Goleyaasha Iyo Hadalkii Riyaale

Maxay ka siman yihiin Khudbadii Siyaad Barre jeediyey January 1991 iyo tan uu Riyaale jeediyey April 2008?

Waxaa maanta labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada si wada jir ah ugu jeediyey qudbad Madaxweynaha waqtigiisii dhamaanayo ee Riyaale. Hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo malaha loogu tala galay qudbad sanadeedkii ayaa sida lasheegay waxaa fadhiyey 138 mudane oo labada gole ah, 23 wasiir, komishinka doorashooyinka ee qaranka, wuxuuna kullankaasi ka dhacey xarunta golaha guurtida. Kulankaas waxaa daadihinayey Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Cirro.

Hadaba intii aanu Riyaale ugellin nuxurka qudbadiisa waxa uu si toos ah Riyaale uga cudur daartey inaan wax su’aal ah la weydiin karin. Arrinkaas ayaa dhaliyey sawaxan iyo guux lagu diidanyahay in Riyaale diido in wax su’aal ah la waydiiyo.

Qudbadda Riyaale waxa nuxurkeedu ahaa in aanu ka tanaasuli doonin kordhintii golaha guurtidu u samaysay oo uu ku sheegay inay sharci tahay. waxa kale oo uu ku soo qaaday inaay muhiim tahay in laga guuro siyaasad beellaysan oo la hiigsado dawlada dastuur iyo kala dambeyn leh, xeerna ku dhisan. Waxa kale oo ka hadlay baadidoonka aqoonsiga qaranimo, xoojinta nabadgelyada, fidinta iyo gaadhsiinta maamulka gobolladda, horumarinta awooda dhaqaale, taaba gelinta garsoorka iyo cadaalada. Waxa kale oo si dheer ay qudbadu uga warantay qaybo badan oo bulsha ijtimaaciga ah iyo tan dhaqan/dhaqaale ee Somaliland hiigsanayso.

Inkasta oo arrimaha kor ku xusan oo dhami ay ku jireen qudabadda Riyaale, waxaa la odhan karaa waxaa gundhig u ahaa laba arrimood:

1) Inuu iska rido masuuliyadda dastuuriga ah ee ah in uu sanadkiiba hortago Golaha Wakiiladda.

2) Inuu hor gooyo amaba oo fekerkiisa caddeeyo inta aaany si rasmi ah u furmin wadahadalka laga gelayo muranka hadheeyey siyaasadda Somaliland ee ku salaysan mudo kordhinta guurtidu samaysay.

Hadaba waxaa la isweydiinkaraa, Maxay ka siman yihiin Khudbadii Siyaad Barre jeediyey January 1991 iyo tan uu Riyaale jeediyey April 2008?

Jawaabtu waxa ay noqon kartaa;

B) Labada qudbadoodba waxay ku sifaysanyihiin caalwaa iyo cimri tegey.

T) Labada qudbadood waxay ku sifoobeen “Aniga oo keli ah ayaa wax odhanaya“. Siyaad Barre idaacaddii muqdisho ayuu ka jeediyey hadalka, Riyaalena walow ay horfadhiyeen ku dhowaad 200 oo sharaf iyo karoomoba lihi, waxa uu doortay in uu intuu hadlo albaabka boobo.

J) Waxa labada qudbadood ku calaamadsan in eeda lagu mooso meelo kale. Tusaale ahaan waxa uu Riyaale si toos ah canbaarayn dusha uga saaray deeq bixiyayaashii caalamiga ahaa ee Somaliland uyimi inay wax u taraan. Taas oo si toos ah dhaawac ugu geysatey magaca iyo haybadda wadanka curdinka ah ee Somaliland.

X) Labada hadal (Kan Riyaale iyo ka Siyaad Barre) waxay iskaga mid yihiin xaqiiq iska indho-tir, gef xaga sharciga ah iyo weliba xaaladda dhabta ah ee taagan oo aan hoosba looeegin. Tusaale ahaan Siyaad Barre iyada oo Muqdisho badhkeed gubanayo ayuu waxa uu aad uga hadlay in beeraha la fasho oo wadanka iyo khayraadkiisa la aamino. Dhanka kale, Riyaale maba soo hadal qaadin dhacdooyinkan u danbeeyey ee sababay dhimashadda iyo xasilooni daradda ee soo badanaysa.

Ugu danbayn waxaa ku cad hadalkan u danbeeyey in aan Madaxweyne Riyaale wadadii jujuubka iyo qarda jeexa dastuurka dalka dhinacna uga baydhin. Waxaana haboon in uu kalsooni siiyo wasiiraddii uu u igmaday wadaxajoodka arrimaha taagan, si loo helo xal waara oo lagaga baxo is qabsiga siyaasadeed ee Somaliland hadheeyey.

Omar

Golisnews

This entry was posted in News, Other and tagged , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.