Madaxweyne Riyaale oo Khudbaddiisii u dambeysey muddadiisa Madaxweynenimada u jeediyey labada Gole

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa khudbaddiisii u dambeysey muddadii 5ta sannadood ahayd ee xilka loo doortay maanta u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, waxana uu ka warramay xaaladda dalku hadda marayo ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxqabadka xukuumaddiisa muddadii 5ta sannadood ahayd ee la doortay oo ku eg 16ka May iyo waxyaabaha u qorshaha xukuumaddiisa sannadaha soo socda.

Fadhiga wadajirka ah ee labada gole oo ammaankiisana aad loo adkeeyey, isla markaana dibadda lagu baadhayey xildhibaanadu markii ay gelayeen gudaha hoolka ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhigaa guddoominayey waxa uu mudanayaasha u sheegay in Dastuurku tilmaamayo in Madaxweynuhu khudbad sannadeed u jeediyo labada gole ee Baarlamaanka kalfadhigga ugu horreeya sannadkasta, sidaa darteed waxa uu sheegay in Madaxweynuhu fadhigaa wadajirka ah u jeedinayo khudbad-sannadeedkiisii dastuuriga ahayd, waxase uu sheegay in Madaxweynuhu ka cudurdaartay inuu ka jawaabo wax su’aalo ah oo la weydiiyo, taas oo golaha ka abuurtay buuq iyo guux.

Madaxweyne Riyaale, waxa uu halkaas ka akhriyey khudbad dheer oo ugu qornayd in ka badan 40 bog, taas oo uu kaga hadlay arrimo u badan wax qabadka xukuumaddiisa iyo jawaabo uu ka bixinayey muranka siyaasadeed iyo xaaladda guud ahaan dalka ka taagan xilligan, iyada oo dhawr goor ay hafiyeen buuq ka imanayey mudanayaal golaha dhexdiisa su’aalo la xidhiidha arrimaha uu ka hadlayo ku soo tuurayey.

Madaxweyne Riyaale waxa uu khudbaddiisa si kulul u weeraray Hoggaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Komishanka iyo Guddida Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, kuwaas oo uu ku dhalliilay mawqifkooda ay ka taagan yihiin muranka Guurtidu geliyey muddaynta doorashooyinka iyo diiwaangelinta ee ay isla qaateen saddexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinku. Waxana uu dhammaan hay’adahaas ku tilmaamay kuwo iska indhatiraya sharciga dalka.

Xisbiyada Mucaaridka ah:

“Waxaan maalmahan maqlayaa iyadoon Doorashaba la gaadhin, Rag Mas’uuliyiin Xisbiyo ah oo leh beesha Caalamkaay, na soo kala gaadha. Waxaan leeyahay belaayo beesha Caalamka aan ugu yeedhno oo dalkan ka taagan ma jirto,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale oo ka jawaabayey baaq uu dhowaan beesha caalamka u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

Waxana uu ku tilmaamay in Gurmadka beesha Caalamka uu ka dalbaday Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, mid bar-kuma-taal ah oo aan waxba u tari karin Somaliland.

Beesha Caalamku ilaa 1991, Koonfurta Soomaaliya ayay u gurmaneysay, xaaladda ay ku sugan tahayna waad ogtihiin, …” ayuu yidhi mudane Riyaale.

Hase yeeshee, waxa uu dafiray in waxa Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya ay tahay Soomaaliya ee halkan ku soo gaadhey ay tahay wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul, isaga oo yidhi, “Yeesha kasmadeeda, Somaliland waxa ay kaga duwan tahay iyo horumarka ay maanta gaadhay in ay tahay; in ay degsato Xeerar kala haga oo gaadhsiiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay maanta ku naaloonayso, laguna majiiranayo”.

Madaxweyne Riyaale, waxa uu ku baanay sharciga oo uu sheegay inuu isagu u hoggaansan yahay.

“Ummadan inta aan xilka u hayo, waxa aan u ballan qaaday in aan ku hago Dastuurka iyo Shuruucda ka farcantay,” ayuu yidhi.

“Waa ta aan kaga duwannahay, Walaalaheena Koonfureed, oo sharci ay sameysteen oo ay ku dhaqmaan maalin qudha la waayey, taladooduna waxay noqotay tayda haddii la yeeli waayo waxba jiri maayaan,” ayuu raaciyey.

Sidoo kalena waxa uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha mucaaridka in ay sharciga u maraan damacooda, kaas oo uu sheegay inuu xaq u siinayo inay u tartamaan hoggaanka dalka, balse, waxa uu ku eedeeyey in khilaadka hadda taagan ay shuruucda qaybna akhriyaan qaybna ka tagaan.

Waxana uu kula taliyey, “Qaylo taagan maanta ma jirto oo idin dhaafsiisan idinka. Si xalaal ah isugu diyaariya in aad tartanka uga qaybgashaan oo aad kasbataan kalsoonida shacbiga idinkoon, qalalaase galin, markastina waxaan idin xasuusinayaa in uu Sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono. Qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, wuu siqiiri doonaa, Ummadda dhexdeedana maqaam kuma yeelan doono.”

Deeqbixiyayaasha:

Madaxweyne Riyaale waxa uu qiray in Beesha caalamku ay u ballanqaadday Somaliland inay ka caawinayaan doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda. Hase yeeshee, waxa uu yidhi, “Sharcina innooma sameynayso, innamana maamulayso, horena saddex doorasho ayaynu u soo qabsanay oo beesha Caalamku gacan ka geysatay, iyadoo aaney innagu faragelin shuruucdeena iyo nidaamka aynu u maamulanayno”.

Waxana uu si gaar ahna u cambaareeyey weftigii ka socdey Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha ee booqashada ku yimi dalka, isla maalintii golaha Guurtidu gaadhey go’aanka uu muddada halka sano ah ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale, kaas oo ay werwer ka muujiyeen, isla markaana ay ku tilmaameen mid carqalad ku ah heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen muddaynta doorashada iyo dhammaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha. Isaga oo taas ka jawaabayana waxa uu yidhi,

“Waxa ayaan darro aheyd, laba Xubnood oo deeq bixiyayaasha ka socotay in mid ka midi shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha markuu uu dalka ka sii baxayey, arrinkaasi oo ku ah ceeb deeq bixiyayaasha uu ka socda, innagana gef innagu ah, waliba isagoo u sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, in uu la tashi ugu noqon doono Deeq bixiyeyaasha. Arrinkaa waxaan u sheegay Deeq-bixiyeyaasha, go’aan inay ka qaataan raggaas iyo wixii khalad ah ee ay iyagu galeen oo iyaku [deeqbixiyayaashu] ay ka abaalmariyaan ee inagu aynaan tallaabo ka qaadin iminka. Hadalkiisuna mid na khuseeya oo lagu dhaqmayo maaha, balse shuruucda dalkani dejistay baa lagu dhaqmi doonaa, diyaarna marnaba uma nihin in Dalkan lagu maamulo wax aan ka ahayn Shuruucda iyo Dastuurka Qaranka JSL, Diiwaangelinta iyo Doorashooyinkana, waxa lagu maamulayaa Shuruucda ay soo gudbiyeen Golaha Sharci dejintu iyo Dastuurka Qaranka JSL”.

Komishanka Midowga Yurub iyo deeqbixiyayaal dhawr ah oo Somaliland ka caawiya horumarinta Dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka oo fadhigoodu yahay Nayroobi ayaa u soo jeediyey Komishanka iyo xukuumadda Somaliland in dib u habayn kooban lagu sameeyo xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha, lana waafajiyo jadwalka muddeynta diiwaangelinta iyo qabashada doorashooyinka ee Komishanku dejiyey, si loo gudagalo hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaas oo ay sheegeen in haddii saddexda xisbi isku raacaan wax-ka-beddelkiisu qaadanayo muddo aad u kooban. Hase yeeshee, qodobka xeerkaas ayaa Madaxweyne Riyaale si adag ugu dheggan yahay, kaas oo inkasta oo aanu shaqo ku lahayn ama khusaynin mudda-kordhintiisa, haddana ah qodobka keliya ee uu u cuskanayo mudda-kordhintiisa iyo dib u dhigista doorashada Madaxtooyada ee Guurtidu go’aamisey.

Madaxweyne Riyaale ayaa isagu ku doodaya in qodob ka mid ah Xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo sheegaya in Diiwaangelinta iyo doorashada ay u dhexaynayso muddo Lix bilood ah.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana Madaxweyne Riyaale, waxa uu khudbaddiisa ku sheegay oo uu ku faanay in uu is hortaagey, isla markaana uu buriyey xeerkii Doorashada Golaha Wakiillada oo ay labada gole ee Guurtida iyo Wakiilladu ku ansixiyeen midkiiba 2/3 (Saddex meelood oo laba), sannadkii 2004, iyada oo uu dastuurku dhigayo in Madaxweynuhu aanu dib u soo celin karin golayaasha xeerka ay ku ansixiyaan, isaga oo sheegay in xeerkaas ay ku jireen qpdobo caqabad ku ah qabashada doorashadii Golaha Wakiillada.

Madaxweyne ma sheegin qodobada caqabadda ku ahaa doorashada ee ku jirey Xeerkaas. Hase yeeshee, waxa la ogyahay in qodobada xeerkaas ee uu ka dacweeyey Maxkamadda Sare wakhtigaas, isla markaana ay laashay ay ahaayeen kuwa uu maanta Madaxweyne Riyaale u daliishanayo mudda-kordhintiisa, kuna hortaagan yahay in doorashooyinku qabsoomaan oo ah Diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo in doorashadu dalka oo dhan ka wada dhacdo oo xeerkaas labada gole ansixiyeen uu waajibinayey.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka:

Madaxweyne Riyaale, waxa kale oo uu ku dhalliilay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay iska indha-tirayaan Xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada. Waxana uu u soo jeediyey inay sharciga bartaan.

Madaxweyne Riyaale isagoo la hadlaya Komishanka, waxa uu yidhi, “Komishanka Doorashooyinka Qaranka anoo marar badan oo hore idiin sheegay, waxaan idin leeyahay si mug leh u barta Xeerarka tilmaamaya xil-gudashadiina oo kala ah Xeerka Doorashada Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada Xeer Lam, 20/2001 & Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lam, 37/2007, la idiinkama fadhiyo in aad la timaadaan aaraa iyo talooyin aan Xeerarka ku aroorin, ka baaqsashada aad ka baaqsataan waajibaadka ku cad labadaa Xeer, waxay idin geyeysiin doonaan xil gudasho la’aan. Waxana waajib idinku ah in aad u raacdaan Xeerarkaas siday u kala horreeyaan, ogaadana in aad tihiin Hay’ad Xeer fullineed ee aydaan aheyn Hay’ad Xeer Dejineed”.

Dhexdhexaadintii Guddoomiyaha Wakiillada iyo Golayaasha Qaranka:

Hadalkan maanta Madaxweyne Riyaale u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, waxa uu ku soo beegmay iyada oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu waanwaan ka dhexwado Madaxweyne Riyaale iyo labada xisbi ee mucaaridka ah oo mawqifyo kala durugsan ka taagan muranka Golaha Guurtidu geliyey qabashada doorashada Madaxtooyada, taas oo aanu guddoomiyuhu weli soo gebagebeyn, balse, uu labada dhinacba ogaadey mawqifyadooda, kadib markii guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah oo isku dhinac ah iyo Guddi Wasiirro ah oo Madaxweyne Riyaale uu wakiishay ay qoraallo ugu gudbiyeen mawqifkooda.

Madaxweyne Riyaale si cad ugama jawaabin waanwaantaas iyo sida lagu gaadhi karo xal laga raalli yahay. Hase yeeshee, waxa uu si dadban u iftiimiyey mawqifkiisa oo ah in aanu ogolayn gebi ahaanba wax dhexdhexaadin iyo wadahadal ah. Waxana uu ugu baaqay golayaasha sharci dejinta iyo dhammaan hay’adaha dowladda inay u hoggaansamaan, kuna dhaqmaan Dastuurka iyo Shuruucda ka farcantay, isla markaana ay reebban tahay in lagu baaqo wada tashi, iyadoo la arkayo ayuu yidhi sharciga.

“Waxa nagga reeban innagoo arkayna Xeerarkii oo ay cad yihiin meesha aan u marayno xil-gudashadeena in aan maalin kastiba warbaahinta aan ka sii dayno, Waa Wareey, hala tashadooy, ha la isku yimaadooy, iyadoo la iska indha tirayo Shuruucda aan dhiganay oo waajib ka dhigaya in aan ku dhaqanno,” ayuu yidhi.

“Waa gar wixii sharciga aan inoogu qorneyn in aan ka tashano, balse suura gal noqon mayso in Sharcigii oo yaala la iska indho tiro oo la yidhaahdo Maslaxadda Shakhsigayga ah kama arko ee aan talo galno. Taasi oo aan u arko in ay cay iyo gef ku tahay Ummadani sharciga iyo Dastuurka ay samaysatay,” ayuu raaciyey.

Go’aanka labada xisbi ee dhammaadka muddada Madaxweynaha:

Madaxweyne Riyaale si toos ah uma difaacin go’aankii Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey iyo dhammaadka muddadiisa xilka ee badhtamaha May, inkasta oo uu sharci darro ku tilmaamay cid kasta oo ka soo horjeedda go’aankaas, haddana waxa uu ka jawaabey mawqifka labada xisbi ee mucaaridka ah ee ah in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin marka muddadiisa xilku dhammaato kadib 15ka bisha May, 2008, taas oo uu ku tilmaamay in macnaheedu yahay inay qalalaase samaynayaan.

Waxana uu yidhi, isaga oo shacbiga la hadlaya, “Shacbiga, waxaan la socodsiinayaa, hunuu hunuu-da dadka qaarkii kula dhex jira, ee leh qalalaase ayaan sameynaynaa 15-ka May, waa in ay ka feejignaadaan, sababtoo ah, dadka noocaasi lihi ujeedadoodu waxa weeyaan, in beertii aan beeraneynay 17 sanno, ee ay inoo qorsheysnayd in aan u dabaal degno, in ay Rag damacoodu uu maskax maray, ay ku riyoonayaan in ay qalalaase galiyaan”.

“Waxaan shacbiweynaha ku wargelinayaa in ay feejignaadaan, cidii waxaas iyo wax la mid ula timaadana ay jawaab waafiya siiyaan,” ayuu raaciyey.

Sicir bararka:

Waqtigan oo dalka ay ka jiraan abaaro adag iyo sicir barar ku dhacay maceeshadda iyo Shidaalka, iyada oo ay jiraan xaalad adag oo dhaqaale guud ahaan dalka, Madaxweyne Riyaale waxa uu ka warramay horumar xukuumaddiisu samaysay iyo waxqabad dhinaca Adeegga Guud ah. Waxa uu halkaa kaga dhawaaqay duco uu Illaahay kaga baryayo in uu ka dulqaado abaarta iyo roobna u shubo.

Isaga oo ka hadlaya sida uu wax uga qabanayo sicir bararkana waxa khudbaddiisa ka mid ahaa oo uu yidhi,

Sida aynu la wada socono dhaqaalaheenu wuu hooseeyaa, sababta oo ah waxaynu nahay dawlad yar oo aanay cidina taageerin, dhaqaaleheena daruuriga ahina wuxuu ku salaysan yahay wax aynu dibadda ka keensanno. Ummaddina waxay ku baahi baxdaa xilliyada adag waxay la soo baxdo, (Nin waliba gacantiisa ayuu biyo kaga dhargaa).

Sida aad la socotaan, duruufaha caalamiga ah ee taagan, lagana yaabo in ay muddo sii jiitamaan. Waxaan ummadda ugu baaqayaa in sida kali ah ee looga dabaalan karaa tahay, tusaalooyinkan oo waajib ummadda ku ah:

Waddaniyaddu waxay ku jirtaa isticmaalka iyo wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah ee dalkooda ugu yaraan 60%, ( Boqolkiiba Lixdan).

Si looga hortago duruufaha meceeshadda sida, yaraantooda, kala go’ooda, sicir bararkooda, waxa innagu ah muqadas in aynu carradeena dihin barano oo maallo, qof kastana wax hakala soo baxo miyi iyo magaalaba wixii uu cuni lahaa midho iyo khudaarba”.

Waa in aynu caqligeena ka saaro ku tiirsanaanta dibadda ee miciishadda iyo dhaqaalaha kaleba oo aynu muruqeena maalno.

Xukuumaddu, waxay Miisaaniyadda Sannadkan ugu daraysaa Kharash lagu caawin doona dadka beeraha qodanaya si loo kordhiyo tacab soo saarka Cuntada Daruuriga ah,

Ganacsatadana waxaan leeyahay, sidaad horeba ugu dedaali jirteen Ummaddiina, Raashin dalka keena, iyadoo la ogyahay duruufaha sicir bararka ee Adduunka oo dhan saameeyay, hadana waxay tahay in aad dedaashaan oo dadkiina u naxariisataan”.

Madaxweyne Riyaale, waxa kale oo uu ka warramay waxqabadka xukuumaddiisa ee dhinacyada, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, dhaqaalaha, aqoonsi raadiska iyo waxyaabo kale. Waxana uu beesha caalamka ugu baaqay inay ka jawaabaan codsiga dadka reer Somaliland ee ah in la aqoonsado goonni isu taagga Somaliland.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged , , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.