Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Khamiis, 29 May

Maxaa sababay dib u dhaca kulankii ugu danbeeyay?

Hogaamiyayaasha mucaaradka oo ka waramay halka ay marayaan wada-hadalada u dhexeeya Xukuumada

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyayaasha labada Xisbi ee Mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucid, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa mawqifyo isku dhaw iska taagay geedi-socodka wada-hadalada u dhexeeya iyaga iyo Xukuumadda, isla markaana muujiyay niyad-sami iyo rejo wanaag ay ka filayaan in lagu soo geba-gabeeyo wada-hadlada.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa waraysi kooban oo uu xalay siiyay TV-ga SLSC, ku sheegay in wada-hadladii iyaga iyo Xukuumadda u dhexeeyay ay socdaan, isla markaana ay filayaan in uu ku dhamaado rejo guul ah. “Wada-hadaladu way socdaan waxaananu rajaynaynaa inay guul ku dhamaadaan. Waxyaabo ay ahayd in Golayaasha loo gudbiyo ayaa dhiman, waana cilad farsamo.” Ayuu yidhi Md. Siilaanyo, oo u muuqday nin aad uga taxadiraya jawaabaha uu ka bixinayo mawduucan.

“Horta imika waanu isku wada-dhawnahay oo wax dhibaato ahina ma jiraan, ee fadhigaa soo socda ayaanu rajaynaynaa inaanu wax walba ku soo dhamayno. Siduu Siilaanyo sheegay cid is diiday ma jirto, wax ismarinwaa ahina ma jiraan, cid laga badiyayna ma jirto. Madaxweynuhu inuu maanta (shalay) noo soo sheego ayay ahayd balanta, balse nalamuu soo socodsiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, oo aanu xalay khadka Telefanka wax kaga waydiinay halka ay wax marayaan. Hase yeeshee, mar uu u waramayay TV-ga SLSC, waxa uu hakadka galay wada-hadalada ku tilmaamay Guddoomiyaha Ucid, mid ku salaysan habsanka faraha badan ee Xukuumadda lagu  xamanayay shantii sanno ee ay xilka haysay.

 

Daahir Rayaale Kaahin ayaa muddadii xilka Madaxweynenimada Somaliland loo doortay ka dhammaatay 15kii May, waxayna xisbiyada mucaaridku diideen muddo sannad ah oo Guurtidu u kordhisey, taas oo ay ku tilmaameen mid aan sharciga waafaqsanayn. Hase yeeshee, maalin ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynenimada Daahir Rayaale ayaa wadahadallo u bilaabmeen hoggaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah iyo Madaxweynaha si xal looga gaadho khilaafka ku saabsan muddada xilka Madaxweynaha ee dhammaatay iyo qabashada doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaana ilaa iyo hadda lagu heshiiyey wakhtiyayn cusub oo Komishanka iyo guddi saddexda xisbi ahi isla soo qaateen, kaas oo cayimaya in labada Doorasho ee Deegaanka iyo Madaxtooyadu ay qabsoomaan 15 Dec. 2008 iyo 15 March 2009. Waxa kale oo la isku afgartay in wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Diiwaangelinta iyo in dammaanad qoraal ah iyo mid sharci loo sameeyo in wakhtiga doorashada ee lagu heshiiyey.

Kulankan hadhsan ayaa la filayey in lagaga wadahadlo nooca ay noqonayso dowladda dalka gaadhsiinaysa, taas oo la isla soo qaaday kulankii u dambeeyey in awoodda la qaybsado, isla markaana dib looga ballamay.

Dhinaca kale, siday u kala horraynayaan doorashooyinku oo ka mid ahaa mawduucyada laga wadahadlayey, balse, aan si buuxda looga heshiin ayaa isaguna ka mid ah arrimaha dib loogu noqonayo ee heshiis buuxa laga wadagaadhi doono kulanka danbe oo la filayo inuu qabsoomo 1da June.

 

Hargeysa: Xuska sanad-guurada 17-aad ee Guusha EPRDF 

“Somaliland ogolaanmayso cidii isku dayda waxyeelaynta jaarka” Cabdilaahi Maxamed Ducaale

Hargeysa (Ogaal)-              Xaflad lagu xusayay 17 guurada ka soo wareegtay markii talada dalka Itoobiya lagala wareegay dawladii Derg-ga ee uu Madaxweynaha ka ahaa ninka dhawaan dilka lagu xukumay ee Mengistu Haile Mariam, ayaa xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee lagu qabto Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland, Saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan dalka, aqoonyahano Madax-banaan iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ku hambalyeeyay Xukuumadda Itoobiya sida ay qoomiyadaha kala duwan ee dalkooda u dhashay ay isugu hayso. “Aad ayaanu idiinku hambalyaynaynaa dimuquraadiyadiina iyo Qoomiyadaha kala duwan ee kala noocyada ah sida aad isugu keentaan.” Ayuu yidhi Wasiirku, oo intaa raaciyay in xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyo dawladaha Somaliland iyo Itoobiya. “Somaliland ogolaanmayso cidii isku dayda waxyeelaynta jaarka, gaar ahaan dawlada Itoobiya, wada-shaqayn waybaana naga dhaxaysa Xafiiska Safiirka Itoobiya iyo Wasaaradda Arrimaha dibada ee Itoobiya.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirku.

Madaxa Xafiiska Ganacsi ee dawlada Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, Ambaasadoor  Wubishet Demissie, ayaa qoraal uu Saxaafadda u qaybiyay si qoto dheer ugaga waramay horumarka aasaa-siga ah ee dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Arrimaha bulshada iyo hanaanka dimuquraadiyadeed ee ay Itoobiya ku ku talaabsatay muddadii 17-ka sannadood ahayd ee ka dambaysay wakhtigii talada dalkaa laga tuuray kacaankii Derg-ga. Isla markaana waxa uu Ambaasadoorku sheegay in guud ahaanba nabadgalyada iyo xasiloonida Gobolkan ay Itoobiyaanku ka qaadanayaan kaalin muhiim ah.

Sidoo kalena, waxa uu Somaliland uga mahad-celiyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato dedaalka loogu jiro horumarinta nabadgalyada iyo dimuquraadiyada. “Waxaanu aad ugu faraxsanahay in sida adaga ee aanu u aaminsanahay Somaliland ay leedahay awood ku haboon oo ay ku maamusho arrimaheeda, taasoo cadaatay. Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan dib idiinku cadeeyo in dalka Itoobiya iyo Itoobiyaanku saaxiib ahaan iyo jaar ahaanba ay had iyo jeer garab-taagnaan doonaan Somaliland iyo dadkeeda nabada jecel.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisaa Ambaasadoor Wubishet Demissie.

 

 

 

Golaha Wakiillada iyo dooda Odoroska Miisaaniyada 2008

“Waxay ahayd Golahani inuu Wasiirka iyo Xukuumaddaba Maamuus ka xayuubin ku sameeyo” Xildhibaan Maxmed Xuseen Xaaji Ciise.

 

“Guddida dhaqaalaha ee codstay miisaaniyada sidan ah in la ansixiyo, waa in la kala diraa.” Xildhibaan Axmed Maxamed Obsiiye.

 

Hargeysa (Ogaal)- Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si kulul loogaga dooday odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2008, ka dib markii Guddida Dhaqaalaha ee Golahaasi oo soo darsay u soo gudbiyay.

Fadhigan shalay oo uu gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada Cabdi-casiis Maxamed Samaale, ayaa ahaa mid xamaasad laga dheehan karayay, isla markaana ay Mudanayaasha Golahaasi badiba gaaf-wareegayeen barxada aqalkaasi Wakiillada, oo aanay fadhiyin madasha doodu ka socotay. Hase ahaatee, Mudanayaashii nasiibka u yeeshay inay doodaas ka qayb-qaataan ayaa u ku kala qaybsanaa aragtida ay ka qabaan miisaaniyadan. Xildhibaan Axmed Maxamuud Obsiiye, oo ka qayb qaatay dooda shalay ayaa ku dooday in aanay banaanayn in Golaha la horkeeno miisaaniyad sida tan u dhigan oo kale, “In la ina horkeeno Miisaaniyad tan oo kale ahi waa xaaraan, mana aha inaynu isku taabano. Waxaanan leeyahay Guddida dhaqaalaha ee codstay miisaaniyada sidan ah in la ansixiyo, waa in la kala diraa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Obsiiye. Waxaanu sheegay in gol-doloolo badani ka muuqato Miisaaniyad sannadeedkan.

Ibraahin Cawaale, oo isna doodaa ka qayb-qaatay ayaa yidhi,  “Hadii waxa aynu ku hadlaynaa cadaalad yahay mar hore ayaynu isku waafiqi lahayn Aaraah kaliya, oo ka Mucaaridka ahi ka Muxaafidka ah waafiqi lahahaa, ka Muxaafidka ahina ka Mucaaridka ah waafiqi lahaa, waxa halkan iiga muuqda Gole kala filiqsan, oo mararka qaar waxyaabaha haba lagu kala saftee, mar walba hadii la kala safto guul ma gaadhayno run ahaan, ummadii ina soo dooratayna ma matali karayno.” Ayuu yidhi oo uu ku dooday Xildhibaan Ibraahin Cawaale. Isaga oo ka hadlaya arrinta Miisaaniyadana waxa uu yidhi, “Mawduucaa miisaaniyada runtii anigu waxaan ku soo gunaanadi lahaa, sidaa Guddidu u tidhi aan isdhaafino, waxaanan leeyahay waar Miisaaniyadaa aynu is dhaafino, wakhtigeedii oo habsan ku yimi dartii iyo markaan dhinacyo badan ka eegay inkasta oo aan la odhan karin sida loo soo dhigay waa lagu wada qanci karaa, waxaan leeyahay waar aynu Miisaaniyada iska ansixino.” Sidaa ayuu yidhi oo uu soo jeediyay Xildhibaan Ibraahin Cawaale.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, oo ka mid ahaa Mudanayaashii fadhigii shalay ee Wakiillada doodooda ka dhiibtay ayaa yidhi, “Waxaad moodaa Guddida dhaqaaluhu inay wax soo xabkeeyeen, Miisaaniyada aqoonteeda tii hore ayaa inoogu filan, runtii Gole Wakiillo ahaan hadii inyar oo masuuliyad ahi ina saarantahay ama inyar oo masuuliyad ah aynu dareemayno, inaga oo aan xumaan uga jeedin, oo aan hagar-daamo gaysanaynin Xukuumaddan waxaanu leenahay gar iyo gardaro waxay isugu gaysay wixii u socon waaya inay jiidho.” Xildhibaan Maxamed Xuseen, waxa uu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi, “Somaliland-na lagu khamaaro nidaam baa u yaal, laynbaana u taxan, dastuur ay samaysteen ayaana u yaal haday maaliyad tahay iyo haday wax kasta oo kale tahayba, laymankaa hadii la fara-fareeyo waa laba qodob xaalku, in looga hadho iyo haday fardaar ku noqoto Somaliland, in lagu baabi’iyo Somaliland. Wax alla waxaynu  sharci ka hadlaynay iyo wixii aynu isla meel dhignay waxaad moodaa dhinaca ay doonaan hadii aanay u soconayn in ay tahay Gidaar baad hirdiyaysaan.” Ayuu yidhi Md. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise.

Waxaanu ku dooday in ay Gole ahaan xaq u lahaayeen xilka xayuubin lagu sameeyo xukuumadda. “Miisaaniyadu inkasta oo ay iska muuqato oo ay iska samir taagwaa tahay, oo tii horeba markii loo taag waayay waatii la iska watay, hadana halkii uun ka daba mara waa dhib, waxa fiicnaan lahayd goluhu inuu Miisaaniyada iska daayo oo aanay halkanba keenin ee ay yidhaahdaan Madaxweynaw, Wasiiraw iyo Xukuumaday halkiina iskaga haysta.” Sidaa ayuu yidhi Mudanuhu,  “Waxay ahayd Golahani inuu Wasiirka, Xukuumadda iyo waxoo dhan Maamuus ka xayuubin ku sameeyo haduu itaal hayo ileen intaas oo goor ayay dastuurka jabiyeene, wasiirkuna haduu dastuurka jabiyay in Maxkamada la horgeeyaa weeye ee maaha in loo yeedho.” Xildhibaan Maxamed. Waxaanu tilmaamay in ay Miisaaniyad sanadeedkani masuuliyad-darro ku tahay Golohooda.

“Maxaa xukuumadda u diiday inay miisaaniyada xiligeedii keento ee habsanka ku khasbay, maxaa inaga inagu khasbay inaynu saddex cisho ku ansixino, inaynu ka fikiro, oo ka doodno saddex cisho ha inagu qaadato, waar waxaasi waxaan leeyahay waa wax dastuurka ka soo horjeeda. Markaa taa macneheedu waxa weeye Miisaaniyadu meel kale ayay u socotaaye ka baydha, waana in golahani talo midaysan ka yeeshaa, waxaanan odhan lahaa bal ninkii lahaa u daaya sida uu doono ha yidhaahdee.” Sidaa ayuu yidhi Md. Maxamed Xuseen. Waxaanu tilmaamay in ujeedada golaha loo keenay Miisaaniyada ahayd in ay sharciga mariyaan oo ay waxka bedal iyo kaabis ku sameeyaan, balse golohooduna baawarkii uu lahaa iska qaaday, oo ay awoodoodii sharci daciifiyeen.

Waxa iyaguna halkaa doodooda ka dhiibtay Mudanayaal kale, oo soo jeediyay in aanay miisaaniyadani ahayn mid ku fiican in la farafareeyo iyo kuwo soo jeediyay in sideeda loo daayo.

 

“S/land waxay wer-wer ka qabtaa in lagu soo xad-gudbo dhulkeeda”

 

Range Resources oo qirtay in heshiiska qodista shidaalka ee ay la gashay Puntland horseedi karo dagaal

 

“Cali Maxamed Geedi oo diiday heshiiska waxaa nagaga filaaday  Cabdilaahi Yuusuf oo leh Puntland…”

 

Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) – Shirkada lagu magacaabo African Oil oo qalabka baadhista Macdanaha kala dagtay Boosaaso ayaa durba waxaa soo baxaya wer-werka ay ku qabto dagaalo hor leh oo ka dhasha hawl-galkooda ku wajahan baadhista shiidaalka ay heshiiska kula galeen maamul-goboleedka Cadde Muuse, iyo goobaha u calaamadsan ee ay doonayaan in ay ka bilaabaan hawsha.

Shirkada Range Resources Limited, oo ah shirkad yar oo sida ay sheegato Australian ah, ayaa siisay shirkada African Oil heshiis hoosaad (sub-contract). Kaasoo sida qoraal ay shalay soo saartay Range Resources ku cad ay  baadhi doonto dhul baaxadiisu dhantahay 2,600 km oo ka mid ah sida ay ku doodayaan maamul-goboleedka Puntland ah, in kasta oo la sheegay inuu ka mid yahay dhulka Heshiiska lagula galay qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag “Waanu kala dagnay qalabkayagii magaalada Boosaaso” Sidaa waxaa yidhi Michael Povey oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadaasi.

 Shirkada qodista shidaalka ee Africa Oil sida ay sheegtay waxay baadhitaankan ku bixin doontaa lacag kor u dhaafaysa US$ 50 million oo dolar, iyadoo xaq u yeelan doonta sida qoraalku sheegay marka shidaalka la soo saaro 80%.

Qoraalka Range Resources waxaa lagu sheegay in dawlada ku-meelgaadhka ahi isku dayday inay hor joogsato heshiisyadan dhexmaray Cadde Muuse iyo shirkadahan, Gaar ahaan Raysal Wasaarihii dawladaas ee hore Cali Maxamed Geedi. Hase ahaatee, Waxaa sida qoraalka Range Resources sheegayo iyaguna qoraalo u diray masuuliyiinta dawlada Somaliland, oo u tilmaamtay inay Somaliland ka mid-yihiin qaybo ka mid ah dhulka Puntland heshiiska kula gashay shirkadaas gaar ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag bari.

Waxaa qoraalkan lagu sheegaya in diidmadii Cali Maxamed Geedi ay socon weydey oo Cabdilaahi Yuusuf oo Range Resources  ku sheegtay Mulkiilaha Puntland ayaa ansaxiyay heshiiskaas.

Shirkada Range Resources waxay qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka Puntland uu yahay maamul Soomalida aan gaar uga go’in hadii ay nabad noqotana la midoobi doona, hase ahaatee, dhinaca kale, waxay qoraalkeedan ku muujisay sida ay arrintaasi u adkaan doonto hadii Puntland hesho shidaal.

Shirkada Range Resources waxay qoraalkeeda ku soo gaba-gabaysay in marka lagu daro wer-werka Somaliland ka qabto in lagu soo xad-gudbo, iyo sidoo kale mawjadaha kacsan ee siyaasada Somalia hadii shidaal laga soo saaro Puntland ay horseed ka noqon doonaan mushkilado hor leh  oo ka dhaca Gobolka.

Qoraalka Range Resources ayaa soo baxay maalin ka dib markii la weeraray qalab ay kala degtay Boosaaso shirkada  Africa Oil.

 

Hargeysa: Maydka Wiil Daad qaaday oo la helay

Hargeysa (Ogaal)- Hal qof ayaa ku dhintay, khasaare kalena waxa uu soo gaadhay dhawr Baabuur, ka dib markii habeen hore uu roob laxaad lehi ka da’ay Magaalada Hargeysa.

Sida uu baahiyay Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV, Allaha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Xasan Maxamed, oo da’diisu ahayd 23 jir, ayaa maydkiisa Shalay subax laga helay Laagta ama Dooxada yar ee Xaafadda Daami ee Degmada Gacan-Libaax ee Magaalada Hargeysa. Sida uu sheegay Marxuumka Walaalkii oo si lama-filaan ah ula kulmay Maydku, Marxuumka oo xagga Maskaxda wax uga yar dhinnaayeen, ayaa la waayay habeenimadii Roobku da’ayay ee Arbacadu soo galaysay, waqtigaas oo ahaa markii uu daadku qaaday. Waxaanu Marxuumka Walaalkii sheegay in xitaa marka uu la kulmay Maydka Walaalkii aanu u socon baadi-goobkiisa, balse uu ka mid ahaa dadkii kale ee ku soo ururay Maydka. Marxuumka Walaalkii oo wejigiisa ay ka muuqatay anfariir iyo murugo saaqday darteed, ayaanu faahfaahin intaa ka badan ka bixin.

Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino dhacdadan, oo aanu ku booqanay Xafiisyadooda, ayaanay noo suurtogelin.

Dhinaca kale, Roobkan ka da’ay Hargeysa habeen hore, ayaa qaaday ilaa inta la ogyahay ilaa saddex Baabuur. Kuwaas oo qaar ka mid ah laga reebay, halka mid ka mid ahna la sheegay inuu geeyay Dooxa Wayn ee Hargeysa. Si dhab ah looma oga khasaaraha kale ee uu geystay Roobkani, hase ahaatee, Roobkan oo ahaa mid laxaad leh, ayaa la filayaa in khasaarihiisu aanu intaa ku koobnayn.

 

 

 

“Ubadkaygu waxay ku faraxsan yihiin inay dhalasho Ingiriis ah haystaan”

C/laahi Yuusuf  iyo Gacma-dheere oo jawaabo iska horjeeda ka bixiyay xad-gudubyo  lagu eedayay

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka)- Madaxweynaha Xukuumadda TFG Cabdilaahi Yuusuf iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladdiisa, ayaa jawaab ka bixiyay warbixin ay baahiyeen Warbaahinta dalka Ingiriiska qaarkood.

Afhayeen u hadlay Cabdilaahi Yuusuf, ayaa ku sheegay Warbixin oo ay baahiyeen Tv-ga Channel 4 iyo Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska, mid aflagaado loogu geystay Cabdilaahi Yuusuf iyo xubnaha kale ee kula jira warbixintan. Waxaanu sheegay inay dacwad ka dhan ah Wargeyska iyo TV-ga ay u gudbin doonaan Dawladda Ingiriiska. “Xukuumad Britain oo lagu yaqaano in ay ku dhaqanto Dimoqraadiyad ku saleysan Caddaalad ijtimaaci ah, waxaan u gudbin doonnaa Dowlad ahaan Dacwad lid ku ah Wariyayaashaas Channel4 iyo Daily Mail ficillada ay sameeyeen” Sidaa waxa yidhi Xuseen-xuubsireed oo ah afhayeenka Cabdilaahi Yuusuf, oo shalay Shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Warbixintan oo ciwaankeedu ahaa, Hoggaamiye-Kooxeedyo nala degan (Warlords Next Door), ayaa TV-ga iyo Wargeyska Daily Mail ay ku sheegeen in 4 masuul oo uu ugu horeeyo Cabdilaahi Yuusuf ay dembiyo ka galeen Somalia, islamarkaana ay qoysaskooda dejiyeen dalka Ingiriiska. Saddexda xubnood ee kale ee Warbixintan lagu sheegay ayaa kala ah, Xildhibaan Maxamed Maxmuud Guuleed (Gacma-Dheere), Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Xukuumada TFG Maxamed Warsame Darwiish iyo Taliye ku xigeenka Booliska TFG Axmed Xaashi Taajir.

Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf, ayay Warbixintu sheegeysaa in sanadkii 1996-kii dalka Ingiriiska lagu badbaadiyay naftiisa, isla markaana looga bedelay Beerka, kuna tallaalan yahay Beerka Wiil British ah. Halka seddexda mas’uul ee kalena ay Warbixinta sheegeyso in ay Caruurtooda iyo Qoysaskooda ay nolol wanaagsan ku heystaan dalka Ingiriiska, iyagana ay gudaha Soomaaliya dhibaatootin ka wadaan, oo ay dulmi, dhac iyo Dil ka geysanayaan.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), oo isna shalay jawaab ka bixiyay Warbixintan, ayaa qiray qayb ka mid ah eedaynta ay warbixintani u jeedisay, oo ahayd inuu waqtigii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ka ahaa Xukuumaddii hore ee Prof. Geedi uu Raashin mucaawimo ahaa ka joojiyay dad Qaxooti ah oo u baahnaa, balse wuxuu ku andacooday inaanay dhacdadu ahayn sida ay TV-ga iyo Wargeysku u dhigeen. “Waxay ahaayeen bilihii 4aad iyo 5aad ee sanadkii 2007 markii ay arrintaasi dhacday, Hase ahaatee, waxa xiligaa ku xanuunsaday Raashin ay WFP qeybisay Dad badan. Kuwaas ayaa markii aanu ogaanay aanu ka joojinay” ayuu yidhi Gacma-dheere oo warbixinta lagu eedeeyay ku tilmaamay mid dagaal siyaasadeed ah, oo ay ku wadaan Hay’adaha WFP iyo kuwo kale oo uu sheegay in khilaaf soo kala dhexgalay waqtigii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa.

Gacma-dheere oo markii uu ka jawaabayay Warbixintan ay wejigiisa ka muuqatay cadho badani, ayaa waxa uu sheegay inaanay Suxufiyiinta Warbixintan diyaariyay xaq u lahayn inay farogeliyaan ilaa Qoyskiisa. Isla markaana wuxuu sheegay in Ubadkiisu ay ku faraxsan yihiin Dhalashada dalka Ingiriiska ee ay qaateen. “Waa edeb-darro in uu wariyauhu ka hadlo Caruurteyda iyo Qoyskeyga, aniga uun buu iga hadli karaa..Qoyskeygu wuxuu la mid yahay boqolaalka Qoys ee Soomaalida ah ee ku nool dalka Ingiriiska, mana jiraan wax gaar ah oo ay dheer yihiin Dadka Soomaalida ah ee ku nool Dalka  Ingiriiska, weyna ku faraxsan yihiin in ay yihiin muwaadiniin British ah (Muwaadiniin haysta dhalashada Ingiriiska).”ayuu yidhi Gacma-dheere.

 


Qarax ka dhacay Itoobiya iyo khasaaraha uu geystay

Addis-Ababa (Ogaal/AFP)- Saddex qof ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen laba Qarax oo shalay ka dhacay gobol ka mid ah Gobollada dalka Itoobiya, toddobaad uun ka dib Qarax kale oo ay ku dhinteen saddex qof oo kale, oo ay Dawladda Itoobiya ku eedaysay inay ka dambaysay Dalwadda Ereteriya.

Labadan Qarax, ayaa waxa ay ka dhaceen laba Hotel oo kala duwan, kuwaas oo kala dambeeyay muddo ka yar laba daqiiqo. Mid ka mid ah qaraxyadan ayaa ka dhacay Hotel ku yaala Magaalo 595km dhinaca Koonfureed ka xigta Magaalo-madaxda Gobolka Oromada ee Negelle Borana ee Koonfurta dalka Itoobiya, ka dib markii waxyaabaha Qarxa lala beegsaday Hotel-kan. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Warfaafinta ee dalka Itoobiya Mr. Zemedkum Tekle, oo u waramay Wakaaladda Wararka ee AFP, ayaa sheegay in Kooxaha ka dambeeyay Qaraxani ay u qorshaysnayd inay mid kan ka ballaadhan la beegsadaan Hotel-kan. “Siday xaqiijiyeen warar aanu ka helnay dhinaca nabad-sugidda, qaraxan ka dhacay Gobolka Negelle Borena, ayaa dawladdu uga shakisan tahay inay ka dambeeyeen kooxo ay u qorshaysnayd inay qarxiyaan Hotel-ka” ayuu yidhi Mr. Tekle.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii sida ay qortay AFP uu qarax lala beegsaday Bas ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof Magaalo-madaxda Addis-ababa. Qaraxaas oo ay dawladduna ku eedaysay inay ka dambaysay Dawladda Ereteriya.

 

Qoraal uu Ergayga UN ee Somalia u diray Qurba-joogga Soomaalida iyo Ujeedada uu xambaarsan yahay

Djibouti (Ogaal/UNPOS)- Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, Mr. Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa Qoraal uu u diray Qurba-joogga Soomaalida ah, kaga waramay Shirkii waanwaanta ahaa ee ay ka dhex wadeen dhinacyada Somalia isku haya.

Sida uu faafiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Siyaasadda Somalia (UNPOS), Mr. Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu qoraalkiisa kaga hadlay wejiga labaad ee Shirkii ay Magaalada Jabuuti ku lahaayeen Xukuumadda Cabdilaahi Yuusuf iyo Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Somalia ee ay Qaramada Midoobay wadday, oo 31-ka bishan May oo ku beegan Axadda soo socota dib uga furmaya Magaalada Jabuuti iyo sidoo kale Wefti ka socda Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo booqasho 10 maalmood ah ku mari doona waddamo Somalia ka mid tahay.  

Qoraalkaas uu Wakiilka Qaramada u qaabilsan Somalia u diray qurba-joogga Soomaalida ah, isla markaana uu isagu ku saxeexnaa, ayaa waxa uu u dhignaa sida;

“Qoraalkii u dambeeyay ee aan idiin soo diro, ayaan idiinkaga waramay wada-hadalladii ugu horeeyey ee Jabuuti ka furmay intii u dhaxaysay 10 May ilaa 16 May 2008. Aragtidiina caawimada la-yaabka leh ee dhaqaalaha Somalia, taageeradiina iyo doorka dhaqdhaqaaq ee aad ku leedihiin Somalia awgeed, waxaan is-dareensiiyay in ay waajib I saaran tahay inaan sii wado la socodsiinta aan idinla socodsiinayo horumarka laga gaadhay wada-hadalladan.

Waxaan aad ugu faraxsanahay jawaab-celintii wanaagsanayd ee ka timi Qurba-joogga, kuna saabsanayd wejigii hore ee wada-hadalladii Jabuuti. Kaas oo shaaca ka qaaday sida aad daacadda ugu tihiin nabadda iyo xasiloonida.

Waxaan Qoraalkan idiinku soo qorayaa mar labaad, iyada oo uu qarka soo saaran yahay wejigii labaad ee wada-hadallada, si aan idiinku muujiyo muhiimadda aan ku soo lifaaqayo aragtida dadka Qurba-joogga Soomaalida ah, mid yar iyo mid wayn-ba.

Waxaan xusay in marka ay timaaddo falanqaynta nabadda ee Somalia, dalal badan ayaa eega wixii hore u dhacay, isla markaana hoosta ka xariiqa khilaafaadka iyo Dagaallada. Lama ogaysiin in aragtida Soomaalidu ay hadda isbededalayso. Dabcan, way jiri karaan dhibaatooyin, laakiin waa laga hortegi karaa oo waa laga gudbi karaa..

Waxaan jecelahay inaan tilmaamo in intii lagu gudo jiray wada-hadalkii hore ay dhinacyada Soomaalidu goob-joog ahaayeen waqtigii loogu talo galay, isla markaana ay joogeen xubnihii loo cayimay ee ka qaybgalayaasha wada-hadalka, lagana soo saaray gebgebadii warbixin wax-ku-ool ah.

Guulahan waxa la gaadhay bilowgii oo kaliya. Inta hawlahani socdaan, waxa bulshada Soomaalida ka dhex abuurmi kara dhibaatooyin, laakiin, walaalaha dhexdooda waa inay nabadi timaaddaa. Iyada oo loo eegayo is-fahamka iyo waddaniyadda Soomaalinimo, gudaha iyo dibedda dalkaba.

Kulanka soo socda ee Jabuuti waxa uu ka kooban yahay;

1- Wejigii labaad ee wada-hadallada, kaas oo mar kale loo cayimay ka qaybgalayaasha Soomaalida ah, bilaabmayana 31-ka May.

2-  Booqasho ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku imanayaan Jabuuti 2-da ilaa 3-da June. Waxaan ku marti-qaaday xubno ka mid ah Golaha Ammaanka inay booqasho ku yimaadaan Muqdisho, si ay iyaga laf ahaantoodu u arkaan xaaladda Somalia. Laakiin, waxaan ka xumahay ma iman karaan iyada oo lagu jiro xaaladdan nabad-gelyo darro. Hase ahaatee, waxay booqan doonaan Jabuuti, si ay wada-hadal ulaga yeeshaan xaaladda hadda ee Somalia, dhinacyada Somalia, Ururada Bulshada iyo dadyowga kale ee taladu ka go’do.
Socdaalkani wuxuu qayb ka yahay booqasho ay ku marayaan Afrika, oo ay ku tegi doonaan waddamo ay ka mid yihiin, Sudan, Chad, Congo iyo Ivory Coast.

Waan hubaa  sida aad daacadda uga tihiin muwaaddinimada Soomaalinimo iyo inaad naga taageeri doontaan dib-u-heshiisiinta dalkiina. Taas oo ah mid caqabad ku ah hawshiina hirgelinta nabadda.”

 

 

Madaxtooyada: Magacaabista masuuliyiin cusub iyo dhaarinta xubinta Komishanka doorashada

 

Hargeysa (Ogaal) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ,ayaa shalay Wareegtooyin uu soo saaray ku magacaabay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle  ee Somaliland.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada

 Waxa kale oo isla shalay u Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska iyo Taliye ku xigeenka ee Gobolka Buuhoodle.

Warsaxaafadeedku waxaa uu intaa ku daray oo lagu yidhi. “Madaxweynuhu isaga oo tix geliyay qodobka 90-aad  iyo qodobka 110-aad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn  ee gobolka Buuhoodle u leeyahay dhismaha Qaranka iyo baahida loo qabo Buuxinta Jagooyinka Maamulka Gobolka , waxa uu u magacaabay  Mudane C/rashiid  Yuusuf Kooriye Jaamac  inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle , Mudane Yuusuf C/laahi Maxamuud Hangool uu isna la wareego xilka Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle.

Sidoo kale , waxa uu Madaxweynuhu iyana u magacaabay Mudane Axmed Faarax Cali  ‘’Dhaga-cade’’ Taliyaha Qaybta Booliiska ee Buuhoodle  , Mudane Ibraahim Maxamed Cabdi uu isna ahaado Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Buuhoodle.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu farayaa Masuuliyiintaasi uu xilka u magacaabay in ay la wareegaan xilkaasi sida ugu dhakhsaha badan.

Waxa kale oo Maanta (Shalay) loo dhaariyay Mudane Cali Maxamed C/laahi oo ah xubinta cusub ee Xisbiga KULMIYE u soo Magacaabay Guddida Komishanka Doorashooyinka , xubintaasi cusub ee Komishanka oo Maanta uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare waxa goob joog ka ahaa oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha Somaliland , waxana uu bedeli doonaa xubintii hore  ee KULMIYE oo jagada iska casilay.”

 

 

Laascaanood: Ciidamada Booliska iyo hubka dhigista shacbiga

Laascaanood (Ogaal/W.Wararka) – Ciidamada Boliska magaalada Laascxaanood ayaa bilaabay shalay Ururinta hubka sharci darada ah ee dadka shacabka ahi magaalada la dhex maraan. Taasoo magaalada Laascaanood ka ahayd wax aan aad loola yaabin.

Ciidamada Police-ka ee magaalada Laascaanood ayaa sida ay wararku sheegayaan bilaabay mudooyinkan ugu danbaysay inay dadka wacyi galiyaan una sheegaan inay guryahooda ku haystaan hubka oo aanay ulla soo bixin ama la dhex marin gudaha magaalada Laascaanood, iyagoo sidoo kalena ku amray dadka in laga qaadi doono hubkooda haddii ay lasoo baxaan.

Dhawr qof oo shacabka magaalada ah ayaa waxaa laga qaaday hubkii ay la dhexmarayeen magaalada  kadib markii ay soo baxeen awaamiirtan ay ciidamada Police-ku ku amrayaan dadka shacabka ah inay hubkooda xaraystaan iyadoo hubkaasi ay ciidamada ku hayaan saldhigyadooda magaalada Laascaanood dadkii lahaana la faray inay iska tagaan.

Arintan ayaa waxaa si wayn usoo dhaweeyay dadka shacabka ah ee magaalada Laascaanood iyadoo ay hore  ujirtay intii maamulka Somaliland la wareegay gacan ku haynta magaalada dad badan oo sita hub lana dhex mara magaalada. Arrintanina waxay dhalisay in amniga magaalada uu si buuxda usoo noqdo.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa. 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.