Weed Gaaban: Bulshow!!!

Weed Gaaban: Bulshow!!!

Prof Abdisalam Yaasiin Maxamed

aymohd2000@yahoo.com

 

Waxa la yidhi, “Nimaan hadlan, hooyadii qadisay.” Markii sicirkii cuntada kacay, bulshadii Masar,  tii Hindiya, tii Baangladhesh, iyo tii Indooniisyaba may hadline waa qayliyeen. Maamuladoodiina qayladoodii waa maqaleen. Ka dibna, ama cashuurii ayaa laga dhaafay cuntadii aan laga maarmayn ama waa loo xidhay oo in debedda loo dhoofsho ayaa laga joojay.

 

Markaa, Bulshada Somalilanday hadala, oo kor u hadala, oo qayliya, bal in maamulkeenu in maqalo. Haraad baa in haya oo dad inaga dilay. Gaajana hadday inoogu darsanto. Maamulkii inoo talinayayna warba ka hayo, ee isagii baa weliba, inaga oo bakhtiyayna cashuur dheeraad in saarayo. Sidaa darteed, waa inaan qalo dheer qaylinaa. Waa in cashuurta la kordhiyay xiligan la joojaa. Waa in haddii bariiskii sicirkiisi kordhay dalalkii aynu ka keenaynayna xidheen, meesha aynu cunto ka doonanynu lays waydiiyaa. Waa in aan bulshadu maamul aan dhaqaaqayn una naxayn wax ka sugin ee iyada sidii cunto iyo biyo u heli lahayd, haraad iyo gaajona uga baxsan lahayd taladeedii gashaa.

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.