Aragtidayda Muranka Miisaanka Maansada

 

 

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”  

Dhaqan ahaan sheegashada halabuurka iskuma aynu qabsan jirin, maansada oo ahayd waxa ugu badan ee la curiyana weligeed taariikhda soomaalida anigu kuma aan maqal laba qof oo lahaanteeda isku qabsaday. Halabuurkuna, sidiisaba, qofka uma lahaan jirin waxtar ka badan haybad iyo qurux uu ku xarragoodo, ninka kale ee xarragadaa ku qabsadaana wuxuu noqon lahaa bahal liita oo aan isagu xarrago samaysan karin. Xitaa dhaqanka cusub iyo nolosha magaalada ee ay fanka, suugaanta iyo weliba qoraalku lacagoobeen anigu weli ma maqal laba qof oo xuquuqda curinta ku murmaya. Taa waxaa caawiyey hiddaha oo sidaas ahaa. Waa ta sababtay xilligii dawladnimada in aan laguba baraarugin dejinta xeerar ilaaliya xuquuqda iyo lahaanshaha halabuurka.

 

Dhaqanka sidaas u hufan ee aynu caadaysannay haddii aynu wax burinaya maqallo waxaa inagu dhacaya xanaaq iyo weliba cabsi. Laakiin haddana khasab ma aha isku qabsiga mar walba in ay godobi ku jirto; waxaa jiri kara qalad dhacay iyo ismoodsiis ay labada dhinacba ka eed la yihiin. Sidaas darteed marka dhiillo caynkan ah la maqlo waxaa wacan in dhinaca samaha eegmada lagu horraysiiyo ilaa ay si kale caddaato, taas ayaana habboon in lagula dhaqmo khilaafka Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale” iyo Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ee ku saabsan kooda daahfuray xeerka miisaanka maansada soomaalida. Waa doodad ay mareegta Wardheernews.com ku dardargelisay waraysiga ay dhowaan la yeelatay Carraale:

 

http://www.wardheernews.com/Wareysiyo/05_wareysi_Diiriye.html.

Malahase waxaa habboon horta in aynu isla eego miisaankan maansada ee laga hadlayaa waxa uu yahay iyo waxtarka ku jira ogaanshihiisa ama barashadiisa. Macallin Carraale isaga oo soo koobaya waxa uu miisaankaasi yahay wuxuu ku sheegay:

 

1. Tiro cayiman oo meerisyada bah maanso ku dhismaan una gaar ah. Ka soo qaad Jiiftada oo meeriska u salka ahi ka kooban yahay shan dhawaaq oo afar shaqal dheere lee yihiin.

 

2. In bah maanso oo kasta laga rabo in kaalimo cayiman shaqal dheeruhu ka galo ama ka galaan haddii ay mid ka badan yihiin.

 

3. In la dhawro hormaynta bah maanso lee dahay, waayo way ku kala duwan yihiin bahuhu xagga hormaynta. Meerisyada haddii hormaynta wax laga beddello waxa ay isu rogi karaan bah maanso oo kale.

 

Weydiintuse waxay tahay, miisaankaas in la barto waxtarka ku jiraa waa maxay? Haddii aan la baranse, illayn awelba iyada oo aan la aqoon ayaa la maansoon jiraye, maxaa lagu waayayaa? Warcelinta waa lagu kala duwan yahay. Abwaan Gaarriye wuxuu rumaysan yahay waxtarka meesha ku jiraa in uu yahay iyada oo qofkii miisaankaa bartaaba maansayahan noqon karo! Maqaalkiisii berigaa waa kii ku bilaabay:

 

Maqal. Ma jeclaan lahayd inaad gabaydo? Mase og tahay inaan abwaannimada loo dhalan uun ee la samayn karo? […] Aniga ayaa kuugu macallin noqonaya sida loo gabyo ama loo heeso.”

 

Laakiin taasi run ma tahay? Aniga jawaabtaydu waa maya. Haa, maanso-curinta waa la baran karaa, waase arrin u baahan isku taxallujin iyo ku tababbarasho dhismaha iyo habdhaca meeriska maansada, ilaa qofka dareenkiisu dhadhansado lana qabsado. Marka ay taasi dareenka qofka la falgasho ayuu u gudbi karaa heer kale oo ah in uu dhab isu cabbiro oo aragtida iyo dareenka si habaysan maanso ugu soo gudbiyo isaga oo aan miisanka ku hawshoon. Taasna guusheeda dadku aad ayey ugu kala duwan yihiin iyada oo ku xidhan qof waliba duruufaha afeed, degaan iyo dadeed ee uu ku dhex koray ama ku dhex nool yahay. Taas waxaa ka baxsan hibada dhalanka ah ee ay dad gaar ahi lee yihiin kagana duwan yihiin cid walba oo kale oo iyaga duruufahaas oo dhan la wadaagta. Hibadaas dhalanka ahi waa ta kala duwi karta mataano weligood isku meel ku noolaa maansadana isku si u jeclaa oo haddana midkood noqon karo abwaan ka kalena amuume.

 

Shaqayn mayso, weligeedna shaqayn mayso, aragtida Abwaan Gaarriye ee odhanaysa miisaanka aan ku baree maansayahan noqo. 32 sannadood ayaa laga joogaa maalintii xeerka miisaanka la ogaaday, welina lama hayo qof ay taasi ka caawisay in uu afarrey curiyo. A M Yuusuf Waayeel oo ah nin aqoon wanaagsan oo taas hore uga hadlay ayaa Gaarriye ku careeyey:

 

”Ha ii sheego hal arday oo dusha ka wada qabtay ”miisaankiisa” ee tirshay maansooyin hallaasi ah oo ka qurux badan maansooyinkii hore.” – Miisaanka Tallaabad Geela, qaranimo.org, 2005/06/19.

 

Haddii ay sidaas tahay, oo aan barashada miisaanka qofna maansoyahan ku noqonayn, maxaa laga dheefay daahfurkeeda? Maxaase ka hadalkeeda loogu xabeebsanayaa? Jawaabtu waxay tahay, daahfurkan iyo barashadiisuba run ahaantii waxtar aan la koobi karin waxay u lee yihiin culuunta afka guud ahaan iyo aqoonta dhismaha maansada gaar ahaan. Halkaas ayuu khayraad badani ka buuxaa kana buuxi karaa. Waa aqoon loo adeegsan karo baadhitaanka aqoono kale, waana tallaabo bilaw ah oo wax badan lagaga ogaan doono dhismaha afka, maskaxda afkaa dhistay iyo sida ay u dhistay.

 

Ma ay fogayn goortii aan anigu ogaaday in arrintaa muran weyni ka taagan yahay; waxay ahayd sannadkii 2003. Waa muddo yar ka dib markii iigu horraysay ee aan akhriyey buug uu Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale” arrintaas ka qoray. Aniga oo sidaas u haysta ayey markaas in yar ka dib ila kulmeen saddex arrimood oo isu xilli dhowaa kala ahaana: 1) ”Diiwaanka Maansda Deelley” oo ay wada ururiyeen Axmed F. Cali “Idaajaa” iyo marxuum Ibraahin Cawad M. “Khooli” kaas oo aan helay sannadkii kaa xigay ee 2004; 2) Gaarriye qudhiisa oo bishii nofembar ee sannadkii 2005 markii uu Yurub soo gaadhay shakhsi ahaan arrintaa noogu sheegay; 3) iyo maqaal cinwaankiisu ahaa “Kumaa ah Aabbaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed: ma Carraale mise Gaarriye?”– redsea-online.com, jeenawari 2006, kaas oo uu qoray Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo”.

 

Buugga Carraale iyo saddexdaas arrimood dhexdooda intuba si ayey isu wada diiddanaayeen, waana ta kicisay xiisahayga iyo xiisaha ay dad kale oo badani masaladan u hayaan. Aniguna, in kasta oo aan isdiidmooyinkaas fikrado badan kala baxay, haddana waqtigu iima oggolaan in aan dabagal ku sii sameeyo. Sidaas darteed waxa aan halkan kaga hadli karaa waa aragtiyaha ilaa imika dhacdada laga dhiibtay waxa ay kala yihiin iyo waxa ay kala qabaan iyo guud ahaan cimilada ku gadaaman.

 

Ugu horrayn Carraale, sida ku cad buuggiisa ”Miisaanka Maansada Soomaaliyeed”, kaas oo ay ka muuqdaan baadhitaan iyo ufiirsasho badani, wuxuu si buuxda u muujinayaa in uu isagu daahfuray miisaanka maansada af soomaaliga. Buuggaas ka sokow wuxuu cuskanayaa marag isugu jira qoraallo, munaasabado iyo dad badan oo shaahid ahaa. Gaarriye isaguna wuxuu sheeganayaa, kuna adkaysanayaa, miisaankaas in uu isagu daahfuray, maraggiisuna waa maqaalka caanka ah ee lagu daabacay wargeyskii Xiddigta Oktoobar sannadkii 1976. Inta aan og ahayna Gaarriye ma uu keenin caddayn iyo markhaati kale oo u dhigma waxyaalaha badan ee uu Carraale garabkiisa soo tubay. Sidaas darteed run ahaantii doodda Gaarriye looma wadwadi karo sida aadka ah ee ta Carraale loo wadwadi karo.

 

Aniga oo ka duulaya talada ah in eegmada dhanka wanaagsan lagu horraysiiyo, bilawgii waxaan isgeliyey dareen ah: malaha daahfurka xeerka miisaanka maansada ee lagu muransan yahay waa fikrad ay labada nin ka sheekaysteen islana arkeen intii aan la shaacin, dabadeedna maalmo isu dhow si kala gooni ah u soo bandhigeen, iyaga oo weliba, haddii ay doonaan, u tartamaya kooda ku horreeya? Dareenkaa xooggan waxaa ila wadaaga dad aad u badan uu ugu dambeeyey suxufiga Wardheernews.com waraysiga uga qaaday Carraale kaas oo sidan wax u weydiiyey:

 

“Adiga iyo Abwaan Gaariye marna ma ka wada hadasheen arrinta miisaanka maansada? Xilligaad ardada wada ahaydeen, adiga iyo Gaariye xagga suugaanta ma ka wada sheekaysan jirteen? Markaad suugaanta falanqayneysaan, miisaanka maansadu ma soo dhex geli jirey?”

 

Waxaan malaynayey xilligaas in ay lahaayeen xidhiidh aad u dhow kaas oo ay wax ka beenoobeen markii uu Carraale sheegay in ay laba magaalo ku kala noolaayeen. Taas oo jirta haddana imikadan qudheeda malahaas meesha lagama saari karo, waayo haba kala joogeen Xamar iyo Marka e haddana shaki ma leh in ay lahaan kareen xidhiidh toos ah ama mid ay saaxiibbo u kala gudbiyeen. Waxyaalaha taa xoojinaya waxaa ka mid ah Faarax Abokor Khayrre “Faarax-askari” oo sida uu Carraale sheegay isla maalmahaas labada magaalo u kala gooshay isaga oo haya xogta dhiraandhirinta miisaanka maansada ee dhanka Carraale.

 

Dhan kale haddii aynu arrinka ka eegno, waxaa jirta xaalad dabiici ah oo labada nin u kala dhowaynaysa u fiirsashada iyo baadhidda abuurta iyo dhismaha maansada. Gaarriye waa maansayahan la mid ah maansayahannada badan ee soomaalida. Haddii uu ka mid yahay inta yar ee waxbaratayna aqoontaasi waa maaddada bayooloji oo aad uga fog afka iyo suugaanta iyo aqoontooda cilmiyeed. Maaddadaas ayuu bartay waxna ku dhigi jiray. Mar hore iyo jeer dambe toonna Gaarriye caado uma yeelan, loogamana baran, baadhitaan iyo qoraal ku saabsan afka iyo culuuntiisa. Wax kale iska daaye xitaa isaga maansadiisa dhowaan ayey dad kale u qoreen. Haddii ay dhacday in uu sannadkii 1976 arrinka sidan isugu shuqliyey caadi ahaan tallaabadaasi waxay noqon lahayd mid uu hawshan iyo degaankeeda ku sii dhex galo heerar kalena ula gudbo. Sow ma aha? Taasi haddaba sida la og yahay ma ay dhicin, ilaa maantana lama hayo eray qudha oo uu Gaarriye meel ku xarriiqay marka laga reebo maqaalka Xiddigta Oktoobar oo nus qarni kudhowaad laga joogo.

 

Isaga waxaa ka duwan Carraale oo markaaba ahaa nin aqoonta afka iyo suugaanta cilmi ahaan ugu dhex jiray, markaas iyo ka dibna looga bartay baadhitaanno arrinka ku saabsan. Weydiin aad u habboon oo ay Wardheernews.com weydiisay jawaabta uu ka bixiyey ayaa wax badan oo taa la xidhiidha ina tusaysa. Jawaabtaasi waxay ahayd sidan:

 

”Miisaanka waxa igu baraarujiyey barashada “meter”-ka Ingiriisida. 1972 kolkii na loo dhigay sida gabayga Ingiriisku u dhisan yahay, ayaan is weyddiiyey, keligay, kol haddii gabayga Ingiriisku dhiskan cayiman leeyahay, kii Soomaaligu lahaa mee? Waa sannadkaygii labaad ee kulliyadda (“sophomore year as an English major”). Waxa aan dareemay in Soomaaliguna leeyahay e aan la baadhin.”

 

Haddaba laba qof oo wax isku haya si loo kala saaro waa in la helaa cid ka garnaqda, ciddaasina waa in ay haysaa ama heshaa xog arrinka ku saabsan – sow tii la yidhi ”War la helyaaba talo la hel”. Tanina waxay u baahan tahay ugu horrayn dad xogogaal ahaa oo si toos ah wax uga yidhaahda. Hadraawi, Idaajaa, Rashiid-Gadhweyne, Siciid Saalax, Boobe, marxuum Khooli intaas iyo in kaleba sida la og yahay waagaas aad ayey isaga wada warhayeen isuguna dhowdhowaayeen, hawl ahaan iyo hiwaayad ahaanba, sidaas darteed wax badan baa laga ogaan karaa. Aniga oo taas u tooghaya ayaan eegay ”Diiwaanka Maansada Deelley” kaas oo ay wada ururiyeen Idaajaa iyo marxuum Khooli. Labadaas nin buuggaas arrinka waxay kaga qoreen faallo aad u gaaban oo sidan u dhigan:

 

”Miisaanka maansadu waa tirada iyo xiriirka ka dhexeeya shaqallada; shaqalka gaaban waxaa loo tiriyaa (1) ka dheerna (2). Waxaa wada dejiyey Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaarriye” (Xiddigta Oktoobar, Jan-May 1976) iyo Cabdillaahi Diiriye Guuleed.”

 

Hadalkaasi in kasta oo uu dhexdhexaad yahay haddana sida muuqata labada nin ee is’haya midkoodna kuma qanacsana. Idaajaa iyo Khooli iyaguna markii ay sidaas qorayeen khasab ma aha in ay ismaandhaafka ka garnaqayeen, waxayse ka ahaan kartaa xogogaalnimo ay sidaas wax ula socdeen. Haddiise ay muranka ogaayeen hadalkaasi wuxuu ahaan karaa eedkacarar iyo mawqif diblomaasi. Dhexdhexaadnimada aadka u digtoon ee labadaas nin waxay inagu baraarujinaysaa aamusnaanta dad kale oo badan oo arrinka ilaa bilawgii la socday. Markaa fikraddaas iyo tu walba oo kaleba si nuxurkeeda loo qiimeeyo horta waa in la ogaadaa murankani goortii uu soo baxay, iyo haddii uu horreeyey sababta markaaba wax looga odhan waayey.

 

Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo” isagu kama mid aha dadka arrintan xogteeda martida loogu yahay waayo soobixiddeeda waxba kama uu ogayn. Iyada oo ay sidaas tahay ayuu haddana soo bandhigay qoraal caynkan u dhiirran:

 

”… waxaan si aan madmadow lahayn u caddayn una sheegi labadaasi aqoonyahan midka ah aabbaha miisaanka maansada soomaaliyeed.”

 

Cabdiraxmaan-Barwaaqo si aan kala reebbanayn oo aad u xamaasad badan ayuu Gaarriye maqaalkaas ugu taageeray, isla markaana wuxuu ku maagay dadka garta dhinaca kale ka taagan. Duniduna waa sheeko iyo shaahide, sidii aynu soo xusnay Cabdiraxmaan kama mid aha shaahidkii dhacdada, xogta uu qoraalkiisa u cuskadayna ma aha ogaansho qof ahaaneed, waase gacan labaad uu saldhig uga dhigay maqaalka Xiddigta Oktoobar ee sannadkii 1976, kaas oo ah isla caddaynta qudh ah ee Gaarriye haysto. Ilo dhawr ah oo uu carrabbaabay kama uu soo saarin caddayn dhab ah oo fikraddiisa taageeraysa. Tusaale ahaan John William Johnson wuxuu ka soo xigtay oo keliya isla qoraalka uu ninkaas qudhiisu ka soo xigtay Xiddigta Oktoobar, taas oo aan daliil u ahayn in aanay isla xilligaas jirin qoraallo kale. Sidaas oo kale Barwaaqo marka uu lee yahay:

 

”Dr. B.W. Anderezejwski iyo Muuse X. Ismaaciil Galaal baa hormood u ahaa intii ku ididdiilatay, hambalyo, taageero iyo gacanqaadna waxay u fidiyeen aqoon yahankii kolkaa da’da yaraa ee arrinkan la yaabka leh soo bandhigay.”

 

Halkaa kuma uu sheegin labadaas aqoonyahan meesha ay taas ka yidhaahdeen. Isla markaa, haddiiba ay dhacday in ay Anderezejwski iyo Galaal maqaalka Gaarriye ku bogaadiyeen, iyaduna caddayn uma aha in aanay isla markaaba hawsha Carraale jirin, ama in ay ula jeedeen “Gaarriyow, adiga ayaa miisaanka daahfuray”. Barwaaqo isaga oo ina xusuusinaya qoraal uu marxuum Ibraahin-Khooli fikradda Gaarriye ku burinayey oo isla cishooyinkaas soo baxay wuxuu yidhi:

 

”Intii waxaas oo doodihi dhacayeen Brof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed xagguu isagu joogey? Ma xertii Gaarriyuu ahaa mise tii fallaagowdey?”

 

Jawaab uu Carraale siiyey Wardheernews.com ayaa malaha weydiintaas ku filan, isaga oo sheegay in uu isagu markaa ka shaqayn jiray magaalada Marka oo aan wargeyska Xiddigta Oktoobar ee laga hadlayaa iman jirin. Waxaase iyaduna judhaba meesha imanaysa weydiin kale oo ta Barwaaqo ka horjeedda: Intii uu Carraale buugaagtiisa Jaamacadda Umadda ka iibinayey, iyo intii uu kulanka caalamiga ah ee Hotel Jubba ka dhacay warqadda aqooneed ee daahfurkaas la xidhiidha ku soo bandhigayey, Gaarriye xaggee buu jiray? Muxuu dacwaddiisa u sheegan waayey?

 

Qoraalkaas uu Barwaaqo arrinka kaga hadlay sida aynu sadar walba ka arkayno, garsoor xaq ah ma aha, wuxuuse uga dan lahaa oo keliya in uu Gaarriye ku gar iyo garab siiyo, gar- iyo garab -siintaas oo sababo badan yeelan karta. Kollay waxaa hubaal ah in uu Gaarriye iyo maansadiisa si gaar ah u qaddariyo.

 

Taageeradaa xagjirnimada ah Cabdiraxmaan wuxuu ku sii xoojiyey fikrado uu ku daray maqaal dambe oo la yidhaahdo ”Miisaanku waa furaha kala asooridda badaha maansooyinka soomaaliyeed”, redsea-online.com, meey 2007. Iyo buuggiisa cusub ”Mahadhada iyo Waxqabadka M. X. Dhamac ’Gaarriye’”, Hal-aqoon publishers, 2007. Dabadeed waxaynu xusuusanaynaa meerisyo ku jiray ”Silsiladdii Xaydha” oo ahaa:

 

Haddii aan mudducigii gartaa marag u soo joojin

Oo aan muddaacaley wallaha lagula soo meerin

Waa ila maroor ’Caamiroow moosku kugu ciirye’.

 

Haddaba waxa halkan looga baahan yahay waa dadkii arrinka u warhayey oo ka hadla, ugana hadla si xaqsoornimo iyo xilsanimo leh. Xaqsoornimada maanta halkan looga baahan yahay caawin mayso oo keliya xallinta mashaqadan, waxayse kale oo dawo, kalsooni iyo hiil u noqonaysaa dhacdooyinka la midka ah ee soo dhex geli kara dhaqanka aqooneed iyo suugaaneed ee soomaalida.

 

Si walbana ha ahaatee arrintan guud ahaan ilaa imika waxaa ku jira dhaliilo dhawr ah oo ay tahay in laga saaro kuwaas oo kala ah:

 

1) Labada nin ee ismaandhaafsan oo aan waraysigan uu Carraale siiyey Wardheernews.com ka hor fikraddooda si toos ah oo habaysan oo rasmi ah u soo gudbin si waxa ay kala sheeganayaan loola ogaado. Carraale maanta ka hor meel uu arrinta kaga hadlay ma aan maqal, Gaarriye isaguna erayo duulduul ah ayuu meelahaas ka yidhi.

 

2) Dadkii xogogaalka ahaa oo aan wax la cuskan karo arrinkana lagu iftiimin karo weli laga hayn marka laga reebo bidhaanta dinniiqa ah ee ay Idaajaa iyo Khooli ina tuseen.

 

3) Kalsoonidarro xad’dhaaf ah oo ay soomaalidu nafteeda ku qabto taas oo keentay in wax walba shisheeye loola irkado, eray walba oo ay soomaalida ka yidhaahdaanna la weyneeyo, xitaa afka iyo suugaanta loo dhashay, iyada oo ay meel walba tuban yihiin soomaali uga xogogaalsan ugana aqoon badani.

 

Gabagabada hadalkayga, aniga waxay iila muuqataa garta meesha taal sida la moodi karo in aanay u adkayn haddii qodobbadan hoose caddayn loo helo:

 

1) In ay caddaato buugga “Gorfaynta Gabayga” ee uu Carraale ka iibiyey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed sannadkii 1976 iyo qaybtiisii kale ee isla sannadkaas in uu miisaanku gabaygu ku qorraa.

 

2) In ay caddaato Faarax Abokor Khayrre ”Faarax-askari” isaga oo daahfurka Carraale ee Marka ka dhacay xogogaal u ahaa isla jeerkaas in uu Xamar tegay.

 

3) In ay caddaato munaasabadda uu Carraale lee yahay: ”Aqoon-is-weydaarsigii ugu horreeyey ee 1979 lagu qabtay Hotel Jubba ninka keli ah ee warqad miisaanka maansada ka hadlaysa ka qoray, kana akhriyey waa Cabdillaahi Diiiriye Guuleed (aniga). Raggan iminka wax ka sheeganayaa way wada fadhiyeene maxay tarkooda ula iman waayeen?”

 

4) In ay caddaato dadka xogogaalka ah ee uu Carraale markhaatiga gashaday in ay isaga u yihiin maragfur togan.

 

Afartaas qodob mid qudh ah oo ka mid ahi haddii uu dhaboobo xaqiiqo ahaan garta guusheedu Carraale ayey si fudud u raacaysaa. Hadalkaasina ma aha taageero aynu sida Cabdiraxmaan labada dhinac mid siinayno, waase raadinta runta iyo qiimaynteeda.

 

 

Ibraahinhawd@hotmail.com

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.