Madaxweynah JSL ayaa ka Masuul ah Dilka 4 Dhalinyarro ee Ciidamadu ku Laayeen Hargeysa

 

Axadii, bishane markay ahyed, 27, 2008, Dilkii 4 dhalinyarro ( gabadh iro 3 wiil)  ee Ciidamadu rasaasta ku laayeen, Hargeysa dhexdeedda, waxka masuul ka ah Madaweynaha JSL, Dahir Riyaale oo x cakiran dalka galiyey si uu ugu fadhiyo Madaxtooyada . Sidoo kale, Sharci La’aanta, Dilka, Xadhigga, Dhaca, Darxumada, Cabudhidda,   Mussuqmaasuqa & Cadaalad La’aanta Somaliland ka jirata wax Masuul ka ah Xukuumadda Riyaale Madaxda ka yahay. Madaxynuhu isagaa amar ku bixiyey in Ciidan Qaran iyo Boolisku cadaadis saaraan dadweynha reer Somaliland , gaar ahaan kuwa reer caasimadda ee Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu haddii aanu ka raalli ahayn waa in uu badka soo dhigaa Kursigiisa, ama ka Wasiirka Arrimaha Gudaha, ama ka Mayarka Hrageysa iyo xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargeysa.

Wasiirka Ina Waran Cadde oo ka suncad duwan wasiiradda kale,  wax loogu soo diray in uu dadka la hadlo oo qaboojiyo, laakiin arrinkan oo kale ama mid ka baaxad weyniba wuu soo socodaa 15ka May 2008, markaaso, xiligii Madaxynanimo ee Dahir Riyaale ku egtahay. Markaas haddi  Eebe ina gaadhsiiyo maalintaas, Ina Waran Cadde, wax oran lahaa ha isku soo ceebayn in dadka hor timaadid, sabata oo ah, maalintaa Golaha Wasiiraddu ma jiri doono.

Falal noocan ah ayaa ku xigi doona arrintaa shalay Hargeysa, Casimadda Somaliland, ka dhacday, sababta oo ah, Xukuumadda oo u baratay in dadku u dul qaataan qaladaadkeeda ayaa u aragta in Xukunka Somaliland ku haysan karto xaalad abuur noocyadan ah. Bal eega, wax ciidan laga soo buuxiyey casimad Hargeysa.

Mashaqadda Hargeysa ka dhacday waxay tahay bilowgii dhammadka xukuumadda gabalkeedii dumay ee Dahair Riyaale madaxda ka yahay, oo bilowday in ay qalato oo xasuuqdu dhalinyaradeedii, rag iyo haweenba, kuna layso meeshay ku dhasheen.

Magaalooyinka kale ee Somaliland arrimahan oo kale ayaa ka socoda. Tusaale ahaan, Borame, Gabiilay, Burco, Garadag ilaa Ceergabo wax lagu cabudhinayaa dadweynihii dalka lahaa.

Dhammaan waa ku ceeb taariikhi ah in salaandiinta la soo ururshay ee la anfac siinayo, ee loo diraayo dadkoodii xabadaha lagu furay. Salaadiintu, reergay doonaan ha noqdaane, sida jaban ee loo adeegsado ama loo isticmaalo waa arrin la mid noqonaya sida loo adeegsaday Guurtid fashilantay ee sharcigii u jabisay una kordhisay sanad kale  Dhair Riyaale, oo Somaliland ka madaxahaa muddo 7 sanadood ku dhow. Wararku waxay sheegayaan in nin kasta oo guurtid ah oo arrinkaas aqbalay la siiyey $600 si uu foodka u siiyo in Dahir Riyaale loo kordhiyo. Waa arrin aad u jaban oo meel ka dhac u ah odayaal msulim ah oo da’ ah.

Salaandiinta hadalkoodii waxka muuqatay saluug iyo geedsare waab, sababta oo ah, iyaga oo garanaaya meesha fidnadu ka socoto ayey meello kale oon shaqo ku lahayn xxanayaan. Taasi waxay ku tusaysaa siday uga hadleen arrinta xasuuqa ah ee baaxadaas leh. Xaalbay ka bixiyeen dadkoodii lagu xasuuqay magaaladoodii.

Somaliland wax cad in lagu xukumo gaajo iyo laaluush la siiyo qabqablayaasha reeraha, oo deadkoodii ka doortay shilimaad xukuumadu siiso.

Maxay ku dhinteen dhalinyaradda reer Hargeysa xabadda loogu laayey. Yaa ka masuul ah.

Aduunka marka waxan oo kale dhacaan laga ma hadho ilaa la helo halka uu amarkaasi ka yimid.

Waxaynu ogsoonahay in ragg hore ciidamadu ku laayeen Hargeysa iyo Burco oon ciddi is waydiin.

Qiimaha dhiigga muwaadinka Somaliland waxuu noqday waxjaban oon wax ka soo qaad lahayn.

Qiimaha mawaadinka Somaliland waxa uu mashruuc u noqday in lacag faro guudkood ah la siiyo ragga dab dhilifka u ah xukuumadda in Riyaale.

Ninkasta oo dambi ka galay dadkan iyo dalkan, taariikhdiisa iyo dhacdooyinka uu ka qayb galay ma noqon doonto mid si sahalan looga hadho.

 

Ragga ku can baxay ee calaamdaysan waxaa ka mid ah:

Dahir Riyalle iyo qoyskiisa, Cabdillahi Yare, Cawil, Cirro, Talaabo, Gudoomiye ku xigeenka kowaad iyo ka labaad ee Guurtida, Madax Bankiga Dhexe, Madaxa Oditka Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamdda Sare, Wasiir Maxamed Suleyman Weyne, Wasiir Axmed Dahir, Wassir Sacid Sulub, Jananka Ciidanak Booliska, Mayorka Hargeysa , rag fara badan oo odayaal qabaa’il ah, rag NSSta ahaan jiray iyo qaar kale oo badan oo ahaan jire wasiiro,

Eebow Na Badbaadi

Mohamed Amir 

amiirawale@gmail.com

London/UK

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.