“Reer Awdal Waa U Karaama-Beel Inay Dhegaha Ka Furaystaan Khilaafka Cakiran Ee Dalku Ku Jiro”

Hargeysa, April 28, 2008 (Haatuf) – Gudoomiye ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan C/laahi Saylici isla markaana ka mida musharaxiinta jagada Madaxweyne ku xigeenka KULMIYE u loolamaya, ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka aloosan, isla markaana ay xukuumaddu masuul ka tahay kacdoonkii shacbi ee caasimadda shalay ka dhacay, isagoo dhinaca kalena salaadiinta, cuqaasha iyo madaxda dhaqanka gobolka Awdal ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dedaalka dhexdhexaadinta khilaafka dalka ka aloosan, oo Madaxweyne Riyaale u sheegeen haddii uu gar-darran yahay oo aanay xaqaa’iqa jira indhaha ka qarsan.

Sidaasna waxa uu Cabdiraxmaan Saylici ku sheegay waraysi khaasa oo uu wargeyska Haatuf xalay la yeeshay, kaas oo uu kaga waramay arrimo door ah oo la xidhiidha xaaladda cakiran ee dalku hadda ku jiro, isagoo shacbiga gobolka uu Madaxweyne Riyaale ka soo jeedana u soo jeediyay inay xaaladda dalka dhinaca xaqa ka istaagan ee aanay gar-darro ku raacin Madaxweyne Riyaale, haddii laga gar-darran yahayna cidda ka gar-daran u sheegaan.

Wareysigan ayaa waxa uu u dhacay sidan.

S: Sideed u aragtaa dhexdhexaadinta Gudoomiyaha Wakiiladu isku xilsaaray ee khilaafka Xukuumadda iyo Asxaabta mucaaradka?

J: Dhexdhexaadintu waa arrin aad u mihiima waadse moodaa in dadkii dhexdhexaadinta gali lahaa ay weji gabax ku noqotay dhexdhexaadintii hore ee laga galay, madaxweynaha iyo golaha wakiilada murankii miisaaniyada 2007, labadii xubnood ee komishanka iyo xadhigii siyaasiyiintii Ururka Qaran, oo Abwaanadii Culimadii iyo Waxgaradkii, taas oo Madaxweynuhu waxba ka soo qaadi waayay, ay weji gabax ku noqotay markii maamulku fulin waayey, taasina bar madow ayay ku noqotay dalka iyo ummadda Somaliland-ba, Gudoomiyaha wakiilada ayaa is xilqaamay hase yeeshee waxaad moodaa xukuumaddu wada tashi ogolayn, inaanay guul laga gaadhi doonin waxaana muujinaysa jawaabta ay wasiiradu ku soo celisey Gudoomiyaha, oo ay sheegeen in arrinkii muddo kordhinta guurtida ay weli ku adag yihiin una arkaan in sharci ay tahay muddo kordhintii golaha guurtidu marka wax laysku qabtana waxaa loo baahan yahay in masuulka talada hayaa uu arrimaha dabciyo, wixii la dabcin lahaa iyo soo joogsigiina waxay maraysaa tayda halaga raaco, taasina waa arrin dalka gayaysiin karta xaalad adag oo halisa runtiina gudoomiyuhu wuu is xilqaamay hase yeeshee ma muuqato in uu wax guula ka gaadhayo dhexdhexaadinta, waxaana muuqata in wali khaladkii ku sii adkaysanayaan taasina waa arrin macangagnimo ah labadii xisbi mucaaradna maanta ayey jawaab ka soo saarayaan warqada xukuumaddu kaga soo jawaabtay.

S: Sideed u aragtaa mudaharaadka caasimadda ka dhacay maalintii shalay oo khasaare dhimasho iyo dhaawacyo keenay uu ka dhashay?

J: Iyadoo wakhtigan xaadirka ah lagu jiro abaaro, sicir barar, waxaanay ka mid tahay, dhibaato iyo talaabo aan loo meel dayin waxaanay ka mid tahay maamul xumada dalka ka jirto, markastana xukuumaddu waxay qaadaa talaabooyin waxna yeelaya, oo aan fiiro loo yeelan, Wax badso wax beel bay, dhashaa, gobol iyo degmo cusub ayaa la magacaabay degmooyin kan caasimaddana waxay la mid yihiin kuwii hore, mudaharaadyadan maanta dhacayna waxaa sabab u ah maamul xumada dalka ka jirta, dhaqaale xumada xukuumadda sababtay adeegyadii aasaasiga ahaa, korontadii, biyihii, maceeshada qaaliyowday waxaana qabaa in xukuumaddu ay keentay kacdoonkaa dadweyne.

S: Haddii Madaxweyne Rayaale ku adkaysto mawqifkiisa ku waajahan korodhsiimada golaha guurtida maxaa ku iman kara ayaad isleedahay dalka?

J: Illaahay inaguma keenee, kolay inin diktaytarnimo iyo kursi jacayl ku adkaystay dhibaato ayey inagu keenaysaa, burburna ka iman karo, waxaana muuqata in masiirkii umada ayaa la afduubayaa Madaxweyne Rayaale waxay mudadiisii xilku kaga eegtahay 15 may, waxaana iswaydiin leh waxa uu ku sii jawaabayo ee uu xilka ku haynayo, mar hadii mudadiisu dhamaatay sharciyad uu ku joogayaana ma jirto hadii san sharciyad uu ku joogaa jinin waxaa loo baahan yahay in xal dhexdhexaada la helo, hadii uu ku adkaystana, waxaa meesha ka muuqata wixii laga dagaalamay shalay. Cadaadiskii kali talisku qarax, cadaadiskii kalitaliskii ayaa muuqda dalka taasina qarax bay keenaysaa mucaaridkii looga baqi lahaa inay nabada wax yeelaan, xukuumadii ayaa nabad galyada looga baqayaa iney carqaladayso oo dumiso, dariiqii dalku ku burburayey ayaaney xukuumadu maraysaa, aniguse waxaanu ugu baaqaynaa in Madaxweyne dhagaha u furo miiska wada hadalka iyo talooyinka umadana qaato.

S: Duqayda reer Awdal oo lagu yaqaaney markay dhibaato dhacdo ama khilaaf yimaaddo inay xal raadin ka sameeyaan arrimahaasi maxaa maanta uga qorshaysan reer Awdal xaalada khilaafka cakiran ee dalku ku jiro wakhtigan?

J: Reer Awdal waxay ahaayeen dadkii sida weyn uga hawl-galay dhibaatooyinkii iyo colaadihii ka dhacay dalka, oo ay billad dahabana ku kasbadeen, taas oo gurmadkii dhexdhexaadinta ee ay ka galeen damintii colaadihii walaalahooda Somaliland ay keentay in shirweynihii aaya-tashiga ee reer Somaliland lagu qabto 1993-kii magaalada Boorama, waxaadse moodaa in markii gobolka Awdal Madaxweyne-nimada helay in dantii Somaliland-ba ay Madaxweyne-nimadii kala waynaatay reer Awdal, waxaana lama ilaawaana in duqaydii arrimahaas hormoodka ka ahayd ay intooda badani geeriyoodeen, intoodii kalena ay da’ noqdeen, intii kale ee ka da’yaraydna waxaad moodaa inay ku qanacsan yihiin uun Madaxweyne ayaad leedihiin. Waxaan leeyahay haddaynu madaxweynaha Somaliland maanta nahay, berito ama sahadambena walaalaheena gobolada kale ama inaga ayaa noqon doona, waxaase meesha ku jira inaanay xaqaa’iqa iyo xaaladaha cakiran ee dalka ka taagan in dhaha ka qarsanin, kana aamusnaanin. Waayo, waxaa la yidhi hadduu walaalkaa gar-daran yahayna xaqa ugu hiili oo gar-darada ka qabo, haddii laga gar-daran yahayna cidda ka gar-daran si xaqa uga qabo, waana Xadiis Nebigeenii Maxamed (C.S.W). Sidaas darteed, waxaana Salaadiinta, duqayda dhaqanka ee reer Awdal ugu baaqayaa inay maanta walaalkooda madaxweynaha ah, waxa uu ku gar-darran yahay u sheegaan haba ka diidee, duqayda reer Awdalna waa ku fool-xumo in xaaladda maanta dalku ku jiro ay ka dhaqdhaqaaqi waayaan, maalinta ay xaaladuhu cakirmaan xilligii madaxweynihii hore ee Marxuum Cigaal, isla markaaba beesha xigtadiisa ayaa u soo horeyn jirtoo isla markaaba xaaladaha ka fadhiisinaysay oo talo iyo tusaaleba ku biirin jirtay. Waxaan leeyahay reer Awdaloow dhegaha haka furaysanina xaaladaha dalka, waxaanan duqayda iyo waxgaradka reer Awdal ugu baaqayaa inay si dhakhso ah xaaladaha dalka u soo fara-geliyaan, walaalkoodna hadduu gar-daran yahay gar-darada ka qabtaan haddii laga gar-daranyahayna ay arkaan, laakiinse inay banaanka ka joogaan arrin qurux badan maaha, waa inay dedaalka xalka loogu raadinayo khilaafyada cakirani ay ka soo qayb-galaan, doorkooda dhaqana ay ka qaataan, isla markaana ay hormood ka noqdaan.”

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.