Kelitalisnimada Riyaale iyo golihii Maanta: “Adeer waad edeb daran tahaye Fadhiiso.. Bilaa edebyahow Aamus,” Madaxweyne Riyaale

Hargeysa (Somaliland.org) – Golihii keli ahaa ee Shacbiga Somaliland sida dimuqraadiga ah u soo doortay, isla markaana ahaa astaan u taagan dimuqraadiyadda Somaliland ayaa ogolaaday inuu hoggaamiyo fadhi la mid ah golihii Shacabka ee Siyaad Barre, isla markaana dhegeysto khudbad keli-taliye aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin Wakiillada la soo doortay iyo xuquuqdooda dimuqraadiyadeed ee ay ku camalfalaan golahooda dhexdiisa iyo guud ahaan xaqa ra’yi dhiibashada.

Fadhigii maanta ee uu Madaxweyne Riyaale khudbadda uga jeediyey labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa ahaa mid lama filaan ah ugu soo beegmay xilli xasaasi ah oo aad loogu baahnaa in la maqlo hadalka hoggaanka dalka ugu sarreeya oo uu saaran yahay xilka ugu weyn xaaladda noocan oo kale ah. Waxa iyana muhiim ahayd inuu hortago Golihii sharci dejinta oo ay fadhiyaan wakiillo huwan haybaddii ummadda, loona igmaday inay shacbiga u ilaaliyaan danahooda, weliba waqtigan oo dood iyo xaalad xasaasi ahi ay taagan tahay, taas oo salka ku haysa arrimo sharci oo ah shaqadoodii, sicir bararka maceeshadda, korodhka qiimaha shidaalka iyo cashuuraha oo ah waxyaabo ay dadweynaha ay wakiilka ka yihiin danaynayaan in dowladdu wax ka qabato, iyada oo wakiilladana uu xil ka saaran yahay inay culays ku saaraan waaxda fulinta ama xukuumadda wax ka qabashada arrimahaas. Waxay ahayd fursad soo martay Golaha Wakiillada la soo doortay inay halkaa ku weydiiyaan su’aalo badan oo taabanaya baahida dadka ay wakiilada ka yihiin ama maskaxdooda ku jira iyo kuwo khuseeya aragtiyaha siyaasadeed ee lagu kala duwan yahay iyo weliba su’aalo badan oo Gole ahaan ay uga tabanayaan Madaxweynaha iyo golihiisa fulinta. Waxa kale oo fursad ahayd in fadhigaa wadajirka ah uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, maadaama marka Guddoomiyaha Guurtidu maqan yahay uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu guddoominayo fadhiga wadajirka ah ee labada Gole.

Hase yeeshee, fursaddaas kama faa’iideysan Golaha Wakiilladu. Waxay dhegeysteen Khudbad la mid ah tii Fidal Castro ee Lixda saacadood uu keligii hadli jirey; waxayna ku hafteen sacabka xaynta Wasiirrada ah ee la socotey Madaxweynaha iyo golaha aan la soo dooran balse, ku jooga qalankiisa, mid mid isku deyey inay hadlaanna waxa loo canaantay sidii Ilma yar oo malcaamad qur’aan fadhiya.

Ka sokow, ciidamada iyo tiknikada ku xeernayd golaha iyo hareerihiisa iyo baadhista humaajida wadata ee ilaalada Madaxweynuhu ku samaynayeen xildhibaan kasta marka uu gelayo hoolka shirarka, golaha dhexdiisa ayaa fadhigu waxa uu ahaa mid aan dimuqraadiyad shaqo ku lahayn, isla markaana ay sahlanayd in ilaalada Madaxweynuhu ay gacanta ula tagaan oo ay dibada u tuuran xildhibaanka hadla.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ugu horrayn mudanayaasha ku wargeliyey in Madaxweynuhu jeedin doono khudbaddiisii sannadka, isaga oo weliba tixraacay qodobka dastuurka ee Madaxweynaha ku waajibinaya inuu khudbad u jeediyo labada gole sanad kasta kalfadhiga ugu horreeya, iyada oo hadda ay bilaabmayso bishii Shanaad ee Sannadku, isla markaana ay ugu dambeysey khudbad sannadeed uu jeediyo sannadkii 2005. Waxa kale oo uu u sheegay xildhibaanada in Madaxweynuhu ka cudurdaartay in su’aalo la weydiiyo. Waxaana halkaas ka bilaabmay buuq mudanayaal oo door ah oo labada goleba isugu jira, balse, u badan Golaha Wakiilladu ay ku diidanaayeen cudurdaarkaas, kaas oo Madaxweyne Riyaale ka hakiyey dhawr goor khudbaddiisa, isla markaana uu cadho iyo dulqaad yaraan u muujiyey.

Dood dheer oo qaddar hakisay inuu Madaxweyne Riyaale gudagalo khudbaddiisa kadib, xildhibaanada qaarkood ayaa marba su’aal ku tuurayey ku saabsan mawduuca uu ka hadlayo.

“Waar Adeerow waad edeb daran tahaye fadhiiso, bilaa Edeb baad tahaye aamus!” sidaa waxa yidhi Madaxweyne Riyaale oo Xildhibaan ka mid ah Golaha Wakiilladu su’aal ku soo tuuray, markii uu ilaa 7 daqiiqadood khudbaddiisa ku gudajirey.

Madaxweyne Riyaale uma muuqan masuul marti u ah gole lamid ah ka uu guddoomiyo, isla markaana erayadaa cayda ah ee cadhada leh, ka sokow waxa la maqlayey marar badan isaga oo Shirguddoonka u tilmaamaya inuu dibadda u saaro xildhibaanada doonayey inay su’aalaha weydiiyaan Madaxweynaha ama su’aalahooda iyo dareenkooda kaga dhawaaqayey golaha dhexdiisa.

Dareemadaas iyo su’aalahaasina waxay ahaayeen kuwo ka dhalanayey khudbadda Madaxweynaha iyo fursadda loo siiyey inuu weeraro, naqdiyo, isla markaana aflagaadeeyo hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee ka soo horjeeda iyo hay’ado caalami ah iyo kuwo waddani ah iyo weliba doodda uu isku difaacayo oo ah mid sharci ahaan iyo caqli ahaanba wax la iska weydiin karo.

Madaxweyne Riyaale
“Adeer waad edeb daran tahaye Fadhiiso. Bilaa edebyahow Aamus” – Riyaale April 29, 2008

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Wakiillada iyo Shirguddoonkiisa waxay muuqatey in aanay hore waxba isaga weydiin ka qaybgalka fadhigaas, isla markaana uu isku maax dumiyey gole aanu milgo ku lahayn. Waxa iyana caalamad su’aal la gelin karaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Cirro oo beryahan ku hawlanaa dhexdhexaadin uu ugu kala dabqaadayey Madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Dhinaca kale, fadhigani waxa uu qaawiyey kelitalisnimada iyo kibradda ku jirta Madaxweyne Riyaale oo khudbaddiisa iyo hab-dhaqankiisa golaha hortiisaba ay ka muuqatey weerar iyo wax-iska-celin, aan haba yaraatee tixgelin sida dooddiisu ay dadka ugu cuntamayso.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.