Sidee baa u haboon ee umad shucuurteeda farxada u muujisaa, maxaase inaga reeban

Dhab ahaantii waxaan aad ugu faraxsanahay sida qiimaha badan ee umadeenu ay u muujiyeen shacuurtooda wadaninimo iyo abaabulka ay ka galeen maleenta soo celinta  xoriyada umada reer Somaliland ee 18may. sidaad la socotaan umada reer Somaliland waxay ka dabaal degeen dhamaan cirifyada dunida sida USA, CANADA, DHAMAAN SOMALILAND CAASUMADAHEEDA, UK.INDIA iyo meelo badan, waana wax ay yeelaan dhamaan qowmiyadaha aduunka ku nool, si kastaba ha ahaatee waxaynu nahay umad dhaqan, asal iyo diin facweyn leh kana tarjumaysa dhaqankaa kaasoo uu jiilba jiilka ka danbeeya usii gudbinayo. walaalayaal waxaan ka jawaabi kari waayey markaan ka arkay shaashada xafladii Caneda ka dhacday su,aal ay inan yar oo aan dhalay i weydiisay oo 9jir

 

(Waxay tidhi aabo calankeena waxaa ku yaal tawxiidka islaamka dadka oo dhan waa huwan yahay, hadana wey daansayaan, ama cayaarayaan, miyaaney qalad ahayn?)

 

Aqristaw bal u jawaab inantaa yar, waxaa taa dheer waxaa  ku dhex jira dad ajaanib ah oo ay ahayd in ay wanaaga islaamka u gudbiyaan, waxaaba taaba i qarso tidhi xitaa madaxtooyadii S/land baa taa mid aan ka duwaneyn ka dhacaysaa iyada oo SH. Maxamed yaasiin uu marqaati ka yahay iyo odayaashi inoogu dad waaweynaa ee laga dhowrayey in aybulshadooda dhaqan wanaag u horseedaan.

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa is weydiin mudan maxaynu ubadkeena dhaxalsiinaynaa? maxaa inoo diiday macaanka diinteena, ee inoo suurto gelisay in aynu ku noolaano xayo, sharaf, iyo wanaag.

 

Waxaan maalin fadhiyay maxkamad ka dhacday wadan aan Somali ahayn  oo  ay 3 Aabe ay ku murmayaan ilmo yar oo ay leeyihiin anaa dhalay iyo anaa dhalay, waxaa la weydiiyey hooyadii in ay furto marqaatiga, waxay tidhi waar anigu 3 ninba waan arkaye dee DNA halagu kala saaro kii aabaha ah, dhabtii arinkaas waxa uu ku tusinayaa xikmada guurka iyo dhaqankeena suuban ee uu ninwaliba Aabihii iyo tafiirtiisa garanayo, waxaan tusaalahaa u soo qaatay, waxaan ka baqayaa in dadbadan oo debedaha u soo baxay inagu keenaan dhaqan xumo.

 

Bal aqristow xaflada ka dhacday Cenada ee website Hadhwanaag ku jirta eeg , hableheenii oo sawiro lala dhacayo iyaga oo aad moodo in ay wada yihiin (photo models), hada doorkan waxay xidhan yihiin dharkii dhaqanka ahaa , laakiin waxaa la metelayaa hab masrixiyad ah oo qofwaliba quruxdiisa soo bandhigayo, maxaa la eegayaa ee ku xiga waa iyaga oo dharka dhaqanka ka taga oo loo tartamo Miss Toronto.

 

Fadlan dhamaan Websate raga editors ka ah waxaan ka codsayaa in aanay soo gelin xafladaha dhaqan xumada shabakadahooda , waayo waxa ay xumaanta u gudbiyaan cidwalba oo caruurteena ka mid ah doowatana waxaas. , hana laga illaaliyo dadkaas in ay saameeyn ku yeeshaan bulshadeena.

Waxaynu leenahay wax lagu faano, waxaynu ku kala garanaa 2jirka markaynu nahay waxa xun iyo waxa fiican, waxaan xasuustaa sidii wanaagsaneyd ee Aabahay ii tusaaleyn jirey waxa xun iyo waxa fiican,

 

Walaalayaal hadii aynu nimco helnay, oo alle nabad iyo nolol ina siiyey sidee u fiican oo ugu shukri celinaa, waxa aynu sameynay ma shukri celinbaa? sideese u fiican ee umadi shacuurteeda farxada u muujisa?, maxaase inaga reeban oo keeni kara cidhib xumo iyo cadho rabbi? su,aalahaas oo dhan waxa jawaabteeda kooban tahay in aynu dhaqankeena iyo diinteena ilaalino wixii cadho alle inagu keenayana ka fogaano, waxaa la halaagay umado badan oo inaga horeeyey markay nimcadii ka badatay ay xejin waayeen siday doonaan u socdeen, qaar dhulka alle lagooyey, kuwo dabeylo iyo roobab baa la tegey, kuwo duufaano, kuwo cuduro. Waxaan aad iyo aad iyo aad uga xumaaday rag wada gadh cas oo tin madow lagu ogeyn, hadana garan la,a waar aynu dhaqankeena ilaalino. miyaa xitaa tusaalle lagu qaadan waayey abaaraha iyo roob la,aantu, siday uga duwantahay marka nimcada alle inoo shubo, ma idinla tahay in waxa laga sameeyey 18 may qaaradaha kala duwan in ay ka mahad celinaysay nincadii alle inoogu deeqay? waa maya ee waxa ay ahayd jeesjees iyo wax aan wanaagsaneyn

 

 

waxaase la yaab leh miyaa dadkeygow la illaaweyn inay geeri ina wada sugayso ,bal aynu wada eegno dhaqankii ragii hore marka gabowgu soo gaadho, iyo siday isu dhawri jireen, tani waxa ay tusaale u tahay raga wada gadhka cas ee aan umada xumaha aan ka reebayn, iyaguna dhex fadhiya. abwaanku waxa uu ka dayrinaya dunida isaga oo isu diyaarinaya waxay tidhi maansadii Xunul qaatumo

 

Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye

Waxay Laxiba Xaw-xaadhataa xerada meesheede
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga

Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye
Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye

Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye

 

Alle haw denbi dhaafo abwaanka caanka ahaa, Aabihii Suugaanteena Salaan Carabeey , waxa aad gabaygiisa ka fahmaysaa ninku haduu weynaado in loo dhaamo aduunyo jeclaysi iyo iska daba ridkii, waxaan canaan u soo jeedinyaa dhamaan odayaasha r/somaliland meelwalba ha joogaane ee ogolaaday in calanka towxiidkana ku yaalo, leysdhexboodo, la cayaaro , la xishoon waayo, waxaan idinka baryayaa in alle haduu nagu simo sanadka soo socda 18may in si wacan loo farxo oo aan la talo xumaysan, waxaan idiinka tegeyaa maxaynu ooga tegeynaa jiilka soo socda oo dhaqan ah, miyaaney aheyn in risaalada Rasuulkeenii subanaa ee Maxamed SCW uu alle inoogu soo dhiibay in aynu ubadkeena u gudbino, walaahay baan ku dhaartaye waan werwerayaa, waayo waxaa isu key qaban waayey raga aan ka arkay qaaradaha aduunka iyo waxa ay ku raali ahaayeen.

 

wixii qalooc ah ee maqaalkeygan ka yimaada waan idinka raali gelinayaa, xikmadeydu waxay daaran tahay war cadho alle haynoo soo jiidina.

Amaana Allah

 

Maxamuud Raage Ibrahim

 

Birmingham

 

UK

 

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.