Shirweynahi Xisbiga Kulmiye Ee Sweden Oo Guddi Cusub Lagu Doortay (Daawo Sawirada)

Shirweyne ay yeesheen taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga KULMIYE Sweden kana dhacay Caasimada labaad ee Gothunberg ayaa lagu doortay Gudigii hogaaminta Ee xisbiga Kulmiye Sweden.

Ergooyinkaa oo ka kala yimi gobalada kala duwan ee wadanka ayaa waxay si saraaxadle uga doodeen Ajandayaashii horyaaley shirweynaha Kulmiye Sweden.Ugu horayn waxaa shirka ku furay aayado quraan ah Sheekh ibraahim Ismaaciil ,waxa uga danbeeyey oo Kelmedo soo dhoweyn ah halkaa ka jeediyey Cali Mohamed X Xasan oo ku hadlayey afka jaaliyada Kulmiye Gothunberg ee Martida loo yahay wuxuuna ka xog waramay ujeedada shirka iyo ajandayaasha horyaalay.

Intaa ka dib waxaa si habsami ah u bilowday shirkii ay si wada jira u daadihinayeen Cali Mohamed X xasan , Mubaarak Qoorubaxay iyo Mohamud xaaji Aadan. Waxaa warbixin mug leh oo faahfaahsan shirka ka jeediyey gudoomiyaha Kulmiye ee Stockholm Xasan saleebaan oo ka waramay waayihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga Kulmiye,waxa kale oo uu halkaa ku soo bandhigay mashruuc hawleedka shaqo ee ku aadan wada shaqaynta iyo isku xidhka xisbiga Kulmiye Sweden arintaas oo aad loogu guuxay.Wuxuu kale oo ka hadlay sidii Xisbiga kulmiye hormuud uga noqon lahaa citiraaf raadinta oo aan maanta lagu halayn karin cid keliya.

Waxaa kale oo halkaa hadal qiimo leh ka jeediyey Cali khadar oo ka hadlay sidii dardar loo gelin lahaa dhinaca abaabulka iyo wacyi gelinta taageerayaasha xisbiga iyo shacbiga Somaliland iyada oo loo marayo dhinaca warbaahinta. Waxaa kale oo dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Cismaan Abshir oo ka hadlay duruufaha siyaasadeed ee maanta Somaliland ka jira iyo Aragtida caalamka ee ah saluuga dib u dhaca doorashooyinka. Waxaa shirka lagu gaadhay go aamo dhaxal gal oo ku saabsan danaha xisbiga iyo sidii dardar loo gelin lahaa waajibaadka balaadhan ee Umadu ka sugayso xisbiga kulmiye oo ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada siyaasiga ah ee ka jira wadanka somaliland.

Intaa ka dib waxaa la galay doorashada gudigii hogaaminta xisbiga kulmiye sweden,Gudigaas oo xilka hayn doona mudo hal sano ah oo ku eg 24.05.2009 inta la isgu imanayo shirweyne kale. Waxaana lagula dardaarmay inay xilkooda si wadaninimo ah uga doo dhalaalaan,ilaahayna waxaa looga baryey inuu u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee dusha loo saaray.

Magacyada Gudiga Hogaaminta Kulmiye sweden ee La doortay waxay kala yihiin.

 

1- Ahmed Ibraahin Gudoomiyaha Kulmiye Sweden.

2- Cismaan Abshir Gudoomiye kuxigeenka Kulmiye sweden.

3- Mubaarak qoorubaxay, Afhayeenka Kulmiye Sweden.

4- Mohamud xarbi Xoghaya kulmiye Sweden.

5- Mohamud Xaaji Aden khasnajiga Kulmiye sweden.

6- Waxa kale oo la doortay labo xubnood oo haween ah oo gudiga xubno ka noqon doona.

Intaa ka dib waxaa shirkii kelmedo mahadnaq ah ka jeediyey Gudoomiyaha cusub ee Kulmiye Sweden Mr Ahmed Ibraahim isaga oo ka codsaday in hawsha aan keligood lagu siidaynin ee xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye sweden dhamaantood hawsha la garab galaan si loo gaadho ujaadeda la higsanayo. Wuxuuna halkaa ku soo xidhay kelmedo duco ah. Sidaas ayuuna ku soo gebgeboobay shirkii lagana soo dareeray iyada oo nayaayiro iyo farxadi dadka ka muuqato. 

Wa bilaahi tawfiiq. 

Afhayeenka kulmiye Sweden

Mubaarak qoorubaxay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.