Wasiir Cirro Falaadhi Gilgilasho kaagama Go’do.

Shaqaaqadii Dhimasha iyo Dhaawacaba keentay ee 27 April 2008 ka dhacday Caasimada Hargeysa, waxay ahayd mid Murugo leh. Inkasta oo aanay ahayn tii ugu horaysay , waxana wax lago naxo ah in ciidankeenii sidii guulwadayaashii 20/2/82 si naxariis daro ah ay caruurta rasaas ooda ugaga qaadeen.

Hadaba Dhacadan waxa Xukuumada madaxweyne Riyaale ku mooseen Golaha Degeenka Hargeysa, sidii caadiga ahaydna Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Daqiiqado markii rabshadu socdeen, Shaaca ka qaaday in go’aanka golaha Deegaanka Hargeysa uu sharci daro ahaa, hadaba waxa is waydiin mudan ahna in wasiirka la waydiiyo:-

1- Jaalle Wasiir Shirkii Adiga iyo Maayor Jiciir idinku dhexmaray guriga madaxweyne ku xigeenka badhamihii bishan, miyeydaan degmooyinkaga ka wada hadal?

2- Jaalle wasiir Markii guuritada aad aalada yar dhigteen , waxaad markiibaa dusha ka saartay KULMIYE, arintan Golaha Degeenka wuxay ku dhawaaqeen 21/4/2008, waxa aad looga baahiyey Warbaahinta khaasatan ta Udub,ee idiin shaqaysa, adigu dalka miyaad ka maqnayd, sow raali kamaad ahayn?maxaa markuu dhiigu daatay sharci darro ugu tilmaatay?

3- Jaalle wasiir intii loo magacaabayey Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka, miyaanay been ma sheegayaashadii kuu soo waramin?yaase 26.4.2008 magacaabay Gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Sh. Cumar?

4- Jaalle wasiir waxaad dhawaan sheegtay inaaad Xiligii faqash Baadhe Been masheege ah ahayde arintii bishii labaad 2006 dii ka dhacday Injada Dunbuluq, taasi oo iyana dhiigu ku daatay, waxaad ka mid ahayd Gudidii loo saaray Baadhida arintaa , Iyada ma hore ayaad u laashay?

Habada Akhristow Sida ku cad shirka jiraa’id ee maanta ay Maayor Jiciir iyo kuxigeenkiisa Uurcade ku qabteen Hargeysa waxay daah furaysaa xidhiidhka u dhexeeyey labda dhinac oo markay Arlo dhabaqday isku tuur tuurka keentay.

Gebo gebadii Jaalle wasiir Falaadhi Gilgilasho kaagama Go’do, adiga iyo Jiciirna Kubadaa wada laadeen idinkay idku soo noqotay, is cafina danbena ma dhici doono ee qofwalba waxa lagula xisaabtami wuxuu galay.

Mohamed Ali

London

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.