“Mudane Madaxweyne, wixii khuseeya arimaha doorashooyinka waxaanu kuula macaamilaynaa gudoomiyaha xisbiga UDUB,” Komishanka Doorashooyinka oo jawaab ka bixiyey Hadalkii Riyaale

Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa jawaab ka bixiyey khudbaddii Madaxweyne Riyaale shalay u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka oo uu dhalliil ugu jeediyey Komishanka Doorashooyinka iyo dhalliilo iyo eedaymo hore oo Madaxweynaha iyo xisbigiisa UDUB qoraallo ugu gudbiyeen Komishanka.

Komishanka Doorashooyinku waxa uu hadalka Madaxweynaha kaga jawaabey warsaxaafadeed xambaarsan xogwarran, garnaqsi, badheedhaha Komishanka iyo talabixin ku wajahan xaaladda oo uu maanta soo saaray Komishanku, iyada oo uu Komishanku iska leexiyey xil-gudasha la’aan iyo aqoon la’aan sharci oo uu Madaxweyne Riyaale ku dhalliilay.

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan, isaga oo dhammaystiran, waxa uu u qoran yahay sidan:

“Hadalka Madaxweynaha: -

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka anoo marar badan oo hore idiin sheegay, waxaan idin leeyahay si mug leh u barta Xeerarka tilmaamaya xil-gudashadiina oo kala ah Xeerka Doorashada Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada Xeer Lam, 20/2001 & Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lam, 37/2007, la idiinkama fadhiyo in aad la timaadaan aaraa iyo talooyin aan Xeerarka ku aroorin, ka baaqsashada aad ka baaqsataan waajibaadka ku cad labadaa Xeer, waxay idin geyeysiin doonaan xil gudasho la’aan. Waxana waajib idinku ah in aad u raacdaan Xeerarkaas siday u kala horreeyaan, ogaadana in aad tihiin Hay’ad Xeer fullineed ee aydaan aheyn Hay’ad Xeer Dejineed.

Cidii sharciga ku dhaqmiwaydaa way-saqiiridoonaan (deith pre-majur)!!!

Gogoldhig (Background):

Gudida Komishinka ee cusub waxaa la doortay date Feb-Aug 2007 waxaa la ansixiyay date Jun-Aug 2007 waxaa la dhaariyay date 08-Aug-2007. Waxay shaqada bilaabeen date 09-Aug-2007

Isla markii la dhaariyay gudidu waxay bilawday aqoon-iswaydaarsi (workshop) ay ugu anbabaxeen magaalo madaxda wadanka Ethoipia taasoo ay soo qababaasisay hay’ada la shaqaysa Komishinka ee Inter-peace, waxaana maalgeliyay aqoonis-waydaarsigan Safaarada Ingiriiska ee Addis-ababa.

Waxaa komishinka aqoon-iswaydaarsigan kala qaybgalay hawlwadeeno iyo masuuliyiin ka kala socda .

  • Inter-peace (Technical assistant Institution of Nec)
  • IRI (International Republican Institute)
  • Donor Steering committee.

Gebgebadii iyo xidhitaankii, safaaradda Ingiriisku waxay samaysay xaflad balaadhan oo ka dhacday safaaradda gudaheeda oo ay komishinka kala soo qaybgaleen safaarada iyo dublamaasiyiin wadamada. EU Commission, Norway, Sweden, Holland, Spain Gerik iyo Poland. Komishinka, Interpeace iyo IRI oo wada socdaa waxay wadamadaa ka codsadeen inay caawiyaan dimuquraadiyada Somaliland.

Komishinku wuu cusbaa waxaana sugayay hawlo aad u waawayn, jawiga siyaasadu muu fiicnayn oo waxa jiray khalaaf ba’an oo u dhaxeeya golayaasha, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada sidoo kale xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye iyo dawlada waxaa jiray waxoogaa xurguf siyaasadeed ah oo ka dhalatay xulistii iyo ansixintii komishinka kaasoo ku keenay kala fogaansho iyo murug siyaasadeed.

QARAN: oo ah urur siyaasadeed oo doonayay in la diwaangeliyo ayaa dawladu xidhxidhay madaxdiisii waxaanay sii kordhisay arintani murugii siyaasadeed ee jiray.

Si kastaba ha ahaatee xisbiyadu waxay kala taagnaayeen mawqifyo kala duwan oo u baahnaa in wakhti badan lagu bixiyo sidii loo samayn lahaa wax heshiis lagu yahay oo komishinku ku dhaqaaqo.

UCID : waxaa ka go’nayd in la galo diwaangelin ka dibna doorashada la galo waxaana ka muuqatay inay aaminsanyihiin in diwaangelinta lagu dhamayn karo muddo kooban, waxay jeclaysanayeen in doorashada madaxtooyada la hor-galo dawladaha hoosena la dabamariyo madaxtooyada oo wakhti badan dib loo dhigo. Waxaanay mararka qaarkood ku hanjabeen in aanay doorasho galayn hadii aan la qaban diwaangelin.

UDUB: waxay jeclaysanayeen in labada doorashoba dib loo dhigo lana galo diwaangelinta waxaana ka muuqatay in diwaangelinta xooga saarayaan, sidoo kale waxay ku adkaysanayeen in labada doorasho ay sidoodii u kala horeeyaan oo marka hore la galo tan Dawladaha Hoose ka dibna la galo tan madaxtooyada.

KULMIYE: waxaa ka go’nayd in la galo doorashada madaxtooyada diiwaangelinta iyo doorashada dawladaha hoosana dib loo dhigo, sidoo kale waxay u arkayeen in diwaangelintu wakhti badan u baahantahay oo ay doorashadu ka mihiimsan tahay.

KOMISHINKA: waxaa jiray faham odhanayey in lacagtii diwaangelinta gacanta lagu hayo sidoo kale in International community-gu ay doonayaan in diwaangelin la qabto oo doorashada laga horaysiiyo, balse may jirin cid nagu khasabtay ama culays nagu saartay inaan qabano diwaangelinta oo aan ahayn xeerka diwaangelinta iyo baahida loo qabo doorasho xor iyo xalaal oo qofwaliba uu hal cod bixiyo.

Waxaa jirtay in wakhtigii doorashada dawlada hoose iyo madaxtooyada uu aad cidhiidhi u ahaa, sidoo kale ay jirtay Diwaangelin uu qeexay sharci oo ku waajibinaya komishinka inay fuliyaan balse ay su’aali ka taagnayd doorashada miyaa laga horaysiiyaa mise waa laga danbaysiiyaa? waxaana laysla gartay in kulamo lala yeesho xisbiyada qaranka si loo helikaro heshiis qaran oo ku wajahan qaabka iyo wakhtiga la bilaabayo diwaangelinta iyo doorashooyinka iyo sidoo kale midka soo horaynaya (doorasho mise diwaangelin)

  • Diwaangelinta xeer baa qeexay kuna waajibiyay komishinka inuu fuliyo sidoo kale waxaa ku adkaystay inay dhacdo doorashada horteed xisbiyada Ucid/Udub balse wakhtiga doorashada ka hadhay kuma filayn in lagu fuliyo diwaangelinta sida dastuurku qeexayna doorashada madaxweynaha waxaa lagu kordhin karaa Amni daro oo keliya, diwaangelintu kama mid aha waxyaabaha madaxweynaha loogu kordhinkaro hadii aanu jirin Hashiis qaran oo mugleh (National censuses)
  • Doorashada waxaa soo horraysay tan dawladaha hoose oo markaa ay ka hadhsanaayeen wakhti aad u yar oo aan ku filayn in doorasho loogu diryaargaroobo sidoo kalena waxaa jiray labada xisbi Ucid/Udub oo ku adkaysanayay in doorashada horteed la qabto diwaangelin. Waxaa kaloo jirtay komishinka faham odhanayey in lacagtii diwaangelinta gacanta lagu hayo sidoo kale in International community-gu ay doonayaan in diwaangelin la qabto oo doorashada laga horaysiiyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaan komshinku talo la yeeshay sharciyaqaano muwaadiniin ah iyo kuwo shisheeyo (International legal advisers) iyo khabiiro hore ugasoo shaqeeyay doorashooyinkii hore kuwaas oo sheegay in loo baahanyahay hashiis qaran si looga gudbo muran sharci oo yimaado.

Waxaana komishinka ka go’nayd diyaarinta miisaaniyada iyo baadidoonkeeda oo u baahnayd in loo bandhigo wadamada deeqda bixiya ee Somaliland ka caawiya doorashooyinka.

Waxay bilaabeen komishinku shirar isdabajoog ah oo ay la gelayaan xisbiyada qaranka si loo gaadho heshiis qaran oo ku wajahan diwaangelinta iyo doorashooyinka waxaana muddo ka dib laysla gaadhay in diwaangelinta la galo lana dhameeyo 10 June, 2008, in doorashada dawladaha hoose la galo 1st July 2008 in doorashada madaxtooyada la galo 31st Aug, 2008.

Heshiis intii aan la saxeexin ka hor waxay xisbiyada mucaaradku muujiyeen werwer ku wajahan guurtida iyo in laga keeno damaanad qaad in aanay wakhti kale u kordhinayn madaxweynaha. Sidoo kale waxaa shuruudahooda ka mid ahaa in Madaxweynaha ama Madaxweyne xigeenku uu heshiiska wax ka saxeexo.

Komshinku waxay kulamo la yeesheen shirgudoonka iyo xubnaha joogtada ee golaha guurtida iyaga oo waydiistay inay ixtiraamaan wixii wakhti lagu heshiiyo ee xisbiyada iyo komishinku isla gartaan waanay balan qaadeen golaha guurtidu inay ixtiraamayaan wixii lagu heshiiyo.

Shirgudoonka guurtida waxaa lagu casuumay inay yimaaddaan xaflada heshiiska si ay goobjoog uga noqdaan ugana cadeeyaan mawqifkooda ah inay ixtiraamayaan heshiiska qaran ee dhex maraya xisbiyada iyo komishinka balse may kasoo xaadirin xafladii sidoo kale madaxweyne ku xigeenka oo loo qoondeeyay inuu saxeexo heshiiska wuxuu u igmaday xoghayaha guud ee Udub balse wuxuu ahaa goobjooge.

Komshinku waxay shirar googoos ah la yeesheen madaxweynaha, shirgudoonka golaha wakiilada iyo shirgudoonka golaha guurtida waxaanay ujeedadu ahayd in ay komishinku u gudbiyaan golayaasha fariintii ay kala kulmeen beesha caalamka oo ay kamid ahayd in xadhiga laga siidaayo siyaasiyiinta ururka Qaran, lana dhawro hanaanka dimuquraadiyada si loo helo nabadgelyo iyo maamul wanaagsan sidoo kale waxay xubnaha komishinku ku dadaalayeen in goloyaasha laysu soo dhaweeyo.

Dhamaan gobobolada dalka oo ay ka mid yihiin Sool iyo Sanaag-bari waxaa komishinku ku tegay sahan labo jeer, kamana jirto amaandaro ee waxay u baahantahay in maamulka lagaadhsiiyo lagana qanciyo tabashadooda lana siiyo mudnaan xaga horumarka ah balse ma jirto cid xabad iyo dagaal lagu soo xerogelinayo.

Ujeedada (Objectives)

  • In aan soo bandhigo xogta dhabta ah iyo meesha ay marayso hawsha komishinka si aan jaanis u siino inta Somaliland dani ka hayso ee ay ugu horayso goloyaasha qaranka, ururada bulshada, Hay’adaha samafalka iyo wadamada deeqda bixiya ee caawiya doorashooyinka iyo degenaanshaha Somaliland.
  • Inaan caddeeyo baaxada hawsha, duruufaha ku xeeran Komishinka, waxa laga doonayo iyo dhibta ay keensankarto hadii komishinku kasoo bixiwaayo kaalintiisa.
  • Si aan u titiro mala-awaalka iyo wararka aan saxda ahayn si-aan meesha uga saaro war guracan oo keeni kara talo guracan oo lagu hoobto.
  • Inaan iftiimiyo caqabadaha hortaagan komishinka, ha ahaadeen mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid aqooneed, mid sharciyeed iyo mid farsamo.

Baaxad-Hawleedka (Major task)

  • Diwaangelinta codbixiyayaasha (Voter Registration)
  • Doorashada dawladaha hoose (Local council Election)
  • Doorashada Madaxtooyada (Presidential Election)
  • Ururuda Siyaasadeed (Political Association)

I. Diwaangelinta codbixiyayaasha (Voter Registration)

Sidaan hore usoo sheegay diwaangelinta waxaa komishinka ku waajibiyay xeerka diwaangelinta-codbixiyayaasha ee xeer Lr 37/2007 Qodobka 3aad oo odhanaya.

“Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa uu dalka Somaliland ka dhaqangelinayaa hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha.”

Diwaangelintu Waxaa kaloo ku waajibiyay heshiiskii qaran ee dhexmaray Komishinka iyo sadexda xisbi qaran 12 Oct 2007

Diwaangelintu waa shay ay u baahnayd Somaliland oo suuragelinkara in doorashooyinku u dhacaan si xor ah oo xalaal ah oo qafkastaa uu codkiisa hal mar uu dhiibto laguna tirtirikaro in waraaqaha codaynta oo geed hoostii lala fadhiisto oo lagusoo shubto ama qofku codka ku noqnoqdo mar wax ka badan.

Note: – inkastoo aan soo xusay faa’iidada diwaangelinta hadana lama damaanad qaadikaro boobka codadka oo Kenya-ba waxaa ka jirtay diwaangelin hadana waxaa kadhacay boob.

Isla markii lagu heshiiyay diwaangelinta waxaa Komishinku diyaariyay miisaaniyadii diwaangelita waxaanay hordhigeen deeqbixiyayaasha 15 Nov 2007 iyadoo ay ka aqbaleen guud ahaan inay bixiyaan 75% balse waxay u xilsaareen in Komishinka iyo Inter-peace dib isula eegaan madaxyada miisaaniyada iyo qaabka diwaangelinta.

Lacagta dawlada komishinku waxay wasaarada Maaliyadda ka dalbadeen inay miisaaniyada bixiyaan 25% taasoo gaadhaysa ilaa 15, Bilyan oo SL shillings ah, waxaanay wasaaradu soo qortay qoraal ay ku balan qaadayso inay bixinayso xadigan lacageed ee laga doonayo. Lacagtan ilaa hadda waxaa nagasoo gaadhay wax aan ka badnayn 1.5 Bilyan oo SL shilling oo u dhigma ($ 250,000).

Inkastoo ay komishinku dadaal geliyeen diyaarinta miisaaniyada hadana waxaa meesha ka maqnaa qaabkii diwaangelintu u dhacaysay oo aan ku cadayn miisaaniyada qaabka loo fulinayo diwaangelinta ma qaab Computer-baa mise waa qaab waraaqo iyo foomam lagu buuxinayo wakhti intee leeg ayaase lagu fulinayaa maadaama oo uu sharcigu jideeyay 1-3 bilood. Qaabkee ayuu noqonayaa? Model of registration. (is it Electronic, Manual, or technical know how) iyadoo uu qaabkii kastaa miisaaniyada wax ka bedelayo oo u baahan yahay in la waafajiyo miisaaniyada.

Maadaama oo komishinku cusbaa wuxuu shaqo geliyay khabiir ku xeeldheer diwaangelinta oo kasoo shaqeeyay waddamo badan waxaanay ahayd ujeedada loo shaqaaleeyey inuu diyaariyo qaabka diwaangelinta (Model of Registration) labo ilaa 3 wiig wuxuu kusoo bandhigay in diwaangelinta lagu sameeyo foomam gacanta lagu buuxinayo kaadhadh gacanta lagu buuxinayo (Paper based method) taasoo qofka farta loo gelinayo khad ku oolaya ilaa 5 casho sidaa darteed wuxuu ku taliyay in mudada diwaangelinta lagusoo ururiyo 5 maalmood wadanka oo dhan oo ah inta khadku qofka ku ooli karo. Qaabkan oo qiimihiisu aanu ka yaraanayn $7-8 Million.

Arintan Komishinku way u cuntimiwayday oo waxay u arkeen inay tahay mid aan noqonayn diwaangelin dhab ah taasoo ay u arkeen in qof kastaa isdiwaangelin-karo intuu doono maadamo oo dadka Somalidu ay xarfaan ku yihiin qaabka khadka laysaga maydho. Sidoo kale waxaa layaab noqotay in 5 maalmood oo keliya wadanka oo dhan lagu diwaangeliyo arintani waxay keentay ismaandhaaf komishinka iyo ninkii cadaanka ahaa ee khabiirka ahaa.

Wuxuu ku doodayay khabiirku

  • Diwaangelinta aan qaabkan u qaadno oo hadhaw horumarino
  • Dadka la diwaangelinayaa waa dadkii maalinta qudha codayn jiray markaa qariib ma aha in 5 maalmood lagu diwaangeliyo.
  • Haddii computer laga dhigo waa qaali oo lacagtiisu waxay ku dhowaanaysaa ilaa 30 million oo dollar taasina hada idiinma diyaar aha.
  • Wakhtigii doorashada waa cidhiidhi oo lagama gaadhsiinkaro system computerized ah.
  • System computerized ah haddii la qaato waxaa ku jira khatar badan oo wuxuu u fashilmi karaa si sahlan.
  • Maamul ahaana way adagtahay in Computer, Printer iyo Generatoro ladhigo Lawyacado ilaa Laasqoray.

Qaabka diwaangelinta dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa komishinku go’aan ku gaadheen inay noqoto Electronic waa in la adeegsado Computer lagu qaadayo macluumaadka muwaadinka oo ay ka midyihiin suulka iyo sawirka qofka (Photo and Fingerprint) si loogu baadhi karo haddii qofku isku dayo inuu marlabaad isdiwaangeliyo.

Qaabkan markii la odorosay waxaa soo baxday in lacag aad u badani ku baxayso haddii laysku dayo in wadanka goobaha ka jira oo dhan (980-1200 polling) la dhigo computer sidoo kale inay u baahantahay wakhti dheer iyadoo weliba leh khatar badan inay fashilanto iyadoo aan ognahay in tiro yar oo wadamada hore u maray ah uun ay ku guulaysatay ilaa hada system noocan oo kale ah.

Iyadoo la tixgelinayo waxyaalaha aan kor kusoo xusnay sida dhaqaalaha, wakhtiga, shaqaale kumanaan ah oo aqoon computer leh, iyo khatarta iman karta waxay komishinku isla qaateen in la dalbo qalabka ilaa 380 oo agabkii diwaangelinta ah (380 registration kit) iyo in gobolkasta mar gaara la galo lana joogo ilaa shan casho (6 x 5 = 30 days) iyo 25 maalmood gobolada iyo degmooyinka lasii dejiyo hal guruub oo foomam kusii buuxiyo macluumada dadka si loo sahlo marka la gaadho maalmihii shanta ahaa ee Computer-ka lagu shaqaynayay (core 5 days) iyo in 15 maalmood lagu reebo gobolada iyo degmooyinka hal guruub oo haysta agabkii diwaangelinta si ay u diwaangeliyaan cidii habsaantay ama usoo ururiyaan wixii macluumaad loo baahanyahay. Shan iyo tobankan maalmood kaadhadhka la bixinayaa way ka duwanaan doonaan kuwii asalka ahaa oo waxaa lasiin doonaa kuwo kumeelgaadha ah oo loo bedelo qofka marka laga hubiyo xarumaha Data-da ee Komishinka.

380 guruub oo wata 380 oo agabkii diwaangelinta ah (380 Registeration kit & 380 teams) guruubkastaa wuxuu ka koobanyahay 8 xubnood ee sharcigu qeexay oo kale ah. Labo xubnood Komishinka, Labo xubnood Wasaarada Arrimaha Gudaha, Hal xubin Maxakamada iyo Sadex xubnood xisbiyada qaranka. Waxaanay tahay muhiimada looga dhigay 380 kit/team.

  • si kharash loo yareeyo
  • si gobolkasta hal mar laysugu tago oo xooga loo saaro.
  • Si khatarta loo yareeyo
  • Si loo helikaro shaqaale aqoon u leh computers-ka wuxuu shaqaaluhu ku dhawaanayaa ilaa 3200 oo qof.
  • Si loo maamuli karo baaxada hawsha oo loogu diyaarinkaro meeshii wax ka xumaadaan qalab iyo guruubyo markiiba hawsha la wareega oo gurmad ah (Rapid Response Unit)

Wuxuu qalabka diwaangelintu ka koobnaan doonaa

  1. Computer
  2. Printer
  3. Camera
  4. Finger-printer
  5. Generator
  6. Stationary

II. Doorashada dawladaha hoose (Local council Election)

Doorashada dawladaha hoose waxaa wakhtigeedii hore ahaa 14 Dec 2007 diwaangelinta oo wakhti u baahan darteed waxaa Komishinka iyo sadexda xisbi ku heshiiyay inay dhacdo 1st July 2008 waa marka ay diwaangelintu dhamaato, doorashadan dawladaha hoose waxay ka dhacaysaa 23 degmo ee ah A, B, C. waxaana tartanka ka qaybgeli doona xadi dad oo ka badan ilaa 300 oo qof. Waxaa ku tartami doona 3 xisbi qaran iyo hadii ururo siyaasadeed oo kale la sharciyeeyo. Waxaana lagu gelidoonaa qaabkii liiska ahaa ama qaabka one man one vote kaasoo dhawaan golaha wakiiladu u codeeyay.

Marka laga reebo dhacdadii hore ee doorashooyinka ee ay ururadu ku tartamayeen ma jiraan sharci cadaynaya in doorashooyinku ay leeyihiin kala horayn oo ay ugusoo horayso tan dawladaha hoose taa macnaheedu wuxu yahay ma jiro sharci diidaya in tan madaxtooyada la dabamariyo haddii ay xisbiyada iyo komishinku isla gartaan sidoo kale ma jirto sharci cadaynaya cida u kordhinaysa marka ay ka dhamaato xildhibaanada loo doortay dawladaha hoose balse waxaa jirta in komishinku xaq u leeyahay inuu cayimo maalinta doorashada sidoo kale guurtida ay xaq u leedahay inay madaxweynaha iyo wakiilada u kordhin karto. Sidaa darteed guurtidu ma u kordhin kartaa mise maya waa arin sharci oo u baahan fasiraad iyo cid ku xeeldheer sharciga oo anaga nagu dhaanta.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadani waxay u baahantahay wakhti, kharash, diyaargarow iyo shaqaalihii iyo agabkii doorashada. Waxay xisbiyada mucaaradku leeyihiin hadaanay wakhtigeedii ku qabsoomayn oo aanay jirin ururo ku tartamayaa, haladabamariyo doorashada madaxtooyada.

Wakhtiga diwaangelintu dhamaan karto ee doorashada ugusoo horaysa la qaban karaa waxay tahay 07 Oct 2008.

III. Doorashada Madaxtooyada (Presidential Election)

Doorashada Madaxtooyadu runtii waa doorasho xaasaasi ah waxaa wakhtigeedii shariciga ahaa (5 years) ku dhamaanayaa 16, May 2008 iyadoo ay ahayd in doorashada la qabto 14,April, 2008 waxaana sadexda xisbi iyo komishinku ku heshiiyay inay dhacdo 31st Aug 2008 balse markay muuqatay in ay adagtahay in wakhtigan lagu qabto waxaa komishinka iyo xisbiyada isugu yimaadeen talo dood badan ka dib waxaa lagu heshiiyay in labada doorasho tan horeynaysa dib looga wada hadlo balse doorashda ugu horaysaa ay wadanka ka dhacdo 07,Oct 2008 talabaadna ay la qabto 31, Dec 2008.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadani waxay u baahantahay wakhti, kharash, diyaargarow iyo shaqaalihii iyo agabkii doorashada. Waxay xisbiyada mucaaradku leeyihiin hadaanay wakhtigeedii ku qabsoomayn oo aanay jirin ururo ku tartamayaa, haladaba mariyo doorashada madaxtooyada halka xisbiga talada hayaana uu leeyahay waa in doorashooyinka loo kala horaysiiyaa sidii ay u kala horeeyeen. Komshinku isagoo go’aankiisa gaadhi doona wuxuu ugu talo galay in dood laga yeesho sidii lagu heshiiyana uu meelmariyo, haddiise lagu heshiin waayo Komishinku wuxuu si toosa u cayimidoonaa doorasho kasta wakhtiga uu qabanayo waxaana awoodan komishanka siiyay xeer.

Haddii doorashada dawlada hoose ay qabsoonto xiliga ugusoo horeeya ee aan kor ku xusay doorashada madaxtooyadana laysla garto inay ka danbayso tan dawladaha hoose wakhtiga doorashoda labaad la qabankaraa wuxuu noqonayaa. 31,Dec 2008.

IV. Ururuda Siyaasadeed (Political Association)

Komishinka waxaa shaqadiisa ka mida inuu u shaqeeyo oo tartansiiyo Xisbi qaran ama urur siyaasadeed oo diwaangashan, sidaan ka warqabno wadanka waxaa ka jira 3 xisbi qaran, mana jiraan urur siyaasadeed oo kale oo diwaangashan sidaa darteed komishinka waxaa ka go’an inuu tartansiiyo sadexda xisbi qaran ee hada jira.

Si looga dheeraado khilaaf iyo muran siyaasadeed waxaa haboonayd in uu jiro sharciyad ama fasiraad sharci oo cadaynaysa meelaha lagu muransan yahay arintana waxaa looga fadhiyaa goloyaasha ay khusayso.

Waxqabadaka (Achievements)

I. Waxay komishinku qabanqaabiyeen shirar isdabajooga taasoo looga gol lahaa in lagu gaadho heshiis qaran oo qeexa doorashooyinka iyo diwaangelinta waxaanu ku dhamaaday guul waxaana laysla afgartay in diwaangelintu dhamaato 10 June, 2008 doorashadu dawladaha hoose dhacdo 1st July , 2008 iyo in doorashada madaxtooyada dhacdo 31 Aug, 2008.

II. Marlabaad waxay komishinku qabanqaabiyeen shirar isdabajooga taasoo looga golahaa in lagu gaadho heshiis qaran oo qeexa doorashooyinka iyo diwaangelinta waxaanu ku dhamaaday guul waxaana laysla afgartay in diwaangelintu dhamaato 06 Octoober, 2008 doorashado hore dhacdo 7th Octoober, 2008 tan labaadna ay dhacdo 31st Dec, 2008.

III. Dhaqaalihii diwaangelinta badankiisii gacanta ayaa lagu hayaa waxaana rajo laga qabaa in inta kalena waa qaybtii dawlada-e dhakhso gacanta usoo gasho.

IV. Waa la dhisay gudigii farsamo ee diwaangelinta oo ka koobnaa 2 xubnood oo Komishinka heer qaran, 2 xubnood oo Wasaarada arimaha gudaha, 3 xubnood oo ka kala imanayay xisbiyada qaranka.

V. Waxa la diyaariyay qaabkii diwaangelinta (Model of Registration) waana laysla qaatay dhamaan Komishinka, Xisbiyada, Xukuumada iyo Deeqbixiyayaasha.

VI. Waxaa la shaqaaleeyay shaqaalihii ka hawlgelayay xarunta komishinka.

VII. Komishinku waxay sahan kusoo mareen dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka si ay ugu kuurgalaan duruufaha kala duwan ee codbixiyayaasha.

VIII. Waxaa la diyaariyay shaqaalihii diwaangelinta iyo doorashooyinka ee ka hawlgelayay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

IX. Komishinku waxay diyaariyeen fuliyeena tababaradii shaqaalaha diwaangelinta ee gobalada iyo degmooyinka.

X. Waxaa gacanta lagu hayaa dhisme balaadhan oo loogu talogalay in uu ku filaado diwaangelinta iyo doorashooyinka maadaama oo ay shaqaalaha iyo hawshuba intii hore ka baaxad badantahay.

XI. Waxaa la sii daayay qandaraaskii loogu tartamayay qalabka iyo agabka kala duwan ee diwaangelinta (Intrenational Tenders) waxaana lagusoo gebgebayndoonaa tabanka maalmood fooda inagusoo haya.

XII. Komsihinku wuxuu dhisay gudiga Anshaxa (Monitering board) oo kooban 15 xubnood.

XIII. Komishinku waxay diyaariyeen iskuna dubarideen barnaamijka wacyigelinta bulshada.

Hawlaha ugu Adag (Critical issues)

I. Diwaangelinta oo aan waafaqayn qodobo ka mida xeerka diwaangelinta sidoo kale aanay saamaxayn in lagu dhameeyo code of conduct (Legal Gaps) una baahan in lagu sameeyo wax kabedel iyo kaabid sharci.

II. Xiliyadii Diwaangelinta iyo Doorashooyinka ee uu cayimay Komishinku, sadexda xisbina ay la qaateen oo guurtidu ay u kordhisay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka wakhti aan waafaqayn oo ay u dhaxayso 3 bilood iyo siyaado. Arintan oo keentay muran siyaasadeed oo xoog leh kaasoo dabada ku haya wakhtiga madaxweynaha/xigeenka ee dhamaaday. Hadii aan la helin isutanaasul waxay arintani keenikartaa isku dhac iyo dhiig daata, iyadoo uu amaankuna si sahlan u lumi karo taasoo meesha ka saari karta kala danbayntii iyo sharciyadii (Law/Order).

III. Deeqbixiyayaasha oo sheegay in aanay saxeexayn qandaraasyada diwaangelinta haddii aan sharciga diwaangelinta wixii ka hor imanaya shaqada wax laga bedelin, iyo in khilaafka siyaasadeed ee ku salaysan wakhtiga madaxweynaha iyo ku xigeenka wax lagu heshiiyo.

IV. Lacagtii oo u kala qaybsanayd miisaaniyada 2007/2008 waxaa gacanta Komishinka soo galay qayb ka mida miisaaniyadii 2007 u qorshaysnayd sidaa darteed waxaa daruuri ah in la helo baaqiga miisaaniyada 2007 lana sii daayo miisaaniyada 2008 si aanay hawsha u kala dhantaalin.

V. Xaaladaha qalafsan ee abaaraha, sicirbararka ayaa keeni kara inay u banjarto hawsha komishinka ee diwaangelinta iyo doorashooyinka hadaan ilaah roob keenin waxaana khatar ku jirta xoolaha iyo nolosha muwaadiniinta.

Garnaqsi:

Madaxweynuhu waraaq uu usoo qoray Komishanka wuxuu ku sheegay eed uu komishanka ku eedeeyay inay wadaan dano ka baxsan danaha qaranka. Waxaan leenahay waa eed culus oo u baahan cadayn. Waxaanay xadgudub iyo deelqaaf ku tahay sharafta iyo karaamada Komishinka waana arin ka baxsan habdhaqanka madaweynanimada.

Madaxeynunhu wuxuu ku celceliyay sharciga barta/akhriya waana inay sharciga ku dhaqmaan oo raacaan Komishanku iyadoo uu ka danbaysiiyay hadal duur-xul ah oo aan u fahmay in Komishinka lagu hadidayo oo loogu hanjebayo “cidii sharciga ku dhaqmi waydaa way saqiiridoontaa”. Waxaan leeyahay Madaxweyne waxaan si qoto dheer u derisnay xeerarka iyo dastuurka dalka, iyadoo aan si joogto ah latashi ula samayno sharciyaqaanada nala shaqeeya iyo qaar caalami ah oo ku xeeldheer aqoonta sharciyada aduunka (International Lawers). In loo hanjebo ama la hadido komishinka waa xaaraan, xadhig iyo xilkaqaadis midnaba Komshinku kama baqayo, mana jirto cid awood sharicigu u siiyay.

Mudane Madaxweyne, wixii khuseeya arimaha doorashooyinka waxaanu kuula macaamilaynaa gudoomiyaha xisbiga UDUB waxaanad noola mid tahay Faysal iyo Axmed-Siilaanyo, manajirto awood ka baxsan oo aan kuu ogolahay wixii khuseeya arimaha doorashooyinka anagoo ah hay’ad u madaxbanaan arimaha doorashooyinka.

Eeda Xoghaya guud ee Xisbiga UDUB usoo jeediyay Komishinka qaranka waa arrin aan laga fiirsan oo aan lahayn wax cadayn ah, mana jirto mudo kordhin komshinku sameeyay mar hore iyo mar danbe toona laakiin wuxuu cayimay wakhtigii doorashada arintana Komishinka xeerbaa awood u siiyay iyadoo ay komishinku wakhtigan si hufan u hordhigeen xisbiyada si ay ula qaataan Bulaale-na wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii wakhtigan nagula qanacday ee saxeexay.

Waxaanu sheegay in Kenya wixii ka dhacay uu masuul ka ahaa Komishanka Kenya. Waxaan ku leeyahay anagaa joognay Kenya markii doorashadu ka dhacaysay Komshinka Kenya eed malahayne Xukuumada iyo Xisbigeeda ayaa culays iyo faragelin ku sameeyay taasaana aabe iyo hooyo u ahayd mashaakilka ka dhacay Kenya. Komishinkan Somaliland-na hadaan loo ogolaan inuu hawlihiisa u guto si madaxbanaan oo culays iyo hadidaad lagula kaco wixii ka yimaada iyo eedeedaba cidii leh ayaa iska leh ee Komshinku shaqo kuma laha.

Sharci-la’aan lama noolaan karo, sidaa darteed waa in la dhawro sharciyada, sidoo kale waa in la tixgeliyo nolosha iyo duruufaha muwaadiniinta waayo sharciga waxaa loo sameeyay dadkan muwaadiniinta ah wixii aan dhaqayn muwaadiiintana looma baahna in cidi isku dhejiso oo ay u adeegsato danaheeda gaarka ah iyadoo leh waxaan fulinayaa sharci.

Talooyinka (Recommendations)

I. In si degdeg ah dib u eegis lagu sameeyo xeerka diwaangelinta si loo kabo wixii aan waafaqayn nidaamka iyo qaabka loo qorsheeyay, si looga dheeraado muran sharci oo ragaadiya habsami u socodka diwaangelinta-codbixiyayaasha.

II. In la meel mariyo heshiiskii Komishanka iyo Xisbiyada ee tilmaamay mudada qabsoomida diwaangelinta iyo doorashooyinka, maadaama oo aan wakhtigii hore lagu shaqayn karin oo aanu ku filayn. Iyo iyadoo aanay jirin wax nabadgelyo daro ah oo loo daliishan karo qodobka dastuurka 83,5 sidaa darteed waxaa loo baahanyahay in arintan laga wada hadlo si muwaadinimo lehna loogu heshiiyo wixii danta qaranku ku jirto.

III. In si dhakhso ah miisaaniyadii 2008 loo horgeeyo wakiilada si dhakhso ahna loo ansixiyo si aanay u xanibin hawshan diwaangelinta iyo doorashooyinka.

IV. In goloyaashu si mug leh usoo dhexgalaan muranka ku saabsan wakhtiga doorashooyinka ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo dawlada si loo gaadho heshiis qaran oo loo dhan yahay, sidoo kale in gacan buuxda la siiyo geedisocodka diwaangelinta ee uu wado Komishinka qaranku.

V. In sharciyad lagasoo saaro arurada siyaasadeed si looga dheeraado khilaaf siyaasadeed oo hadheeya komishinka xiliyada doorashada iyo in la dhawro aasaasiyaadka hanaanka dimuquraadiyada.

VI. Dawladu waa inay samaysaa tanaasul oo ay muujiso inay hayso masuuliyadii qaranka oo aanay laxafiiltamin xisbiyada mucaaradka waayo xisbiyadu waxay ka midyihiin dadka aad dawlada u tihiin ee idinsugaya, waxaanay u oomanyihiin kursiga aad fadhidaan.

VII. Xisbiyada mucaaradka waa inay u dhaqmaan si masuuliyadi kujirto oo ay muujiyaan dulqaad waana inay ogaadaan hadii dawladnimadu burburto inaanay jiray wax ay u tartamaan, waa inay dareemaan in masuuliyadi qarankan kasaarantahay.

VIII. Waa wareegii labaad ee doorashooyinka caalamkuna wuxuu eegayaa bal in dimuquraadiyada Somaliland iyo doorashooyinkii ay qabatay ay ahaayeen qaar jibo keentay iyo inay ahaayeen wax aasaas leh oo ay weheliso qorshahii lagu xalinlahaa markay mushkuladi timaado.

IX. Waa in la dhiirogeliyo wada hadalada heshiisyada qaran waxaanay ka mid tahay Aasaasiyaadka Dastuurka Qaranka waxaana si cad u qeexaya qodobaka 9aad. “Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talowadaag iyo dimuquraadiyad”.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.