Ceebeey Tacaal Aanadii Nageeye

CEEBEEY TACAAL AANADII NAGEEYE

Dhaqankiisa kii dilay

Diintiina baal maray

Dad miyuu u tudhaya?

Ummad waliba waxay hoodo iyo ayaan ku leedahay dhaqan suubban iyo akhlaaq aan dabciga dad ahaaneed guud marayn. Dadkuna waxay jecel yihiin in ay marka ay dhaqan kooda iyo diintoodu ay meel wada kulmiso in ay u xagliyaan diinta ay aaminsan yihiin. Ayaga oo aan dhaqankana baal marayn. Burbur, dhac, dil iyo dhagxumo kasto oo ay kulansadaan ummad waynta Soomaaliyeed waa mid aan marnaba suurtagal noqon doonin in ay lumiyaan dhaqankii iyo diintii ay aamin sanaayeen.

Haddaba buugaag badan oo af Soomaali lagu qoray oo aan akhriyey mid waliba heerku doona ha gaadhsiisnaade ma uu noqon mid jidhka iyo xubnaha oo dhammi ka dubaaxiyaan. Buugga la yidhaa AANADII NAGEEYE markasta oo aan soo xasuusto wuxuu noqday mid igu reebay argagax, murugo iyo baqo aan ka qabo mustaqbalka halka ay ummadda aanu dhaqanka wada wadaagna ay ku danbayn doonto. Haddana waxaan is waydiiyey waar buuggani ma adiga ayuunbaa akhriyey mise dadku fikradda buugga uu ku qoran yahay waa ay la dhacsan yihiin. Waxaan raadiyay dhammaan qoraalladii laga qoray, nasiib wanaag ku guulaystay ee maxaa igaga soo baxay. Tii aan ka akhriyey mid kasii dhiillo xun.

Aniga oo marwalba dhiirrigeliya in wax la qoro, in wax la qoraana ay tahay mid imaka innagu cusub ayaa haddana buuggani dhantaalay habkii qoraaga ee ummadeennu lahayd. Dhabar jab wayna ku riday in badan oo laab la kac ku ahaa qoraalku.

Waxaa kale oo murugo iyo ciil kugu dilaya marka aad xayaysiiska buugga aad aragto ee la leeyahay waxaa daabacday shirkad Soomaaliyeed oo aad odhanaysaa iyana miyay la qabaan dhacdada dabciga iyo anshaxa meesha kaga dhacaysa. Mise dhaqankii way iibsadeen oo lacag ayaa u gashay.

Waxaa ila soo gudboonaaday kaalinta shakhsi ahaan igaga aaddan marka ay dhacdo sheekadan oo kale. Ma noqon doono nin diintiisa iyo dhaqankiisa ka hagran doona sidii ay sameeyaan oo kale wax garadkan aan maqaaladooda aan soo qaadan doono. Kumana xad gudbi doono qoraaga xuquuqdiisa shaqsi ahaaneen. Haddaba waa kuwan qoraalladii aan tusaalaha u soo qaatay hoos ku qorane ila eega:

 

Khalid Jaamac Qodax(Xubin Ururka Akhristayaasha Hargaysa) Wuxu ka yidhi buugga :

Buuggu kama badbaadin iin, iyo tusaalooyin maanka iyo maskaxdu diidayaan, waxa uu qoraha buuggu inoo sawirayaa meelo badan oo ilma aragtey ah, oo jidhka bini’aadamka ka mid ah, waxa uu dharka ka saarayaa dhaqankii asturnaa ee aynu lahayn. Tusaale ahaan qofka buugga akhriya ee shisheeye ahi waxa uu sawiran karaa sheeko khaldan, dhanka kale waxa aad ka dhawraysaa in buugga ay arkaan Ciyaal iyo dumar, waayo, waxa ku jira meelo badan oo jidhku kaa dubaaxinayo, maanka iyo maskaxduna diidayaan, qaabka ay u qoran yahiin. Tusaale ahaan; tumasho, cabbid khamri, dhiig dad, kufsasho, cabbudhin, cadaadis, dhac, boob. Waa astaamo badan oo bogag badan oo buugga ka mid ah aad ugu tagayso oo dhex yuurura. Arrimo badan oo buugga ku jira marka aad aragto, waxa aad oggaanaysa aragtida abwaanka sheekadan curiyay iyo waxa uu dunidan ka aaminsan yahay, waa sheeko aad ka dhex akhrisan karto in qoraagu uu ku tagsan yahay arrimo badan oo aannu kala mid ahayn dad badan, ha ugu darnaato xagga dhaqankuye.


Haddana waxa uu Khaalid ka yidhi:

Qoruhu in uu tixgeliyo dhaqanka Soomaalida ayay ahayd, ee maaha in uu ku tunto ama ka soo qaato dhaqanno kale, sida reer galbeedka tusaalooyin ama dhacdooyin badan oo buugga ku jira”, waa odhaah ku soo dhacday maanka iyo maskaxdayda markii aan arkay meelo badan oo ka hor-imanaaya dhaqankeena suuban iyo diinta islaamkaba. Tusaale ahaan haddii qoruhu uu sarbeeb ahaan u dhigi lahaa meelo badan, daahna uu saari lahaa, waxa dhici lahayd qiimaha uu hadda buuggu leeyahay in uu ka sii fiicnaan lahaa. Waxse aad meelo badan ugu tagaysaa in uu dhaqankii rifay…….. rifay……….rifay………. oo bakhti ka dhigay qoraagu.

Dadka buugga farta ku fiiqay waxa ka mid ah Maxamed Baashe Xasan (Qoraha Guri waa Haween) waxaanu ka yidhi:

Sheekada “Aanadii Negeeye” kama badbaadin meelo la saluugi karo iyo in loogu dhex tago waxyaalo lagu yalaalugoodo. Halka ugu darani ee aan laga aamusi karayni waa kaalinta ku aaddan caalamka haweenka iyo xidhiidhka ina-rag uu la leeyahay. Sheekada oo dhan waxa ay haweenka ka qayb qaadanayaa u muuqdaan “sonkor-namaad” (macaan), ragga la macaamilayaana wada “macaan-jecel”. Si kale haddii loo dhigo dumarku waa wada “hilib dibad yaalla”, ragguna wada “haad-ka-adag” iyo “habar dugaag”. uu qalliinku ka dhacayey.


Haddana waxa uu ka yidhi:


Dhaqammada iyo milladaha dadyowgu isku si uma qaabilaan, isku sina uma qiimeeyaan qiyamta iyo hababka anshaxa iyo akhlaaqeed ee aadmigu dadka ku yahay. Isha qofka Alle caabudka ah ama muxaafidka u ah habka anshaxa dhaqan ee Soomaalida ay ku eegi kartaa arrimahan sare il ka duwan ayuu ku eegaa ninka reer Yurubka ama Ameerikaanka ahi. Buugaagta sheekada ee keennan “Aanadii Negeeye” la midka ah iyo aflaamta reer yurub iyo indhaha dadkooduba waa u caadi qaawinta dumarka, waxanay oggolaadaan inta uu soo bandhigay “Aanadii Negeeye” ee ku saabsan caalamka haweenka iyo xidhiidhka labka iyo wada raaxaysigooda. Dhinacaa mar laga eego buuggan cusubi waxa uu u muuqan karaa mid tub seeg ku dhacay ama taago cusub fananaya.


Waa sax in la soo bandhigaa dhaqammada foosha xun ee ka horjeeda akhlaaqda iyo anshaxa suubban, hase yeeshee intii loo baahnaa in la qaawiyo in ka badan ayuu qoraagu dharkii ka dhigay. Intii la asturi lahaa ayuu hu’gii iyo sharaftiiba ka siibay oo indhaheenna soo hordhigay. Waa taas fadeexaddii oo aan fur saarnayn cayayaanku fadhayo. Findhicilku ma xaaraan baa iyo soo hadalqaadkiisa ayaaban wanaagsanayn! Waa laga maarmi lahaa in insha la tuso caadh iyo candho aadmi oo sidii xoolaha la isku camcaminayo! Waxa ay ahayd qoraaga oo aqoon durugsan u leh dhaqanka iyo hiddaha ummaddiisu inuu taxgeliyo, una tudho hilayga iyo lingaxa anshax, akhlaaq iyo asluubeed ee hiddaha iyo dhaqanka iyo weliba caqiidada dadka ay farriintiisu ku socoto.

 

 

 

 

Akhristayaa buugga ka biyadiiday ma yara. Markanna Fu,aad (Bahda Mareegta farshaxan) ayaa yidhi:

Waxaa kaloo suurtagal ah, qarsoodina u dhici karta in xidhiidh hoosaad dhex maro wiil iyo gabadh, waxase maanku diidayaa markuu Raage ka furay inaabtidii oo albaabka muddo garaaceysay si kadis ahna ugu sheegtay inay ka xun tahay inay toosiso hase yeeshee markii ay gudaha sii gashay aragteyna in gabadhi la joogtay si aan xishood laheyn oo dhiiran afka ugu kala qaadey inay hawl dhameystirkeeda albaab garaaceedii gunaanadey uu isna si raganimo leh u qirtey. U fiirso akhristoow waa inaabtidii, waa gabadh dhalinyaro ah wax kaloo lagu tilmaamo la garan maayo aan aheyn inuu illaawey qoruhu cidduu ka waramayey oo uu isagoo ismoog wax ka qorey dhalin yaro degan dhulkan reer galbeedka ee ilbaxnimada meel khaldan ka bilawdey, mise kuwa dhulalkan shisheeye u dhashey buu laftigooda ka waremayey oo waa khalad farsamo ayaan nidhaahnaa, waayo hadalkaasi meesha ma qabto?

Haddana waxa uu yidhi:

Sheekooyinka ka waramaya xidhiidhka ka dhexeeya lamaanaha aan is qabin wuxuu ku xusay meelo badan, waqti badanna wuu u huray isagoo walibana faahfaahin dheeraada oon loo baahneyn ka bixiyey siday xidhiidhka aan habooneyn u wadaageen, halka uu dhicii, boobkii, iyo maamul xumaddii ka jirtay dalka,iwm uu si qalinku hagranayo uu u dul marey. Hase yeeshee malaha daabacaadda labaad ayuu u dhigtay oo ururintii ayuu ku jiraa dhacdooyinkaa oo faahfaahsan ama si ka mug weyna uu u soo xardhi doono haddii Ilaahay yidhaa.

 

 

 

 

 

Haddana waxa uu yidhi:

 

 

Marka la akhriyo buuggan ee la is yidhaa ka talo bixiya waxaa la odhan karaa waa buug qaab reer galbeed u sar go’an kana xuubsiibtay inta badan hab dhaqankii ummadeena. Waa buug qiraya sida ay diintu cilmi dhegood iyo dul xaadis inoogu tahay. Waa buug sugaya in Qoraagu qalinka si hagar la’aaneed u isticmaalo itaal meel uu dhigaba. Wuxuuna buugu u xardhan yahay qaabka reer galbeedku u qoraan buugaagtooda si ay u suuq geeyaan iyadoo xishood iyo dhaqan toosanba ka qaawan kuna ladha had iyo jeer soo bandhiga xidhiidhka lamaane aan si xalaal ah isku qabin.

 

 

 

 

 

 

Gunaanadkii:

Buug kasta oo la qoro waa waajib in laga dhaxlaa aqoon, waayo-aragnimo iyo cilmi. AANADII NAGEEYE se waxaa laga dhaxlay anshax xumo iyo dhaqan dumis. Waana buug dhaqanka Soomaaliyeed meel wayn ka istaagay ayna muddan tahay in aan la dhigin guri ay dhalinyaro joogto. Goobaaha buugta lagu kaydiyana ay tahay in aan lagu arag. Qorayaasha, Wadaaddada iyo inta uun damiirkoodu fayaw yahay waa in ay inta ay goorigoor tahay ka dhiidhiyaan. Waana in laga waantoobaa wixii dhegxumo ummaadda iyo dhaqankaba u horseedaya.

 

       

Qalinkii Caddaani Axmed

Hargaysa1@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.