Sannadguurada 17aad ee Guushii EPRDF ku qabsatay Itoobiya oo laga xusay Hargeysa: Wakiilka Itoobiya oo beeniyey warar saxaafadda Hargeysa faafisay

Hargeysa (Somaliland.org) – Xaflad lagu maamuusayey xuska sannad-guuradii 17aad ee ka soo wareegtey maalintii Jabhadda EPRDF xukunka Itoobiya ka tuurtay Taliskii Mingiste Haile Marian, May 1991 oo ku beegnayd maanta ayaa caawa lagu qabto Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey xafiiska Ganacsi ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa, waxa lagu martiqaaday oo ka qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda Daahir Riyaale iyo xisbiyada mucaaridka ah. Sidoo kale, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha samafalka ee jooga dalka, ururrada bulshada rayidka ah iyo martisharaf kale oo badan.

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa, Wubishet Dimise oo xafladdaas hadal kooban ku furay ayaa u mahadnaqay dadkii ka qaybgalay, waxana uu ka waramay halgankii dheeraa ee Jabhadda ka talisa Itoobiya u soo martay guusha ay gaadheen maalintan oo soo afjareen halgankaas. Waxa kale oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibaddaas wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Dhinaca kale, Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa, Atto Dimise waxa uu shalay si kulul u beeniyey warar ay faafiyeen wargeysyada ka soo baxa Hargeysa qaar ka mid ah, kuwaas oo sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay sheegtay in Somaliland uu soo maray hub u socdey Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho, kana yimi dhinaca Erateriya, iyada oo ka jawaabaysa warbixin laga akhriyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ku eedaynaya Itoobiya in hubka ciidamadeeda Muqdisho laga iibiyo kooxaha kacdoonka wada.

Wakiilka Dowladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa oo shalay u warramay Telefishanka Madaxtooyada laga maamulo waxa uu sheegay in hadalkaasi aanu ka soo bixin wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, balse, waxa uu sheegay in hadalkaasi uu ka mid ahaa warbixinta Qaramada Midoobey loo diyaariyey ee ay ka jawaabeysey wasaaraddu.

Inkasta oo uu danjiruhu warkaas beeniyey haddana beryahan dambe waxa xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya, gaar ahaan, hawdka gobolka Togdheer iyo Hargeysa lagu arkay ciidamo aad u laxaad badan oo dowladda Itoobiya soo dhoobtay dhulkaas, taas oo muujinaysa inuu jiro dareenka Itoobiya ka qabto hub uga gudbi karo Somaliland kooxaha ku kacsan ee ka dagaalamaya Muqdisho.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh iskaashi oo dhinaca nabadgelyada ah sannado badan.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.