii SNM, isaga oo ka jawaabaya cabashada had iyo goor ka soo yeedhay halgamayaashii SNM ee ah in qaranka Somaliland aanu u abaalgudin mujaahidiintii oo daryeel la’aan iyo shaqa la’aani hayso, taas oo haweeney ka mid ahayd mujaahidiintii dagaalamayey ee soo galay Hargeysa. Waxana uu yidhi, “Maxaa haddaba maanta yaala weeye su’aashu, aniga waxay ila tahay maalin kasta calaacal aynu calaacalnaa wax wayn oo uu tarayaa ma jiro, taariikhdu waa wax socda, maalin walba waxa uu qaadanayaa halganku waji cusub oo hor leh, in maalin walba xabad la isku xoreeyo looma baahna. In maanta dalkeena dagaal ka dhaco looma baahna taa waynu ka soo gudubnay oo waynu dhamaynay, maanta waxaa loo baahan yahay haddii aynu doonayno dalkeena mid jooga iyo mustaqbalka iman doona kii uu doono ha noqdee in aynu qaab dimuquraadi ah uga tabaabushaysano oo ka ilaalino nooc kasta oo ay tahay in aan kali-talisnimo, cabudhin, cago-juglan iyo xoriyadda dadka oo la qaadaa midna aanu iman, waxaynu u baahanahay in aynu qaab dimuquraadi ah oo cod ah, oo cadar ah oo taageero ah ugu hiilino marba meesha dimuquraadiyada iyo xoriyadu ku nuurto oo aynu hubino in aanay dib inooga lumin, oo aanay jiil danbe oo dadkeena ah ku ajburin in ay dib u halgamaan oo xabad dib u qaataan, waxaynu u baahanahay in aynu nidaamka aynu dhiganay ee dimuquraadiga ah iyo ka codaynta ah aynu wax toosinteena ku salayno.”

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Milateri ee ururkii SNM, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii horkacaysey ciidamadii SNM ee soo galay Hargeysa May 31, 1998 ayaa isaguna xafladdaasi ka hadlay, waxana uu is barbardhigay xafladda maanta lagu qabtay Hargeysa iyo tii 27 May ee lagu qabtay Burco oo uu iyadana ka qaybgalay. Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa kale oo uu ka hadlay taariikhdii halganka iyo midhaha ka soo baxay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi,

 “Haddii aan ka hadlo maalintan iyada ah, waxay ahayd maalin wayn, waxaa la yidhi maalmaha ha la mideeyo, maalin Burcaa la soo galay maalinna Hargaysaa la soo galay, waxay ahayd in mar la soo wada galo oo ay maalin kaliya ahaato way haboonayd, laakiin may dhicin, markaa taariikhdu hadday u dhacday laba cisho in ay noqdeen, u malayn maayo in ay culays cid ku hayso in laba cisho la xuso.

Anigu maalintii dhawayd Burco ayaan tagay, Burco oo 27-kii May, lagu xusayay ayaan kala soo qayb galay, madal ka qurux badan tan ayay ahayd, dad iskaga yuhuun wanaagsan sida aan arkayo iminka ayay ahaayeen, dad wax wada leh ayay ahaayeen, waxay leeyihiin wada xusaya ayay ahaayeen. Halkan waxaan ku arkaa Telefiishanku in uu dadka kala qayb saday, oo toban toban loo kala qaatay, oo maalin dagaal loo kala qaatay. Burco waxaan ku arkay xaflad ka qurux badan, ka wanaagsan, mujaahidiin isku duuban oo ka fiican, waar raggiinii wada joogay ee wada dhaawacmay ee midna lug la’yahay midna il la’yahay midna uu lugta jiidayo ee haddana maanta wada jooga, raggiinii caynkaas ahaa in aydin maanta saacadaa la idinkala qaybiyo oo habeenba qolo mikirifoonka ka soo jeesato iyada oo nacnaclaynaysa maaha, biyo ha layskaga daro bahasha, intaasi waa iga talo.

Haddii laga hadlo maalintan, maalin wayn ayay ahayd, maxaa SNM ku kelifay in ay gudaha soo gasho? Waxay ahayd in ay SNM jirto ama aanay jirin, in halgankii jiro ama aanu jirin, sidaas oo kale ayay  27-kii May iyo 31-kii la mid ahaayeen, in halgankii shooladiisii dento iyo in uu sii socdo oo ummadu dagaalkii halkaa ka sii wado, labadaa ayaa la kala doortay, waxay ahayd guul ama geeri, labadii dawladood ayaa heshiiyay, in aynu maxaabiis noqono oo la inakala bedesho iyo in aynu dagaalkii sii wadno labadaa mid ayay ahayd, sidaas ayaa lagu soo galay dalka, hordhicii ayay ahayd halgankii lagu xoreeyay dalka, halgankuna mid ummadda oo dhami u dhantahay ayuu ahaa, inteenii qoriga sidatay kaliya muu ahayn.

Somaliland gobonimo ayay haysaa, dariiqii ma taagan tahay, Mujaahidiintii wax ma u qabatay, halkii laga doonayay ma gaadhay, caddaaladii laga filayay ma la hantay? Taasi murankeeda iyo ka hadalkeeda ayay leedahay, maaha marka la soo hadal-qaado in si kale loo qaato maaha.  Midna ha isku qoomamaynina, inaga oo kaliya maaha, rag halgamayaal ah oo hore ayaa la waydiiyay, sidii ay dagaal ugu soo jireen ayay  markii danbe dalkii xoreeyeen, mise dalkii waxba kuma hayaan iyagu, markaasaa la yidhi hebelow ma halkan ayaad ka fadhidaa bahashii tacabkii intii leekaa inagaga baxay, wuxuu yidhi “Ragbaa u fikira, waxaa ku dagaalama geesiyada, waxaa dhaxla fulayaasha.” Hays odhanina waar maxay idinka wax idiinka soo gaadhi waayeen, dadka joogaa waa kuwaad dalka u xoraynayseen, kuwii inaga soo hor jeeday ee dagaalka inagula jiray ee Afwayne dhiniciisa ka soo jeeday ayaa laga yaabaa in ay Madaxyihiin, dadkii aynu dalka u xoraynay ayay ka mid yihiin waxaan leeyahay bahasha wax ha la iska gaadhsiiyo anaguba kaligayo ma doonayno’e.”

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.