“Hargeysa Waxa Meel Loogu Xidhay Hadhaagii Faqashta, Meesha Cawil-Kii, Hangashta Ee …….” WARAYSI JAAMAC M. QAALIB.

 Guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya ee uu fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee wadanka Ereteriya Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare), oo ah siyaasi aqoonyahan ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan midnimada Somaliya, ayaa qiray khilaaf ka dhex jira madaxda sare ee isbahaysigaas, waxase uu beeniyay suurto galnimada bur-bur ku yimaada isbahaysigaas.

Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, oo uu wargeyska Geeska Afrika shalay khadka Telefoonka kula yeeshay waraysi khaas ah, isaga oo ku sugan magaalada Asmara ee Ereteriya, waxa uu ka hadlay aragtidiisa Somaliland, waxaanu eedaymo u jeediyay qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland oo uu ku tilmaamay hadhaagii faqashta.

Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, oo xiiso badani wuxuu u dhacay sidan:

Sidee ayaad u aragtaa xaaladda dalka Somaliya ku jiro?

Xaaladda Somaliya way adagtahay oo meel adag ayay maraysaa, laakiin Somalidu waxay tidhaahdaa raqba waa ku rageed, sidii loogo gudbi lahaa uun in laga shaqeeyo weeye.

Jaamacoow, waxay wararku sheegayaan in isbahaysiga aad ka tirsantahay ee dib u xoraynta Somaliya uu khilaaf soo dhex galay oo uu qarka u saaranyahay bur-bur. Taasi ma jirtaa?

Khilaaf waa jiraa ee bur-bur ma jiro, mana filayo inuu bur-bur dhacayo, isbahaysigu waa jabhad oo kale, jabhaduhuna dhibaatooyinkan oo kale way soo wada mareen oo qolo walba waxaas oo kale way ku dhacaan. Markaas khilaafka dhacay cid ayuun buu gar siinayaa, markaas waxaan isleeyahay cidda garta hesha ayuun baa wadi doonta. Markaas inuu burburayo ma filayo, laakiin khilaaf waa jiraa oo lama dafiri karo.

Labadii Shariif ee Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo hoggaamiya isbahaysigu halkee ayay hadda ku suganyihiin?

Djibouti, ayaan anigu ku ogaa.

Suurto gal ma tahay inay Ereteriya dib ugu soo laabtaan?

Suurto gal way tahay, laakiin inay imanayaan iyo in kale iyaga ayay ku xidhantahay, oo xagga Ereteriya dhibaato ma jirto oo waa lagu soo noqon karaa.

Ma kuu muuqataa wax suurto gal ah oo ah inaad xoog kaga saari kartaan Somaliya ciidamada Itoobiya?

Dariiq kaleba ma banaana, waayo ciidamo xaq darro ku jooga oo ku soo duulay weeye, haddaba way fashilmeen oo way madheen, haddana waxa la leeyahay lama ogola in la saaro, sababta aan loo ogolayn in la saaraa waxa weeye Maraykan baa wuxuu ka baqayaa iyagoo fashilmay oo haddana madhay inay baxaan. Meles Zenawi wuxuu sheegaa boqolaal oo saddex raqam ma dhaafiyo tirada ka dhimatay, annaguna waxaanu ognahay inay shanta raqam dhaafeen macnaha toban kun iyo wax ka badan yihiin waxa kaga dhintay. Markaas waxaas uu qarinayo haddii iyaga oo fashilay haddana intaas oo dhimatay la tago, Meles waa lagu kacayaa oo wax la odhanayaa maxaa la soo kordhiyay. Imika waxa la leeyahay ciidamo kale ha lagu bedelo iyo arrimo noocaas ah, markaas ciidamo kale Somaliya ma u baahantahay mise uma baahna, waa wax laga tashan karo oo Somalida ayay u taalaa, dad badanina waabay qabaan in loo baahanayahay ciidamo kale, laakiin waxaan marnaba la ogolaan karin ciidamo bedela ciidamada Itoobiya, sababtoo ah ciidamada Itoobiya nabadna uma iman ee waxay u yimaadeen inay wax dhacaan, wax boobaan iyo inaanay Somaliya degin. Markaas inay tagaan mooyaane, in la yidhaahdo ciidamo bedelaya hala helo, bedelkaanu diidaynaa, ciidamo kale waa la keeni karaa haddii dalku u baahanyahay, kuwaas qudhooda sida lagu keeni karaa waa inay tahay si Somalidu isku ogoshahay, waa inay noqdaan ciidamo aan Cabdillaahi Yuusuf wax u midiidinaynin laakiin dan Somaliyed qabanaya, laakiin waxaan marnaba la ogolaan karin in la yidhaahdo kuwa Itoobiya hala bedelo, dariiqii ay ku soo galleen inay ku noqdaan weeye. Ma kicin kartaan ayaad I weydiiseen, haa waa la kicin karayaa oo khasab ayay ku kici doonaan.

Markaas, ma waxaad leedahay wax wada hadal ah lama galayno Cabdillaahi Yuusuf tan iyo inta ciidamada Itoobiya joogaan Somaliya?

Qosol gaaban. Midhka la isku haystaaba waa kaas, odayadaas aad sheegayso [Labada Shariif] waxa lagu xujaynayaa waxa waxay rabaan inay qoladaas hadal la gallaan, lamana ogola taas, dastuurka ayay ku taalaa oo sababtu waxa weeye maxaa lagala hadlaa, General Gabre ayaa u taliya Cabdillaahi Yuusufka aad sheegaysaane. (Gen. Gabre, waa taliyaha ciidamada Itoobiya ee Somaliya jooga.]

Waxaan xasuustaa Sheekh ah qoladan la yidhaahdo Wahaabiyada, ayaa maalin na siinayay muxaadaro, aniguna wahaabi ma ihi, waxaanu wadaadkaasi ku kacsanaa qolada la yidhaahdo Suufiyada ee la yidhaa xabaalaha ayay siyaartaan. Markaas wuxuu yidhi sharaf waxa ah qofkaaad wax weydiisanaysaa inuu ku maqlayo, macnaha inuu noolyahay, sharaf labaad waxa ah waxaad weydiisanayso inuu awood u leeyahay, maxaa lagala hadlaa, wixii lagula hadli lahaa haddii aanay awood u lahayn. Masaajid tabliiqa ayaa la baabiiyay oo dad lagu laayay oo carruur laga kaxaystay oo ay ku leeyihiin cadow ayay iska celinayeen si waxaanay Itoobiya rabin aan dhegahooda looga maqlin. Ma kuwaas ayaa lala hadli karaa?

Magaalada Hargeysa ee aad ku barbaartay una dhalatay, goorma ayaa kuugu dambaysay?

Waxa iigu dambaysay Juun, 2003, markii la igu xidhay.

Mar dambe ma isleedahay ku soo noqo?

Haddaan is idhaahdo wax baad ka qaban karaysaa waan ku soo noqonayaa, waayo maxaan ugu soo noqon waayay, laakiin intaanan islahayn wax waad ka qaban karaysaa, waxa ka wanaagsan meeshii kale ee aan isleeyahay wax baad ka qaban karaysaa inaan ku eekaado.

Oo waxaas aad isleedahay waad ka qaban karaysaa muxuu yahay?

Dee waxaan qaban karayaa, koox faqashtii ka hadhay ayay u xidhantahay afkiina, laakiin mid aan cidna u xidhnayn oo dadka ka dhaxaysa weeye tani, markaas ama wax hala qaban karo ama yaanan qaban karine, kolayba dedaalkayga ama aan fashilno ama aan najaxne, meel aanay cidina caqabad kugu ahayn inaad wax ka qabato weeye arrimaha Somalida ee ballaadhan.

Markaas weli miyaad ku dhegentahay aragtidii aad kaga soo horjeeday gooni isu taagga Somaliland?

Anigu gooni isu taagan aad sheegaysaa inaanu dan idiin tahay ayaan aaminsanahay, sababtoo ah Xabashida oo meel yar idinku oodata ayuun baad ku ordaysaan ee wax kale oo aad haysaan ma jirto.

Jaamacoow, haddii la yidhaahdo Somaliya 18 sanno ayaanay waxba ka soo jeedin, Somaliland-na nabad ayay samaysay, doorasho iyo Dimuqraadiyad ayaa ka hirgashay ee aan taageerno, fikirkaasi ma kuula muuqdaa mid macquul ah?

Adeer horta nabadu way wanaagsantahay, waana wax la isku amaani karo, laakiin nabad aan xornimo lahaynina macno ma laha. Dadkii Somaliyed ayaa maalin walba xabashi loo dhiibayaa ee taas maxaad u taqaanaan. Nabadda ayaynaan si u wada aqoon, haddii aad leedahay dadkii meesha joogay isma hayaan waa macquul oo way wanaagsantahay.

Ma kuu muuqaataa wax suurto gal ka dhigaya in Somaliland aqoonsi ka hesho beesha Caalamka?

Waa wax dhici kara, oo ma odhanayo ma dhacayso, laakiin waxaan ka hadlaynaa ma wanaagsantahay mise ma wanaagsana. Waa wax dhici kara oo wax aan dhici karini ma jiraan.

Kaba soo qaad adiga oo Oday Somaliyed ah oo fikirkaaga aaminsan, ma kuula muuqataa inaad Hargeysa timaado oo aad ka shaqayso nabadda iyo horumarka Somaliland, maadaama oo aanay Somaliya waxba ka soo naaso caddayn?

Waxaan ku leeyahay, Hargeysa waan iman karaa oo waa magaaladaydii oo dhibaato ma leh, laakiin waxa meel loogu xidhay hadhaagii faqashta, meesha Cawil, Kii Hangashta Hargeysa ee Ismaaciil uu madax ka ahaan jiray iyo Rayaale oo NSS-ta ahaan jiray ay ka talinayaan. Marka kuwaas laga xoreeyo mooyee hadda maxaan la qaban karaa, maxaa ka faa’iido ah inaan ku soo biiro.

Saddexda hoggaamiye siyaasadeed ee Daahir Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe sidee ayaad u aragtaa?

Taas sidaan u arko ma doonayo inaan hadda galo, anigu keliya waxaan khilaafsanahay inay qoladii hadhaaga ka hadhay ay taladii u xidhnaato oo inta kalena ay iyaga uun baryaan.

Laakiin, Jaamacoow Daahir Rayaalehan aad leedahay waa hadhaagii faqashta, dee doorasho ayuu ku yimid oo dadka ayaa doortay?

Wuxuu doonayo ha ku yimaado, waa hadhaagii faqashta uun.

Ugu dambayn, maxaad dadka Somaliland odhan lahayd?

Marka u horaysa nabadu way wanaagsantahay oo dadku way ku amaananyihiin oo qolada madaxda lagu sheegaa had iyo jeer intaas mashaakil ayay abuurayaan, haddii aanay dadka ahayna mar hore ayaaba la isku madhan lahaa, dadka waxaan ku ammaanayaa nabada ay ilaashadaan laakiin ma hayaan siyaasadii ay meel ku gaadhi lahaayeen.

Source: Wargeyska Geeska Afrika

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.