Qaybi oo xukun……..Arin aan duug ahayn.

Qaybi oo xukun, waa astaanta lagu burburiyo bulsho, la isugu diro, lagu bahdilo, laguna gumeysto, hadaba waxa nasiib darro ah in iyada oo la wada ogyahay in dhibaato tahay in bulsho lagu xukumo qaybin, In hadana la fahmi waayo, oo la yidhaahdo, magaalo heblaayo ayaa manta loo wanqalayaa, loogu dabaal degayaa gobolnimadeeda, yaa isweydiiyay, gobolada cusub ee uu sameeyay Rayaale waxay ku dhisan yihiin, mise dadkan ayaan ahayn dad wax fahma oo dhoohan.

 

Waxa kale oo aan isweydiiyaa anigu, aaway dadkii wax fahmi jiray.

Aaway culimadii, aaway waxgaradkii, aaway aqoonyahankii, mise maba jiraan waxaasoo dhan, ee anaa ismoodsiiyay inay jiraan. Waa yaab, xaqiiqdii, dal wa jiraaye dad baan jirin,

 

Gaajo, dullinimo, aqoondarri, waxaasoo dhami waa wax ay bulsho isku samayso. Waayo Alle subxaanahu watacaallaa wuxuu ina siiyay maskax, aynu kaga duwannahay noolaha kale, sabab, inaynu kala garano wixii saxda ah iyo wixii khaladka ah, iyadoo sidaas tahay ayuu hadana quraankiisa ku yidhi Alle swt ( waxkasta oo dunida dushiisa waan idiin fududeynay),  waa maxay sababta  dunida qaar ay caruurtoodu waxay u heystaan inaanay waayaynin ( for granted )  aanay u heysanin kuweena iyo kuwa Africa ee kale? Waayo?

Ma aabayaashood baa haysta maxkax ka weyn kuwa aduunyada kale ee Africa ka mid tahay? Ma aduunyada kale ee aan ka mid nahay ayaan waxba dhaamin xoolaha?

 

Haa waa run in Gaalada noloshoodu tahay aduunyada, waa run inaanay aakhiro waxba ku lahayn, waa run in muslim haddaan nahay aanay muhiim ahayn inaynu isku dhibno nolosha aduunyo, ee ay muhiim tahay inaynu waxeena sii horumarsiino. Taas macnaheedu maaha inaynu aduunyada ka shaqaysan wayno aakhirona u shaqaysan wayno. Tusaale way qoran tahay waxkasta oo bini aadanka uu marayo inta uu nool yahay. Maxaa loo fadhiisan waayay oo loo odhan waayay, way qoran yihiin wax kasta ee yaanan is dhibin? 

( innaa haddaynaahu sabiila immaa shaakiran wa immaa kafuuran) ayuu Eebe ku yidhi quraankiisa, Alle wuu awoodaa inuu qofkasta ku hanuuniyo wadada saxda ah, waxba kuma aha, qofkii wadada saxda maraya iyo qofkii leexanayaba waa loo tilmaamay labadaba, maskaxna waa la siiyay? Maxaa loo cadaabi waayay xoolaha, iyo noolaha kale ee aan ahayn bini-aadanka?

 

Aan soo qaato inaga Somaliland ahaan. Suaasha aan qofkasta oo somalilander ah aan weydiinayaa waxay tahay, miyaynu nahay bulsho u wada jeedda alla ka cabsi oo camal wanaagsan raadinaya, oo sidaas ayaynaan dan uga lahayn waxa aduunyada ka jira iyo waxa soo socdaba? 

 

Suaasha jawaabtedu waa maya, ma nihin dad u wada jeedsaday xagga eebe. Waa yahaye maxaa inoo yaalla aakhiro, guud ahaan iyo gaar ahaanba? Ma la is xisaabiyay? Ta labaad  ma nahay dad aduunyada wax la qaybsan kara oo ka fikira caruurtooda, iyo mustaqbalkooda?

 

Qofka marka ay nafka ka sii baxayso waxa loo sheegaa camalkiisa, kuwiisii horeeyay iyo kuwiisii dambeeyayba. Maxaa laga wadaa kuwiisa dambeeyay, waynu ognahay kuwiisa horeeyay waxa looga jeedee,  waxa laga wadaa wixii uu ka tegayo, haddii qofkaasi uu sameeyo tusaale ahaan wax wanaagsan oo dadka uu ka tagayaa ay ku dhaqmaan, ama wax ku samaystaan, ama ku noolaadaan, waa wax ajar uga soconayo illaa inta uu Alle doono,  ma isku mid baa qof dhisay majaajid, ama muslimiyay qof, iyo qof dadkii uu xukumayay ku abuuray gumaysi, iyo kala daadsanaan aakhiro? Waa maya ka masaajidka dhisay, ama xoreeyay naf  ajar baa uga socda markasta, lakin qofka ku fikirayay kursigiisa ee maamule ahaa, ee aan kaba fekerin barri baad ka tagiye wax dadka u wanaagsan, oo ay kaaga dambeeyaan kuna dhaqmaan in muddo ah u samee, dhibaatada uu uga tago bulshadiisaas isaga ayay luqintiisa tahay, isagaana la waydinayaa.

 

Hadaba qofka xumaan ku dhex dabaalanaya oo hadana la qaban waayo lana yidhaahdo adaa saxsan ka waran? Labo siyaabood baa dhalanaya haddii sidaas dhacdo

1)      in dadkaas ay la kulmaan masiibo, ay ka mid yihiin, sinaan la’aan, caddaalad darro, xaq darro, iyo kala daadsanaan.

2)      Iyo inay noqdaan dad isku baaba’a oo isku dhamaada.

 

Ta koowaad aan soo qaato, qofkaas wax maamula, waxa uu samaysanayaa wax isaga u dan ah mar kasta, waxa uu hantidii bulshada u isticmaalayaa danihiisa gaarka ah iyo ta reerkiisa, waxa uu qofkaasi adeegsanayaa wax kasta oo uu awoodo si uu u sii wato hawshiisa arxan darrada ah, taasina waxay sababaysaa, dilid, xidhid, cabudhin, bah dilid, oo uu markasta bulsho bulsho ugu dirayo. Ardaa ardaa ugu dirayo, taasina waxay keenaysaa kala daadsanaan iyo tafaraaruq.

 

Ta labaad, haddii maamulaha wadankaas uu dhinto, ama masiibo la kulanto dadkaasi way isku fara baxsanayaan, waayo maamulihii hore ayaa colaad kala dhex dhigay, isku diray intii uu ku dhex jiray,  Siday uga soo kabtaanna way adkaanaysaa, ilaahay u gargaara mooyee cid kale oo u gargaraanaysaa ma jirto. Sidaasayna ku baaba’ayaan bulshadaasi, caruurtoodii, iyo mustaqbalkoodiiba.

 

Rayaale wuxuu sameeyay gobolo badan, kuwaasoo ku dhisan qabiil, faysal cali waraabe wuxuu yidhi mar waa loo baahnaa mar hore, mar kale wuxuu yidhi fidno weeyaan, hadana wuu hadlay oo wuxuu yidhi waa wax loo baahnaa, Axmed Siilaanyo wuxuu yidhi waa wax loo baahnaa in la sameeyo mar hore, shacabku waxay yidhaahdeen, anaga haddii aan nahay reer hebel, degno degaankaas hanaloo sameeyo gobol noo gaara, culimo way ka aamustay, aqoonyahan wuxuu la saftay Rayaale, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siilaanyo iyo Shacabka Somaliland. Anaa soo hadhay iyo kuwa inna damiirka ku jiro waxaan nidhi, gobol la sameeyaa waxa ka muhiimsan in dadka dulmiga laga, daayo, daacad lagu maamulo, mustaqbalkooda laga fikiro, hantidooda lagu tabashleyn dunida inteeda kale, ugu dambeynna gobol qabiil ku dhisan aan marnaba la aqbalin.

 

Sababaha hadaba Rayaale u sameeyay Goboladan qabiilka ku dhisan waan garanay, oo waxay tahay qaybi oo xukun, wuxuuna ogaaday in dadka badankiisu aanay dan ka lahayn mustaqbalka caruurtooda iyo kuway sii dhalaan, Faysal Cali Waraabe isku hallayn ma laha oo waa ninka marba geed jaffa, marba wax ku hadla, ee aan lahayn mowqif adag oo loogu soo hagaago, Siilaanyo waa nin rajo ka qaba inuu madaxweyne u noqdo dalka, markuu ogaaday in ciyaar lala dheelay, ayuu doorbiday inuu dhankiisa ka dheelo, oo uu noqdo mid guuleysta, shacabka Somaliland waxay noqodeen kuwo gaajo iyo hanyari dishay, dhinacii loo jeediyo waa u jeedsadeen, aqoonyahan, labo ayuu noqday, ta koowaad reer buu ka dhashay oo reerkiisa inay qeyb hesho wax kasta oo la bixinayo ayuu doonayaa, ka labaadba waxa weeye waxa hunguri ka hayaa waxa la budlinayo, aniga iyo inta soo hadhay waxaan aaminsahay in wax kasta oo la sameeyo dar illaah loo sameeyo, wanaaggana lagu dadaalo, xumaantana laga hadho, wixii tafaraaruq keenayana laga fogaado mar kasta, kii xumaan wadana la qabto, kii wanaag wadana la garab istaago.

 

Ilmihii dhashay 1990kii hadda waa qaangaadh, muxuu hayaa? Waxba, halka kuwa kale ee aduunyadu ay ku jiraan jaamacad, mustaqbal leeyihiin, qof yar ama qof weyn ee  joogta Somaliland waxay niyadda ku hayaan qurbe waayo? 

 

Hadaba waxa muuqata in wax aqoon ah ama waayo aragnimo ahi aanay marnaba nagu kordhaynin, maalintii timaadaana ay tahay uun maalin kale oo sidii tii ka horeysay ku tagta, imisa sanno oo dambe ayaynu ku jiraynaa sedan aynu nahay, ee ku  dhisan, manta maxaan hayaa beri dan kama lihiye…..haddii la fikiri waayo waxay dhalaysaa, in caruurteena imanaysa qurbaha, iyo kuwa jooga ay noqdaan, kuwo baaba’a , kuwa bilaa diin noqda, kuwo bilaa xishood noqda, kuwa xasiishka suuqayda ku iibiya, kuwa daroogooyinka isticmaala, iyo kuwo bilaa nolol noqda. Hadhowna kuwaasi dambigooda waxa iska leh, waa inaga, haddaynaan ka talinin aayahooda, iyo sidii ay u badbaadi lahaayeen.

 

Waxaan cidkasta oo waxgarad ah kula tartamayaa inuu fikraddiisa ka dhiibto goboladan socda oo haddii aad leedahay waa wax sax ah aad keento sababaha ka dhigaya sax?

 

Alla hana garansiiyo wanaagga…aamiin

 

A Guled

This entry was posted in Other. Bookmark the permalink.

Comments are closed.