Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo qabsoomay iyo go’aamo lagu ansixiyey

KULMIYE Party flagHargeysa (Somaliland.org) – Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shirkiisii u horreeyey maanta ku yeeshay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Waxana lagu ansixiyey laba qodob oo kala ah: In saddex bilood dib loo dhigo shirka Golaha Dhexe iyo mawqifka ay labada xisbi ee mucaaridka ahi iska taageen mudda-kordhinta Madaxweynaha ee Guurtida iyo qabashada doorashooyinka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal kooban ku furay shirka ayaa ka warramay ujeedada shirka, isaga oo sheegay in dastuurka Xisbigu uu dhigayo in shirka Golaha Dhexe ee xisbigu uu qabsoomo bil kadib Shirweynaha, sidaa darteedna hoggaanka xisbigu isagoo fulinaya qodobkaa sharciga ah uu isugu yeedhay shirkan xubnaha golaha Dhexe.

Hase yeeshee, waxa uu sheegay Guddoomiyuhu in xaaladdan cusub ee dalku galay xilligan iyo qaybo ka mid ah xisbiga oo aan weli soo dhammaystirin xubnihii ka gelayey Golaha Dhexe, sida Qurbajoogga, dhallinyarada iyo Haweenka darteed, xisbigu wadatashi u socdey beryahan dambe uu isla qaatay in shirkan la qabto, balse, hawlihii uu gudageli lahaa dib loo dhigo, taas oo uu u soo jeediyey Shirka si uu go’aan uga gaadho, isaga oo sheegay in ay u arkeen in shirka Golaha Dhexe la qabto wakhti ku haboon oo xubnaha goluhuna ay isu dhan yihiin.

Shirka Golaha Dhexe oo ay ka qaybgaleen in ku dhow boqol xubnood, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu soo hordhigay mawqif labada xisbi ee mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ay wadajir uga qaateen xaaladda dalku haatan marayo, dhammaadka muddada Madaxweynaha iyo qabashada doorashooyinka.

Waxaana shirka hortiisa laga akhriyey mawqifka labada xisbi oo sharci ah u naqdiyey go’aanka Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweynaha, kaas oo ay ku tilmaameen mid sharcidarro ah iyo sidoo kale, waxa sharcigu ka qabo marka ay timaaddo in muddada Madaxweynuhu dhammaato, isla markaana aanay jirin sababta keeni karta in Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka muddada loo kordhiyo ee dastuurka ku cad oo ah nabadgelya-darro doorashadu u qabsoomi kari weydey, waxayna sheegeen in maalinta ay dhammaato muddada xilka Madaxweynaha, 15 May ay la mid tahay in jagada Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenku bannaan tahay.

Warqaddaas oo uu shirka ka akhriyey Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid, isla markaana ay saxeexeen, labada Xoghaye Guud ee labada xisbi, waxa ay labada xisbi ku caddeeyeen mawqifkooda oo ah in Komishanka Doorashooyinka loo daayo hawshooda dastuuriga ah, isla markaana loo diyaargaroobo in doorashooyinku qabsoomaan wakhtigii Komishanku u cayimay ee la isla qaatay iyo in la sameeyo wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta ee Komishanku soo jeediyey, kaas oo ay sheegeen in la’aantii aanay suurtagal ahayn doorashadu.

Labada xisbi waxa kale oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin in dhinacyada arrintu ay khusaysaa ay wadatashi ka yeeshaan xaaladda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo ayaa warqaddaas ku tilmaamay garnaqsi ay kaga jawaabayeen Mawqifka Xukuumadda.

Waxana uu Golaha Dhexe cod aqlabiyad buuxda ah ku ansixiyey in Shirka Golaha Dhexe dib loo dhigo muddo 3 bilood ah iyo mawqifka labada xisbi iska taageen xaaladda, sidaas ayaana lagu soo gebagebeeyey shirka.

Shirkan Golaha Dhexe ayaa la filayey in lagu doorto Musharixiinta xisbi ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.