Riyaalow Maxaad geelayagga gobol u siin wayday.

Horta waad salaamantihiin shababkii reer somaliland meel aad joogtaabba, waxaan beryahan danbe mashruuc wayn noqday gobolo ku sheegii uu Madaxwaynaha mudadiisi dhamaatay bixiyay, goboladaas oo runtii aan wax macno ah ku fadhiyin maadaama gobladii ka waawaynaa ba ee ka horeeyayba ay biyo la yihiin, wadooyin la yihiin, shaqo la’aanni ka jirto oo aad ogtihiin in shacabkii badh u bada isku shubay baan beryahan waxan arkayay iyadoo beel waliba ay lee dahay waad naga tagtay oo goboladaa nagumaad darin dadka waxaas samaynaayna ay ku jiraan dad qurba jooga oo runtii nolosha runta ah ee wadanka og markaa aniga oo aad uga xun han yaraanta dadkaykayga ayaan waxan xasuustay in aannu Mr Riyaale ilaawin uun beelaha qaar ee aanu geeliiba gobol umagacaabin taas baa waxay igu keliftay in aan Madaxwaynaha mudadiisi dhamaatay in aan gobol u waydiiyo geelayaga.

 

Ku: Mudane Daahir Riyaale Madax waynaha Mudadu ka dhamaatay

Ka: Wax garadka geelayaga ee gudo iyo debadba

Mr Daahir anaga oo ku hadlayna kana wakiila dhamaan geela wadanka gudahiisa iyo debadiisa oo uu ku jiro geela Australia ee kuruska qudha leh iyo geela Mangoolia ee labada kurus lehi waxaanu aad uga xumaanay in aad ka tagto ama aad ilawdo in aad gobol u magacowdo geelayga, arintaas oo nagu noqotay filin waa Mr Daahir Riyaale waxaanay arintani nagu noqotay arin naxdin wayn nagu dhalisay maadama aanu ahayn geelii qaybta libaaxle ka soo qaatay in aad noqoto madaxwayne wallow xiligaagii iminka dhamaday hadaba anaga oo ka kooban aqoonyahanka, wax karadka, culumo awdiinka waxaanu halkan kaga soo jeedinaynaa codsi aad u balaadhan oo aannu kaga codsanayno in aad si deg deg ah aad geelayaga gobol noogu magacowdo.  Hadii aanu mudo gaaban war kaaga wayno waxanu u qaadanaynaa in aad ka kaaftoontay codka miisaankaa weyn ee geelayaga isla markaana waxanu yeeli doonaa in aanu xisbiyada macaaradka ah ku biro weliba kulmiye.

Codsigan waxa na soo gaadhsiiyay wax garadka hoos ku qoroan:-

Pro Baarqab (sideed jir jinacoobay)

duqdii dowlad

Hoobaan

gobyar

Dhuubaan

Madiix

Bluug iyo arka yare e sadex jirka ah oo ah chief caaqil)

casuur

tiix

damal

maandeeq

 iyo wax garad ad u badan isla beeshaa geela ka soo jeeda.

 

Abdikarim Hersi

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.