Maxaa Ka indha saabay Adeeg-la’aanta, Xeeladaha Qaawan? By: A.S. Baandheeye

Maxaa Shicib-weynaha S/Land ka indha saabay Adeeg la’aanta, Hagardaamada, Xeeladaha Qaawan, iyo Qawda Maqashii Waxna Ha u Qabanta Xukuumadda? By: Axmed Shire Baandheeye

Marka xaqiiqada lagu hawl galo, waxaa lagu kala baydh-baydhi waayey in aanay xukuumaddu wax raja ah Ummadda u iftiimin intii ay xilka haysey iminkana aanay u soo wadin, isla markaasna waqtigeedii uu noqday gabaabsi iyo saanbuuse laga addimey ama ciyi waa ka beryey

Muddadii Xukuumadda “Indhabirta” ay xilka iyo talada dalka haysey ayaa ahaa waqti muran , male awaal, musuq-maasaq, xiisado iyo xaal abuur ku sifoobey. Ammuurahaasu waxay ahaayeen tabo iyo xeelado ay xukuumaddu dhaqan iyo caado ka dhigato, isla markaasna u adeegsanayso inay indhaha dadka iskagaga sii jeediso si ay muhimmdda iyo danaheeda gaar ahaaneed ugu fulaan, waqtigana ay kulumiso.

Maah-Maah somalilyeed ayaa tiraahda “Maska intaad arkaysid ayuu kaa fogyahay”. Dulucda maah-maahdu waxay tahay, dadku markay sheedda ka arkaan “MAS” , “ABEESO” ama “HALAQ” ba, waxay bilaabaan erayo digniin ah iyo inay ka durkaan goobta bahalka lagu arko, balse ay jiraan marar badan oo masku intaas uga dhowyahay, lagana yaabo inuu kiishadda ama suunka u galo amaba gogosha ugu jiro, balse cidina aanay u war hayn.

Maah-Maahda waxaan uga jeedaa, Xukuumadda oo qorshe walba ku filisa DAN shakhsiyaad gaar ahi iska leeyihiin ayaa ku hawl gala Hagardaamooyin , dibin daabooyin iyo dabinno farabadan oo masiirka dalka iyo dadkaba aanay dani ugu jirin, markaasna faq iyo gudcur madow wax ku maleega, isla markaasna aanay jirin wax laga ogyahay, balse had iyo jeer marka dhacdooyin yar-yari aloosmaan Xisbiyada Mucaaradka ahi ama shakhsiyaad kale ay qaylo oodda ka qaadaan.

Danyasiga Xukuumadda ayaa waxaa u daliil ah

· Ku adeegsiga Guurtida oo ah gole ilayska dimoqradiyadda bakhtiiya, isla markaasna kana musuq-maasaqa shida si weynna u iftiimaya.

· Shakhsiga Danta Dalka iyo Dadkaba ka hadla oo shaqadiisa debedda laga dhigo, isla markaasna lagu beddelo mid ka indho iyo dega la’ danta guud iyo qaranimada

· U ballan qaadka iyo been ku korinta ay danyarta iyo wax magaratada ku beer laxawsadaan inay bad iyo berriba malab uga dhigayaan.

· Khayraadka Dalka (Bad iyo Berriba”) oo si dadban Xukuumaddu uga faa’iidaysato.

· Shiidaalka oo isagu si toos ah ugu digirin xidhan Xukuumadda iyo Shakhsiyaad gaar ah, isla markaasna ka muwaadinku dalkiisa keeno Badda lagu daadsho. Cajiib !!

· Been abuurka, la dagaalkana iyo kala fur-furka Xisbiga kulmiye oo ay u arkaan wedka keliya ee ku soo foodleh, isla markaasna ay awooddii dhaqaale ee dalka u adeegsadaan sidii ay Xisbiga iyo Shicibka isaga hor keeni lahaayeen.

· Anshax xumada , hadal xumaanta iyo aflagaadooyinka lagula kaco wixii daneeya dariiqo loo maro Dimoqraadiyadda iyo danta qaranka oo xukuumaddu abaal gud shaqo iyo mid maaliyadeedba ku bixiso.

· Adeeg xumada iyo cashuur kordhita keentay in dekeddii dalka looga guuro dekado dal kale oo aan dani ugu jirin

· Socdaallo fara badan oo adduunka daafihiisa lagu tago, oo dhaqaale bur-bur iyo darxumooyin mooyaan e aan marnaba keenin wax yidi-diilo ah.

· Kaaf iyo Kala dheerista, Siraha maldahan iyo dhuxulaha dambaska huwan ee lagu sal gooyey Gobolada iyo Degmooyinka Cusub waqti aanay munaasab ahayn. Wuxuu ahaa Waqti aad u adag oo Dalka ay soo foodsaareen Abaaro ba’an iyo biyo la’aan. Wuxuu ahaa waqti dadku ay beerka dhulka ku wada hayaan, isla markaasna shicibku la silic maaryaadayo sicir barar, caafimaad darro, dhaqaale xumo iyo tacluus xukuumad xumoba.

· Halkii Xukuumadda looga fadhiyey inay ummadda u fidiso gurmad biyood iyo mid baad ba, ayaa waxay ka door bidday tabihii iyo xeeladihii doorashooyinka ay kaga hawl geli lahayd inay ka door biddo oo tan dadk a baahan ka horeeysiiso.

· Caadaysiga ay xukuumaddu caadaysatey inay had iyo jeer ku hanjabto in “NABADDA” meel fog laga dooni doono haddii ceebaheeda wax laga sheego.

· Dhallinyarada tarab-tarabka ugu dhimanaya badaha iyo lama degaanada ee habeen iyo maalin ka qulqulaya dalka, isla markaasna aanay xukuumaddu wax mas’uuliyad ah iska saarin iyo sababaha keenaya bara baxooda.

Maxaa shicibka ka indha saabay Xukuumaddii ay xilka u dhiibteen?

· Shicibka S/Land boqol-kiiba todobaatan (70%) waa reer guuraa. Waa reer Guuraa ku asqoobey duruufo badan oo ay ka mid yihiin; Abaaro, Biyo La’aan, Caafimaad Xumo, Dar yeel la’aan, Sahan la’aan iyo Suuq xumo sayladeed, Sicir Barar iyo guud ahaanba waxba la’aan. Duruufahaas qallafsan waxa kaloo bar-bar socda Aano , Utun, Isqaanan, Gashi ,Istuhun iyo kala shaki had iyo jeer dhexdooda ka abuura colaad iyo isnacayb ay ku lumiyaan u wada tashiga danta guud iyo wada noolaanshaha caafimaadka qaba. Xukuumadda oo iyadu ahayd tii xilku ka saarnaa inay Reer Guuraaga u arrimiso, adeeg wanaagsanna u fidiso, ayaaba waxba yaanay u qaban e iyadu isugu dhiibta mudacyo iyo maxaadhyo af badan, mashaakil badana ka dhex abuurta, mashaakilkaas oo iska sii jeedin iyo isku mashquulin iyaga ah. Reer Guuraagu mar hore iyo mar dambeba toonna xukuumadda wax adeeg iyo anfac ah ugama baran. Waayo, noloshooda ayaa weligeed ku xidhnayd xoolahooda ama dalag beereed haddiiba uu jiro.

Waqtiga Xukuumaddu Reer Guuraaga u baahato ayaa ah waqtiyada Doorashooyinku jiraan. Markaasna xukuumadda iyo Reer Guuraaga waxaa u dhexeeya Xariif Magaalo oo ku hawl gala Qabiil iyo Reernimo, watana magac; Aqoon yahan, Boqor, Suldaan, Jiif Caaqil, Caaqil, Taajir, Wasiir, Guurti, Baarlamaan iyo qaar kaloo badan. Sidaas Darteed, Reerguuraagu camal xukuumadeed iyo si loola xisaabtama midna waxba kama yaqaan.

· Shicibka S/Land Boqol-kiiba shan (5%) waa qurba joog u badan Mucaarad. Mucaaradnimadoodu waa qoraal iyo hadal aan iyaga dhaafsiisanayn. Qurba jooga natfiisu maaha mid guur guurstiisu yartahay oo wuxuu ku jiraa Waddan ka guur oo mid kale u guur. Inkastoo xukuumad xumadu u muuqato, haddana wacyigelintii iyo tusmayntii shicibweynaha waayey meel ay kala soo gaadhaan. Sidaas darteed ayaan iyagana qoraalkooda iyo qayladoodu meella sii gaadhsiisnayn.

· Shicibka Boqol-kiiba shan (5%) oo maato u badan waxay noloshoodu ku tiirsantahay Qurba jooga. Maadaama iyaguna ay bil walba doolarka daaqadaha Xawaaladaha ka qaadanayaan, baahidoodiina sidaas ku daboolantay, xisbad iyo feker ay kula xisaabtamaan xukuumadda ama baahi ay la qayliyaan meesha uma taallo. Sidaas Darteed iyaguna fekerkoodu ma dhaafsiisna hebelow sicir barar baa dhacay e biilkii soo kordhi.

· Shicibka Boqol-kiiba shan (15%) waxay ku kala foofaan meherado kala duwan, una badan “baayac Mushtar” ama ganacsato,mustawahoodu kala duwanyahay, una kala baxa “Ma Qadaan Madhergaan” hose, Mid dhexe iyo Mid sare. Qaybtanu waa qayb maskax iyo muruqba isugu geeysey sidii ay meherahooda uga midha dhalin lahaayeen, amaba nolol maalmoodkooda wax ugu soo saari lahaayeen. Waxay ka xoroobeen u dus-duska Xukuumadda iyo daaqad isu taagga Madaxtooyada iyo wasaaradaha. Waa kooxo midba midka kale hiigsanayo, oo tartan ugu wada jira sidii ay u kobcin lahaayeen wax soo saarkooda iyo kor u qaadida dhaqaalahoodaba

Waa kooxo wax badan ka og wax qabad la’aanta iyo mas’uliyad darrada Xukuumadda. Intaas kuma koobna e, waxay si weyn wax uga ogyihiin maleega Xukuumaddu ay shicibka ka dhex maleegto fadqalalaha mu’aamaradaysan ee u jeeddo badanka ah, una aragto sida keliya ee ay shicibka indhihiisa isaga sii jeedin lahayd. Kooxdanu waa cashuura bixiyaal bixiya cashuuro ka weyn awoodooda, isla markaasna aanay jirin wax adeeg ah oo loogu qabto, balse cashuurtaasu ku dhacda jeebabka ash-khaas gaar ah.

Kooxahan oo isugu jira qaar ka indho iyo dhagaba la’ micnaha Xukuumadda iyo sida loola xisaabtamo iyo qaar kaloo fahamsan , balse inkastoo ay arkaan in aanay jirin xukuumad dalka iyo dadkaba damqasho ugu jirto, haddana inay ku kacaan oo la xisaabtamaan waxay ka door bideen inay ku sugaan doorahso xalaal ah oo ay ku helaan Xukuumad dhaanta tan jirta. Waxay kaloo si weyn u daneeyaan in ay ku fara adeegaan xoogaayada ay gacanta ku haystaan.

· Boqol-kiiba laba (2%) waa Danaystayaal. Waxay taxanyihiin Xukuumadda halka ugu sareesa iyo ilaa halka ugu hoosaysa (Ilahay ha u naxariistee, xaaji adan Afqalooc wuxuu yiri….. Waashmaan kolay tahay…. Ninkii Taabay Meel Dhereg yeh). Kooxdan waxaa la yiraahdaa Dulanka Dalka. Sarbeeb ahaan “Dulan”, waxay u kala baxaan Gafanayaal, garan gooriyaal, Shilin Cas, shilin madow iyo hadh-ka-yaac. Waxaa kooxdan si toos ah ugu xidhan, Boqolkiiba (99%) Golaha Guurtida, Boqolkiiba (80%) Baarlamaanka, Garsoorka, Xisbal Xaakimka, Boqolkiiba sagaashan (90%) tijaarta waaweyn, kuwa hay’adaha, Mulkilayaasha Guryaha iyo gawaadhida hay’aduhu manaafacsadaan iyo “Duulka Roobku ugu Da’ay Guriga Deyrkoodu….ee moodaaya Dunidoo Dhan Inuu Dirirku Hooraayo”.

Waxaa kooxdan yar ee danaystayaasha ah had iyo jeer ku gaaf wareega kooxo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah Madax dhaqameedyada, oo iyagu miisaanno kala sar-sareeya ku leh Madaxtooyada. Kooxdan, waxaa iyaga wedkooda ah Dadka oo u midooba iyo weliba in Ictiraaf la helo. Sidaas darteed waxay maal iyo muruqba isugu geeyeen sidii Xukuumadduna Dalka xuurtada ugu sii haysan lahayd, kooxda inteeda kalena kor joogto ka ahaan lahayd.

Kooxdanu waxay samaysatay safaf kala dambeeya oo saf waliba u qaabilsanyahay hawl gaar ah. Safka hore waxaa u qaabilsan kuwo iyaga maskaxddooda wax lagu duubay, isla markaasna si looga masaxaa aanay jirin. Waa koox yar oo iyagu had iyo jeer si indho iyo dega la’aan ah u difaaca daldaloolada Xukuumadda, isla markaasna ka yaqaan afkeenna hodanka ah eraya kooban oo ay u adeegsadaan canbaaraynta Xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye.

Kooxdan safka hore keeb la yuurarka ah ayaa ah qaar wax soo saarkoodu ku xidhanyahay hadba inta ay ku xiiqaan difaaca xukuumada ama canbaaraynta xisbiyada le’egtahay, isla markaasna aan haba yaraatee u war hayn siyaasadaha ay isla maleegayaan safafka ka dambeeya ee ay amarka ka qaataan, oo weliba aan iyaguna isu sii warhayn, balse marakay ciyaarta kuwada jiraan moodaya inay sacabka iyo jaanta meel ka wada qaadayaan.

· Boqol-kiiba laba (2%) Waa Raja ku Nool, waana awoodda dahsoon, kana kooban Ardayda Iskuulada, Ardayda Jaamicadaha, Macalimiinta, Shaqaalaha Waxbarashada, Dhakhaatiirta ama shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo ciidamada qalabka sida iyo askarta bilayska oo iyaga ay u muuqato dayaca Dalka haysta iyo dibin daabayada Xukuumadda ka arrimisa, balse iyagu raja ku nool ah, rajadaas oo ay ka qabaan doorashooyinka dalka ku soo foolka leh, mar walbana naawilaya in ilaahay xukuumad tan dhaanta u dhaliyo. Sidaas darteed ayey iyaguna raja ku nool yihiin, dugsada nabadda, dhawrayana in si nabad ah ay isbeddel ugu helaan.

· Boqol-kiiba kow (1%) waa Hawl-wadeennada Xisbiyada Mucaaradka ah iyo kooxo la isku yiraahdo Qun-yar-socod-yaasha. Kooxdan qun-yar-socod-yaashu waxay ka koobanyihiin “Culamaa-udiin, Aqoon yahanno iyo Abwaanno danta guud u muuqato isla markaasna iska ururiya ama iska ilaaliya inay si toos ah ugu milmaan ciyaaraha siyaasadeed ee ka dhex socda Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, balse la oran karo waxay si dadban qoobka ugula kala jiraan labada dhinacba.

Kooxdan ayaa had iyo jeer iska ilaalisa inay fagaarayaasha badheedhahooda ka sheegaan, iskana indha saaba dal daloolada iyo iimaha xukuumaddu leedahay, isla markaasna arrintoodu tahay “lugna baqe ugu joog, lugna colaad”, micnaheeduna tahay in aanay marnaba Xukuumad iyo Mucaarad midna iska hor iman, balse had iyo jeer kaga hawlgala arrimaha ka dhex cakirma Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka si dhex-dhexaadin ah, oo aan marnaba muujin inay dhinacna u jan jeedhaan.

Kooxdan oo ah koox ku xeel dheer Micnaha Xukuumadda, waxyaabaha lagu kala yaqaan Xukuumadda curyaanka ah iyo Xukuumadda waaxyaheedu isu dhanyihiin, iyo weliba sida loola xisaabtamo ayaa iyaguna aamuskaas iyo qun-yar-socodnimadaas u arkay inay dantoodu ku jirto.

Hawl wadeennada Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa had iyo jeer lagu xantaa il-duufyo fara badan iyo in aanay u midaysnayn mucaaradnimadooda oo iyaga naftoodu ka dhexeeyso loolan siyaasadeed . loolankan siyaasadeed iyo isku badhi-furyo dhexdooda ah, gaar ahaanna lagu sii xanto Xisbiga UCID ayaa ah meelaha Xukuumaddu ka duusho iyo waxyaabaha ku sii dhiirri geliya inay noqoto mid ka abaarsatay u adeeggii ummadda, hodonna ka noqotay adeegeeda gaarka ah.

Hawl wadeennada Xisbiyada Mucaaradka ayaa mucaaradnimadooda kaga hawl gala meelo kooban oo dalka ka mid ah, gaar ahaan caasimadda Dalka. Baaqyadooda iyo wacyi gelinta ka soo yeedha shirarkooda ayaa ah wax aan dhaafsiisnayn Jaraa’idka Hargeysa ka soo baxa iyo Shebekadda Elektarooniga ah, oo shicibka S/land Boqol-kiiba (95%) aanay wax war ah ka hayn.

Xisbiyada Mucaaradka oo iyagu had iyo jeer la dhitiya dhaqaale xumo, loolan siyaasadeed oo dhexdooda ah, iyo weliba loolanka siyaasadeed ee ka aloosan xisbi kasta dhexdiisa, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye oo isagu beryahan dambe u muuqdey mid ka sii xuubsiibanaya loolannada siyaasadeed ee dhexdiisa, noqdayna kan keliya ee mabd’iisu cadyahay, isla markaasna kulmiyey siyaasi iyo aqoon yahanba amaba bulshada badankeedii, ayaan iyaguna lahayn awood dhaafsiisan qaylo iyo qoraal aan gaadhsiisnayn shicib weynaha, ayaa iyaguna naawilaya doorasho xalaal ah oo ay kaga hantiyaan Xukuumadda waqtigeedii iminka gabaabsiga tahay.

Ahmed Shire (Baandheeye)

Yufle1@hotmail.com

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.