Komishanka oo Doortay Guddoomiyekuxigeen cusub

Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Guddoomiyekuxigeen u doortay Cali Maxamed Cabdulle (Cali Biikolo) oo dhowaan xisbiga KULMIYE u soo magacaabay Komishanka.

Sida uu sheegay war uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Komishanka, mudane Maxamed Ismaaciil Maxamed, Komishanku fadhi uu maanta yeeshay ayuu Guddoomiyekuxigeenka Komishanka ugu doortay Cali Biikolo, iyada oo xubnaha Komishanka oo dhami ay isku raaceen.

Waxana uu yidhi, qoraalka Guddoomiyuhu ku soo saaray go’aanka, “Mudane, Cali oo dhawaan ku soo biiray Komishanka Doorashooyina Qaranka, waxa uu buuxiyay jagadii uu baneeyay Mudane Xirsi Cali X. Xasan oo dhawaan xilka iska casilay.

Waxay dhamaan xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Illaahay uga baryayaan in Mudane Cali Maxamed Cabdulle uu ku garab-galo xilka loo doortay, isla-markaana waxay u rajaynayaan wada shaqayn hufan iyo xil-gudasho wacan.”

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.