Murti Kooban:Goroyo

Murti Kooban

 

Goroyo

 

Guyaal iyo guyaal baan lahaa guushu way imanne

Gursamo haddeer waxan lahaa geeddigaad furiye

Hadduu dawga gees maro hayaan gaade waw halsie

 

Harar waxa gedday tahay ka dhigay laguma guuraane

Garba-duub waxay ugu xidheen waa ka gaagixiye

Haddii ay gumeeyeen kuway gacalka moodeysay

Oo ay hankoodii gabeen shicibkan gaadiiday

Waa gacan nin lihi goynayoo qaamudkeed galaye

Saw gari allay leedehee goroyo haad maaha

 

Intaan layli heeryada gambiyey gibisha saaraayey

Gurgurshaa haddaan raran lahaa godob ka dhawraaya

Mar horaan dantay gaadhi laa in gaboobowe

Saw god ay ilduuftoon kolaba laysla garan maaha

 

Gacmo wada jiraa lagu dhacsaday galabtii sheegnayde

Haddii gacalku biiq biiqo oo iniba gees aaddo

Oo guurti maaraysa iyo garasho iimawdo

Saw taa midhaha laga gurtaa qaran gaddoon maaha

 

Daha Farah

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.